Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Matt Bryden Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Wada Hadalada Somaliland & Somaliya Iyo Caqabadaha Soo Waajihi Kara

Writen by Qaran News | Published: Jun 26th, 2013 at 10:11 AM

 

Hargeysa(Qaran news)-Mr. Matt Bryden, oo wakhtigan maamula hay’ad cilmi baadhiseed oo ka hawlgasha Geeska Afrika, laguna magacaabo Sahan, ayaa si qoto dheer uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo weliba qodobada caqabada ah ee soo waajihi doona.

 

Matt Bryden, oo sidoo kale aha madaxdii guddigii kormeerka cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee Somaliya, ahna khabiir si dhow ula socda arrimaha gobalka Geeska Afrika, ayaa wuxuu waraysi siiyay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya, ku iftiimiyay inay caqabado badani ku gadaamanyihiin wada hadaladaas. Waraysigaas oo uu Mt. Bryden, sidoo kale kaga hadlay xaaladaha dalka Somaliya, ayaa waxa su’aalaha la weydiiyay ka mid ahayd sida uu u arko wada hadalka Hargeysa iyo Muqdisho iyo weliba natiijada uu filan karo inay ka soo bixi karto. “Wada hadalka ay dawladda federaalka Somaliya iyo dawladii ku meelgaadhka ahayd ee ka horeeyay la leeyihiin Somaliland waa talaabo togan. Waa markii u horaysay ee ay dawladda Muqdisho iyo maamulka Hargeysa uu midba midka kale u aqoonsado in ay yihiin dhinacyo uu khilaf dhex yaalo, oo ay jirto wax yaabo ay tahay in ay ka wada hadlaan. Xaqiiqada ah in derbigii la jebiyay oo ay labadii dhinac wada hadlayaan waa horumar aad muhiim u ah. Hase yeeshe aad ayay u adagtahay, khatartii ugu weynayd ee wada hadalladan soo waajahdaana si ayay u soo xoogaysanaysaa oo si aan ku talo gal ahayn u gaadhay heer is-fahmi waa ,kala fogaanshiyo iyo is eedayn ah.” Ayuu yidhi khabiirkani.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu raaciyay “Sidaa awgeed, aad ayaa ay muhiim u tahay in wada hadaladani ay sii socdaan, oo bilowga ay ku koobnaadaan arimaha farsadamada iyo in la isla eego arrimaha laga midaysan yahay. Waxa ay tahay in ay bilowga isla eegaan qadiyadaha labada dhinac si isku mid ah u khuseeya, sida amniga, hawada, badda, ganacsiga, arrimaha dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo badeecooyinka. Waxyaabahani waa kuwo imikaba si uun u socda, laakiin waxaa laga dhigi karaa arrimo si rasmi ah la isaga af garto oo ay labada dhinac nidaam u sameeyaan. Marka ay timaado arrimaha siyaasadda ee ka dhexeeya, waxa jira wax ay ku kala qaybsan yihiin labada dhinac. Tusaale ahaan labada dawladoodba waxa ay isu arkaan in ay yihiin kuwo dastuuriyan ay qasab tahay in ay dhowraan shuruucda.”

 

Wuxuu Matt, iftiimiyay inay jiraan laba caqabadood oo wada hadalka saamayn ku leh, kuwaas oo kala ah madaxbanaanida Somaliland iyo midnimada Somaliya. “Somaliland, waxa la xurmaynayaa go’aankii la soo noqoshada madaxbanaanida ee 1991. Dawladda Federaalka Somaliyana, waxay xurmaynaysaa midnimadii dhuleed ee Somaliya, ee ay aqoonsanyihiin Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkuba. Mid kasta oo ka mid ah labadan maamul inuu ka noqdo go’aamadaasi waxka dhigan tahay is-khaarajin siyaasi ah. sidaa awgeed midkoodna ma awoodo in uu ku lug yeesho wada hadal ay ka dhalanayso natiijo aan dan u ahayn oo aanu marka hore ugu sii tashan.”

 

Ugu dambayn, isagoo hadalkiisa soo gunaanadaya wuxuu yidhi “Waxa aan is leeyahay sida keliya ee ay uga wada hadli karaan mustaqbalkooda ugu dambeeyaa waa in ay marka hore natiijadu noqotaa mid furan oo qolo kastaa wax kasta ka filan karto, waayo in si nabdoon loogu heshiiyo midnimadu waxa uun ay ku iman kartaa heshiis labada dhinac ah, laakiin xoog ma’aha.”

 

Geeska

Share this post


Link to post
Share on other sites

Todobaadka Dambe Oo La Filayo Inay Dib U Bilaabmaan Wada-hadaladii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Somaliya.

 

Hargaysa (Ramaas) June27, 2013 - Wada-hadaladii u dhaxeeyey dawladaha Somaliya iyo Somaliland ayaa la filayaa in Todobaadka soo socda ay dib uga bilaabmaan magalada Ankara ee dalka Turkiga.

 

Madaxa Xafiiska Siyaasada ee qaramada midoobay Nicholas Kay ayaa barta uu ku leeyahay Twitterka waxaa uu ku baahiyey qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo Kulan uu la yeeshay Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya waxaanu sheegay in uu la yeeshay wada hadal sare“wada hadalada somaliland iyo somaliya wax ay todobaadka danbe ka bilaabi-mi doonaan Ankara”. Sidaasi ayuu yidhi

 

Dawladaha Somaliland iyo Somliya ilaa hada midkood-na kama hadlin wada-hadaladani Todobaadka danbe bilaabmi doona waxaana hadii ay wada-hadaladani furmaan ay ku soo beegmayaan iyadoo wixii ka danbeeyey Heshiiskii Ankara ay sii kala durkeen Xidhiidhka Labada dhinac.

 

Dhinaca kale, wada-hadalada xilligan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweyne Siilaanyo Shaqadii ka badalay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, isla markaana uu magacaabay wasiir arimo dibaddeed cusub.

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Todobaadka-Dambe-Oo-La-Filayo-Inay-Dib-U-Bilaabmaan-Wada-hadaladii-U-Dhexeeyay-Somaliland-Iyo-Somaliya.html#sthash.VX4aK8Td.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftiga Somaliland Oo Ka hadlay Qodobadda Lagu Lafo-guri Doono Shirka Somaliland Iyo Soomaaliya

 

“Shirkan Waxaanu Rajaynaynaa inuu Noqdo mid Lagaga Hadli doono Arrimaha Xasaasiga ah ee Taagan, lagana wada hadli doono Aqoonsiga Somaliland”

 

Istanbuul (Somaliland.Org)- Weftigii Somaliland uga qeyb galayay wada hadaladii afraad ee Somaliland iyo Soomaaliya isku soo hor fadhiistaan ayaa gaadhay magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana madaarka si diiran ugu qaabilay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo masuuliyiin u qaabilsan dhinaca baratakoolka Raysal wasaaraha Turkiga.

 

Weftigan oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Madaxtooyadda, Shaqada iyo Arrimaha bulshadda, Guddoomiye Ku xigeenadda koowaad ee Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda, Wasiirkii hore ee wasaarada Kalluumaysiga Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Geel-jire) iyo Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Wakiiladda.

 

Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in wada hadladii afraad ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya uu si rasmi ah uga furamayo Istanbuul maalinta Axadda ee berry, waxaanu tilmaamay inay shirkan ka rajaynayaan inuu noqdo mid midho dhal ah oo labada dalba ku faaqidaan danahooda.

 

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in shirkani socon doono muddo sadex maalmood ah, isla markaana ay rajaynayaan in lagu soo qaado arrimaha xasaasiga ah ee xiligan taagan, lana gudo geli doono in laga wada hadlo aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland.

 

“Shirkan waxaanu rajaynaynaa inuu noqdo mid lagaga hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee imika taagan, lagana wada hadli doono aqoonsiga iyo madax-banaanida Somaliland-na lagu lafo-guri doono,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashigu.

 

Sidoo kale, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in Gudidani ay tahay Guddi farsamo isla markaana aanay daruuri ahayn inay xisbiyadda siyaasaddu qeyb ka noqdaan, waxaanu ku dooday in Guddidani ay tahay Guddi miisaan leh oo ka kooban sadexdii Gole Qaran.

 

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladdu waxa uu sheegay in xukuumadda loo igmaday inay qaranka u matasho wada hadalada iyo siyaasadda dibada isla markaana ay Goleyaasha baarlamaankuna ka saacidayaan arrintaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia, Somaliland delegations meet with Turkish FM

 

Sunday, July 07, 2013

 

Turkey always keeps Somali and Somaliland dialogue on its agenda, Davutoglu said.

 

Helping Somalis "in every possible way" is a "historic responsibility" for Turkey, said Foreign Minister Ahmet Davutoglu on Saturday.

 

Davutoglu held a joint meeting with delegations of government officials from Somalia and Somaliland in central Istanbul in a continuation of peace talks that began on April 13 in Ankara.

 

"The relations between Somali, Somaliland and Turkey are beyond any kind of borders," Davutoglu said. "Despite geographical distance, historically we are like a family."

 

The minister described the first meeting on April 13 as a "historic start", where parties agreed on a joint statement to plan future talks. The statement had said country representatives would meet again in three months.

 

On Sunday's meeting in Istanbul, the Turkish foreign minister met ministers and MPs from Somali and Somaliland, including Somali Interior Minister Hussein Gulled and Somaliland Trade Minister Muhammed Omar.

 

"We have always kept discussions on the joint future of our brothers [in Somali and Somaliland] on our agenda, and striven to build strong bridges between them through humanitarian aid," Davutoglu said. "Irrespective of which country they live in, we will help all our Somali brothers and sisters in every possible way."

 

"This is our historic responsibility, as well as a humanitarian responsibility and an indispensable part of our active diplomatic policy in Africa."

 

Somaliland is an internationally recognized autonomous region in northwestern Somalia. It sought independence from the country in 1991 when Somalia suffered a government collapse, triggering a civil war that is still ongoing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What will be discussed is the Airspace some other cooperation agreements and they might just call for further strict international mediation. Or another scenario the talks will complexly fail altogether this is also a possibility.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga Oo Kulan Hor Dhac Ah La Yeeshay Wufuudii Labada Dhinac Ee Somaliland Iyo Somaliya Iyo Shirkii Oo Goordhaw Furmaya+Sawiro

 

Hargeysa (Ramaas) July07, 2013 -Guddiyadda labadda wadan ee Somaliland iyo Somaliya ee ka qayb galaya wadahadalada Magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga uga furmaya ayaa kulan hor dhac ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Mr. Ahmed Davutoglu.Mar uu ka hadlayay xidhiidhka uu Turkigu la leeyahay dalalka Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa uu ku sifeeyay in uu yahay mid aad u qoto dheer oo taariikhiya, isla markaana bar bar dhigay wadamadda xuduudka laleh Turkiga, waxaanu yidhi "Xidhiidhka ka dhaxeeya wadamadda Somaliland, Somaliya Iyo Turkigu waa mid u dhigma wadamadda jaarka nala ah Ayuu yidh, waxaanu intaasi ku daray In Kasta oo dhul ahaan aanu nahay dalal aad u kala fog, hadana waxa aanu nahay dad iska war haya sida qoyska oo kale" ayuu yidhi.

 

 

Mar uu ka hadlayay wada hadaladda labada dal maanta uga bilaabmaya Magaaladda Ankara waxa uu yidhi "Waxa aanu ku dedaalaynaa sidii ay wada hadaladda walaalahayo (Somaliland iyo Somalia) u sii socon lahaayeen, waxaana naga go,an xitaa in aanu ku dedaalno sidii aanu ugu samayn lahayn biriij weyn oo ay si bani,aadamnimo isaga kaashan karaan" .

 

 

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ay ka go'an tahay in uu dalka Turkigu caawiyo guud ahaanba dadyoowga Soomaaliyeed. Dal kasta oo ay ku nool yihiiina waxa aanu ku dedaalanaynaa oo naga go,an siddii aanu u caawin lahayn walaalahayo wiilal iyo gabdho ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somalida si kasta oo ay suurtogal ku tahay.,

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Wasiirka-Arrimaha-Dibada-Turkiga-Oo-Kulan-Hor-Dhac-Ah-La-Yeeshay-Wufuudii-Labada-Dhinac-Ee-Somaliland-Iyo-Somaliya-Iyo-Shirkii-Oo-Goordhaw-Furmaya.html#sthash.zJmiqs7S.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

loool sorry I seemed to have stumbled in to the somaliland mirqaan dreams thread when there is any sort of reflection of reality in the crap that this thread has degenerated to perhaps I shall deign to participate in this befouled discussion..........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Miiska Wada Hadalka Ay Somaliland U Saaran Tahay Qodob La Xidhiidha Madaxbanaanideeda Si Adag-na U Difaacay Go,aankii Hawada Somaliland.

 

(Hadhwanaagnews) Sunday, July 07, 2013

Hargeysa(HWN):-gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland kana mid ah guddida ka socota Somaliland ee gogol xaadhka wada hadalada Somaliland iyo somaliya u jooga wadanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee ay Somaliland miiska wada hadalka la imanaysaa uu yahay madax banaanida Somaliland

 

Hargeysa(HWN):-gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland kana mid ah guddida ka socota Somaliland ee gogol xaadhka wada hadalada Somaliland iyo somaliya u jooga wadanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee ay Somaliland miiska wada hadalka la imanaysaa uu yahay madax banaanida Somaliland.

 

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland oo u waramayey VOA ayaa dhinaca kalana ku eedeeyey dawlada somaliya inay jabisay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore labada wadan ugu gaadheen wadanka Turkiga, kaas

 

oo dhigayey in labada dhinac ay ka fogaadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara inay wada hadalku sii socdaan.

 

Ugu horayn gudoomiyaha oo ka hadlaya wada hadalka Somaliland iyo somaliya ayaa waxa uu yidhi ? anagu waxaanu doonaynaa in madax banaanida Somaliland ay tahay mid aan mugdi la galin karin taas oo miiska wada hadalka hor taala, marka laysku yimaadana ajandaha laga wada heshiiyo oo qolo waliba wixii ay wadato guddida loo keeno dabadedna laga wada hadlo, ajandaha shirka?ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

 

Gudoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qodobka todobaad ee heshiiskii hore oo uu sheegay inay jabiyeen wadanka somaliya, isaga oo farta ku fiiqay in madaxweynaha somaliya Xasah Sheekh Maxamuud uu isagu jabiyey qodobkaas waxaanu yidhi ?dawlada somaliya waxay jabisay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore labada wadan ugu gaadheen magaalada Ankara, gaar ahaan madaxweynaha somaliya ayaa si cad qodobkaas u jabiyey,waxaanu qodobkaasi dhigayey inaan labada wadanba aanay ku kicin arimo joojin kara wada hadalka u bilaabay labada dal.?

 

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland waxa uu difaacay go,aanka ay xukuumada Somaliland hawadeeda kaga mamnuucday diyaaraha qaramada midoobay, isaga oo sheegay inay Somaliland maamulka hawadeeda u madax banaan tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Next Round of Talks in Ankara

July 7, 2013

 

Khatumo State

Press Release

______________

 

The federal government of Somalia is due to hold talks at Ankara with representatives from the one- clan based secessionist enclave calling itself Somaliland. This is a follow-up to the first round of talks held in Ankara on 14 April which will be remembered as a blatant betrayal of Somalia on two grounds: first, its unity was compromised when the secessionist enclave was accepted as a de facto separate country equal to Somalia in status; and secondly the unionist regions in the north were sold out when they were lumped against their will with the secessionists as part of Somaliland.

 

Following the outcome of the Ankara talks, and faced with the inevitable country and worldwide backlash and outcry, the president has been flip-flopping, responding to the situation he faces of the moment. Thus, at times, he would reaffirm Somalia’s unity as non-negotiable and at other times he would sound ready to reach out to the secessionists at any price. If the past is any guide, it is anybody’s guess which stand the president will take at the forthcoming talks in Ankara.

 

The stakes are very high for all unionists in Somalia, but more so for the peoples of the Khatumo State, Awadal and Makhir States. For them, as for all Somalis, the litmus test of the president’s commitment to Somalia is the following:

 

- That the government will defend Somalia’s unity as non-negotiable;

 

- That the Somali government represents all the people of Somalia as recognized by the international community and in this regard has the right to choose the members of its delegation to the conference, including some from the northern unionist regions;

 

- That the people of Khatumo, as those from Awdal and Makhir States, are represented by their administrations and those they delegate to the talks, and not traitors who serve the one-clan secessionist enclave calling itself Somaliland;

 

- That the federal government opposes any one clan in Somalia occupying another’s territory and in this regard should call on Somaliland to withdraw unconditionally its militia occupying Lascanod and other parts of Khatumo State of Somalia.

 

- The ball is in the president’s court. He will have to choose between being a defender of Somalia and its unity or go down in history as the one who ended that unity.

 

President Mohamed Yusuf

Khatume State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

^^^^ baaaacaaaaaac from taleex. SOMALILAND has a better chance of becoming a recognised state then Somalia becoming a stable, unified state that is self sufficient lol. With or without recognition we will continue to grow and become more powerful militarily, financially and politically. We have ganel energy getting ready to get oil out in 2014 with 40% share held by nathaniel Rothschild. And anyone who knows the Rothchilds will tell you were their money goes comes international recognition. We have highways currently in progress linking the country. Invest from Oman in cement production expansion in cattle livestock etc. SOMALILAND is not the same state it was 20 years ago. We have a state without recognition but a state non the less. In the 21st century while we are developing and taming some pirates for fun you are trying to liberate and win indepedence from Kenya, Burundi and Ethiopia. Yet we are the crazy ones lol (someone should seriously check the water supply in Somalia). Alxamdulilah is all I have to say. Keep your Somalia lol you have nothing to offer a civilised people accept carnage, death, misery and political bullish:t.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Stanbul: Wada Hadalada Labada Wadan Ee Somaliland iyo Somalia Oo Si Toos Ah U Furmay iyo Dooda Dhinacyadda

(Hadhwanaagnews) Monday, July 08, 2013

Hasa ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa BBC-du u sheegay in ay diyaar u yihiin tanaasul kasta oo aan ahayn in wax loo dhimo "midnimmada dalka".

 

Magaalada Istaanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ku kulmaya mas´uuliyiin ka socota Soomaaliya iyo Soomaaliland.

 

Shirkani waxaa uu daba socdaa shir saddex bilood ka hor isla dalka Turkiga ka dhacay oo labada dhinac ay yeesheen.

 

Waxay ku heshiiyeen iskaashi dhanka ammaanka iyo ganacsiga.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaalia

 

"Waaleheen wax kasta oo tanaasul ah diyaar baan ula nahay, waxaan ka ahayn in la kala tego"

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Maxamad Cabdullahi Cumar, oo hoggaaminaya wafdiga dowladdiisa, ayaa sheegay in miiska ay gaynayaan arrinta gooni isu taagga Somaliland.

 

Hasa ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa BBC-du u sheegay in ay diyaar u yihiin tanaasul kasta oo aan ahayn in wax loo dhimo "midnimmada dalka".

 

Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni isu taagga sanadkii 1991, xilligaasi oo

 

Soomaaliya ay ka socdeen dagaallo sokeeye oo ku dhisnaa qaab qabiil.

Hadhwanaagnews

Stanbul, Turkiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;967410 wrote:
Stanbul: Wada Hadalada Labada Wadan Ee Somaliland iyo Somalia Oo Si Toos Ah U Furmay iyo Dooda Dhinacyadda

(Hadhwanaagnews) Monday, July 08, 2013

Hasa ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa BBC-du u sheegay in ay diyaar u yihiin tanaasul kasta oo aan ahayn in wax loo dhimo "midnimmada dalka".

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Maxamad Cabdullahi Cumar, oo hoggaaminaya wafdiga dowladdiisa, ayaa sheegay in miiska ay gaynayaan arrinta gooni isu taagga Somalilnd.

Hadhwanaagnews

Stanbul, Turkiya.

The poor man couldn't.........................>

See the agenda as per your SNM Gang:

 

Ajeendayaha Shirka Istabuul Ee La Ansixiyey Iyo Qodobada Ergooyinka Labada Dhinac (Somaliya & Somaliland) Qolo Waliba Dhinaceeda Ku Darsatey

 

Writen by Qaran News | Published: Jul 8th, 2013 at 01:43 PM

email to a friendprintsharesubscribe

 

 

Ajeendayaha shirka Istabuul ee la ansixiyey iyo qodobada Ergooyinka labada dhinac (Somaliya & Somaliland) qolo waliba dhinaceeda ku darsatey

 

Istanbuul-(Qaran-news)-Xubin ka mid ah ergada wadahadalada Istabuul uga qeyb gelaaya somaliya Khaalid cumar cali ayaa sheegay in wadaxaajoodka u dhexeeya ergooyinka Somaliland iyo soomaaliya saaka si rasmi ah loo gudagalay ama u furmay,isaragii koowaadna la saaray ama la qeybiyey afar xubnood oo gudi farsamo oo ka socda labada dhinac oo isku soo dubarida Ageendaha shirka.

 

 

 

Khaalid wuxuu sheegay in lagu heshiiyey 10 qodob oo noqon doona Ajeendaha shirka oo qoloba qaar keentay,wuxuuna intaas ku daray in laysku raacey,lana ansixiyey qodobadaas.

 

Khaalid wuxuu sheegay in qodobada Ajeendaha ee la ansixiyey in laga dodo ee dhinacoodu watay inay ka mid yihiin

 

1-in la fududeeyo isusocodka siyaasiyiinta iyo shacabkaba si siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland dhalasho ahaan ee k a tirsan xukumada somaliya looga qaado xayiraada helaana fursad ay ku booqdaan Somaliland iyo degaanadooda oo dadkooda kula soo hadlaan,kulana soo tashadaan.

(Unionist politicians and federal government employees visiting north region, the triangle area, should not be threatened by the SNM gang).

 

2-in wadahadalada ama shirka kan Istabuul xiga lagu qabto dalka gudahiisa sida Hargeisa maa Muqdisho.

(the next meeting should be held inside THE COUNTRY).

 

3-in xeer u gaar ah shirka oo ergada lagu hago la sameeyo si looga dheeraado isqabsiga,muranka iyo wixii hakad ama carqalad gelin kara habsami u socodka wadahadalka.

(Develop mechanism to control emotional outbursts some members may experience in the meeting hall).

 

Geesta kale wuxuu Khaalid sheegay in Ergada somalilanda dhankooda ku darsadeen Ageendaha dhawr qodob oo uu ka xusay

 

1-qodob ku saabsan saami qaybsiga maalgashiga iyo kheyraadka dabiiciga ah.

 

2-qodob kale oo ku saabsanaa in Somaliland loo madaxbaneeyo maamulida hawadeeda .

Isku soo wada duuboo wuxuu khaalid sheegay in shirku si habsami ah u socdo ilaa caawana socon doono hase yeeshee beri gelinka danbe la soo gebagebeyn doono war murtiyeedka ka soo baxana la saxeexi doono.

 

wixii warara ee ka soo kordha shirka isha ku hay Qarannews.com

 

Qarannews

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.