Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Legend Abdullahi Yusuf Ahmed has passed away....

Recommended Posts

Select Language​▼

 

UNPOS

PRESS RELEASE

Friday, March 23, 2012

 

 

 

 

UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Augustine Mahiga, expressed today his profound sadness over the death of Mr. Abdullahi Yusuf Ahmed, the former President of Somalia.

 

“On behalf of the United Nations, I extend my deepest condolences to the bereaved family and friends, the Transitional Federal Government and to the people of Somalia over the passing away of Mr. Abdullahi Yusuf Ahmed” said SRSG Mahiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya oo la murugootay geerida C/laahi Yuusuf iyo calanka oo la dajiyay *

 

Jimco, March 23, 2012 (HOL) - Geerida ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku dhintay isbitaal ku yaal dalka Imaaraadka Carabta ayaa si isku mid ah waxaa uga tacsiyeeyay madaxda Soomaalida.

 

Muqdisho

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay guddi qaran oo qabanqaabiya aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

 

Waxaa la joojiyay dhammaan shaqadii ay hayeen shaqaalaha dawlada, waxaana hoos loo dhigay calanka Soomaaliya muddo 7 maalmood ah.

 

Idaacada iyo telefishinka qaranka ayaa laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa, waxaana la saaray aayadaha quraanka kariimka.

 

Garoowe

 

Madaxweynaha DG Puntland ee Soomaaliya, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa tacsi u diray ehalada marxuumka, sheegayna in Garoowe ay noqon doonto meesha lagu aasayo maydka C/laahi Yuusuf.

 

Soomaali badan ayaa ka cabsi qaba in khilaaf uu ka dhasho halka lagu aasayo madaxweynihii hore, iyadoo dawlada KMG ahna ay qabanqaabinayso in aasku uu ka dhaco Muqdisho.

 

Warar hoose oo qoyskiisa laga helay ayaa iyaguna sheegaya in Gaalkacyo lagu aasi doono maydka.

Hergeysa

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isna ka tacsiyadeeyay geerida ku timid C/laahi Yuusuf oo in muddo ah ku xanuunsanaayay isbitaal ku yaalla Dubai.

 

Siilaanyo waxaa uu ku tilmaamay C/laahi Yuusuf nimey ahaayeen saaxiib wanaagsan, waxaana uu sheegay inuu ka murugooday dhimashadiisa.

 

C/laahi Yuusuf Axmed oo ku lug lahaa siyaasada Soomaaliya muddo ku dhow nus qarni, ayaa taageerayaashiisu ay ku ammaanaan inuu ahaa nin wadani ah oo la dagaallami jiray kooxaha xag jirka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Calanka Soomaaliya Oo Hoos Loo Dhigay Iyo Warbaahinta Dawlada Oo Aayado Quraan Tebineysa

 

Ka dib markii madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ku dhawaaqay guddi gaar ah oo heer qaran ah oo loo saaray diyaarinta aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo xalay ku geeriyooday dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta waxaa si weyn isu bedelay jawiga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

 

Waxaa hoos loo dhigay calanka jamhuuriyada guud ahaan xafiisyada dawlada oo ay ugu horeyso xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo dhamaan goobaha kale ee dawlada.

 

Waxaa sidoo kale la joojiyey barnaamijyadii ka bixi jiray idaacadda dawlada Soomaaliya oo bilawday baahinta Aayado Quraanka Kariimka ah.

 

Warbaahinta dawlada KMG Soomaaliya ayaa wada tacsida marxuum C/laahi Yuusuf Axmed, iyadoo guddiga dawladau saartay aaska madaxweynihii hore ay shaaciyeen in berito meydka laga soo dejinayo garoonka Muqdisho.

 

Dhanka kale madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa isaguna sheegay maanta in aaska marxuumka uu ka dhacayo magaalada Garowe.

 

Allah ha u naxariistee Marxuum C/laahi Yuusuf waxaa uu xalay ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku xannuunsanaa beryihii u dambeeyey.* C/laahi Yuusuf wuxuu ku geeriyooday da’da 78 sano jir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul wasaarihi Hore ee Soomaaliay Mudane Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed uga Tacsiyeyay Geeridi ku Timid Madaxweynihi hore ee Somalia

Print here| By: allgedo.com: Saturday, March 24, 2012 // u Jawaab

Related Articles

 

R/wasaarihi hore ee Somalia Maxamed *Cabdilahi Maxamed Farmaajo aya waxaa uu *maanta *tacsi tiiranyo leh u diray guud ahan *Umadda Somaliyeed *gaar ahaan qoyski uu kabaxay Madaxweynihi hore ee Somalia *Mudane *Cabdilahi Yusuf Axmed.

Geeridu waa xaq ma dhinte waa ilahay Waxaan *ilahay uga baryaya *janadii Fardowso in uu ka waraabiyo *Umada Somaliyeed Qoyski iyo Qaraabadi uu ka tagayna Samir iyo imaan alaha kasiiyo Amin Amin Amin.

Waxaa sido kale Tacsi taa la mid ah *diraya inta badan Xubnihi *Golaha Wasiirada ee Xukuumadi Tayo waxayna ilahay uga *baryayaan in uu janadii Fardowso ka warabiyo guud ahan Umada Somaliyeedna Samir iyo imaan alah ka siiyo Amin Amin Amin

————————————————————————–

Xafiiska Warfaafinta ee R/wasaarihi hore ee Somalia

Mudane *Maxamed Cabdilahi *Maxamed Farmaajo

Allgedo News Media Network

allgedo@allgedo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha **** ******* oo ka Tacsiyadeynaysa Geeridii ku timid Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya

Print here| By: allgedo.com: Saturday, March 24, 2012 // u Jawaab

Related Articles

 

Beesha **** ******* oo ka Tacsiyadeynaysa Geeridii ku timid MDX hore ee Soomaaliya Mudane-C/llaahi yuusuf Axmed…

Inaa lilaahi wa Inaa Illaahi Raajacuun.

Waxaa halkaan tacsi ka diraya dhamaan Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,waxgaradka,Cuqaasha,Culima awdiinka,Dhalinayada,Ururada haweenka ee Beesha **** ******* oo ku Nool Dal iyo dibadba Iyagoo ka tacsiyadaynaya Geeridii Naxdinta lahayd eek u timid Madaxweynihii Hore ee soomaaliya Mudane-C/llaahi yuusuf Axmed,oo maaalinimadii jimcada ahayd ku geeriyoodey dalka Imaaraadka carabta.

Waxayna uga tacsiyadeynayaan geeridaas naxdinta leh Qoyskii ,qaraabadii,iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka baxay madaxweynihii hore ee soomaaliya mudane C/llaahi yuusuf axmed, waxayna illaahay uga baryayaan marxuumkaas inuu Qabrigiisa u waasiciyo janadii fardowsana uu ka waraabiyo,Eheladii,qaraabadii,iyo umadii soomaaliyeed oo uu ka baxayna Samir iyo Iimaan uu ka siiyo,,

Aamiin—aammiinn—aammiinn,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha, waxgaradka, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada Beelaha Mudullood oo dhambaal tacsi ah soo gaarsiiyay Bogga Jowhar.com ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo Umadii Soomaaliyed uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Dhambaalka Tacsida ayaa waxaa eebbe looga baryay Madaxweynihii hore, inuu Janadii Fardowso eebbe ka waraabiyo, waxaa loogu baaqay dadka Soomaaliyed inay cafiyaan.

Tacsida ayaa waxaa diraya:-

 

Imaamka Beelaha Hiraab Islow Maxamed Yuusuf

Cali Ugaas Cabdulle

Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed

Ra'iisul Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Xaaskiisa

Ra'iisul Wasaarihii hore Amb. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

Xildhibaan Muuse Suudi

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle

Xildhibaan Cumar Finish

Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor

Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan

Maxamed Cumar Xabeeb

Amb. Maxamed Cali Ameerika

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas

Dr. Cusmaan Maxamed Gacal

Ciise Axmed Cumar

Yuusuf Xasan Maxamed (Yuusuf Yare)

Sheekh Axmadey Fooley

Xildhibaan Prof. C/llaahi Afrax

Xildhibaan Muuse Cali Cumar

Cadde Xasan Cali Gaabow

Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur

Cabdi Jiinow Calasow

Shariif Xuseen Jilacow

 

Dhamaan Jaaliyadaha Beelaha Mudullood ee dibadaha, ganacsatada, dhalinyarada iyo Haweenka waxay tacsi qaran u dirayaan Umada Soomaaliyed iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore Soomaaliya oo saaka salaadii subax ka hor ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaa'id ee Magaalada Abuu Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siyaasiga Soomaaliyeed Cali Cabdi Awaare Kana Mid ahaa Siyaasiyiintii la soo shaqeysay AHN C/laahi Yuusuf Axmed Aqoon dheerna u lahaa ayaan wax ka weydiinay Aqoontii uu u lahaa C/laahi Yuusuf isaga oo jooga Wadanka Jabuuti

Cali Cabdi aware oo horey uga soo mid noqday Golihii wasiirada ee Xukuumadii Uu madaxweynaha ka ahaa* AHN C/laahi yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in aqoonta uu u lahaa ay ahayd in uu ahaa nin Jecel Nabada Islamarkaasina ka shaqeyn jiray Horumarka iyo isku xirka Ismida iyo Cuqaasha

Mr Awaare ayaa sheegay in intii ay siyaasada kuwada Jiree C/laahi yuusuf uu ku xusuusto inuu ahaa nin Dulqaad badan oo dhageysat Qof kasta oo uu la kulmo waxaa uu sheegay in hadi uu Marti geliyo 20 qof uu dhageysan jiray hadalkooda waxaana uu ahaa qof Xusuus badan oo Xifdiya Kalmadaha dadka uu la kulmayo

 

Awaare oo DOwladii C/laahi Yuusuf ka soo noqday Wasiirka Wasaarada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Islamarkaasna ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhawaa Madaxweynaha intii uu ku jiray Siyaasada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen. Morgan, Maslax Maxamed Siyaad, Maxamed Dheere, iyo siyaasiyiin kale oo ka tacsiyeey Geerida Alle ha u naxariiste C/laahi Yuusuf.

Sat, 24 Mar 2012 19:11:11 -0400 pm -04:00 -14400**

Nairobi, Mar, 24 - Gen. Siciid Maxamed Xirsi Morgan, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cumar Xabeed ‘M. Dheere’ Xasan Daahir Maxamed ‘Afqurac’ iyo siyaasiyiin kale oo la soo xiriiray Radio Daljir Daljir ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaanba umadda Somaliyeed, gaar ahaan eheladii uu ka tagay marxuun C/aali Yuusuf Axmed.

 

Siyaasiyiintaan oo kale jooga dalka iyo dibadda ayaa ayaa isku raacay in umadda Soomaliyeed ay weyday nin miisaan wayn ku lahaa dalka iyo dibadda.

 

Maydka marxuunka ayaa lagu wadaa in barri laga dajiyo magaalada Muqdisho halkaas oo salaadda jinaasada lagu tukan doono, laguna qabanayo xaflad baroor diiq ah. Waxaana intaasi ka dib loo soo duulinayaa magaalada Galkacyo oo lagu aasi doono.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Gaalkacyo (APL ): Magaalada Gaalakcyo oo uu ka Dhacayo Aas Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa si weyn Maanta waxaa looga Dareemayaa Gaalkacyo diyaargarow ku aadan sidii loo Xakamayn lahaa amaanka Gobolka iyo Guud ahaan Magalada Gobolkaas.

 

Ciidamada ayaa heegan ugu jira sidii ay u Xoojin lahaayeen Nabadgelyadda Magaalada Gaalkacyo,waxaana Madaxweynaha loo Samaynayaa Aas Qaran iyadoo Marka Hore ay kusoo Horumarayso Diyadda Sidda Maydka Madaxweynaha .

 

waxaana garoonka diyaradaha ee Aadan Cade loogu Samayndoonaa Aas qaran oo ay kasoo qaybgalayaan Madax Afrika ka imanaysa ,Madaxda Sarsare ee Dowladda KGS,iyo Dadweyne aad u tira Badan ,Janaasadda Marka Lagu tukado Marxuumka ayaa loo soo Gudbindoonaa Magaaladda Gaalkacyo oo lagu wado in halkaas lagu Aaso , Aaska Madaxweynaha ayaa waxaa Galkacyo kaga Qaybgalaya Masuuliiynta Dowladda Federalka,Puntland , Salaadiin Soomaaliyeed ,kuwa puntland & Qaybaha Bulshada Reer Puntland .

 

 

 

Madaxweynaha puntland ayaa ku wajahan Goobta Aaska eek u taal Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaana uu iminka ku suganyahay Madaxweyne Faroole iyo Wafdiga uu Hogaaminayo Degmadda Buurtinle iyadoo ay Hiirtii Hore ka soo baxeen masuuliintu Magaladda Garoowe,Aaska Madaxweynaha ayaa ah kii ugu Balaarnaa ee loo sameyo Madaxweyne Qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

For the good and bad - the man served his nation. Eebe haa uu naxarisee A.Yussuf - samir iyo emaan for the family, friends and followers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this