Sign in to follow this  
Maaddeey

Amisom ousted from Dayniile Hospital! (Sawirro)

Recommended Posts

Maaddeey   

AMISOM oo laga saaray Dhismaha Isbitaalka Dayniile iyo Dibad baxyo lagusoo dhaweynayo Guusha ciidanka Muslimiinta oo KM13 ka dhacay.

 

Friday, 30 March 2012 11:54

Abuu Dar

Hits: 432

 

E-mail

Print

PDF

 

Kumanaan shacab ah ayaa isugusoo baxay wadada dheer ee isku xirta magaalada Mudisho iyo degmada Ceelashabiya Biyaha ee duleedka magaalada.

 

 

 

 

 

Wararka nagasoo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in shacabkii ugu badnaa ay wadada tubanyihiin waxayna ku faraxsanyihiin guulaha ay ciidamada muslimiinta ka gaareen dagaalkii maanta.

 

Shacabka ayaa gacmaha ku wada Raashin fudud iyo cabitaano ay ugu talagaleen ciidamada mujaahidiinta ee dagaalka kulajira cadawga.

 

Dhinaca kale ciidamada muslimiinta ay ciidanka shisheeye ee Uganda ka saaray Isbitaalka degmada Dayniile oo ay saacado ka hor dagaal kusoo galeen.

 

Weli dagaalada ayaa kasii socanaya magaalada Muqdisho waxayna tani muujinaysaa in Kufaarta Afrikaanta ah ay fashilmeen iyagoo mar walbaba sheega in ay Muqdisho ka saareen mujaahidiinta welina ay dagaallo wajahayaan.

 

Lasoco Wixii soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Cusbitaalkii Dayniile iyo garoonka diyaaradaha yaa gacanta ku haya? (Sawirro).

Written by Administrator on 30 March 2012.

Waxaa caawa soo gabagaboobay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degmada Dayniile, iyadoona dagaalkaasi looga adkaaday cadowga iskaashanaya ee Afrikaanta iyo daba******yadooda.

 

Hayeeshee cadowga Allaah ayaa mar waliba ka been sheega xaqiiqada dagaalka taasi oo ah dhaqankooda iyo diintooda, iyadoona nasiib darro ay tahay kuwa isku sheega warbaahinada afka Somaliga ku hadla ee dadkooda ku marin habaabinaya borobagaanka cadowga.

 

Afhayeenka Kuffaarta Afrikaanta Beenaale Ankunda ayaa afkiisa ka sheegtay in ay si buuxda u heystaan degmada Dayniile isagoona carabaabay garoonka diyaaradaha iyo Cusbitaalka Dayniile oo uu sheegay in ay qabsadeen.

 

Haddaba warkaasi ma run baa? Sidoo kale ma run buu ahaa dagaalkan kii ka horeeyay in AMISOM looga dilay 10 oo meydadkii Calamada lagu soo bandhigay ay ahaayeen kuwa Mujaahidiinta, sida Ankunda uu yiri?

 

Jawaabta su’aalahaasi ka dheeho sawiradan caddeynaya cidda hadda gacanta ku heysa goobaha la sheegay ee degmada Dayniile.

000daynile%20hospital2.jpg

000daynile%20hospital1.jpg

000daynile%20hospital.jpg

 

more pictures

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Terrorists are on the run. God curse on them.

Well done the brotherly Amisom, brothers in religion(muslim burundis,djiboutians) and brothers in mankind(christian burundis, christian ugandans).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Faahfaahin naga soo gaartay Dagaalkii cuslaa ee Dayniile Maanta ka dhacay, Iyo Gaari Tikniko ah oo ay Alshabaab kusoo bandhigeen duleedka Muqdisho.

 

Dagaallo qaraar oo Maanta oo idil kasocday Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan sii yara qaboobaya, Waxana Wararka goobaha Dagaalka naga soo gaaraya ay tibaaxayaan in Cusbitaalka Dayniile oo ay saakay galeen Ciidamada AMISOM haatan dib looga qabsaday islamarkaana halkaa looga gubay 2 kamid ah Beebayaashooda Cad-cad, Iyadoo sidookalena ay Ciidamada Alshabaab Dagaalkaas Dayniile ku qabsadeen gaari Cabdi-Bile ah oo ay Saanad Milateri saaran tahay, Kaasoo ay haatan kusoo bandhigeen Duleedka Muqdiaho.

 

Dagaalka saakay ayaa ahaa mid aad u culus islamarkaana qasaaro badan ay kasoo kala gaartay dhinacyadii dagaallamayey, Iyadoo haatan Saraakiil u hadashay Alshabaab ay Warbaahinta u sheegeen in Dagaalka ay ku laayeen Ciidamo badan oo AMISOM ka tirsan oo ay Saraakiil ku jiraan.

 

Ciidamada AMISOM ayaa markii labaad ku fashilmay iskuday ay doonayeen in ay kula wareegaan Degmada Dayniile si ay ugu fududaato in ay gaaraan Deegaannada loo barakacay ee Duleedka Muqdisho halkaasoo uu hadafkoodu yahay in ay qabsadaan Maadaama ganacsigii ugu badnaa uu halkaas ka jiro Ganacsatadii ka qaxday Suuqa Bakaaraha dhammaantoodna ay halkaas degeen.

 

Xaaji xunjuf :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ciidamada Dowladda Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ayaa Saaka waxay weeraro ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Iska hor’imaad ay kala kulmeen ururka Al-Shabaab ee halkaasi gacanta ku hayey kaddib ugu dambeyn waxaa u suura gashay inay la wareegaan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

 

Goobaha ay la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxaa ka mid ah Xarunta Degmada Dayniile, Isbitaalka Dayniile, Garoonka Diyaarada iyo xaafado kale oo ka tirsan Degmadaasi.

 

General Cali Caraaye Cobole Gacmadule oo goobta ay la wareegeen maanta Ciidamada Dowladda Saxaafadda kula hadlay ayaa wuxuu ka warbixiyey goobaha ay la wareegeen.

 

Wuxuu sheegay in Ciidamada Dowladda ay goobo hor leh oo cusub ay kala wareegeen Al-Shabaab ayna ku jabiyeen Dagaalkaasi Ciidamada Al-Shabaab.

 

Sidoo kale Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu baaq u diray dhallinyarada ka bar bar dagaalaymaysa Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay yihiin kuwo la marin habaabiyey sida uu hadalka u dhigay.

 

Wuxuu intaa raaciyey in Dowladda KMG Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhaweynayaan dhalinyarada la qalday sida uu hadalka u dhigay ayna isku soo dhiibaan Dowladda KMGs.

 

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Baanaadir ee dhanka amniga ahna ku simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan Joodax ayaa waxa uu ugu horayn Ciidamada Xooga ugu hambalyeeyey Guulaha ay ka gaareen Dagaalkii maanta isagoo Ciidamada kalena u rajeeyey in ay aminga gobolka Banaadir ay adkeeyaan.

 

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta inkastoo goobaha lagu dagaalay ee Degmada Dayniile aysan ku sugnayn dad rayid ah oo ay yihiin xaafado haawanaya.

 

Dhinaca kale warbaahinta ku hadasha Afka ururka Al-Shabaab ayaa ku warantay in dagaalkii maanta ay guulo ka gaareen ayna ku gubeen gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DF Somalia oo kaashanaya AMISOM ayaa hawlgal ay qaadeen maanta 30,March 2012 gacanta ku dhigey xaafada Dayniile oo duleedka Muqdisho ku taal islamarkaasina ka sifeeyey xoogaga taabacsan Al-Qacida.

 

Warkan ayaa lgu sheegey warsaxaafadeed galabta ka soo baxay taliska ciidamada nabad ilaalineed ee Midowga Afrika kasocda AMISOM ,waxana la raaciyey inay ka qayb qaateen ciidamada Burundi oo afar askari laga dhaawacey hawlgalkii maanta.

 

‘’Hawlgalada lagu xoojinayo amaanka Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran weli wey socdaan,xaafada Dayniile ayaan joognaa hada,waxaan ka shaqeyn doonaa sidii amniga loo sugi lahaa kadibna ugu gudbi lahayn Muqdisho banaankeeda’’ ayuu yiri kuxigeenka taliyaha AMISOM Audace Nduwumunsi.

 

Inkastoo ay qaraxyo iyo dilal qorshaysan ka dhacaan Muqdisho haddana tan iyo markii Al-shabaab laga saarey Muqdisho 6-Aug 2012 waxa laga dareemayey degenaansho dhinaca nabadgelyada ah ,waana madadii ugu badneyd oo xasilooni jirto tan iyo burburkii dowladii dhexe 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this