Sign in to follow this
Coofle

Suugaan iyo Sawir

Recommended Posts

said:

530837_337569856290984_113906751990630_8

Allahayoow Cirkoo Dam Ah, Ayaad Dacal Ka Faydaaye

Markaasaa Shamsadu Daalacdaa, Dunidu Nuurtaaye.

Allahoow Dalkoo Oomman, Baad dixo Biyaysaaye

Markaasaa Dugaag Iyo Dadiyo Duunyo Ka Cabbaane.

Allahayoow Cirkoo Diiran Baad, Caad Ku Dadabtaaye

Markaasuu Daruur Culus Helaa, Di'idna Yeeshaaye

Oo Ay Dareemada Dhulkiyo, Dixidu Baacdaaye.

Allahayoow Mid Duunyo Yar, Baad Darajo Siisaaye

Markaasaa La Daba Shaanbiyaa Doobab Iyo Beele.

Alahayoow Mid Daadduumayaad, duni u dhiibtaaye

Markaasuu Ka Diihaal Baxaa Deeqna Hidiyaaye.

Allahayow Mid dawga Dhaafayaad, ku camirtaa diine

Markaasaa Duunuubtuu Iskaga Rogo Uga Danbaysaaye.

Deeqdana Adaa Wada hantee Darajo noo yeele

Allahayoow Kan Loo Dayriyiyo, Hayga Dhigin Daallin

Oo ducada ii qaad sidaan kaa dalbaday CAAWA ........!!!

~Saalax Maxamed

Beautiful description of Allah's many blessings subhannaAllah... This one always makes me coming back, powerful words.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Coofle

@Saxansaxo,,,Subxan Allah, This one brought me back today to this thread to read it again, I should memorize it. ...its not only me, i guess.

Share this post

Link to post
Share on other sites

One bloke once brought his cattle at nightfall. He looked at the sky after he milked them and drank huge amount, getting very dark, thundering and threatening to soak all the world. The man had no life partner as he was parent-less from the beginning, very poor, jobbed cattle rearing for the people and not yet had the muscle to get married. Alone with the herd and a bare-ribbed to sleep on the cow dung, while his friends of the same age already married by their families support. He saw the rain coming, lightening and sounding against him.... he said

Cirka qaw-qaw low qadhqadhay

Qaawanaantayduu arkaye

Ee qudhayda halkeen dhigaa

Kuwii aabaha lahaa

Amaa hooyada lahaa

Aroos yay wada hurdaane

Aroori anaa ku hadhay

..Hidii dii yoo hidii, way hidii dii yoo hidii, way hidii dii yoo hidii.....

Share this post

Link to post
Share on other sites
Coofle

QyBOg.jpg

36. Baribaa dadkuba qaawanaa dibad ku noolaaye

37. Ooy daaqayeen cawska iyo darista geedaha e

38. Dareemada marbay ugu koreen duudka buuraha e

39. Dalanbaabi iyo guuldariyo dooga cunidiida

40. Danbaa galisay inay raadiyaan nolol ka door roone

41. Dugsi iyo markii ay heleen dab i iftiimaaya

42. Duunyadiyo markii ay dhaqdeen bahaladii duurka

43. Ugaadhiyo markii ay dabteen deeradiyo cawsha

44. Beeraha markii ay degeen orodki may dayne

45. Damacbaa hogaanka u qabtoo door labaad raraye

46. Daar iyo markii ay dhisteen aqalo daah wayn leh

47. Markab aan dagayn iyo markii doonyo lagu dhoofay

48. Sabarayn dabaashiyo markii qalab lasii daayay

49. Nin waliba markuu daadsadee kibir la daanshooday

50. Yaa niman dalxiis ugu keceen meel dusheena ahe

51. Sawaariikh dilaantiyo rag baa guudka loo diraye

52. Duhur kaliya bay sii socdeen daala may arage

53. Dayaxay habeenkoo badh tagay degel fadhiisteen

54. Maantana dhulkii sii durugsan baa dirirka muuqdaane

55. Dabagaabahaa lagu socdaa awrka doobta lehe

Durdur, Hadraawi

Share this post

Link to post
Share on other sites
Coofle

ostrich-nest-being-raided-by-lion.jpg

"Gorayadu Ilmaheeda,

Aroori bay dhigtaayoo,

Aboodigu ku laayaa"

Somalia-Bird-Gold.jpg

"Shimbirtuna aroosay,

Ilo-xidhoo amaana bay,

Ubadkeeda seexisaa"

Kala awrran labaduye

edebtiyo aqoontiyo

Asluubtay isku dhaafeen

Caqligii wanaagsani

itaal inuu ka roonyahay

bal eegoo u fiirsada

2013-12-17-madikwe-lions-attack-elephant

"Ilka-waynaw maroodigu,

arradaadu mirtaabuu,

cadawgu ka ugaadhaa"

DSC06629.JPG

"Aboorkuna dundumadaan,

aragnay buu dhistaayuu,

Naftiisa ku ilaaliyaa"

Kala awrran labaduye

edebtiyo aqoontiyo

asluubtay isku dhaafeen

Caqligii wanaagsani

itaal inuu ka roonyahay

bal eegoo, u fiirsada.

~Ereyadii Xasan Sh. Muumin (AUN) heestana waxa ku luuqeeya Hibo nuura

Share this post

Link to post
Share on other sites
Coofle

wRx5OjB.jpg

Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye

Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye

Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye

~Salaan Carrabay

Share this post

Link to post
Share on other sites
Coofle

images?q=tbn:ANd9GcQfwtd3fZXA32di6lfoLOn

- Awal buu qaldamay shaah ninkii, koobabkow qoraye

- In qiyaamo loo sii ceshaa, ma ahan qaynuune

- Qalbiguu wax yeelaa markuu, qaar madow yahaye

- Qarka jooji maandhey hunguri, qaadan bay wada'e

~Nin xaraaro dubatay!.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Coofle

s5Q2y.jpg

Helmiyay oo Helmiyay

oo amaantiis heli waayee

Hoosiisaw Midabkaagu

Ma habeenkiyo waagoo

Kala haayirayaa?

Halgaraadka guntiisiyo

Guudkii buu ka cadaadee

Ma galool ubaxlaa?

~Cali bucul

Share this post

Link to post
Share on other sites
Coofle

xiin finiin

Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone

Xawaariyo kadliyo raaxo iyo, xawlis iyo jeefaq

Xaggii loo eryaba waa gammaan xulashadiisiye

Xubna toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e

Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabane

Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere

Aduu galabta kuu xoolo yahay, Xamarkii dheeraaye

Waa Xiin Finiin neefka aad, xadhigga haysaaye

Xayawaanka oo idil naftey, kala xaroodaane

Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaantay

Xadhiggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.

Xiin finiin by sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Thank you for reminding me to post in this thread..like finding a photo for a piece of gabay (disclaimer:the faras depicted is not xamar by color!)

Share this post

Link to post
Share on other sites

Haweenkii adkaysiga badnaa, hawsha gurigooda

Hadafkuudo waatuu ahaa, haynta ubadkoode

Imikana dir wada hawle oo, haadhayaa jira'e

Hugiskii gurada lagu awdayiyo, heeryadaa maqane

Kuwa madaxa hool-hoolay baa, haatan soo baxaye

Haatif wada sanqanayiyo bir baa lasyku hagayaaye

Hootaaba kuu iman kolkay halaw yidhaahdaane

Markaasaa huteel loo cayimay lagu hoyaadaaye

Hablawayntu waxa laga hagbaday, hoo ninkow tidhiye

Heerinkiyo carmalidaa ku badan, haadda reer yurube

Allaylehe habaar baa ku dhacay, hiririflayntoode

Madheedkoodii laga haadsayoo, hadhaca loo oodye

Hiddihiyo asluubkii wacnaa, haysta laga waaye

Giddigoodba naayaa hambooy, iyo hun weeyaane

Dhan waliba mid aan laga horrayn, dumar hal-doorkooda

Waad heli tu kula haad ah, ood hilib wadaagtaane

Ninkii guurku hoonka u tumoow, xulo halbeegaada

Kaynuun Cisman Cumar,,,,, Gabay:- Halbeeg

Share this post

Link to post
Share on other sites

Adduunyadu waa waraaq

War iyo wax kastaba qortoo

Xogtay kaa warisay baa

Weynuhu kaa abaal marshaa

Ogow weerkii caddaa

Waadaantiyo iilka kulul

Markii wadar iyo waxdiba

Gagada lagu soo waxsharo

Ayaanta wadaadka iyo

Intii walad kheyr qabtaba

Jannooyinka looga Waco

Kolkay warasada jannadu

Kufaarta ku wiirsadaan

Dharaar wacadkii baqara

Jaxiima la wayraxdee

Wadiiqada naarta iyo

Waadiga jahanama la shido

Markay gaaladu warraaq

Weheeyda ku booyayaan

Ogow warra'aa ku dhacay

Horay u qabeen warkee

Adduun lama waarayee

Eebaha wacdigiisa iyo

Wasaayada diinta raaca

Kaynuun Cismaan ,,,,, Maanso:- Waano

Share this post

Link to post
Share on other sites

Sannad waliba kuwa sii qaxee, qaaradaha buuxshay

Qorba jooga waxa noogu wacan, waa qorshe la'aane

Qaxarkeennii waakaa ku fiday, qaaligaa yurube

Qolqolada galbeedkoo dhan baan, quud ka guranaaye

Arrinteenu waa qaash iyo mayaash, qaabadeediiye

Qasaaraha adduunkaan u nahay, qoomamkaa kale,e

Sida filinka lays qoomayay, nagu qoslaayaane

Afrikana in baa lagu qalqalay, oo la quudhsadaye

Qatligooda waxa iiga daran, qiimo li'idaase

Qufac iyo waxay igu dileen, qoomamiyo ciille

Dhallinteenna qaaliga ah ee, lagu qamaaraayo

Qalbigii damiir lihi runtii, waa qajilayaaye

,,,,,Kaynuun Cismaan ,,,, Gabay:- waano qaadan maysaan

Share this post

Link to post
Share on other sites

Waa laac adduunyadu ninkii ,laab leh baa garane

Labadii ku kulantaba mudday, ladantu haysaaye

Waxay laamadoodaan sidii, lulanta geedaha'e

Libiqsiguna waa uu mac yahay, leedda fuulka'iye

Lootada mar bay kugu dhigtaa, laydhu soo celine

Layaab ma leh adoo yara ladnaa, inay ku laashaaye

Nin labeen ku dhaashtow rag baa, leefay dacartiiye

Libaanteeda aakhiro ayaan, laasanayn abide

Kaynuu Cismaan.,,,,,,, Gabay:- Lahashada ka gaar noqo

Share this post

Link to post
Share on other sites

Halkaan naawilaayee

Qalbigaygu nagiyahay

Naftaydaa u heelane

Niyadaydu waa meel

Waxa jira mid nacasoo

Ku naxuusinaayee

Yaanu nacabka kuu jabin

Waxba yuu naruuriyo

Uu nasteexo kuu galin

Nuxurkeedu wuxu yahay

Naftaneey ka diga rogo

Saaxiib an kuu nixin

Nabarrada an kaa dhayin

Naxariisna kuu galin

Kaynuun Cisman,,,,,

.....True friends are rarely found...

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this