Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Aan wadahadalno waa aan heshiino:

I personally welcome the talks President Farmaajo has offered to have with the Jeegaan administration. If there’s sincerity on both sides then there could be a negotiable and face-saving outcome for the desperate and hapless Jeegaan which also affirms the indubitable unity of Somalia as a whole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bal weynu eegi inu farmaajo dhaamo igaarki xassan sheikh maxamuud and the late sheikh dalxiiis ibn muuday.  Two  president from Mogadishu unuka leh clans.  Sharif dalxiis wuxu bilaabay wadahadalka mahiga oo gacantahaya iyo gaalki nickolaskay. Shirki London kabacdi david Cameron gudoominayey. Hassan maxamuud started pretty good he said I don't believe in a forced unity I believe Somali isu sonoqota oo is ogol. But we know he didn't mean it you know  koonfurian Italian maffia cultures.  Talks collapsed in 2015. Now mr farmaajo ina caanodhaalashe. What will be bring to the table he is a former siyadist loyalist  he was a diplomat in the USA.  He married to the Daynille community of Mogadishu. Let see how it goes and if ina bixi wishes to talk to the kacaan lad from cabuudwaaq. I doubt this geezer hiding inside an Ugandan armored vehicle is in charge he cant even visit kismyo  with out the approval of uhuro kenyata 

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen kumannaan shacab ah ayaa ugu horreyn si kooban uga hadlay taariikhda xornimadda Soomaaliya iyo sidii looga adkaaday isticmaarkii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay mudan tahay in qofkasta oo Soomaali ah uu is waydiiyo 58 sano keddib in aan gaarnay himiladii ay lahaayeen Soomaalidii gobannimo doonka ahayd.

Mar uu ka hadlayay wada hadalladii hakadka galay ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayuu yiri; "Soomaaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan oo na kala qaybiyay ayaan soo marnay. Dowladdan waxa ay diyaar u tahay in ay wada hadalladii soo celiso, si kasta oo aan kalsooni ku galin karnana aan ku galinno, maxaa yeelay waa walaalaheen, waana gacan iyo garab naga maqan."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka soo noqnoqday ee degaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya aysan u baahnayn in colaad iyo dhiig dambe lagu daadiyo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowladda isaga oo yiri "Maanta waxaad heystaan dowlad uu aduunku u arko in ay tahay dowlad wanaagsan, dowlad sharafkiinna iyo sumcaddiinna ilaalineysa oo idiin keeneysa magac wanaagsan. Waxaa la doonayaa in aad gacan siisaan, lana shaqeysaan dowladdiina."

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta ubax dhigay Taalladda Dajirka Dahsoon oo ka mid meelaha taariikhiga ah ee lagu xasuusto dadkii usoo halgamay xornimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dhakhaatiir iyo dhallinyaro mutadawiciin ah, oo gargaar degdeg ah u fidinayay shacabka danyarta ah, si uu ugu dhiirrigeliyo hawlaha samafalka ah ee ay u fidinayaan shacabkooda.

Munaasabadda 1-da Luuliyo ee lagu qabtay Garoonka Banaadir waxaa ka qeyb galay Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow, wafdi ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, safiirada dowladaha Turkiga, Qatar, Shiinaha iyo Imaaraadka, xubno ka socday Midowga Afrika, Ciidamada qalabka sida iyo kumannaan shacab ah.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   
10 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

"Soomaaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan oo na kala qaybiyay ayaan soo marnay. Dowladdan waxa ay diyaar u tahay in ay wada hadalladii soo celiso, si kasta oo aan kalsooni ku galin karnana aan ku galinno, maxaa yeelay waa walaalaheen, waana gacan iyo garab naga maqan."

I don't believe a word of it. The air traffic control fiasco comes to mind whenever they talk about "kalsooni". 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
5 hours ago, gooni said:

Maamulka hargaysa ma qabo aragtidayda in wakhti iyo wada hadal aan natiijo lahayn lagu lumiyo.

Markay wada hadal maqlaan waa markay lafo cusub dhulka ka soo saaraan, mana qoraan walaalaan nahay iyo garab naga siibtay baad tihiin, ajandshooduna mid soomaali shaqo ku leedahay ma'ahan

Soomaalida sida lagu yaqaan waa dad  is cafiya oo qalbi fiican cid kastaana way garan kartaa sababta nabarkaas yar daawada loogu waayay inaysan ahayn wax soomaalida ka yimid.

Madaxda koonfurta soo martay waa kala duwaanayeen kuwii kan ka horeeyay ma ogolayn in magaca hargaysa lasoo qaado macaan iyo kharaar midna lagama faa'iidin

Markii wax laysku qabto yaa xal la raadiyaa haddaan waxba laysku haysan casho hoteel laga cuno wada hadal ma'ahan waa kulan casho, haddaad doonto casho sharaf ugu yeer.

Qabiil dhul ma yeelan karo hadduu yeeshana waxaa lumaya amniga qowmiyadoo dhan wadankoo dhana sidaasuu ku lumayaa jufo walba goonideeda bay u xaraashi intay degto sida dayrtii dhawayd la arkay.

Waxaa laga wada hadlaa arimo kale dib u heshiisiin siyaasad, dastuur cusub, biyo gelinta meesha ku haboon iwm

Dhul wada hadal ma galo sidiisaba waa prohibited.

Farmaajo waxaa u fiican inuu kala saaro calool jileec iyo xaqqa qaanuunku siiyay 1960'kii kowdii juulaay oo ahaa in waqooyiga iyo koonfurtu dal qudha yihiin calankoodana aduunka kale lagu dhex daro.

Intaan cashadu bislaana ha u sheego in waxa laga wada hadlayo aysan ku jirin kalmadda "dhul" goosahaduna dambi weyn tahay oo cawaaqibkeeda aan lagasoo kaban karin.

Markaas ka dib waxaa ka dhacaya culays wakhti badan ku lumi lahaa ayadoo ay horyaalaan arimo aad u fara badan oo ay ka mid tahay meekhaanka caasimadda iyo beesha sheegatay sidii gobol kale loogu heli lahaa,  loona heli lahaa caasimad soomaaliyeed oo lawada leeyahay.

Amni, dastuur,  maxkamad sare, lacag cusub oo daallarka bedesha, manhajka wax barashada, fahamsiinta shacabka federaal qabiiligga, iyo xudduudaha gobolada, waa shaqooyin aad u culus runtiina shaqo sahlan ma'ahan mid wakhti lumis ahna suubis loogama dhigi jaro.

 

 

Halkii laga hadlaayay iyo waakaa Gooni dhaafay hadalkii.

 

Awoowe, faras indho'la ayad toocinaysa, inta uu jarka kaala boodaayo aan ku yara dhawrno. Kolay waxa hore loo yidhi kaadi-badane waa loo gogol badiya. 

Cheeseman maha qof isago ikhtiyaarkiisa go'aan u gaadhi kara. Dhawr jeer oo isku dayay inu yar boodboodo, arinkii Berbera tusaale, gidaar adag ayu madaxa ka so jaray. Inta waliba dharbaaxo loogu daray ayaa loo sheegay itaalkiisa. :D

Boowe, waaqiciga hortaada yaal indhaha u kala fur. Wax ka baro waayaha, la iskama riyoodo oo sidaad jeceshay aad nafta ku maaweelisid, aduunku uma shaqeeyo. Maaweelada caruurta ugu sheeke, laakin waligaa rag lalama hor yimaado. Waa talo.

Wada-hadalkan, maha mid ka yimid Hargeisa iyo Mogadishu, waa mid dadka aduunkan ilaahay ka sakaw majaraha u haya ay dabada ka riixayaan. Hadii uu madmad kaa galay halka uu ku dhamaan doono wada hadalkan, waxaad si fiican u dhugata waraaqdii u danbaysay ee Jaalle Cheeseman loogu caqli celiyay iyo lana hoga tusaaleeyay cida amarka iska leh. :D 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan

Saaxiib haddii ay tahay arrintu sida aad u sheegtay oo go'aanku uu ka go' dawladaha aad awoodda ku sheegtay, maxay faras indho la' ugu ag xireen hargaysa sodon sano?

Maxaa looga baahan yahay wada hadal iyo daal? may si fudud ugu aqoonsadaan jamhuuriyad madax banaan oo soomaaliya ku ag taal?

Khiyaaligu wuxuu ugu daran yahay markii marqaan kusii darsamo

Farmaajo iyo malyan kaloo la mida kama hadli karaan dhul soomaaliyeed kala goyntiis koonfurtana xoriyad lagama bixiyo saaxiib.

Haddii beesha caalamka ay soomaaliya ka dhigayso jamhuuriyado fara badan ha la arko wada hadalkana ayaga ha lagu koobo.

Haddii aad hayso sirta ingiriiska adigoon nagu qoslin  wax noo sheeg iyo goorta aqoonsiga lagu dhawaaqayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gooni wadahadalka waxa keeny United kingdom maraykan Norway  Sweden. Iyo turki oo rabay inu dhex unoqdo labbada dhinac.  Qodobki lixaad  baan kugu  noqonaya. Somaliland iyo Somalia must clarify their future relations.   Marka waxa weye adigu oo ah ka hadheenki afweyne oo meelo badan baynu isla soo marnay maxammad siyad baree iyo burburki iyo dagaalki iyo qabki idinku jiray hadu wu dhamaaday. 30sannah kaso wareegtey kala tegini.mark maynu is daalina. Isjijidna the next 20 years sida falastiin iyo israiil wadahadal aan dhamaanayn. Mise weynu isu duceyna. Mid baa jirta yarka farmaajo waxba kagaran mayo  midow 1964 bu dhashay. Wana macaan jecelti afweynesoo naasnuujiyey. In the 1980. Maantana qollo madmadow baa ilaalisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof buuba of wadani suggested he held talks with president muse biixi about the talks with.somalia.  And prof buuba suggested  that dr abiye Ahmed of Ethiopia should mediate between Somalia and Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

Someone wise said:

 

Aan is waheshano walaalayaal
aan wada jirno walaalayaal

Shicibyahow wanaagsan
walaalayaaloow
wadnahayagi rumaadoow
walaalayaaloow

Wadajir bey laba gacnood wax ku qaban karaanee
Wadajir bey laba gacnood wax ku qaban karaanee
Aan is waheshano walaalayaal
aan wada jirno walaalayaal

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Federal Gov strategy is Isreal strategy towards Palestine, prelong negotiation and tire them out. SL should do whatever  possible to  force start negotiation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maakhiri what will the federal govt gain by that you won't have any unity and part of your claimed land is not under your territorial control. And Somalia is still a big mess.Somalia wants to organize one man one vote elections in 2020. If no elections happens  in Somaliland territory than it.delegitemizes Somalias claim over Somaliland. It's a tricky one for Somalia cause their.situation is bad

Share this post


Link to post
Share on other sites
4 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

Maakhiri what will the federal govt gain by that you won't have any unity and part of your claimed land is not under your territorial control. 

Very good question, buy time to develop and build an army, then remember what happened to separatist Tamil Tigers! 

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's bad strategy  if they want to use arms forced unity will only create more hostilities imagine  this  Somalia has been in turmoil for 27 years  Now wars famine jihadist African union troops imagine if they finally make peace between themselves. And then start a new war with Somaliland. Now imagine somaliland 27 years of peace tranquillity and love. Imagine Somaliland and Somalia renewed fighting  another 3 decades of war misery and loss on both sides. What have u gained lets say even worse case scenario for Somaliland  and landers koonfurian occupy hargeysa raise their flag in hargeysa do you think they can keep on holding hargeysa against its will..you have now a generation  in Somaliland which has no rememberenc of the former union of Somalia and Somaliland. This generation will be doing the fighting. It's going to be hard for Somalia to walk that path. I think It will end up in a referendum when everything has been discussed.  We will go back to pre 26 June borders and shake hands to that. Or the statusquo  untill the end of times..

.

.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cabdi Wali Gaas : Wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland waxba ka soo bixi-maayaan
 

2018719636675677111190140Gaas1.jpg 

Khamiis, July, 19, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdi Wali Cali Gaas ayaa isaga jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium -ka waxaa uu ku dhaliilay dowladda Soomaaliya habka ay u wajaheyso wadahaallada Somaliland.

Gaas ayaa sheegay in ay marka hore-ba qalad tahay in wada –hadallada lagu sheego mid u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, taasoo ka dhiggan ayuu yiri in ay wada –hadalayaan Labo dowladood oo kale.

Wuxuu sheegay in uu u arkayo Somaliland gobollada Waqooyi oo wali ka mid ah Soomaaliya inteeda kale, sidaa daraadeed aysan jirin sida uu hadalka u dhigay sabab loogu ekeysiiyo in ay wada xaajoonayaan Labo dowladood.

Wuxuu sheegay in labada dhinac ee wada hadalaya midkood-na uusan laheyn awood uu ku gaari karo go’aan u gaar ah, isaga oo tusaale u soo qaatay ‘’Ma jiro madaxweyne ama ra’iisal wasaare Soomaaliyeed oo oran kara Somaliland ha tagto, Muuse Biixi-na kuma qancin karo dadka dega Hargeysa iyo Burco Soomaaliya ayaan ku biireynaa, sidaa daraadeed waxaa ii muuqda in leys jahwareerinayo oo kaliya.

Cabdi Wali Gaas ayaa hadalkan sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay magaaalada Brussels oo lagu soo gabagabeeyay shirweynihii heerka caalami ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
diini@hiiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aroori   

Xaaji shirarkani waa gacma daalis ayaan u arkaa anigu, soomaliya teedii ayaa cuslaysay somalilnad-na iyana teeda. wadahadaladan wakhtigoodii lama joogo, ee bal qolo kastaaba horta dhexdooda ha soo turxaan bixiyaan oo ha soo mideyaan. kulanadii horeba waxba kama soo bixin mug iyo macna lihi, intii yarayd ee laysla qaatayna waxba kama rumoobin lamana fulin. 

markaa maxaa laysu daalinayaa, waxaa ka muhiimsan in horumar lagu mashquulo oo lagu tartamo. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadahadaladan inagu maynan keenin waxa keeney beesha calaaamka ingriiska Norway Sweden maraykan affarta waddan. Baa ugu horeyaa arimaha masiiriga in laga hadlo wa muhiim sida gooni isutaaga .Somaliland iyo wadajirka Somalida.. beesha calamku dhexdhexaad haka noqdaan. 58sanmoh kabacdi israaci lixdanki ma ku khasaaray mise faido bay inoo keentey. Garnaqsi dhab hala galo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.