Sign in to follow this  
Mukulaalow

Khaatumo oo ku gacanseyrtay wadahadalka SL Somalia.

Recommended Posts

Khaatumo oo dhaliishay Guddiyada loo magacaabay wadahadalka DFKMG iyo Soomaaliland

 

khaatumoJaraaiid-640x334.jpg

 

 

Xubno ka socda maamulka Khaatumo ayaa shir jaraa’iid oo ay ku qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku cambaareeyey guddiyada dhawaan ay magacaabeen Dowlada Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland ee shaaciyey in wadahadal dhexmari doono.

 

Xubnaha shirka jaraa’iid ku qabtay magaalada Nairobi ee ka socda Khaatumo ayaa waxaa kamid ahaa madaxda maamulkaas, issimo iyo aqoonyahano uu kamid yahay Cali Khaliif Galeydh.

 

Cali Khaliif oo asagu halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay magacowday Guddi la hadla Soomaaliland oo ka kooban Wasiiro, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay Labo xubnood soo magacaabi doonto guddigaasi Dowlada Puntland. Wuxuuna sheegay in Khaatumo aan arrimaha wax wadatashi ah lagala sameyn.

 

Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay in Somaliland dhankooda xubno asal ahaan kasoo jeeda Khaatumo ay usoo magacaabeen guddigooda balse aysan matelikarin shacabka ku dhaqan gobalada ay ku abtirsadaan.

 

Xubnaha shirka jaraa’iid ku qabtay maanta Nairobi ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in dadka dhibaatooyinka ugu waaweyn ee midnimada Soomaaliya kasoo gaartay ee Khaatumo aan wadahadalka qeyb laga siin, ayagoo sheegay inaysan qaadan doonin waxa kasoo baxa wadahadaladaasi ay shaaciyeen DFKMG iyo Soomaaliland.

 

Dhawaaqa kasoo yeeray dhanka Khaatumo ayaa kusoo beegmaya xili ay DFKMG iyo Somaliland shaaciyeen guddiyo ay u magacaabeen wadahadalka labada dhinac dhexmari doona, waxaana ayaduna meesha ka marnayn in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed uu horey u sheegay inay soo dhaweenayaan maamulka laga dhisay gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Khaatumo.

 

Dhaliisha hada ka timid dhanka Khaatumo ee ku socota DFKMG ayaan la aqoon sida ay uga jawaabi doonto xukuumada fadhigeedu yahay magaalada Xamar iyo in Khaatumo qeyb laga siin doono guddiga wadahadalka Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

they won't listen to PL, SL, and now the TFG. well, i can't believe i'm saying this, good for you. don't tell push you without being compensated. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

khatumo-state.jpg

 

 

Wasaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumada Khaatumo State oo Ka Hadashay Mowqifkeeda Rasmiga Ah Ku Aadan Wada Hadalka Somalia Iyo Maamul Goboleedka La Baxay Somaliland

 

 

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maamulka Khaatumo State Of somalia ka hadashay Mowqifkeeda ku aadan Wada hadalka Dhex mari Doona Dowlada Somaliya ee Maamul Goboleedka Somaliland,

 

 

 

warqad22.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

Caasimada Mogadishu:

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Ka Hadlay Wada Hadalada Dowlada Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xukuumada Khaatumo State Oo Jawaab Ka Bixisay Arrimaha Wada Hadalka Dowlada Federaalka Iyo Maamul-Goboleedka Somaliland

Lasanod Online. Sunday, April 15, 2012

 

 

 

 

Nairobi,(lasanod Online)- Kulan saxaafada loogu talagay oo maanta hoteelka Hilton ee magaalada Nairobi ay si wada jir ah ugu qabteen Golayaasha Xukuumada Khaatumo ee ku sugan magaalada Nairobi, ayey ku si kulul ugu dhaliileen arimaha dastuur u masaynta soomaaliya iyo wada hadalka dawlada kmg ah Soomaaliya iyo maamulka waqooyiga.

 

ugu horaynti madaxwayne C/nuur Cilmi Qaaje ayaa ayaa tilmaamay in wada hadalka soomaaliya iyo maamulka waqooyi uu yahay mid lagu majare habaabinayo umadad soomaaliyeed, dadka loo xulayna ay yihiin shakhsiyaad aan meteli karin shacabka soomaaliyeed. waxa uu dowlada mkg ah ka dalbaday inay ka fiirisato arintaa wada hadalka Soomaaliya iyo maamul ka mid ah mamulada Soomaaliya ka jira aan lagu maslixi karin dano gaara, iyadoo madaxa loo salaaxayo dad denbi ka galay qarankii Soomaaliyeed. isagoo intaas sii raaciyey in shacab khaatumo aanay jirin dad meteli kara oo aan ka ahayn maamulka Khaatumo.

 

Ugaas C/laahi Ciise Nuur ayaa ka digay dad sheegaaya inay ka soo jeedaan deegaanada khaatumo oo horgalo u ah maamulka Farole, sheegaaya inay inay dastuur ka ansixinayaan Garoowe waxaana uu sheegay ugaaasku in dhaamaan isimada deegaanaas ay 4bilood ka hor si buuxa kalsoonidii ugala laabteen maamulka Faroole, dhisteena maamul la siman maamulada kale.

 

Dr.Cali Khaliif Galaydh ayaa ayaa tilmaay dadka loo xulayo inay ansixiyaan dastuurka dalka soomaaliya dhaamaan soomaalidu ka tashato, dadka uga qayb gelaya khaatumana ay soo xuli doonaan isimada iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliya. Dr.Galaydh ayaa hoosta ka xariiqay inay dhamaatay xiligii dad horgalayaale ay ku hadli jireen magaca shacab khaatumo.

 

Cali Khaliif Galaydh ayaa labada nin ee Faroole kusoo darsaday wada hadalka dawlada kmg ah iyo maamulka waqooyi u sheegay arrin meel ka dhac ku ah shacab Soomaaliyeed. "haduu isleeyahay Faroole nin kasoo jeeda degaanada khaatumo ayaa lagugu tixgelinayaa ay arintaasi tahay riyo maalin cad ah" ayuu yiri Galaydh.

 

 

 

Diini C/laahi Maxamed {xiddig}

 

Lasanod Online. Nairobi, Kenya

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

 

 

DSC08483.jpg

DSC08481.jpg

DSC08477.jpg

DSC08472.jpg

DSC08471.jpg

 

 

DSC08470.jpg

DSC08807.jpg

DSC08810.jpg

DSC08460.jpg

DSC08827.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hustler   

If you look at evey mamul gobaled inculuding the tfg are all located within their state, while khatumo spends their time in hotels in nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Hustler;819328 wrote:
If you look at evey mamul gobaled inculuding the tfg are all located within their state, while khatumo spends their time in hotels in nairobi

I understand why you, as a Clan-Secessionist oppose Khaatumo State, But you don't have to lie, the fact is Khaatumo State of Somalia is located within their State and Region. Khaatumo State spends most of the time in Capital Taleex, like other states, Khaatumo sends delegations to foreign countries and capitals like Nairobi, Addis Ababa, Djibouti, London, Cairo, New York, etc

 

KHaatumo State Of SOmalia controls 70% of their Khaatumo/SSC Region. Khaatumo State rules most Khaatumo towns like Capital City Taleex, Buuhoodle, Xudun, Booceme, Widhwidh, Tukaraq, Kalabaydh, Saaxdheer, Dharkeyn, Xalin, Gambadhe, Holhol, Dhummay, Xidhxidh, Buura Wadal, Qoriley, Karin etc

Share this post


Link to post
Share on other sites

press conferences in naoribi, antarctica and santa's village. No one left in las canod and buhoodle. Its the holiday non-entity government of the narnian kingdom of khatumo. continue your nairobi press conferences. they mean nothing. :D

 

The game is up....ahmed kaarash we driving around las canod in your car. haha

Share this post


Link to post
Share on other sites

It depends on the what talk is about, if its about the political issue and the secession ideals of SL, then Khaatumo has a less of a relevance in these talks but if its about the peace of the region then they have a stake and should be invited - testimony to this was the war raging in Sool-joogda, Togdheer and parts of SOOL region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qandalawi;819567 wrote:
.. if its about the political issue and the secession ideals of SL, then Khaatumo has a less of a relevance in these talks

but what about PL, it has its members in the delegation, what does a SL secession got to do with PL?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Puntland delegates that will take part in these talks are representing Somalia as part of the TFG delegation. Puntland is not acting on its own but as part of a team. A federal state and the TFG is federal thus it can seek advice from the federal state and may ask to include its delegation political members of the federal state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this