Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

delegation representing Somaliland for the Airspace talks with Somalia off to Turkey

 

font size decrease font size increase font size Print Email

Rate this item1 2 3 4 5 (0 votes)

HARGEISA-Members of Somaliland Committee representing the country on the forthcoming airspace control and management talks with the Somali counterpart left for Turkey on Saturday after having departed from Egal airport. Turkey is hosting the meeting which is expected to form the committee that jointly manages the airspace. Somaliland and Somalia agreed in Turkey talks that the two countries will form committee intended to manage the airspace and share the wealth on equal basis. One of the agreements reached in Turkey stipulated that once the two sides reach an agreement that the UN will smoothly hand over the authorities.

 

Two representatives from Somaliland and who will be part of technical committee that will formulate the agreement accompanied by Somaliland Minister of Aviation flew to Turkey as confirmed by spokesperson for the Ministry of Aviation.

 

Details are sketchy over the delegation that left for Turkey and did not specify the date that the representative of Somaliland will meet with their Somali counterparts at the talks which Turkey is hosting.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland oo ku heshiiyay Qodobbo dhowr ah

 

 

Axad, December 21, 2014 (HOL) — Wadahadalladii gellinkii dambe ee shalay ku dhex-maray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed.

 

Madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland ayaa kulankoodii shalay ee ahaa hordhaca waxay isku garteen qodobbo dhowr ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin; In dib loo billaabo wadahadalkii u dhaxeeya labada dhinac 15-ka illaa 16-ka bisha Janaayo ee sanadka nagu soo aaddan ee 2015-ka, kaasoo ay labada mas’uul ku heshiiyeen in lagu qabtay qabto magaalada Istanbul ee Turkiga.

 

Sidoo kale, heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa in wadahadalladaas intooda badan looga hadlo arrimaha siyaasadda, lana fuliyo qodobbadii horay ay ugu heshiiyeen Somalia iyo Somaliland, isla markaana laga joojiyo wax walba oo caqabad ku noqon kara wadahadalkii u socday.

 

Qodobbada heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah; inaan deeqaha ka yimaada beesha caalamka ee bani’aadanimada ah iyo mashaariicda kale ee uu dib u dhisku ka mid yahay la siyaasadeyn, lana dhiiri-geliyo.

 

Waxaa kaloo heshiiska ka mid ah; In la fuliyo heshiiskii dhinaca hawada ee horay loogu heshiiyay, isla markaana la sameeyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeyn lahaa. Waxaa kaloo qodobbada ka mid ah in labada dhinac ay isla-gartaan in wadahadallada laga qayb-geliyo dalalka saaxiibka ay yihiin.

 

Dhanka kale, qodobbada ayaa waxaa ku jiray in labada dhinac ay iska garabsadaan sidii ay uga hor-tegi lahaayeen argagaxisada, burcadbadeedda iyo dambiyada abaabulan, si labada dhinac ay u adkeeyaan ammaankooda.

 

War-saxaafadeedkan oo laga soo saaray madaxtooyada Jabuuti ayaa yimid kaddib markii madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu u fidiyay casuumaad Xasan Sh. Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo su uu u wada-hadalsiiyo, maadaama wadahadalladii labada dhinac u dhaxeeyay uu hakad ku yimid.

 

Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa wuxuu noqonaya kii labaad oo labadan mas’uul Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo dhexmara, iyadoo la xusuusto in sannadkii hore ay ku kulmeen dalka Turkiga, markaasoo ay labada dhinac u socdeen wadahadallada hakadka galay.

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Dec/wararka_maanta21-89439.htm#sthash.Z92JOOxG.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

In Feb Qodobada Masiiriga will be discussed and thats where the talks will fail in Turkey 2015 talks will be very interesting watch here. So far the airspace issue has been resolved and ofcourse The Djibouti government can join the talks if needed but the most important bad will be the February talks in Turkey

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdi Cawar already starts Crying wonderful..

 

Puntland oo Walwal ka Muujisay Qaar ka mid ah Qodobadii Heshiiskii Jabuuti

 

 

Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay heshiiskii ay Jabuuti ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Somaliland ayaa sheegay in qaar ka mid ah qodobbada heshiiskaas ay Puntland ahaan ka qabaan walaac aad u xooggan.

 

Mudane Gaas uu soo dhaweeyay heshiiska iyo wadahadallada dhex-maray labada dhinac ayaa dhanka kale muujiyay walwalka ay ka qabaan qodobka heshiiska dhinaca hawada iyo arrinta ku saabsan masiirka.

 

Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay inay iyagu markii hore qayb ka ahaayeen heshiiska maamulka hawada, balse ay layaab ku noqotay in dowladda Somalia iyo Somaliland ay keligood isku koobeen arrinta ku saabsan hawada Soomaaliya.

 

“Qodobka ku saabsan wadaagga maamulka hawada Soomaaliya, Puntland haddaan nahay dacwad ayaan ka qabnaa, barnaamijkan hawada markiisii horeba aniga ayaa billaabay xilligii aan ahaa wasiirka qorsheynta dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya sannadkii 2011-kii. heshiis saddex geesood ah ayuuna ahaa, kaasoo ay kuwada jireen; Puntland, dowladda federaalka iyo Somaliland, balse waxaad mooddaa in hadda ay Somalia iyo Somaliland oo keliya isku koobayaan,” ayuu yiri Gaas.

 

Isagoo sii hadlaya ayuuna intaas raaciyay. “Arrintan walwal weyn ayaanu ka qabnaa, waana fikir qaldan oo aan shaqeynayn, haddii magaalada Hargeysa loo wareejiyana waxaan imaanaysa xilligii ay Puntland ka baxday heshiiskan in la sheego. Muqdisho waa caasimadii Soomaaliya halkaas haloo wareejiyo ama Garoowe hala keeno ayaan ku talinaynaa.”

 

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in marka laga hadlayo masiirka arrimaha Somalia aanay ku koobnaan dowladda Somalia iyo sidoo kale Somaliland, balse loo baahan yahay in Puntland-na ay qayb ka noqoto.

 

“Masiirka marka laga hadlayo ma jirto cid gaar ah oo Soomaaliya iska leh, Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo keligoodna kama hadli karaan, waayo masiirka dalka waa mid Soomaalida oo dhan khuseeya mana ogolaanayno in cid gaar ah ay arrintaas siday doonto iska yeesho. Puntland xuduudaheedu waxay gaarayaan Sool, Sanaag iyo Ceyn, marka waxaa loo baahan yahay in Soomaali oo dhan laga talo-geliyo arrinta masiirka,” ayuu yiri C/wali Gaas ku daray hadalkiisa.

 

Si kasta ha ahaatee, madaxweynaha dowladda Somalia iyo madaxweynaha Somaliland ayaa shir ay Sabtidii ku yeesheen Jabuuti waxay maalintii xigtay kasoo saareen war-murtiyeed ay iskula garteen shirkoodii, kaasoo lix qodob ka koobanaa, ayna ka mid ahaayeen labadan arrimoood ee Puntland ay ka muujisay walaaca xooggan.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

- See more at:

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen kumannaan shacab ah ayaa ugu horreyn si kooban uga hadlay taariikhda xornimadda Soomaaliya iyo sidii looga adkaaday isticmaarkii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay mudan tahay in qofkasta oo Soomaali ah uu is waydiiyo 58 sano keddib in aan gaarnay himiladii ay lahaayeen Soomaalidii gobannimo doonka ahayd.

Mar uu ka hadlayay wada hadalladii hakadka galay ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayuu yiri; "Soomaaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan oo na kala qaybiyay ayaan soo marnay. Dowladdan waxa ay diyaar u tahay in ay wada hadalladii soo celiso, si kasta oo aan kalsooni ku galin karnana aan ku galinno, maxaa yeelay waa walaalaheen, waana gacan iyo garab naga maqan."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka soo noqnoqday ee degaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya aysan u baahnayn in colaad iyo dhiig dambe lagu daadiyo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowladda isaga oo yiri "Maanta waxaad heystaan dowlad uu aduunku u arko in ay tahay dowlad wanaagsan, dowlad sharafkiinna iyo sumcaddiinna ilaalineysa oo idiin keeneysa magac wanaagsan. Waxaa la doonayaa in aad gacan siisaan, lana shaqeysaan dowladdiina."

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta ubax dhigay Taalladda Dajirka Dahsoon oo ka mid meelaha taariikhiga ah ee lagu xasuusto dadkii usoo halgamay xornimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dhakhaatiir iyo dhallinyaro mutadawiciin ah, oo gargaar degdeg ah u fidinayay shacabka danyarta ah, si uu ugu dhiirrigeliyo hawlaha samafalka ah ee ay u fidinayaan shacabkooda.

Munaasabadda 1-da Luuliyo ee lagu qabtay Garoonka Banaadir waxaa ka qeyb galay Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow, wafdi ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, safiirada dowladaha Turkiga, Qatar, Shiinaha iyo Imaaraadka, xubno ka socday Midowga Afrika, Ciidamada qalabka sida iyo kumannaan shacab ah.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Somaliland Somalia talks started  2012 they collapsed in 2015  under hsm. Now lets see what  farmaajo can do. How is he gonna sell that xamar is good for Somaliland keep in mind Somalia celebrated 58 years independence. Kowda luuliyio is a day koonfurians celebrate  their independence day and the unity of Somaliland and Somalia Atleast during siyad Barre reign it was always refereed as maalinti midnimada. Siyaad barre when ir was koowda luuliyio he preached ethno nationalism and maalinti midnimada.

So  58 years later Somalia still under the Ugandan protectorate shabaab still roaming big swats  of land in Somalia.  Dadaab refugee camp. Things are not looking good for Somalia  the Turkish hand is a bit positive.and maybe farmaajo cut down corruption.  Somaliland is under a strong SNM mujahid who is well principled sharp and a straight shooter. Let see.

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 minute ago, maakhiri1 said:

So what are the plans? no more talks!

Somaliland foreign minister has to make a statement. Ina biixi is headed to ceelafweyn to make peace between the warring brotherly clans. He and baashe Somaliland speaker of parliament and  selebaan cali koore might also visit tukaraq

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks for the update and keep us posted.

South has far more piriority issue like eliminating the evil group, I believe once that is sorted, a favorable deal offerred to Sl, they will be happy to join again.

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Maamulka hargaysa ma qabo aragtidayda in wakhti iyo wada hadal aan natiijo lahayn lagu lumiyo.

Markay wada hadal maqlaan waa markay lafo cusub dhulka ka soo saaraan, mana qoraan walaalaan nahay iyo garab naga siibtay baad tihiin, ajandshooduna mid soomaali shaqo ku leedahay ma'ahan

Soomaalida sida lagu yaqaan waa dad  is cafiya oo qalbi fiican cid kastaana way garan kartaa sababta nabarkaas yar daawada loogu waayay inaysan ahayn wax soomaalida ka yimid.

Madaxda koonfurta soo martay waa kala duwaanayeen kuwii kan ka horeeyay ma ogolayn in magaca hargaysa lasoo qaado macaan iyo kharaar midna lagama faa'iidin

Markii wax laysku qabto yaa xal la raadiyaa haddaan waxba laysku haysan casho hoteel laga cuno wada hadal ma'ahan waa kulan casho, haddaad doonto casho sharaf ugu yeer.

Qabiil dhul ma yeelan karo hadduu yeeshana waxaa lumaya amniga qowmiyadoo dhan wadankoo dhana sidaasuu ku lumayaa jufo walba goonideeda bay u xaraashi intay degto sida dayrtii dhawayd la arkay.

Waxaa laga wada hadlaa arimo kale dib u heshiisiin siyaasad, dastuur cusub, biyo gelinta meesha ku haboon iwm

Dhul wada hadal ma galo sidiisaba waa prohibited.

Farmaajo waxaa u fiican inuu kala saaro calool jileec iyo xaqqa qaanuunku siiyay 1960'kii kowdii juulaay oo ahaa in waqooyiga iyo koonfurtu dal qudha yihiin calankoodana aduunka kale lagu dhex daro.

Intaan cashadu bislaana ha u sheego in waxa laga wada hadlayo aysan ku jirin kalmadda "dhul" goosahaduna dambi weyn tahay oo cawaaqibkeeda aan lagasoo kaban karin.

Markaas ka dib waxaa ka dhacaya culays wakhti badan ku lumi lahaa ayadoo ay horyaalaan arimo aad u fara badan oo ay ka mid tahay meekhaanka caasimadda iyo beesha sheegatay sidii gobol kale loogu heli lahaa,  loona heli lahaa caasimad soomaaliyeed oo lawada leeyahay.

Amni, dastuur,  maxkamad sare, lacag cusub oo daallarka bedesha, manhajka wax barashada, fahamsiinta shacabka federaal qabiiligga, iyo xudduudaha gobolada, waa shaqooyin aad u culus runtiina shaqo sahlan ma'ahan mid wakhti lumis ahna suubis loogama dhigi jaro.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.