Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Carafaat   

Liiska Siyaasiyiinta Asaastay Gole Siyaasadeedka Cusub Ee La Magac Baxay Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka

Writen by Qaran News | Published: Jul 10th, 2013 at 11:05 AM

Liiska Siyaasiyiinta Asaastay Gole siyaasadeedka cusub ee la magac baxay Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka

Hargeisa-(Qaran-news)-Golaha wadatashiga iyo toosinta *qaranka *oo ah Gole siyaasadeedka cusub oo Madax banaan ayaa saaka laga dhawaaqey magaalada Hargeysa,Golahan ayaa waxaa isku bahaystay ama ka dhex muuqda qaar ka mid ah* Haldoorka iyo siyaasiyiinta ugu miisanka culculus mucaaridka Somaliland.

Xubnaha asaasey Golahan ayaa waxa ka mid ah:-

Xasan Ciise Jaamac—Gudoomiyaha ururka Xaqsoor

Faysal cali waraabe—Gudoomiyaha xisbiga UCID

Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhaga weyne

Maxamed Xaashi Cilmi

Xildhibaan *yuusuf Cali Koore

Prof. Siciid Cabdi Caamir

Axmed Maxamed

Maxamed Cismaan Yuusuf Isxal

Jaamac Xaashi Maxamuud

Cali maxamuud Xasan

Axmed Ibraahim Xaaji xasan

Iyo Xubno kale oo doora oo ay ku jiraan Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Xubno kale oo dalka Meeqam iyo maamuusba ku leh.

Qarannews

Hargeis.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Gole Siyaasadeed Cusub Oo Ay Ka Dhex Muuqdaan Siyaasiyiinta Ugu Miisanka Culus Mucaaridka S/Land Oo Lagu Dhawaaqey Iyo War-Saxaafeed Ay Kaga Hadleen Xaalada Murugsan Ee Dalku Galay

Writen by Qaran News | Published: Jul 10th, 2013 at 09:02 AM

GOLAHA MADAXBANAAN EE WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA

WAR-SAXAAFADEED

Marka hore waxa aan ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto leeyahay Ramadaan Kariim. Bishan bisheedana ku gaadha badhaadhe iyo barwaaqo.

Intaasi ka dib, waxa farxad weyn ii ah anigga oo ah Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne) oo ah Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka in maanta oo ah Arbaca, 10 July, 2013. Ku dhawaaqno oo shaacino jiritaanka golahan cusub iyo baahidii keentay in la unko ama la abuuro.

Ka dibna markii aanu aragnay:

Xalaada guud ee dalku maraayo, Gooni isutaagii, qadayadii madaxbanaanida Somaliland oo madmadow la geliyay, isla markaasna dalkii go’doon laga geliyay beesha caalamka.

Eexdii, qabyaaladdii, musuqmaasuqii iyo hantiboobkii oo maraaya meel aan hore loo arag abid.

Hantidii ummada iyo awoodii dowladnimo oo loo isticmaalaayo in lagu furfuro laguna kala qeybiyo midnimadda shacabka SomalilandL laguna cabudhiyo saxaafadda madaxabanaan iyo Xisbiyaddii qaranka.

Taladii dalka oo gacanta u gashay shakhsiyaad aan loo igman oo dano gaar ah leh oo runtii aan dalka iyo dadka toona midna u tudheynin.

Sida ay isku-milmeen xukuumaddii, golayashaashii sharci dejinta, iyo garsoorkii qaranka halkaas oo ay ku luntay isku-dheelitirkii awoodeed ee dalka Aragnay wax ka qabasho la’aanta cabashooyinka beelaha iyo weliba isku-dhacyadda dhexmara.

Niyadjabka, shaqo la’aanta, quusta, rajo xumada, iyo tahriibta ku habsatay ummadii SL guud ahaana, gaar ahaana dhallinyaraddii lafdhabarka u ahayd dalkan.

Sida dastuurkii iyo shuruucdii dalkani lahaa loogu tumanaayo.

Wadatashigii & isku tanaasulkii ay Somaliland ku soo caano maashay intii ay jirtay oo loo bedelay in aan la isku joojin.

Beelihii darafyadda oo ka maqan dhadhaaradii taladda dalka iyo awood qeybsigii.

Caadaalad daradii oo si weyn ugu baahday dhamaan dalkii oo dhan iyo go’aanadii maxkamadaha oo aan la fuluneynin.

Ilihii dhaqaale ama dakhliga sida dekadda, haamaha shidaalka, macjarkii, hey’adii wadooyinka, dayactirka (levy), lacagtii gurmadka, 2% loo qoondeeyay horumarka goboladda bariga oo si toos loo hoos geeyay madaxtooyadda iyada oo dano gaar ah loo isticmaalo. Dhaqaalaha ka soo gala dalka kheyraadka dabeeciga ah sida shidaadlka, macdanta, kalluunka,iwm. oo si gaar ah loogu takri falaayo heshiisyadoodana aan la soo marin baarlamaanka. Dhimashadii, dhaawicii, dildilaaci, riiqdii, qeybsanaatii, qabyaaladii ay inaga tagtay doorashadii golaha degaanka (28/11/2012) ee xukuumada SL musuqmaasuqday.

Haddaba, isku soo wada duuboo markii aanu araganay in dalka halis ku jiro oo cagta saaray tubtii ama dhabihii ay dowladuhu ku burburi jireen ayaa wada tashi dheer oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo debediisaba lagamamaarmaan noqotay in loo midooba sidii loo badbaadin lahaa jiritaanka Qaranimadda JSL. Sidaasi awgeed waxa abuurmay gole madaxbanaan oo la magac baxay ‘GOLAHA MADAXBANAAN EE WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA’. Waxa la isla gartay in sida ugu dhakhsiyaha badan leh loo qabto Dood Cilmiyeed lagu lafo guraayo laguna dersaayo xal u helida dhibaatooyinka iyo caqabadaha faraha badan ee inna horyaala si loo helo Midnimo Qaran.

ALLA MAHAD LEH

Share this post

Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Somaliland opposition have united under a common banner opposing the Somaliland-Somalia talks. The list of this banner includes some of the political heavy weights of Somaliland. Former Finance Minister, former Vice-President, former SNM military leaders, inteelectuals.

Parliament in Somaliland Parliament has failed to do its jobs of controlling the goverments and its actionss/policies. It approves most crucial descinions without much debate, thats why the opposition and critical sounds have organized themselves in order to protest the goverments policies, specially the talks between Somalia and Somaliland.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Thats good these men are one of the founding fathers of the rebirth of Somaliland in 1991.But they are not opposed to the talks where does it say they are against the talks mise adiga iska sameystey this does not belong in this thread?

Share this post

Link to post
Share on other sites

Carafaat;967980 wrote:

Carafaat, I think Faisal is just taking the piss here...he isn't opposed to the talks, he's just mad he isn't one of the representatives...he knows Mogadishu will handing over alot of goodies to Somaliland and he wants to be the middleman and of course a cut...:D

Share this post

Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf;967981 wrote:
Thats good these men are one of the founding fathers of the rebirth of Somaliland in 1991.But they are not opposed to the talks where does it say they are against the talks mise adiga iska sameystey this does not belong in this thread?

Xalaada guud ee dalku maraayo, Gooni isutaagii, qadayadii madaxbanaanida Somaliland oo madmadow la geliyay, isla markaasna dalkii go’doon laga geliyay beesha caalamka.

Xaaji,

Si fiican u akhri.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Carafaat waxasi wa iska sheekooyin dadka lugu so jiito that they want to correct they said the same when rayaale was in charge particularly ina xaashi and others. By the way the government said it will not allow such a council hilfaha ba loo laabaay maanta., faisal and i know xassan ciise jamac were all pro for the talks non of them is against it. Marka jooji unconfirmed newskaad fiidineysid.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Tillamook;967998 wrote:
Carafaat, I think Faisal is just taking the piss here...he isn't opposed to the talks, he's just mad he isn't one of the representatives...he knows Mogadishu will handing over alot of goodies to Somaliland and he wants to be the middleman and of course a cut...
:D

Tillamook,

Thats what the goverment saying about Faisal in order to damage him. Cause he is opposed to the direction these talks have taken and as he has a lot of information they want to attack the messenger. But this issue aint about Faisal vs Xirsi, this issue is about the course of the relation between Somaliland and Somalia.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf;968002 wrote:
Carafaat waxasi wa iska sheekooyin dadka lugu so jiito that they want to correct they said the same when rayaale was in charge particularly ina xaashi and others. By the way the government said it will not allow such a council hilfaha ba loo laabaay maanta., faisal and i know xassan ciise jamac were all pro for the talks non of them is against it. Marka jooji unconfirmed newskaad fiidineysid.

What unconfirmed news? Havent you seen the pictures of their gathering and their main agenda is on Somalilands direction in the international scene. Lets see how it works out.

Share this post

Link to post
Share on other sites

War Deg deg ah: Weftigii reer somaliland ee ka qaybgalay shirkii wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee ka dhacay waddanka turkey oo goor dhoweyd ka soo degey madaarka Berbera.

(Hadhwanaagnews) Thursday, July 11, 2013

Weftigii ka koobnaa wasiirada iyo xildhibaanada ee ka qaybgalay shirkii wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee ka dhacay waddanka turkey ayaa goor dhoweyd soo gaadhay dalka.

Weftigii ka koobnaa wasiirada iyo xildhibaanada ee ka qaybgalay shirkii wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee ka dhacay waddanka turkey ayaa goor dhoweyd soo gaadhay dalka.

Weftigan ayaa ka soo degey gegida diyaardaha ee magaalada berbera, waxana halkaas ku soo dhoweyey masuliyiinta degmada berbera iyo maamulka gobolka saaxil iyo masuliyiin kale.

Weftiga oo uu hogaminayey wasiirka ganacsiga iyo maalgashigsa caalamiga ah ee Somaliland Dr. Mohamed abdulahi omer ayaa qolka nasashada ee vip da kula hadlay warbaahinta sheegyna in wada hadalkii ku soo dhammaaday Guul iyo is af afgaradd isla

markaasna qodobkii lagu soo heshiiyey aha in hawada Somaliland ay Somaliland maamulkeeda yeelato lagana maamulo hargaysa.

Weftigan ayaa intaas kadib u soo kicitamay magaalada hargaysa, waxana warbixin kooban oo wasiirka madaxtooyadu ku qoray boggiisa uu ku leeyahay facebook uu ku yidhi sidan ?Safar 7 Cisho qaatay kadib, Waa Alle Mahadii mar hadii aan maanta dalkayagii dib ugu soo noqonay. "Hada waa Bilow in aan Hawadeenii Maalmaha dhawayd muranka la gashay soo ceshanay, waxaa inoo dhiman Dhulkeenii, Badaheenii iyo guud ahaanba Madaxbanaanideeni " Waxaa ka soo wareegtay saacado kooban, kadib markaan aniga iyo waftigii Wada Hadalada Dalkeena iyo Somalia uugu maqnaa Turkey aan ka soo degnay Gegada Diyaaraduhu ka haadaan ee Berbera Airport, sida aad la socoteen waxaan la soo guryo noqonay guulo hor leh, walaw himiladeenii wali wax inoo dhiman yihiin, sidii aan shaashadaha caalamka ka sheegnay guushayada u dambaysa waa in aan dalkayaga dib uugu soo celino Xoriyadii aan horay u lahayn ee mudo kooban ka hor inaga luntay. Guud ahaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland waxaan uuga mahadcelinayaa sidii qiimaha badnayd wadaniyada badana ku dheehnayd ee ay garab, guubaabo, toosin iyo ducaba noola ag joogeen. Hada waa bilow in aan hawadeenii maalmaha dhawayd muranka la inaga gashay soo ceshanay waxaa inoogu xigta Xududaaheena inta kale ee ay ka mid yihiin Dhulkeena, Badaheena iyo guud ahaanba Madaxbanaanideeni. Allaha Soonka inaga aqbalo.

WARKA SOO NOQOSHADA WEFTIGA OO FAAHFAAHSAN LA SOCO GOOR DHOW

Share this post

Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf;968002 wrote:
Carafaat waxasi wa iska sheekooyin dadka lugu so jiito that they want to correct they said the same when rayaale was in charge particularly ina xaashi and others. By the way the government said it will not allow such a council hilfaha ba loo laabaay maanta., faisal and i know xassan ciise jamac were all pro for the talks non of them is against it. Marka jooji unconfirmed newskaad fiidineysid.

Xaaji,

Listen to this audio with the new Minister of Interior Affairs Warancade giving a press conference on the recently established "platform for national dialogue"(Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka) illegal and against the law. This comes one day after the platform was established. the goverment is terrified by the opposition. :D

http://toggaherer.com/?p=418

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.