Sign in to follow this  
kingofkings

German Delegation in Mogadishu

Recommended Posts

Wefdi ka socda dalka Germany ayaa maanta soo gaarey magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Wefdigan ayaa waxaa horkacayey wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta ganacsiga ee Germany Dag Nabel.

 

Waxayna kulan la qaateen Ra’iisul wasaare ku-xigeenka DKG ah ee Soomaaliya ahna wasiirka ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Khaliif.

 

Labadan mas’uul ayaa markii uu kulankooda oo ka dhacay garoonka Muqdisho soo gaba gaboobey kadib Saxaafadda shir u qabtay, waxayna ka warbixiyeen waxyaabihii ay iskula soo qaadeen.

 

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka ganacsiga iyo wershedaha ee DFKG C/wahaab Ugaas Xuseen Khaliif ayaa ugu horeyn hadalka qaatay.

 

Wuxuuna sheegay in ejeedada ka danbeysa booqashada wedigan Jarmalka ahi ay tahay sidii ay dowladda Soomaaliyeed u caawin lahaayeen kadib markii ay la dhaceen waxqabadkeeda.

 

wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta gacansiga ee Germany Dag Nabel ayaa isna sheegay in isaga iyo wefdigiisaba ay farxad u tahay inay magaalada Muqdisho yimaadaan.

 

Dag Napel ayaa intaas ku daray in xiriirka labada dal uu 25-sano kadib dib usoo laabtay, islamarkaana dowladda Germany ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan.

 

Wefdigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka socda dalka Germany ee in mudo ah magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho soo gaara.

 

Waxayna booqashadoodu timid ka gadaal markii dhowaan mas’uuliyiin dowladda KMG ah ee Soomaaliya ka tirsani ay dalkaas safaro shaqo ku tageen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Chimera;812514 wrote:
Dude is sweating like crazy.

Because the German guy was wearing bulletproof vest in the scorching sun of Mogadishu...It was bit over the top

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaaradda maxee wadaana. Calool kuusanaa bahasha.

 

Jarmalka iyo Soomaaliya xiriir weyn ayaa ka dhaxeyn jiray heer ee xataa gaartay Soomaalidii hore inay aaminaan qofkii xanuunsan rabo daawo ugu fiican waa in uu Jarmalka iska xaadiriyaa. They still have this perception. No wonder those commercials on telefashinka Yunifersal mention dhaqaatiirta Soomaalida inay 'Jarmalka' ka imaadeen or they are based in there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Lol MMA.....waa diyaaradaha ciidanka u qaada cargo, ama ciidam iwm...Maybe horin dhan oo hunaysan baa saaran....:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA,

 

On the questions German doctor's - it's so true that somalis believe German are the best Doctor's on the planet. Not long ago, I was advising a relative of mine who got sick and needed urgent medical treatment, his family doctor referred him to local hospital which happen to have one of the best hepatologists (liver doctor's) in Europe.

 

We could not convince him to have him treated here in UK, and was happy to fork out over 10,000 euros on German doctors for something he could have for free. Once he finished his main treatment in Germany, he came back to UK and decided to continue his after-treatment here (mainly finance reasons). When he met the UK liver specialist, the first question the doctor asked was "why you Somalis always go to Germany for medical", don't you know our hospital is among the best in Europe etc. The doctor was actually livid, and had to play a mediator role...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this