Sign in to follow this  
walaalkis

Wasaaradda Warfaafinta,Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Idaacad Ugu Deeqday Khaatumo State

Recommended Posts

Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State ku wareejisay Idaacad taasi oo Wasaaraddu ugu talagashay in ay dhageystaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada uu maamulkaasi ka arimiyo.

Munaasabad maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya lagu qabtay ayaa Idaacadaasi lagu wareejiyey ayadoo munaasabadana ay kasoo qeybgaleen Wasiirka Warfaafinta,Boostada Iyo Isgaarsiinta,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sarre iyo mas’uuliyiin ka socotay maamul goboleedka Khaatumo State oo uu horkacayey Madaxweynaha Maamulkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in talaabadani ay Wasaaraddu maamul goboleedka Khaatumo State ugu wareejineyso Idaacadda(FM) ay ka mid tahay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda maadaama lagu gacan qabanayo mid ka mid ah maamullada dalka ka jira islamarkaana siyaasadda Dowladdu ay tahay in la gaarsiiyo dhageysiga Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay in Wasaaraddu qorsheyneyso iney xafiisyo ka furato dhammaanba deegaannada ay gacanta ku hayaan maamul goboleedyada dalka taasina ay qeyb ka tahay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidoo kale Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo State Mudane C/nuur Cilmi Qaaje oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Idaacadan ay ugu deeqeen waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo iney tani *****li doonto baahida warbaahineed ee shacabka Khaatumo State.

Dhanka kale Mudane Xuseen Suleymaan (Dhegaweyne) Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha maamulka Khaatumo oo isna Munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in talaabadan ay ka turjumeyso sida Wasaaraddu ugu taagantahay *****lidda baahida shacabka ee dhanka Warbaahinta.

Munaasabadda ayaa guud ahaanba kusoo idlaatay jawigii loogu talagalay balse Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidan oo kale idaacado ugu deeqday maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayadoo dhammaan qorshaha idaacadaha lagu gudoonsiinayo Maamullada ay yihiin meel marinta Siyaasadda Dowladda ee lagu baahinayo dhageysiga Warbaahinta Qaranka.

 

radiomuqdisho.net/wasaaradda-warfaafintaboostada-iyo-isgaarsiinta-oo-idaacad-ugu-deeqday-khaatumo-statesawirro/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

RADIO MOGADISHU

Wasaaradda Warfaafinta,Boostada Iyo Isgaadhsiinta Oo Idaacad Ugu Deeqday Khaatumo State”SAWIRRO”

 

 

http://radiomuqdisho.net/wasaaradda-warfaafintaboostada-iyo-isgaarsiinta-oo-idaacad-ugu-deeqday-khaatumo-statesawirro/

 

 

 

http://radiokhaatumo.com/2012/03/26/wasaaradda-warfaafintaboostada-iyo-isgaarsiinta-oo-idaacad-ugu-deeqday-khaatumo-statesawirro/

 

 

 

Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State ku wareejisay Idaacad taasi oo Wasaaraddu ugu talagashay in ay dhageystaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada uu maamulkaasi ka arimiyo.

 

Munaasabad maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya lagu qabtay ayaa Idaacadaasi lagu wareejiyey ayadoo munaasabadana ay kasoo qeybgaleen Wasiirka Warfaafinta,Boostada Iyo Isgaarsiinta,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sarre iyo mas’uuliyiin ka socotay maamul goboleedka Khaatumo State oo uu horkacayey Madaxweynaha Maamulkaasi.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn oo ugu horeyn munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in talaabadani ay Wasaaraddu maamul goboleedka Khaatumo State ugu wareejineyso Idaacadda(FM) ay ka mid tahay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda maadaama lagu gacan qabanayo mid ka mid ah maamullada dalka ka jira islamarkaana siyaasadda Dowladdu ay tahay in la gaarsiiyo dhageysiga Warbaahinta Qaranka.

 

Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay in Wasaaraddu qorsheyneyso iney xafiisyo ka furato dhammaanba deegaannada ay gacanta ku hayaan maamul goboleedyada dalka taasina ay qeyb ka tahay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

 

 

Sidoo kale Madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo State Mudane C/nuur Cilmi Qaaje oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Idaacadan ay ugu deeqeen waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo iney tani *****li doonto baahida warbaahineed ee shacabka Khaatumo State.

 

Dhanka kale Mudane Xuseen Suleymaan (Dhegaweyne) Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha maamulka Khaatumo oo isna Munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in talaabadan ay ka turjumeyso sida Wasaaraddu ugu taagantahay *****lidda baahida shacabka ee dhanka Warbaahinta.

 

Munaasabadda ayaa guud ahaanba kusoo idlaatay jawigii loogu talagalay balse Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidan oo kale idaacado ugu deeqday maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayadoo dhammaan qorshaha idaacadaha lagu gudoonsiinayo Maamullada ay yihiin meel marinta Siyaasadda Dowladda ee lagu baahinayo dhageysiga Warbaahinta Qaranka.

 

Halkan Ka Daawo Sawirada

 

 

 

141.jpg

128.jpg

218.jpg

49.jpg

76.jpg

102.jpg

1110.jpg

129.jpg

321.jpg

132.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dowlada Somalia oo Idaacad Ugu Deeqday Maamulka Khaatumo State Of Somalia

 

Radio Dalmar ee Muqdisho

 

March 26, 2012

 

MUQDISHO(DM): Dowlada Somalia ayaa manta idaacad FM ah ugu deeqday maamulka Khaatumo State ee dhowan looga dhawaqay deeganka Taleex

 

Xil dhowaan ay dowladu sheegtay in ay aqoonsigii kala laabatay maamulka Khaatumo State ayey markale manta TFG-du idaacad ugu deeqday maamulkaas

 

Munasabad ka dhacay xarunta wasarada warfaafinta ee dowlada Somalia ayaa maamulka ugubka ah lagu siyayay idaacadan

 

Wasiirla warfaafinta Somalia C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” oo goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in ay ugu talo galeen idaacadan in ay dhageystaan dadka deeganada uu maamulkani ka arimiyo

 

Waxaa ka gudoomay idaacada oo goobta ku sugnaa madaxweynaha maamulka Khaatumo State C/nuur Cilmi Qaaje kaas oo dowlada uga mahad celiyay idaacadan ay siisay

 

Cabdulaahi Cismaan Faarax

Wariyaha Radio Dalmar ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Walaal Somalina, Great News Indeed, now all the People of Khaatumo State Of Somalia are happy. Well President of Somalia Hon. Sheikh Shariif Sh Ahmed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

TFG Federal Government of Somalia & Ministry of Information Present FM Radio Transmitters to Khatumo State

 

 

The Minister of Information Posts and Telecommunications: PRESS RELEASE 39/2012

 

(Mogadishu: 27th March, 2012) The Minister of Information Posts and Telecommunications H. E. Abdulkadir Hussein Mohamed presented an FM Radio Transmitter to Khatumo, having already presented a similar FM Radio transmitter to the Galmudug regional government on the 22nd of

March, 2012.

 

These Radios will play an important role in the transmission of information and the spreading of the government’s message to all the Somali people, wherever they are.

 

In a short ceremony held yesterday at the office of the Minister of Information, Posts and Telecommunications and attended by the President of the Khatumo regional government, H.E. Abdinoor Elmi Qaaje, the Minister of Education and Culture, H.E. Dr. Ahmed Aidid Ibrahim, the Minister of International Relations and Diaspora Communities of the Khatuma government H.E. Hussein Suleiman

(Dhagaweyne) and the former Minister of Information, Posts and Telecommunications, Honourable Abdikarim Hassan Jama, an FM radio transmitter was presented to the Khatumo Regional Administration.

 

The Minister of Information, posts and telecommunications, in a short speech given on the occasion said “The aim of the Ministry of Information is to spread the governments’ message and to assist the burgeoning regional governments in the information & telecommunications field.

 

We have already presented a radio transmitter to the Puntland government, we have, only the other day, presented another one to Galmudug; We intend in the near future to do the same for the Bay and Hiraan regions; and we will spread the governments message to all the liberated areas.”

 

“The Ministry of Information will shortly open offices in all the regions, so that the national information service reaches all the corners of the country.” the Minister added.

 

On a similar note, the President of the Khatuma administration, H.E. Abdinoor Elmi Qaaje thanked the Ministry of Information, Posts and Telecommunications for the FM radio transmitter.

 

A similar ceremony to yesterday’s one was held for the presentation of the FM radio transmitter to the Galmudug regional government and was attended by a delegation from the Galmudug State.

 

END

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dowladda TFG-da Soomaaliya Oo Idaacad FM Ah Ugu Deeqday Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia.

 

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

 

Wasaaradda warfaafinta ee DKG ayaa Idaacaddaas ku wareejisey mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulkaas oo beryihii u danbeeyey magaalada Muqdisho ku sugnaa.

 

Munaasabadii qalabka Idaacaddaas lagula kala wareegayey ayaa ka dhacday xarunta wasaarada waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Khaatumo.

 

Cabdiqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) oo ah wasiirka wasaaradda warfaafinta ee DKG ayaa ka hadlay munaasabadii qalabkaas lagula kala wareegayey wuxuuna sheegay in Idaacadani ay tahay mid loogu tala galay inay u faa’iideyso shacabka gobolada maamulka Khaatumo.

 

Waxaa Kaloo Iyana Meesha ka hadlay Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe) oo kamid ah madaxweyneyaasha 3-da ah ee maamulka Khaatumo ayaa isna munaasabadaas wuxuuna uga mahad celiyey wasaaradda warfaafinta ee DKG qalabka Idaacadeed ee ay ku wareejisey.

 

Waa markii ugu horeysey ee ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya Idaacad FM ah ku wareejiso mid kamid ah maamul goboleedyada cusub ee dhowaanta la magacaabay.

 

Arintan ayaana u muuqata mid laga dheehan karo sida ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya uga go’an tahay inay xiriir fiican la yeelato maamul goboleedyada gaar ahaan Khaatumo State oo isaga dhowaan degamda Taleex lagu dhisay Iyo Waliba Maamul Goboleedyo Aad U Farabadan .

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this