Sign in to follow this  
Carafaat

SNM leader Ibrahim Dhagoweyne tells goverment to free Boqor Buurmadoow.

Recommended Posts

Carafaat   

Ibraahim Dhago-weyne Oo Sheegay Inaan Loo Dulqaadan Karin Ficilada Xukuumada Siilaanyo, Kuna Eedeeyey Inay Faraha Kula Jirto Wixii Umadani Ka Dagaalantay Shalay Ee Musuqmaasuq Iyo Xabsi U Taxaabida Sharci Darada Ah

 

2377698564_29e74e1e2d.jpg

 

“Haday Noqoto Qof Baan Iska Haysanayaa, Suldaan, Badhasaab, Agaasime, Waaba Intuu Maamulku Ahaa, Waxay Tahay Fadeexadii Ugu Waynayd Ayay Dawladu Lugaha Kula Jirtaa, Loomana Dul Qaadan Karaayo Inay Maalin Walba Qof Sidaa Iskaga Xidhato, Waana Wixii Shalay Laga Dagaalamay”

 

Hargeysa, April 8, 2012 (Haatuf) – Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-weyne) ayaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay faraha kula jirto waxyaabihii umadda reer Somaliland shalay ka dagaalameen, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka mid yihiin xadhig sharci daro ah oo Masuuliyiin iyo Muwaadiniin loogu taxaabo xabsiyada xukun la’aan muddo ka badan 24 saacadood, isla markaana la boobo hantida ummadan masaakiinta ah oo Akowno dibadeed lagu shubto, iyadoo dhalinyarii dalku ay ku dhimanayaan baddaha.

 

Ibraahim Dhaga-weyne waxa uu sharci daro ku tilmaamay xabusida Boqor Cismaan Buur-Madow, Badhasaabkii hore ee Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi iyo Agaasimayaasha la xidhan iyo kuwa laga xayiray inay dibada u safraan.

Mujaahidku waxa uu sidaasi ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, kaas oo sidoo kale xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in aanay dhex u ahayn ururada Siyaasada oo uu tilmaamay in waxa Dr Gaboose uu ka qaylinayaa ay run tahay, isla markaana xukuumadu ay ururo dabada ku wadato oo tiro koobkii 1000-ka qof ay Ciidamo ururada qaar ugu buuxisay.

 

Ugu Mujaahid Ibraahim Dhago-weyn oo ka hadlaya xadhiga Xamarje, Boqor Buur-madow iyo Agaasimayaasha kale ayaa waxa uu yidhi “Badhasaabkii la xidhay Xamrji haddii ay dawladdu wax ku hayso inay si cad u soo dhigto weeyaan, markab dhan baa la layahay, baadhitaan rasmi ah ayaa loo baahan yahay oo ummadda loo soo gudbiyo waxeedi waatii suuqa lagu iibinayey Burco, Berbera, Hargeysa iyo meel waliba, waxa aad moodaa inay wax ku lumeen haddii cida wax loo haysto iyo cida dunuubta leh in la soo dhigaa loo baahan yahay oo la yidhaahdo cidaa iyo cidaa ayaa waxaasi gashay oo tuugadaa lagu hayaa, qaranku wuxuu u baahan yahay wixii luma hebel ku ceebee iyo hebel ku fadeexadee yaanay noqonine waxa weeyaan Xabusid aan maxkamad lahayn, waxa weeyi hadii qofku uu dambi leeyahay in xeer ilaalinta loo gudbiyo oo si sharci ah loo soo ban dhigo 24 saacadood wax ka badan lama haysan karo.

 

Waxa weeyi Xamarji hadii wax lagu hayo, marba waraaq nooc kale ah inay marba soo baxdo maaha oo la yidhaahdo waxbuu sahlaayey, waxa cad in aanu dambi lahayn oo kuwii dambiga lahaa laga warwareegayo. Boqor Buur-Madow ayaa la mid ah oo Xabusid (Detention) lagu hayaa waxa la yidhi DG-gii maalintii dhaweyd hadlay ma bixi kartid, waxa weeyaan waanu erinay marka qofku hadlo ee uu runta sheego ee la yidhaahdo waanu xidhnay midna maaha, waxay u baahan tahay kiisaskaas oo dhami in wax laga qabto, Xabusidu waa wixii aynu ka dagaalanay ee aynu diidnay in qofka loo haysto sharci daro 24 saacadood wax ka badan qofka bani’aadamka ah lama haysan karo ayuu sharcigu qorayaa waxa aanu leenahay ha la soo daayo, haddii aan waxba lagu haynin xoriyadiisa waxa lagaga qaadi karaa qofka inuu dambi cad galo hadaan dambigaa lagu hayn waan iska haynayaa waa wixii la isku dilay shalayto, qofbaan iska haynayaa oo aan sidaan doono ka yeelayaa qofna qof sida uu doono kama yeeli karo, qofna (Abuse of Power) kuma samayn karo oo xafiiska kuma tarshayo, xafiiskan ummadaa leh ummaddaa kuu dhiibatay umadaa leh oo aad u haysaa in cadaalad loogu sameeyo ayaa loo baahan yahay, laakiin haday noqoto qof baan iska haysanayaa, Suldaan, Badhasaab, Agaasime, waaba intuu maamulku ahaa, waxay tahay fadeexadii ugu waynayd ayay dawladu lugaha kula jirtaa, loomana dul qaadan karaayo inay maalin walba qof sidaa iskaga xidhato, masuul ah madaxdhaqameed ah, waxa aanu leenahay hadii aydaan waxba ku haynin faraha ka qaada cida wax lagu hayo ee dunuubta gashay ha la doonto, halkay ku ururtayna waa la ogyahay, waxa weeyi masuuliyadan dawladdaa iska lahayd tan tuugada ah, tan Agaasimaha lagu eryaayo, waxa weeyaan aday ku dul taalaaye meel iskaga qaad, waxa weeyi ha ku waalan kolba qof aanad dambi u haynin, waxaan ku soo gabogabaynayaa anigu in wixii dambi leh dambigooda toos loo raacayo cidii aan dambi lahayna faraha laga qaado.

 

Intaasi ka dib Wariyeyaashu Su’aalo ay Waydiiyeen Mujaahid Dhago-weyne iyo Jawaabihii uu ka bixiyey waxa ay u dhaceen sidan:-

 

S: Ibraahim Dhagoweyne shalay waxa ay ahayd 6-dii April maalintii la Aasaasay ururka SNM oo Somaliand ka dhalatay, laakiin maanta oo xukuumada uu hogaaminayo Guddoomiyihii SNM hadana qaban qaabadeedii iyo sidii loo xusi jiray looma xusin arintaasi maxay ummadda u muujinaysaa?

 

J: Malaha dawladani SNM way ka maarantay oo dadkii SNM uma baahna, sidaa uu dayacaasi uga muuqdo ama kuwii ku naafoobay ama kuwii ku dhintay aanay dan uga lahayn ee ay u qaadatay qabyaalada ayaa ka muuqata uma muuqato dawladdii SNM iyo wadadii SNM waa kuwan Mujaahidiintii SNM agtayda fadhiya miyey danaynaysaa kuwii la dhintay ee soo saaray waxa uu ka doorbiday kuwo uu banaanka uga yeedhay”.

 

S: Waxa jiray eedo isa soo tarayey oo sheegayey in Xukuumadu aanay dhex u ahayn ururada arinkaasi bal noo iftiimi?

 

J: Waxa weeyaan anagu ururada tartamaya ayaanu ka mid nahay, dhakhsona Shirwynihii ayaanu u qabanaynaa, waxa weeyaan dawladdu dhex kama aha ururada tartamaya, waxan uu Gaboose la qaylinayaa waa dhab, waxa weeyaan ururo iyado ay wadato, waydinkii arkayey ururada lagu sito baska ilaa iyo Ceerigaabo ilaa iyo Boorama, way cadahay ururadan ay iyadu dhex cararayso ay samaysay way cadahay, waxa weey waxaas oo dhami way jiraan maanta kama gaadhayo go’aan ee talo urur ayaanu ka soo saaraynaa. Doorashada degaanka si degdeg ah ayaanu u filaynaa in loo qabto.

 

S: Waxa jiray Eedo Musuqmaasuq oo tiro badan oo soo shaac baxayey muddadii xukuumadani xilka haysay haday ahaan lahayd tii Agaasimihii Khaarajigu soo bandhigay iyo Akownada la sheegayo in dibadaha laga furtay, ma la odhan karaa xukuumadani waa tii ugu musuqmaasuqa badnayd xukuumadihii soo maray Somaliland?

 

J: Anigu waxa aan odhan lahaa Musuqmaasuqeedu waa qayrul xad ama dibad wax ha ku shubato ama Carab ha ka soo boobto ama ilaa ina Xaashi oo wasiirka ahaa waa tuu cadaynaayey lacagihii Booliska ee lagu shubtay Akownka gaar ee lagu Eryay, waxa aan leeyahay musuqmaasuqani waa mid qarankani ka xisaabtami doono maaha maanta uun inta aad xafiiska joogtaan, laakiinse hantidaa ummadda ee la boobayaa waa mid la iskaga iman doono, Kulmiye waxa uu balanqaaday oo Siilaanyo balanqaaday inuu Musuqmaasuqaa cidhib goynaayo, hay’adii cidhib goynaysay oo shaqaynaysana ma arkaayo, waxa weeyaan waanu xad dhaafay xadkii wax lagu xadi jirayna malaha dawladd gaadhay halkaasina ma jirto, waxa aanu leenahay waar dib iskugu noqda maatidaa aad waxooda guranaysaan, waa kuwaa kabaha la’ ee idin hor jooga ee Baddu liqayso, dhalinyaradaa wixii wax loogu qaban lahaa in dhawr shaqsiyaad ahi boobaan xaaraan bay ku tahay, wixii ummadda ka dhexeeyey, waxa laga yaabaa wixii qof leeyahay in lagaa saamixi karo’e, wax ummadu leedahay way ka badan tahay oo cid saamixi kartaa ma jirto ilaa islaanta halka dawarsanaysaa ayaa wax ku leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;816483 wrote:
SNM Leader ku lahaa ,,,,, goormuu noqday ??

His probably the most phony character on SOL. A Wolf in Sheep's Clothing

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;816540 wrote:
No need to, when Ethiopia tells you to leave it, you'll do as they say.

That's cool, as long as I'm able to slap around silly pirates at will.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

AfricaOwn;816545 wrote:
That's cool, as long as I'm able to slap around silly pirates at will.

You haven't slapped anyone around, you took Laascaanood while Puntland's forces were in Mogadishu, if anything it shows how cowardly the somalidiid's are.

 

Further illustrated by this in 2003 from the book; Border and borderlands as resources in the Horn of Africa.

 

PyPKQ.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Jacaylbaro;816483 wrote:
SNM Leader ku lahaa ,,,,, goormuu noqday ??

Xaaji Xunjuf;816495 wrote:
^^ He was a former SNM general a veteran.

Generals are considered as leaders?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this