Sign in to follow this  
Somalia

Breaking News: Fighting at Laascaanood and Buhoodle District

Recommended Posts

Somalia   

HorseedMedia

 

Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo mileeshiyaad taabacsan maamulka Khaatumo ayaa goor hore oo saaka ah ka bilowday duleedka degmada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa diryanka rasaasta la isku ridayo waxaa laga maqlayaa gudaha magaalada Laas-caanood iyo deegaanada ku xeeran.

 

Maxamuud Jaamac Maxamed (Twenty Six) oo kamid ah odayaasha degmada Laas-caanood ayaa Horseed Media uga waramay dagaalka saaka ka bilowday duleedka magaaladaas.

 

Wuxuuna sheegay in dagaalku uu qarxay abbaare 6:30 aroornimo ee wakhtiga geeska Africa, islamarkaana uu weli socdo, haseyeeshee uusan gudaha magaalada ka bilaabmin.

 

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dagaalkaas ka dhashay, mana jiraan wax dhaawac ama dhimasho ah oo weli magaalada Laas-caanood lasoo gaarsiiyey.

 

Dagaalka saaka ka bilowday Laas-caanood ayaa imaanaya xilli todobaadyadii u danbeeyey ay magaaladaas ka dhacayeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo maamulka Somaliland.

 

Faah faahin dheeri ah ka filo saacadaha soo fool leh Horseed Media.

________________________________________________________________________

 

Wararka aanu ka helayno Degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa waxay sheegayaan in saaka subaxnimadii hore uu ka bilawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland iyo dadka deegaanka.

 

Dagaalkan oo labada dhinac ay isku waydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan ayaan ilaa iyo hada la garanayn khasaaraha ka dhashay saacadihii uu socday waxayse wararku tilmaamayaan in dagaalku uu sii xoogaysanayo daqiiqadba daqiiqada ay ka dambayso.

 

labada dhinac waxaa u kala imaanaya gurmadyo kala duwan, lamana garanayo wali sida dagaalka saaka uu ku bilawday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo deegaanka ah oo taabacsan maamulka Khaatumo ayaa saakay waaberigii ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah iyo sababta keentay in dagaalku qarxo.

Dagaalka ayaa ka socda labo jiho oo kala ah deegaanka Waqbari oo 18 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada iyo deegaanka Gacandar oo 12 km dhinaca koonfur kaga beegan magaalada.

Daryanka madaafiicda iyo rasaasta ay is-weydaarsanayaan labada dhinac ayaa si toos ah looga maqlayaa gudaha magaalada Laascaanood.

Maamulka Khaatumo ee dhowaan lagu yagleelay degmada Taleex ayaa beryahan waday abaabul dagaal oo uu ku doonayo in gacan ku haynta magaalada Laascaanood uu kala wareego maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa iyadu sanadkii 2007 gacan ku haynta magaalada kala wareegtay ciidamada maamul goboleedka Puntland, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay maamuleysay magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka aanu ka helayno magaalada Laascaano ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu saaka ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo Maleeshiyo deegaanka ah.

 

Dagaalkan oo duleedka magaalada ka bilawday abaare 6:00 aroornimo ee saaka ayaa waxay wararku sheegayaan in uu hada ka socdo gudaha magaalada oo ay markii hore gacanta ku hayeen Ciidamada Soomaaliland.

 

Wararku waxay xaqiijinayaan in dagaalkani uu ku bilawday weerar ay soo qaadeen Ciidamada Deegaanka oo maalmahan dambe is abaabulayay, laman xaqiijin khasaaraha ilaa hada dagaalkan ka dhashay.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in hubka noocyadiisa kala duwan ay labada dhinac isku waydaarsanayaan islamarkaana dagaalku uu hada magaalada gudaheeda ka socdo, waxayna sidoo kale tilmaamayaan in ay jiraan gurmadyo Ciidan oo labada dhinac u kala imaanaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

atarisho the secessionist killers who occupy land that is not theirs will lose their lives. these snm militia must see lesson. waar ka jooga laga waayey oo dadka masakinta ad gumeysiga ku haysaan jojiya baa laga wayey.

 

darwiish must liberate their land

Share this post


Link to post
Share on other sites
Atirisho   

^^

 

It is sad and unfortunate that Somalis will attack their brothers and neighbors and create chaos and mayhem in a stable region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ now you cheering for khaatumo and tomorrow you will call them enemies and fight them .

 

Somali politics is like the wild.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Why would I fight them? That doesn't even make sense.

 

I stated the obvious, no one takes it seriously without Laascaanood, so if they get it, they'll get the recognition they need.

Share this post


Link to post
Share on other sites

fighting in milkland!! hell no..........lets drink some milks & then see whos fart is the grossest!! lol This is laascaanood....its like disneyland, there shouldnt be no fighting there. peace smellys.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo mileeshiyaad taabacsan maamulka Khaatumo ayaa goor hore oo saaka ah ka bilowday duleedka degmada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool.

Horseedmedia sounds siding with SL.. It calls SL's militia as Ciidan but Khatume's Militia..

 

 

BTW, SL militia attacked Khatumo's positions in both LA and Buhodle. Alle ha sahlo qolada SL waa halkii Ina Haybe laambad ee "Midaamo dhago maleh hadi imalag dhawaaqo"..

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Zack, The northern wars had lasted in 1992 from 1987. It was resumed after two years of respite, continued again for a year and half.

 

Btw, Las Anod might soon be liberated.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Somalia;812878 wrote:
Why would I fight them? That doesn't even make sense.

 

I stated the obvious, no one takes it seriously without Laascaanood, so if they get it, they'll get the recognition they need.

 

That myth had been busted. SL was a protectorate after the protection treaties and it never gained independence as separate country. Remember the unionist regions can not be forced into separation, even in that unlikely scenario. We are all one ethnic society in the eyes of the international community.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this