Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Legend Abdullahi Yusuf Ahmed has passed away....

Recommended Posts

Garowe(Puntlandi.com):- Dawlada Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday 3 bari oo Calanka hoos loo dhigayo geerida Madexweynihii hore ee Soomaaliya awgeed.

 

Madexweynaha Dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta xarunta madextooyada Dawlada Puntland ee magaalada Garowe kula hadlay Saxaafada ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo calanka Puntland hoos loo dhigayo iyo aas qaran oo loo samaynayo Madexweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo xalay ku geeriyooday Magaalada Dubai ee Isutaga Imaraatka Carabta.

 

Kulankan uu Madexweynuhu saxaafada kula hadlay waxaa goob joog ka ahaa Golaha Isimada ee Puntland iyo Golaha xukuumada, saraakiisha Ciidamada iyo dhamaan laamaha Dawlada Puntland, wuxuuna madexweynuhu xusay in Marxuumku uu Taariikh dheer ku leeyahay Soomaaliya iyo Caalamka oo dhan gaar ahaana Puntland uu meel gaar ah uga qoran yahay.

 

“Allaha u naxariistee Madexweyne C/laahi Yuusuf Axmed Taariikh dheer buu lahaa halkan kama wada sheegi karo waxaa kaliyoo hada aan shegayaa waxaa weeye C/laahi Yuusuf Axmed waxaa uu ka dhintay Umada Soomaaliyeed oo dhan, Dawlada Puntland iyo shacabkeeda, eheladiisii, Xaaskiisii iyo Caruurtiis Ilaahay waxaan uga baryaynaa in uu Janadii ka waraabiyo. Waxaa loo samaynayaa isagoo lagu aasayo Puntland Xabaal Qaran, Calankan waxaa hoos loo dhigayaa 3 bari” ayuu yiri Madexweynaha Puntland C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole.

 

Madexweynaha Puntland C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa tilmaamay in Madexweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu bud dhig u ahaa Asaaskii Maamulka Puntland iyo in Amni iyo kala dambayn ka dhalato deegaanadan Puntland la isku yiraahdo.

 

“Halkan waxaa ila fadhiya oo dhinacyada iga xiga Isimada Puntland qayb badan oo ka joogta, dhinacanna waxaa iyaga fadhiya golohii xukuumada, Baarlamaankii rag ka socota iyo Sarakiishii dawlada . Puntland Taariikhdeeda 1998-dii markii ay dhalatay ninkii ay ku bilaabatay buu ahaa Markay magaaladan Garowe lagu gudoonsaday in maamul gooniya la yeesho, wuxuu ahaa Madexweynihii ugu horeeyay oo amniga sugay gobolkan, Isbaarooyinkii qaaday, maamul ka hirgaliyay, ka dhisay dawlad shaqaynaysa sadexdii qaybood ee looga baahnaa dawlad in ay yeelato sadexdiiba hirgaliyay, Nidaamkaas oo anigu aan maanta ahay madexweynihii sadexaad ee loo doortay Puntland aan ka dhaxalnay anaguna aan sii xoojinay Taariikhda Puntland bay ku haraysaa lamana Ilaawi doono” ayuu yiri Madexweynaha Puntland.

 

Hadalka Madexweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli ay socoto qaban qaabada aaska Madexweynihii Dawlada Federaalka Soomaaliya Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo la filayo in lagu aaso Deegaanada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;808356 wrote:
Yusuf was a decorated hero in 1964 war as well 1978. He was sick for a long time and now has peace.

Sad news

 

Visionary who only wanted peace for his people

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa tacsi tiiranyo leh ka direy geerida Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Col.Cabdullaahi Yusuf Axmed oo saakey (Jimce) waaberkii ku dhintey Isbitaal ku yaala dalka Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegey in uu sameeyey guddi ka shaqeeya aaska Madaxweynihii hore, waxaana guddigaas madax u ah Raysalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Ganacsiga. Mudane Cabdiwahaab Ugaas.

 

Shariif Shiikh Axmed ayaa ku tilmnaamey Cabdullaahi Yusuf (AUN) shakhsi waddani ah geesi ah jecelna dadkiisa iyo dalkiisa, waxaana uu rabbi uga beryey in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisi iyo qaraabadiisi.

 

Dhanka kale waxaa ka hadley geeriga Madaxweynihii hore Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas, raysalwasaaraha ayaa sheegey in dhawaan ahayd markii uu ku booqdey Isbitaalka isla markaasna uu la socdey tan iyo markaas xaaladda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN).

 

Puntland

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa tacsi ka direy dhankiisa dhimashada Cabdullaahi Yusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana Dr.Faroole sheegey in dhawaan lagu aasi doono deegaanada Puntland isla markaana la diyaarin doono taariikhdiisi, waxa uu ku tilmaamey in uu ahaa Cabdullaahi Yusuf raggii dhidibada u taagey Puntland isla markaana u yeeley saddexda nidaam ee dawlad leedahay.

 

Somaliland

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamede Maxamuud Siilaanyo ayaa isaguna umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Cabdullaahi Yusuf Axmed, waxaana qoraal uu akhriyey afhayeenka madaxtooyada Somaliland lagu sheegey in Madaxweynaha Somaliland ka tacsiyeynayo dhimashada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana uu rabbi ga baryey in uu janadii ka waraabiyo.

 

Aaska Madaxweynaha

 

Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in lagu aaso Madaxweynihii hore ee Soomaaliya gudaha dalkas Soomaaliya meel kamid ah waxaan arintaas ka wada hadlaya guddi Dawladda Federaalku u saartey, maamulka Puntland iyo ehelada Madaxweynihii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka tacsiyaynaya geerida marxuum C/llahi Yusuf Axmed.

Fri, 23 Mar 2012 10:16:39 -0400 am -04:00 -14400**

Inaa Lilaahi wa Inaa Ilayhi Raaijcuun.

 

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa ayaa fariin tacsi ah ka diraya geerida Alle ha u naxariistee M/weyihii hore ee Somaliya C/llahi Yusuf Axmed.

 

Beeldaaje Ismaaciil ayaa uga tacsiyeynaya geeridaas guud ahaan ummadda Somaliyeed iyo gaar ahaan qoyska marxuumka.

 

Samir Alle ha kasiiyo ummada Somaliyeed.

 

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

For these who have followed his career, if they really analyse his actions without clannish spectacles, they must reach the conclusion that President Abdullahi Yusuf was a nationalist in blood and soul. The big picture he had was to recreate a united Somali Republic as it was in July 1, 1960, free of dictatorship and with multiparty democracy system of governance. His words that ring in my mind wherever I remember him are “our conflict is a conflict of family feud”. He said it when asked his position on the Soomaalidiids’ secession dream. May Allah have mercy upon him and give him paradise. Amiin…

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe (RBC) Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa galabta shaaca ka qaaday in meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed lagu aasi doono magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

 

C/raxmaan Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe isagoo ay wehliyaan qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland ayaa sheegay in aas qaran loo sameynayo Allah ha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo uu sheegay in calanka hoos loo dhigi doono mudo saddex maalmood ah, iyadoo aas ballaarana uu ka dhacayo Puntland beryaha soo socda.

 

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa soobaxay iyadoo Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu magacaabay guddi qaran oo aaska madaxweyne C/laahi Yuusuf diyaariya. DKMG Waxay shaacisay in aaska madaxweyne Yuusuf uu ka dhacayo Muqdisho maalinta beritana laga soo dejin doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Allah ha u naxariistee madaxweyne Yuusuf wuxuu xalay ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta waxaana ehelada ay sheegeen in Soomaaliya loo duulin doono saacadaha soo socda..

He should be buried wherever his family decides. I am sure their wish will be honored.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Inna Lillahi wa inna ilaihi raji'un. Deepest condolences to his family. The former President has certainly left a mark and legacy on the nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Inna Lilaahi wa inna Ileyhi raajicuun. Allah yarxama inna Yussuf. Ehalladii uu ka geeryoodeyna samir iyo iimaan baanu leenahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samsung   

My sincere condolences to Somaliweyn and to the Family and close friends of Mujahid Abduallhi Yusuf.

 

A/Y was one in a Million, and his legacy which has transformed Somalia for the better, will be with us forever.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samsung   

GaadhHaye;808627 wrote:
For these who have followed his career, if they really analyse his actions without clannish spectacles, they must reach the conclusion that
President Abdullahi Yusuf was a nationalist in blood and soul.
The big picture he had was to recreate a united Somali Republic as it was in July 1, 1960, free of dictatorship and with multiparty democracy system of governance. His words that ring in my mind wherever I remember him are
“our conflict is a conflict of family feud”
. He said it when asked his position on the Soomaalidiids’ secession dream. May Allah have mercy upon him and give him paradise. Amiin…

Amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayrobi-hobyonet)Mdaxwaynaha Dowlad Gobaledka Galmudug Maxamed Axmad Caalin ayaa tacsi u diray Eheladi iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Madxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo Aroornimadii hore ee Shalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Caalin oo la hadlay Saxaafadda ayaa tilmamay in Maamulka iyo Shacabka Galmudug ay ka tiiraanyeysan yihiin Geeridii ku timid C/laahi Yuusuf Axmed,wuxuuna alle uga baryay inuu Naxariistii ka waraabiyo qoyskiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Shabakadda Hobyonet waxaa soo gaaraya Tacsida loo dirayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed,waxaana Mas’uuliyiinta iyo shacbiga Soomaaliyeed ay uga tacsiyeynayaan eheladiisa Geeridii ku timid alaha u naxariistee C/laahi Yuusuf Axmed.

Www.hobyonet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this