Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Legend Abdullahi Yusuf Ahmed has passed away....

Recommended Posts

BOB   

Inna Lillahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun.

 

Allaha U Naxariisto and may Allah make it easier for all his loved ones in this time of pain and grief Insha Allah.

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Innaa lilaahi wa inaa illayhi raajicuun. illaahay ha u naxariisto marxuum Abdullaahi Yuusuf Axmed, eheladiisiina samir iyo iiman illaahay ha ka siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taariikh nololeedka C/laahi Yuusuf

23 Mar 23, 2012 - 4:50:02 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Xirsi) ayaa maanta 23.March 2012 xarunta madaxtoyada Garowe saxaafada wax uga iftiimiyey taariikh nololeedkii Alaha u naxariistee Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed madaxweynihii hore ee Somalia.

 

Taliyaha oo in badan ka soo dhinac shaqeeyey Marxuumka kana og taariikhdiisa ayaa ku bilaabaya tababarkii ciidan uu dalka Talyaaniga u aadey iyo kaalinta koowaad uu ka galay dhamaadkiisa.

 

Xilalkii kala duwanaa uu ka soo qabtey dowladdi Somalia ,isku dhicii nidaamkii Siyaad Barre ,xarigiisi ,jabhadii SSDF,khilaafkii Mingiste Maryem boqorkii Ethiopia ,xarigiisi mar labaad ayuu dul marey taliye Gen.Siciid Dheere.

 

Alaha u naxariistee Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed lagu masoo koobi kari halkan ,waxana buuxsamaya buugaag iyo bogag badan ,waxana si weyn loogu xasuusta Puntland iyo madaxtinimadiisi xiliga uu hayey oo nabad ,kala dambeyn iyo horumarba lagu tiigsadey ,islamarkaasina bilow u ahayd halkan aan maanta gaarsiisanahay.

 

 

Dowladda Dhexe ee Somalia oo fadhiid ahaan jirey islamarkaasina magic u yaal ahayd ayuu arintaasi qaadan waayay waxana uu noqdey madaxweynihii ugu horeyey ee Somalia tan iyo burburkii oo Villa Somalia dib ugu laabta kana hawgala.

 

Nidaamkii dowladnimo ,ciidamada oo uu u roonaa ,taageero beesha caalamka iyo ka sifeynta dalka xiligaasi midowgii maxaakimta oo bilow u ahaa argagixisada AL-shabaab ee haatan Somalia gabalkeedu dhacayo ayuu ka hirgeliyey Muqdisho.

 

Waxa uu ahaa nin kalmadiisu adagtahay,balanqaadkiisa la fuliyo,cidna aysan kada hadalin ,waxa u dhega nuglaa odayaasha dhaqanka ,waxa uu daryeeli jirey maatada ,waxana uu soo dhaweysan jirey cadowga si uu uga dhigto saaxiib.

 

Alaha u naxariisto Cabdulaahi Yuusf Axmed halyey Soomaaliyeed ayuu ahaa.

 

INAA LI LAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

 

Halkan ka dhageyso codka Taliyaha ciidamada Puntland Gen.Siciid Dheere

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha U naxariisto samir iyo IImaan allaha ka siiyo eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii iyo Ummada somaliyeed oo uu ka tagay,ilahey waxaan ugu baryayaa

inuu janadatul ka waraabiyo.inuu geesi wadani ahaa oo dalkiisa iyo dadkiisa jeclaa ahaa ayaanan lagu murmeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Xirsi) ayaa maanta 23.March 2012 xarunta madaxtoyada Garowe saxaafada wax uga iftiimiyey taariikh nololeedkii Alaha u naxariistee Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed madaxweynihii hore ee Somalia.

 

Taliyaha oo in badan ka soo dhinac shaqeeyey Marxuumka kana og taariikhdiisa ayaa ku bilaabaya tababarkii ciidan uu dalka Talyaaniga u aadey iyo kaalinta koowaad uu ka galay dhamaadkiisa.

 

Xilalkii kala duwanaa uu ka soo qabtey dowladdi Somalia ,isku dhicii nidaamkii Siyaad Barre ,xarigiisi ,jabhadii SSDF,khilaafkii Mingiste Maryem boqorkii Ethiopia ,xarigiisi mar labaad ayuu dul marey taliye Gen.Siciid Dheere.

 

Alaha u naxariistee Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed lagu masoo koobi kari halkan ,waxana buuxsamaya buugaag iyo bogag badan ,waxana si weyn loogu xasuusta Puntland iyo madaxtinimadiisi xiliga uu hayey oo nabad ,kala dambeyn iyo horumarba lagu tiigsadey ,islamarkaasina bilow u ahayd halkan aan maanta gaarsiisanahay.

 

Siciid_Dheere_Gudaha.jpg

 

Dowladda Dhexe ee Somalia oo fadhiid ahaan jirey islamarkaasina magic u yaal ahayd ayuu arintaasi qaadan waayay waxana uu noqdey madaxweynihii ugu horeyey ee Somalia tan iyo burburkii oo Villa Somalia dib ugu laabta kana hawgala.

 

Nidaamkii dowladnimo ,ciidamada oo uu u roonaa ,taageero beesha caalamka iyo ka sifeynta dalka xiligaasi midowgii maxaakimta oo bilow u ahaa argagixisada AL-shabaab ee haatan Somalia gabalkeedu dhacayo ayuu ka hirgeliyey Muqdisho.

 

Waxa uu ahaa nin kalmadiisu adagtahay,balanqaadkiisa la fuliyo,cidna aysan kada hadalin ,waxa u dhega nuglaa odayaasha dhaqanka ,waxa uu daryeeli jirey maatada ,waxana uu soo dhaweysan jirey cadowga si uu uga dhigto saaxiib.

 

Alaha u naxariisto Cabdulaahi Yuusf Axmed halyey Soomaaliyeed ayuu ahaa.

 

INAA LI LAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

 

Halkan ka dhageyso codka Taliyaha ciidamada Puntland Gen.Siciid Dheere

 

Audio

Share this post


Link to post
Share on other sites

*

Calanka Puntland oo hoos loo dhigay, ka dib geeridii naxdinta lahayd ee M/weyne C/laahi Yuusuf.

Fri, 23 Mar 2012 09:22:16 -0400 am -04:00 -14400**

Garoowe, Mar, 23 - M/weynaha dawladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in muddo sadex cisho hoos loo dhigay calanka Puntland geerida ku timid M/weynihii hore ee Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed aw-geed. Wuxuuna intaasi raaciyey in marxuunka lagu aasi doo deegaanada Puntland.

 

Md. Faroole ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaamba umadda Soomaliyeed waxaana uu si gaar ugu tacsiyeeyey eheladii marxuunka oo uu sheegay inuu telefoon kula hadlay.

 

M/weyne Faroole ayaa sheegay in M/weyne C/laahi Yuusuf uu ahaa nin miisaan wayn ku dhex leh umadda Soomaliyeed ayna geeridu tahay mid xaq ah oo qof walba sugeysa.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weynaha dawladda Fedralka oo sheegay in aas qaran loo samayn doono M/weynihii geeriyooday C/laahi Yuusuf Axmed.

Fri, 23 Mar 2012 09:23:54 -0400 am -04:00 -14400**

Muqdisho, Mar, 23 - Shir degdeg ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho M/weynaha Soomaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, R/wasaare C.wali Maxamed cali Gaas, xubno ka tirsan golaha wasiirada, golaha baarlamaanka iyo saraakiisha ciidanka ayaa lagu sheegay in Allaha u naxariistee aas qaran loo samayn doono M/weyne Yuusuf oo saaka ku geeriyooday isbitaalka Sh. Zaayid ee magaalada Abu-dhabi.

 

M/weynaha ayaa hadalkiisa ku daray in qaban-qaabada aaska loo magacaabay guddi heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha dawladda kuwaas oo maantaba hawshooda bilaabay.

 

Sh. Shariif ayaa tacsi u diray dhamaan umadda Soomaliyeed waxaana uu marxuunka uga baryey inuu ilaahay janadii Firdawsa ka waraabiyo. Waxaana uu dadka Soomalida ah ka codsaday inay cafiyaan marxuunka, maadaama cidkasta oo hawl noocaas ah qabata wax laga tirsan karo.

 

Maydka Marxuunka ayaa laga dajin doonaa garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo salaadda jinaasada lagu tukan doono.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this