Sign in to follow this  
Nur

Macaanka iimaanka

Recommended Posts

Nur   

Nomads

 

Ramadaan waa naga tagay, asagoo weli quluubteenna ku xambaarsan xasuus macaan, habeenahii aan Rabbigeenna naxariistiisa iyo dambi dhaafkiisa raadineyney, iyo maalmihiisii daacadda loo wada baratamayay.

 

Hadda waxaa na soo food hayaa Dhul Xijjah, iyo tobankii habeen ee Layaalin Cashr, oo ugu kheir badnaa sanadkoo dhan.

 

Intaan ka gaadhi doonno ( Bus Stop) kaas, waxaa loo baahan yahay in lagu dadaalo in dabkii Ramadaanka no shidmay oo quluubta nuuriyey inussan damin, sidaa darteed, aan ku wada dadaallo sidii aan u dhandgansan leheyn macaanka iimaank oo laga helo xasuusta Allah iyo daacaddiisa oo qura.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Nomad

 

Waxaan mareynaa saman Xaqii loo arkay baatil, cadowna loo arkay saaxib. Runtii loo arkay been, beentiina la rumeeyay, dadkiina la lunshay lana indho tiray. Sidaad ogtihiin waxaa wax lagu arkaa quluubta ku jirta laabteenna, taasoo haddey indho beesho,la hubo inaan lumeyno. (.... Fa innahaa laa tacmil absaar, walaakin tacmil quluub allatii fissuduurQuraan.

 

Hadaba, waxaan is xasuusineynaa in aan hadwalba dhandhansanno macaanka iimaanka, si aan uga dhaxallo, ku sabarka dariiqa toosan, iyo ka sabirka dariiqyada faraha badan ee Allah naga reebay.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

eNuri Softwaano Series

 

 

Mexey jeclaayeen?

 

 

Nabigeenna Muxammad SAWS ayaa asagoo maalin la fadhiya asxaabtiisa wareystay qof walba wuxuu adduunka ugu jecel yahay:

 

 

Abu Bakar wuxuu yidhi asagoo la hadlaya Rasuulka SAW.

 

1. Inaan ku hor fadhiisto

2. Maalkeygana aan adiga kugu bixiyo

3. Wajigaagana daawado.

 

 

Cumar Ibnul Khattab:

 

1. Wanaagga inaan dadka faro, sir ba ha ahaatee

2. Xumahana inaan reebo, jahriba ha ahaatee

3. Xaqana inaan sheego, haba qaraaraadee.

 

 

Cuthmaan Ibnu Caffaan:

 

1. Cunnada masaakiinta la siiyo

2. Nabadda oo la fidiyo

3. Salaadda habeenkii, dadkoo jiifa

 

 

Cali Ibnu Abi Taleb:

 

 

1. Marti Soorka

2. Soonka jiilaalka

3. Cadowga oo oo seefta lagu dhufto

 

 

 

Abu Dharr Al Ghafaari:

 

1. Baahida si qalbigeyga u jilco

2. Cudurka Si uu danbigeyga u yaraado

3. Geerida si aan Rabbigeyga ula kulmo

 

Markaasuu Nabigeenna SAWS yidhi:

 

Anugu waxaan dunidiinna ugu jeclahay:

 

1. Cadarka

2. Haweenkeyga

3. Waxaanan waxlba ugu jeclahay Salaadda

 

 

Markaasuu Jibriil AS soo degay asagoo leh:

 

Anuguna waxaan ugu jeclahay dunidiinna seddex:

 

1. Farriinta Alle oo dadka la gaadhsiiyo

2. Amaanada oo ciddii leheyd loo celiyo/xafido

3. Jeceylka Masaakiinta

 

Markassu jibril cirka u sare kacay, haddana soo degay asagoo leh:

 

"Allah ayaa idin soo salaamaya, wuxuuna leeyahay:

 

Adduunkiinna Allah wuxuu u jecel yahay seddex:

 

1. Carrab Xasuus badan ( Dhikriga Allah)

2. Qalbi khushuuc badan ( oo Allah isu dhiibay)

3. Iyo (Kor / body) u dulqaadasho badan dhibka / kadeeka.

 

 

Nur

 

 

2010 eNuri Softwaano Series

Kuwa iga da' yar, waa iga dambi yar yihiin

Kuwa iga da' weynna, waa iga ajar badan yihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads

 

Nolosha dunidu wey howl badan tahay, haddaannan is daba qabanna, xasanaaat badan ayaan waqti u weynaa, xasanaatkuna wexey naga gaashaamaan dhibaatooyinka, sidaa darteed mar walboon dhibaato la kulanno, waa inaan is weydiinnaa, maxaan illownay? jawaabtu wexey u badan tahay iney annaga nagu soo laabato, inaan illownay xasanaat aan sameyn jirnay, taasina ay noo keentay in Allah uu doonayo inaan soo laabanno, xasanaatkii aan sameyn jirnayna aan waqti u helno.

 

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

runti thread yada noocaan ah ayaa comment muta ,inta been iyo reer hebal laysku caayayo waxaa ka fiican inaan ka fakarno sideen iimaankeena ku dhisanaa

qoraaga waad ku mahadsantahay soo celinta thread kan . wajagaakallaahu kheyr .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nabad_dadaye

 

Nabad waxaa lagaa daydayaa Allah agtiisa, Allah nabad adduun iyo Nabad Aakhiro noo kulmiyo, Amin.

 

Jannada magaceeda waa Daarta Nabadda ( Dar ul Salaam) ( House Of Peace).

 

Waxaa gala, kuwa aan iimaankooda ku qarinin Shirki.

 

Allaha kuwaas naga yeelo.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this