Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

uchi   

^Once again, a country does not use Microsoft Word Clipart to create their coat of arms...atleast try to disguise it by using black hands and not 2 white dudes making a deal~

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Waqooyi Galbeed iyo dowladda kumeelgaarka dadka hoggaamiyo haddee hadlaan lagama wado Soomaaliya iyo gobol ka mid ah ayaa hadlaayo. No. Ismaaweeliya or not.

 

Barbaarta iyo dowladda kumeelgaarka haddee wadahadlaan beri lagama wado Soomaaliya iyo goboladda ee heystaan Barbaarto hadleyso. No.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;817330 wrote:
Act of union may seexeedeen 52 years ago hadanay wada hadlin historical weyee allow sahal:D

Meel wanaagsan bay maraysa 52 sanoh ka bacdi

remember even the act of union was rejected by SL people in referendum in 1960 but nonetheless was hijacked by ignorant politicians.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

What do you guys think will come out these meetings? I'm thinking it will ultimately lead to recognition for Somaliland. These talks could pave the way for setting up a process for the recognition without embarrassing the Somalia government. Maybe it will be along the lines of the Sudan split - a few more years in the federal system and then an independence referendum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think the first talks will fail because they won't come to an agreement the second talks might bring some solutions. A referendum is a good option if it will please the government in Somalia. But I don't think somaliland will accept ever to be under a federal system even for a few years they might suggest sending troops instead and assist the TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis..

 

TFG: Somaliland waxay ka mid tahay Somalia, waa inaad qaadataan nidaamka federalka.

Somaliland: Waxaan nahay Dal madax banaan, waxaan idinka dooneynaa inaad na ictiraaftaan.

 

Result: 0

 

Option: Tanaasul, labadaba waa in ay soo dhawaadaan, lana helaa jid kale oo raali gelin kara Soomaalida oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shinbir this is not abot somalida oo dhan this only about labadi dal eeh is raacay lixdanki iyagay ka dhexeysa not somalida kale reer o'gadenia waxba kama gelin reer jabuuti waxba kama gelin reer nfd waxba kama gelin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaq;817400 wrote:
What do you guys think will come out these meetings? I'm thinking it will ultimately lead to recognition for Somaliland. These talks could pave the way for setting up a process for the recognition without embarrassing the Somalia government. Maybe it will be along the lines of the Sudan split - a few more years in the federal system and then an independence referendum.

It think the outcome will be something along these lines. Nontheless positive as long as it is mutual and a compromise from both sides.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Sheekh Shariif Oo Ku Celiyey In Midnimada Somaliya Muqadas Tahay Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Afhayeenkiisa Faray Inuu Maaweeliyo Shacabka Oo Dareen Qabba

 

“In 21-sano ka dib lagu Guulaysto in dadka Soomaaliyeed wadahadlaan anigu waxaan aamisanahay inay tahay guul u soo hoyatay Soomaaliya” Sheekh Shariif

 

Muqdisho (Waaheen) – Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay sheegay inuu magacaabayo guddida xukuumaddiisa uga qayb-galaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya dhex mari doona.

 

Sheekh Shariif waxa kale oo uu sheegay in wada hadalo Somaliland iyo Soomaliya dhex mara 21 sanadood ka dib ay guul u yihiin Soomaliya, isaga oo xusay in wada hadaladaasi noqon doonaan kuwo meesha ka saara madmadowga ka dhex jira Somaliland iyo Soomaliya, taasi oo uu tilmaamay inay suurto-galinayso in dib loo midoobo.

Sheekh Shariif oo gabi ahaanba meesha ka saaray magaca Somaliland si guudna u adeegsanaya magaca Soomaliya waxa uu yidhi “In 21-sano ka dib lagu guuleysto in dadka Soomaaliyeed wadahadlaan anigu waxaan aamisanahay inay tahay guul u soo hoyatay Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna meel walba oo ay joogaan dareen nabadeed ayay xambaarsan yihiin”

 

Madaxwayne Sheekh Shariif uu tilmaamay inay ka go’an tahay inay xaliyaan tabashada shacabka reer Somaliland tirsanayaan isaga sheegay in dadka reer Koonfureedka ah iyo kuwo reer Somaliland dhexdooda wax kala taban karaan “Khilaaf wuu dhaci karaa oo Somaliland-na way taban karaan, waliba dadka koonfurta Somaliya ku nool ayaa kala taban kara”ayuu yidhi isaga oo gabogabada hadalkiisa sheegay in xalka ugu dambeeya ee doonayaan yahay in Somaliland iyo Soomaliya dib u midoobaan.

 

Dhanka kale, Madaxtooyadda Somaliland oo aad moodo inay iska indho tirayso xaqiiqada iyo mawaaqifta dawlada ku meel-gaadhka ee inay midnimo doon yihiin ayaa sheegtay in wada hadalada Somaliya nuxurkoodu yahay in Somaliland iyo Soomaliya noqdaan laba wadan oo deris ah isla-markaana qaybsada wixii hore uga dhexeeyay ee hanti ahaa “Madaxbanaanideenu waa geed ka go’an, dal jira ayaynu nahay, waxaynu beesha caalamka oo Soomaliya ka mid tahay uga baahanahay aqoonsi, waana wado aynu u marayno inaynu aqoonsi helo, wax iska bedalay mowqofkeenana ma jiraan, waa sidii nabad loogu wada noolaan lahaa, dersinimo wanaagsan wixii inaga dhexeeyayna aynu u qaybsan lahayn.” sidaa waxa ku dooday Afhayeenka Madaxtooyadda Cukuse oo u waramay Laanta afka Soomaliga ee idaacadda BBC-da, isaga oo sidoo kale u tilmaamay in Guddida Madaxwayne Siilaanyo u saaray wada hadalada Soomaliya ay yihiin guddi qaban-qaabo oo soo diyaarin doonta qaabka wada hadalka Soomaliya lala galayaa noqon doonaan “Guddidani waa guddi farsamo waxayna soo diyaarinayaan qaabkii wada hadalada loo gali lahaa”

 

Cabdilaahi Cukuse oo la waydiiyey sida ay u arkaan digniinaya ka soo baxaya baarlamaanka Soomaliya ee ah in Sheekh Shariif wakhtigu ka dhamaaday ayaa ku jawaabay “Shirkii London waxa uu ina faray kolba sida ay suurto-gal u tahay dawladan hadda joogta ama ta dambe inaynu wada hadalada la bilowno, markii si walba loo rogrogay waxa la go’aansaday oo tallo ku wanaagsanaatay inaynu imikaba wada hadalada iyo farsamada aynu iska bilowno, waxaanuna doonaynaa inay hore wax inoogu dhammaadaan”

 

Dhanka kale, guddidan Madaxwayne Axmed Siilaanyo u saaray wada hadalada Soomaliya oo mushtamaca Somaliland aragtiyo kala duwan ka bixiyeen, iyadda oo ay jirto cabsi ah mowqifka dhabta ah ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, waxa shacabku filayey in Madaxwaynuhu si faahfaahsan arintan uga hadlo oo uu shacabka qanciyo, balse hadalka waxa uu shacabka inuu qanciyo u xil-saaray afhayeenkiisa, taasina waxay muujinaysaa in Madaxwaynuhu ka indho qarsanayo shacabkiisa, taasi oo tuhun galinaysa dadwaynaha oo ka warwarsan natiijada wada hadalada la iclaamiyey, maadaama oo Sheekh Shariif uu ku celcelinayo in midnimada Soomaliya muqadas tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;817418 wrote:
Shinbir this is not abot somalida oo dhan this only about labadi dal eeh is raacay lixdanki iyagay ka dhexeysa not somalida kale reer o'gadenia waxba kama gelin reer jabuuti waxba kama gelin reer nfd waxba kama gelin.

Soomaalida waxaan ula jeedaa Somalia citizens, O'gadenia iyo reer Jabuuti waa soomaali laakiin waa dhalasho kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aadan-Dhoollayare oo ka digay inay Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u ekaadaan kuwii 1960-kii

 

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Urur-Siyaasadeedka RAYS Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku taageeray in wadahadal lala yeesho Soomaaliya, hase-yeeshee waxa uu ka digay in wadahadalladaasi noqdaan kuwo lagu hungoobay sidii 1960-kii markii ay labada dhinac midoobeen oo kale.

Guddoomiye Ku-xigeenka Urur-siyaasadeedka RAYS, Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare) oo maanta hadal ka jeediyey Shirweynihii koowaad ee Ururkaas oo maanta ku qabsoomay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, isla markaana lagu doortay, Guddiga Fulinta, Golaha dhexe iyo Hoggaanka guud ee Ururkaas, kaasoo ay ka soo qaybgaleen Ergooyin ka kala socday gobollada dalka iyo Laamaha waddamada dibedda Ururka RAYS ku leeyahay.

Aadan Dhoolla-yare waxa uu ugu baaqay Xukuumadda inay sida ugu dhakhsaha badan Boqor Cismaan Buurmadaw iyo xubnaha Masuuliyiinta ahaa ee xilka laga qaaday oo uu ku jiro Guddoomiyihii gobolka Maroodi-jeex, Agaasimihii guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ku eedaysan falal musuqmaasuq kuna xidhan maxkamad la’aan xabsiga dhexe ee Hargeysa, Maxkamad loo horkeeno.

“Xukuumaddu waa inay sida ugu dhakhsaha baddan maxkamada u horkeenta masuuliyiinta xidhan, iyo boqorka (Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow) oo danbiga loo haysto lagu cadeeyo ama xorriyadoodi dib loogu soo celiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Urur-siyaasadeedka RAYS Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare).

Waxaa Shirweynahan ka qayb galay Ergooyinka iyo xubnaha ururka ka sokow, Mas’uul ka socday Guddida Diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Guurtida,Wakiilada iyo Deegaanka, Madax-dhaqameedyo iyo Marti sharaf kale.

Afhayeenka Urur-Siyaasadeedka Rays Khaliif Maxamed Warsame oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaanba ergooyinka ka qayb qaadanaya Shirweynaha 1aad ee urur siyaasadeedkan iyo mas’uuliyiinta kale ee goob jooga ka ah bilowga Shirweynaha 1aad ee ururkan waxaa kale oo afhayeenku ka warbixiyay mabaa’diida uu u taagan yahay Urur siyaasadeedka rays oo ah sidii Somaliland horumar iyo barwaaqo u gaadhi lahayd waxaanu ku dheeraaday in ururka rays uu saaxada siyaasada ka qayb galinayo haweenka iyo dhalinyarada isagoo tilmaamay in urur siyaasadeedka rays uu ka dhashay doonista bulshada iyo sidii isbedel muuqda loo heli lahaa,isla markaana ay ilaalinayaan Midnimada dhuleed ee Somaliland .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah madax dhaqameedkii iyo marti sharaftii ka qayb galay shirweynahan oo ku adkeeyay ururada siyaasada ee Somaliland inay ilaaliyaan wax kastoo nabadgalyada qaranka saamayn ku yeelan kara isla markaana ay xoojiyaan isu soo dhawaanshaha shacbiga Somaliland ee wadda dhashay.

Shirweynahan waxaa gebogabadiisii lagu doortay Guddoomiyaha Ururka Rays Xasan Maxamed Cali (Goofaadhi), halka Guddoomiye ku xigeena loo doortay Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-yare) iyadoo Guddoomiye ku-xigeenka labaadna loo doortay Saleebaan Barkhad Qulunbe halka Xoghayaha guud ee Ururka Rays loo doortay Cabdiqaadir Xuseen Yuusuf iyo Afhayeenka ururka oo loo doortay Khaliif Maxamed Warsame. Waxaa kale oo shirweynaha lagu ansixiyay Xeerarka urur siyaasadeedka Rays.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Rays Xasan Maxamed Cali (Goofaadhi) oo gunaanadkii shirkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhammaanba ergooyinka kala duwan ee shirweynaha 1aad ee urur siyaasadeedka Rays ka qayb galay waxaanu sheegay inuu rabitaanka Ururka uu ku shaqayn doono isagoo ilaahay ka baryay inuu ku soo asturo xilkaa culus ee loo igmaday.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.