Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

DIIRADA LUGHAYA: Guusha Heshiiska ANKARA Ma Siilanyo Ayaa leh Mise Siyaasada Xasan Sheekh Ee Intan Danbe Dardartay Somaliland

Added by saylac on April 14, 2013.

Saved under Faalo, News

Tags: featured

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 27-kii August 2010 markii uu la wareegay tallada dalka oo uu u soo galay kifaax dheer iyo juhdi siyaasiya, ka dib waxa uu ILAAHAY ku ilhaamiyay inuu si geesinimo leh ku waajaho siyaasadda dibada Somaliland oo liigaysay isla markaana maraysay heer huursan oo aanay fagaareyaasha adduunka si rasmi ah loo horgeynin.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu abuuray siyaasad fur-furan oo qeyb ka ah yoolkiisa ku wajahan in la iib-geeyo qaranimadda Somaliland oo uu aaminsanaa inay xukuumadiisu ku filan tahay inay difaacdo Madax-banaanida Somaliland.

Xiligaas xukuumadiisu cusbayd waxa xarakaadkii faraha badnaa ee laga sameeyay siyaasadda dibadu ay shaki ku abuurtay dad badan oo ka soo saaray aragti taban oo ah in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay haadaan dheer ka sii tuurayso madax-banaanida Somaliland. Hase yeeshee waxay qaatay muddo in Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay rayul caamka Somaliland baraan in maslaxadi ugu jirto inay la hadlaan Somalia, taasi oo markii dambe loo soo noqday.

 

Qodobadii Somaliland lagula Soo dhici waayay:

 

Weftigii xulka qaranka ee uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, waxay beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland-ba u xaqiijiyeen inay leeyihiin awood adag oo ay ku difaaci karaan madax-banaanida Somaliland.

 

A) Waxay dawlada Ankara ee gogosha dhigtay ay xog iyo macluumaad dheeraad ah ka siiyeen israacii lixdankii iyo Himiladii dheerayd ee ay shacbiga Somaliland dhiigooda u hureen inay mideeyaan shantii Soomaaliyeed, abaal ka dhicii Soomaaliya, xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay dalka, sooyaalkii halgankii dib u xoraynta dalka, la soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, dhismihii qaranka iyo heerka maanta Somaliland gaadhay.

 

B) Waxa weftiga madaxweynuhu ay Taariikhda Somaliland dhacsiiyeen Hoggaamiyeyaasha Turkiga sida madaxweynaha dalkaasi Abdullah Gül iyo Raysal wasaarihiisa Recep Tayyip Erdogan oo aan horeba xog baaxad leh aan ka haysay Somaliland iyo maraaxilkii ay u soo martay qaranimadii ay ka hor-heshay Soomaaliya iyo 22 sanadood oo Soomaaliya dambaska ahayd oo ay noqotay laambad ka bidhaamaysa mandaqad dogob colaadeed ka oogan yahay.

 

C) Warbixinta dheer ee Madaxweynuhu siiyay Hoggaamiyeyaasha Turkiga waxay fure u noqotay in lagu dhiiran waayo in badka la soo dhigo wixii la odhan jiray midnimadii Soomaaliya.

 

D) Bogga Internet-ka ee Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül ayaa warbixin uu ka qoray kulankii uu Axaddii la yeeshay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku micneeyeen in is af-garadkii u horeeyay laga sameeyay siday hadalka u dhigeen “xalinta dhibaatooyinka u dhaxeeya labadan dal ee Afrikaanka ah.”

 

E) Dawladda Turkiga oo ah dalkii sadexaad ee is hor-fadhiisiya Somaliland iyo Soomaaliya, waxay yaqiinsadeen in qadiyada labadan dhinac aanay ahayn mid u dhaxaysa hal dal oo qudha balse ay tahay laba dal oo kala duwan wada hadaladooduna ay u dhaci doonaan hadda iyo mustaqbalkaba iyagoo laba dawladood kala ah.

 

F) Waxa waaqica dhabta ahi uu sababay in Dawladda Muqdisho ee Soomaaliya ay candhuuftooda dib uga liqaan inay dood ka keenaan aragtida caalamka ee ah in loo wada hadlo laba geesood ama laba dawladood oo ay Tamaniyayeen inay intii suurto-gal ah ka gaws qabsadaan.

Ahmiyadii Qodobbadii Heshiiska.

 

Wada hadalada ay Ankara ay ku yeesheen Hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya waxay ahaayeen qaar, laga taxadaray caqabad kasta oo tumaatiyi karaysay in miiska lagu kala kaco.waxase labada dal ay ku heshiiyeen heshiis ka kooban todoba qodob oo dulucdoodu la xidhiidhay in la sii wado wada xaajoodka iyo in albaabada loo furo iskaashi ay labada dawladood ka sameeyaan dhibaatooyinka ka taagan mandaqadda ay ku wada dhaqan yihiin iyo inay abuuraan jawi ay ku wadaagayaan deeqaha qaadhaan-bixiyeyaasha.

 

Qodobadan qalinka lagu duugay waxa xeel-dheereyaasha odorosa siyaasadu ay ku doodeen inaanu ku jirin heshiiskan Ankara qodobo cusub. Hase ahaatee ay tahay uun kulankii u horeeyay ee ay yeesheen Somaliland iyo Soomaaliya tan iyo markii dawlada cusubi ka dhalatay Muqdishada Soomaaliya.

 

Xukuumadda Somaliland waxa guul u ah inay garnaqsigeedii iyo xaqa ay u leedahay madax-banaanideeda ay hor-dhigtay Hoggaamiyeyaal miisaan ku leh caalamka, kana mid ah daneeyeyaasha mandaqada Geeska Arika oo Somaliland iyo Soomaaliyaba ku yaalaan.

Weftiga madaxweynuhu waxay indhaha u fureen oo ay qodob-qodob ugu warameen Madaxweyne Gül iyo Raysal wasaare Erdogan, taasina waxay dhabada u xaadhaysaa in Turkigu ka fikiro sidii uu wax ula qabsan lahaa Somaliland oo nabad-gelyadda iyo horumarka ku tanaaday, halka dalka Soomaaliya oo ay si naxariis leh u gacan qabteenna ay xukuumadda Muqdisho tahli wayday inay ku guntato sugida ammaanka dublamaasiyiinta Turkiga, iyadoo la xaqiijiyay Axadii maanta laba hawl-wadeen oo ka tirsan safaaradda Turkiga ay ku dhinteen qarax ka dhacay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

 

Sidaasi darteed, waxay Somaliland go’aansatay in qadiyadda aqoonsi raadinta lagu gaadhi Karin siyaasad ka go’doonsan caalamka, balse ay u baahan tahay dhiiranaan iyo in laga dhigo mawduuc siyaasiya oo adduunku taxliil ku sameeyo, kana doodo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: Ministry of Foreign Affairs Official Statement on the Ankara held Somaliland/Somalia Talks

 

Wednesday, 17 April 2013 19:03

Public statement on the outcome of the Somaliland/Somalia talks in Turkey on 13 April by the Press Office, Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation, Republic of Somaliland

Somalilandsun - On 13 April, Presidents Ahmed Mohamed Silanyo and Hassan Sheikh Mohamud met in Ankara to resume the Somaliland/Somalia Dialogue that was initiated at the London Conference in February 2012 and endorsed at presidential level in Dubai in June 2012.

The Somaliland Government is grateful to the Government of Turkey for facilitating the talks. The meeting achieved its aim of re-launching the Dialogue after the change of government in Mogadishu. The parties committed themselves to continuing their Dialogue, and endorsed the agreements reached in Chevening and Dubai in June 2012.

The Government of Somaliland welcomes the commitment of the government in Mogadishu to the continuation of the Somaliland-Somalia dialogue.

The Somali Government has agreed to encourage international aid and development for Somaliland. Somaliland will of course continue to engage directly with the donor community on its own development needs, including through direct contact with diplomatic and other interlocutors in Hargeisa.

Cooperation on security was an important part of the discussion. Somaliland believes that sharing intelligence and training will help the security forces of both countries to fight the scourge of terrorism, jihadism and piracy, and to address illegal fishing, toxic waste dumping, and maritime and serious crime, which have a detrimental impact on the lives of the people in the Horn of Africa. Somaliland hopes that in the future, the Dialogue can widen its focus beyond security issues to examine trade and investment as well.

In addition, the dialogue is mandated to clarify the relations between the two countr ies, in line with the Final Communiqué of the London Conference on Somalia. Somaliland's view is that the dialogue's initial phase should focus on issues of practical cooperation, and to building trust between the parties before addressing the more fundamental issue of the two countries' sovereign relations.

Somaliland looks forward to the next round of talks, due to be held in Istanbul within 90 days.

Press Office

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

Hargeisa, Republic of Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Mar walba oo loo baahdo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya diyaar ayaanu u nahay”

 

April 18th, 2013

 

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo u warramayay Telefishanka Qaranka, ayaa waxa uu sheegay in qodobadii ka soo baxay wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ay muhiim u ahayd Somaliland, waxaanu tilmaamay in shacbiga Somaliand soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay halkaas.

 

Cabdiraxmaan Saylici sidoo kale waxa uu tilmaamay inay fursad qaali ah u tahay shacbiga iyo dawladda Somaliland, isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi. “Fursad aad u muhiim ah ayay ahayd sababtoo ah sannadkii hore bishii labaad shirkii lagu qabtay Ingiriiska qodobadkii ka soo baxay aad bay muhiim u ahaayeen, kuwaasoo qeexayay dhibaatadii muddada labaatanka sanadood soo jiitamaysay ee Somaliland iyo Soomaaliya u dhaxaysay oo lagu qeexay in beesha caalamku taageerto wada-hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya runtii waxay ahayd qodobo aad u muhiim ah waxa daba socday labo shir oo midna London lagu qabtay midna lagu qabtay Dubai, labadaas shirna waxay ahaayeen shirar aynu la yeelanay dawladii ku meel-gaadhka ahayd ee hore waxay daba socotay shirarkii noocaa ahaa oo beesha caalamku go’aansatay in labadii dal ee la kala odhan jiray Somaliland iyo Soomaaliya ama maxmiyadihii Ingiriiska iyo Talyaaniga midnimadoodii dhibaato ka timi oo burburkii Soomaaliya ku yimi qayb ka ahayd, iyadoo reer Somaliland go’aansadeen in xornimadoodii dib ula soo noqdaan, waxaanan qabaa inay ahayd arrin beesha caalamku garowsatay.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray. “Labaatan sanno aanay jirin cid aynu la hadalnaa markay soo dhawaatay dawladii Soomaaliya oo dawladu ka baxday ku meel-gaadhkii wada-hadalkii koowaad dawlada Turkiga oo walaalaheena oo mucaawino ina siisa iyo gacan siyaasadeed ay wada-hadalkii sii wado fursad aad u qiimo badan ayay u ahayd Somaliland oo ay soo dhawaysay.”

 

Madaxweyne ku-xigeenka ahna oo ku simaha madaxweynaha waxa uu sheegay inay mar walba Somaliland diyaar u tahay inay goob kasta oo lagu wada-hadli karo ay tagto “Anagoo tixgalinayna go’aanka beesha caalamku qaadatay mar walba iyo goob kasta oo loo baahdo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya diyaar ayaanu u nahay.”

 

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu cambaareeyay weerar ay koox hubaysani ku qaaday saldhig ku yaala magaalada Caynabo, kaasoo lagu dilay taliyihii sirdoonka gobolka Saraar, “Falkaa ummadda Somaliland waa ka tacsidaynaa ciddii ku dhimatayna eheladii iyo qaraabadii samir iyo iimaan Alle ha idinka siiyo, dhamaanteena samir iyo iimaan hay naga siiyo, runtii fal fool xun bay ahayd maanta ummadda Somaliland halka ay marayso karaamada ay caalamka ku leedahay sida loogu soo jeedo loogu soo dhiiranayo in la maalgashado, waxay ahayd fal aad iyo aad sumcadeena wax u dhimaya dad shicib ahi inay weeraraan goob dawladdu leedahay runtii aad iyo aad baan uga tacsidaynayaa ummadda Somaliland, waxaan leeyahay ciddii falkaa ku kacdayna ha ka istaafuruqlaysato ummadda Somaliland ayay meel kaga dhaceene.” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aqoonyahan Cismaan Badawi” Heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland waa mid qatar ku ah Midnimada Soomaaliya [Dhageyso]

 

| ON APRIL 23, 2013

 

Aqoonyahan Cismaan Xaaji Xasan Cumar [badawi] 00 ku mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa wareseysi dheer ee uu maanta siiyay Warbaahinta Horseed Media Xarunta ay ku leedahay Magaalada Bern ee Dalka Switzerland ayaa waxa uu kaga hadlay arimo fara badan oo Soomaaliya ku saansam.

 

Aqoonyanka ayaa waxa uu ka jawaabayay su’aalo dhowr ah oo uu weydiiyay Wariyaha Horseed Media ee Switzerland oo ku saabsanaa isbadala dalka Soomaaliya ka dhacay, Heshiiskii dhowaan Turkiga ku dhex maray Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland iyo su’aale kale oo dhowr ah.

 

Aqoonyahan Cismaan Badawi, waxa uu dhaliilay socdaalkii uu dhowaan gobolada Soomaaliya uu ku marayay isagoo sheegay in uu ka baaqsaday in uu booqdo deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo isbadalka Soomaaliya ka dhacay balse waxa uu walaac ka muujiyay heshiiskii dhowaan Turkiga ku dhex maray Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

 

Cismaan Badawi ayaa sheegay in heshiiska Somalila iyo Somaliland uu yahay mid lidi ku ah Midnimada Soomaaliya uuna yahay mid uu dhaliilsanyahay.

 

Sidoo kale waxa uu aqoonyahanku soo dhoweeyay shirka ka soconayo Magaalada Kismaayo, ee lagu doonayo in Maamul Goboleed loogu dhiso Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Wareysigaan aynu la yeelanahay Aqoonyahanka Cismaan Badawi oo dhameystiran halkan ka dhageyso:-

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada Ingiriiska Oo ka hadashay Mustaqbalka wada hadalada Somaliland & Soomaaliya

 

April 25th, 2013

 

Washington (Somaliland)- Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin qaar ku xidhan oo ay go’aankooda leeyihiin labada geesood.

 

Mark Simmonds, Xoghayaha Arrimaha Afrika u qaabilsan dawlada Britain, oo shalay kaga hadlayey xarunta Strategic studies and International Studies ee Maraykanka ujeedooyinka shirka ay bisha May ee fooda inagu soo haysa ay ugu qabanayaan Soomaalida magaalada London ayaa sheegay in mowqifka UK ee Somaliland cad yahay, isla markaana fahamsan yihiin hadafka Somaliland u socoto, mar wax laga weydiiyey Somaliland.

 

Mr, Simmonds, oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey kulankii shalay oo ku saabsanaa Somaliland ayaa yidhi, “Mowqifka Ingiriiska ee Somaliland wuu cad yahay. Waan fahamsan nahay hadafka Somaliland u socoto. Laakiin, sidaan qabno, wada xaajoodka Somaliland iyo Soomaliya u dhexeeya waa arrin muhiim ah, ma filayo inuu sahlanaan doono, balse, aakhirka labada dhinac ayaa looga baahan yahay inay wada gaadhaan xal ay ku qancaan. Waxaana muhiim ah inay wada xaajoodyadooda ka bilaabaan dhinacyada ay iska kaashan karaan.”

 

Xukuumada Ingiriiska ayaan ka hadal mowqifka xukuumada Somaliland ku qaadacday ka qeybgalka shirka London, oo marar badan masuuliyiinta dawladda Ingiriiska, ilaa raysal-wasaarahooda David Cameron, isku deyey inuu ku qanciyo Madaxweyne Siilanyo, xilligana u muuqda kuwo ka rajo go’ay inay Somaliland keenaan miiska shirka London.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa markaad qaadi jirteen,

 

Ingiriis dhaladkiiyoow,

Kii dhankiise casaayaw

Wax badan baan dhereraayey

 

...

Ee xaggee ka dunkadaa :D

 

 

I did say, did I not, our feet is very firm on where it matters ---on the ground. No amount of overseas lectures and speeches of independence can change our resolve to ensure Somalia's territorial integrity remain intact. We are in Lasqoray, Baran, Buuhoodle, Xudun, and Taleex, all are historic districts of former British Somaliland. Come and get it awoowe...

 

And we are working to regain Laascanood, and exact arrangement with Ceerigaabo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.