Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Minister of Security visits Oman

Recommended Posts

Wasiirka Wasaarada Amniga iyo DDR Dowlada Puntland Gen Khaliif iyo Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Dowlada Puntland Abwan oo La Kulmay Jaaliyada Puntland Ee Dalka Oman.

 

Wasiirka Oo Dhawaahana Ku Sugnaa Dalka Saldanada Oman oo uu Ku Yimi Booqasho Rasmi Ah oo Ay Dowlada Oman u Fidisay Tan Puntland Si Ay Uga Wada hadlaan Xiriirka labada Dowladadood.

 

Wasiirka Oo horay ugu Sugnaa Caasumada Dalkan Ee Muscat Ayaa Safar Booqasho Ku Yimi Magaalada Ay U Badanyihiin Bulashada Reer Puntland Ee Salalah Taas oo Si Wayn Ay Ugu Soo Dhaweeyen bulshada Magaalada Salalah Degan .

 

Hadaba Is waraysi Iyo Casho Sharafeed Ay u Samaysay Jaaliyadu Kadib Waxaa halkaas Magarafoonka lagu Soo Dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliyeed iyo Tan Puntlandba Ahna Wakiilka Safaarada SOmaliyeed Ee Gobolada Koonfureed Ee Dalkan Oman.

 

Gudoomiyaha Ayaa uga Xog Waramay Nolashan Jaaliyada Ee Wadankana Degaan Ahaan iyo Ganacsi Ahaan Wuxuuna Ku Amaanay Bulashada halkan Ku Nool Isku Xirnaanta iyo Walaalnimada Joogtada Ah Ee ka Dhaxaysa Muwaadiniinta SOmaliyeed iyo Kuwa Martida Loo Yahay Ee Oman.

 

Gudoomiyuhu Wuxuu Ku Timaamay Jaaliyada Ku Nool halkan Inay Sadex U Qaybsamaan oo Kala Ah Muwaadiniin Somali Asalkoodu Yahay Hadase Dhalashada iyo Dhaqankaba Leh Kuwa Dalkan . Kuwo Cumaaniyiin Ah oo Ku Dhashay Dalkii Hadana Somali Wax La Wadaaga iyo Dadka Sharciyada kuleh .

 

Gudoomiyuhu Wuxuu Wasiirka Ugu Dhiibay Fariin Madaxwayanaha Dowlada Puntland Dr Cabdurahmaan mohamed Mahamud Faroole . Kuxigeenkiisa , Wasiirada iyo DHamaan Bulasha Waynta Puntland Wuxuuu Faray Inay Wadaan Horamarka Lixaadleh Ee Dalkeena ka Socda Dhawraana Nabada .

 

Wuxuuna Ugu Danbayn Kula Dardarmaay Inay Dowlada Puntland Culays Badan Saarto Inan La Yeelano Dalkan Xiriir Ganacsi oo Muhiim inoo Ah Madaama Hantideena Ay Dhamaanba Halkan Taalo Wuxuuna Kusoo Dhaweeyey WaSiirka Wasaarada Amniga Dowlada Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan .

 

ugu Horayn Wasiirku Wuxuuu uga Mahad Celiyey Jaaliyada Puntalnd Ee Dalkan Isku Xirnaanta Iyo Wanaaga Kalgacal Ee Wajiyadooda ka Muuqda Wuxuuuna Uga Mahadceliyey Casho Sharaftan Qiimaha Leh Wuxuuna uga Makhraati Kacay Sida Ay Goor Walbaba Madaxdooda usoo Dhaweeyan Bulashada Ku Nool Dalkan Gaar AhaanGobolada Konfureed Ayna Salaalah Ka Mid Tahay.

 

Wasiirka Wuxuu u Sheegay Bulashada Dalkan Inoo Uga Wado Salaan Qaali Ah Madaxwaynaha Dowlada Puntland iyo Golayaashiisa Wuxuuna Ugu Celiyey Inay Dowlada Ka Warhayso Umadeeda Goobkasta Oo Caalamka Ah.

Wasiirka Oo Mawduuca Horay u Galay Wuxuu uga Warbixiyey Jaaliyada Safarkiisa Dalkan Wuxuuna Kusoo Koobay inay Muhiimada Kowaad Ay u yimaadeen Ay Tahay Xaalad Amniga uguna Horayso Dhinaca Burcad Badeeda Wuxuuna uga Farxiyey Jaaliyada inay Maqli Doonaan Dhawaan Guulo Muhiim Ah oo Ay ka Gaari Doonaan La Dagaalankeeda

 

Wasiirka Wuxuu uga Warbixiyey Jaaliyada Howshii Wadanka Wuxuuna Ugu Hanbalyey Dastuurka Cusub oo Markii horaysay Bulashada Puntland Ay Yeelatay Dastuur Rasmi Ah . Wuxuu Uga Waramay Xaalada Amni iyo Mida Dhaqaale Ee Dalkeenii Hooyo . Wuxuuna Ugu Hanbleyey Inaan Cidna Joogi Doonin halkan oo Dhawaan lasoo Gabagabayn Doono

howshii Shidaal Qodida Ceelka Shabeel 1 oo howshiisa Socotay Dhawaanahan .

 

Ugu Danbayntii Wuxuu ugu Dardaarmay Bulashada Inay is Nabad Galiyaan Ayna Nabad Galiyaan Dadka Ay la noolyihiin dowladuna Baratay Dalkan Oman Kuna Soo Noqnoqnayso .

 

Intaas Dabadeed Waxaa Magarafoonka lagu Soo Wareejiyey Wasiirkii Hore ee Ganacsiga Puntland Cabsi Samad Yusuf Mohamed Abwan . oo Bulashada uga Farxiyey Guulo Muhiim Ah oo laga Gaaray Hormarka Ganacsi iyo Mida Amni Ee Dalkii wuxuuna kula kaftamay Jaaliyada In La Gaaray Wakhtigii Xisbiyada Dadkuna Ay Dimuqraadiyad wax Ku Dooran Doonaa Cida Ay Rabaan iyagana La Dooran Doono Loona Baahanyahay In Dalka Lagu Soo Noqdo Waxna La Qabsado .

 

Ugu Danbayn Ganacsatadii Halkaas Kawada hadashay iyo Madaxdii Dowlada ayaa isku afgartay Isku Doonbi iyo Hormar in Lagu Soo Gabgabeeyo Howl Walba oo ina Hortaagan Gacmahana la is Qabsado .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Rudy, Faroole enters like a President not Through back-gates like a beggar

img_8053-1024x682.jpg

 

The feared cabinet

Image1.jpg

mahiga-iyo-faroole1.jpg?w=540&h=340

 

A diaspora waiting for one MAN

IMG_0380.JPG

 

A paprazi for a president

img_8077.jpg

 

GIVEEEEEEEEEEEEE UP RUDY PUNTLAND WA DAWLAD

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this