Sign in to follow this  
The Hermet

Leader Of Alshabab Godane we support khatumo...

Recommended Posts

Published On: 22 March 2012 8:56 am Wararka | By Taleex Media Muxuu Hogaamiyaha Al Shabaab u Taageeray Kacdoonka Taleex (Dhagayso)

 

Hogaamiyaha Xarakada Al shabaab ee dhawaan ku biiray ururka Al Qaacida Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano Abuu Zubayr ayaa dhawaan cajalad maqal ah oo uu soo saaray taaso uu ugu talagalay dhiirigalinta taageerayaashiisa kaga hadlay arimo badan oo la xidhiidha dalka Soomaaliya.

 

Marka laga yimaado hadalada aan ku cusbayn dhagaha Soomaalida ee ka soo baxay Axmed Godane waxaa cajaladan ku cusub soo dahweyn iyo marxabayn uu u jeediyay kacdoonka ka bilawday magaalada Taleex.

 

Axmed Cabdi Godane waxaa uu soo daliishaday xadiis uu lee yahay 100 sanaba Ilaahay wuxuu umada Islaamka u soo diraa cid diinteeda u cusboonaysiisa.

 

” Waxaa Ilaahay mahadii ah hal qarni ka dib in jihaadkii daraawiishta in mar labaad gulufkii Islaamku ku soo rogaal celiyo dhulkaas” ayuu yidhi Godane.

 

Sidoo kale Axmed Cabdi Godane waxaa uu baaq iyo bvoogaadin u diray koox ka dagaalanta buuraha Golis gaar ahaan kooxda Atom isagoo u tilmaamay in ay kulaalayaan oo ay ku dhaw yihiin dhulkii Daraawiishta sida Taleex,Jiidali iyo Jidbaale.

 

Axmed Cabdi Godane waxaa uu baaq u diray umadda ku nool gobolada Bari,Sool,Sanaag iyo Togdheer isagoo ugu baaqay in ay dib u soo nooleeyaan kaalinkii ay ku lahaayeen Jihaadka.

 

Hadalka Axmed cabdi Godane waa fariin cad oo uu ku taageerayo kacdoonka Taleex ka bilawday dabayaaqadii sanadkii hore kaaso ugu dambayntyii lagu dhisay maamul.

 

Maamulka lagu dhisay Taleex ee Khaatumo oo seddex madaxweyne leh ilaa hada wax war ah kama ayasan soo saarin hadalka Godane uu jeediyay isbuucii hore.

 

Sida laga warqabo maamulka Khaatumo waxaa uu dagaal kala dhexeeyaa maamulka gooni goosad doonka ah ee Hargeysa ka arimiya kaaso xoog ku haysta magaalada Laascaanood sidoo Khaatumo wax xidhiidh ah lama laha maamulka Puntland taa bedelkeedana waxaaba ka dhexeeya loolan siyaasadeed.

 

Dhinaca kale maamulka Khaatumo dhawaan waxaa ay dawlada Soomaaliya kala noqotay taageero loo fidiyay taaso dhalisay in siyasiyiinta dhisay Khaatumo in ay warbaahinta ka weeraraan masuuliyiinta u saraysa dawlada Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasada Soomaaliya.

 

Hadalka Godane wuxuu noqon karaa laba mid:

 

1- In uu taageero iyo beer laxawsi kaga doonayo Khaatumo maadama ay iska soo horjeedaan Somaliland,Puntland iyo xidhiidhka Dawlada Soomaaliya oo aan fiicnayn oo seddexduba dagaal kula jira Al Shabaab markaa in uu Godane is yidhi bal kuwan aayad isku doon saaran tihiin ee taageero ka doono.

 

2- Axmed Cabdi Godane oo ah nin ka soo jeeda beesha ***** in uu hadalkiisa ugu hiilinayo beeshiisa si beesha caalamku ugu aragto dadka dega gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn in ay yihiin dad ururkiisa tagaeersan loona tixgaliyo goboladaas dhul argagixiso.

 

Dadka aad u daraasaya arimaha argagixisada geeska Afrika ayaa su’aalo ka keenay aamuska Khaatumo ka aamusan tahay muddo toddobaad ka dib hadlakaa ka soo yeedhay Axmed Cabdi Godane.

 

Waxaana ay Khubaradu lee yihiin waxaa loo micnay karaa aamuskaasi in ay taageersan yihiin hadalka taaso ugu dambayn dhalin karta in beesha caalamku il gaar ah ku eegto Khaatumo iyo dadka horkacaya.

 

Khaatumo waxaa sameeyay siyaasiyiin uu dhawr jeer ku fashilmay siyaasada Soomaaliya hadana rajo ka qaba ka qayb galka tartanka madaxnimada Soomaaliya ee bisha August la qoondeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't know why the hargaisan toilet cleaner turned amir of somalia has decided to support khatumo ilahay ba og..lakin from what taleex media is saying the lunitic supports khatumo which is cajib. He wants in road into Somaliland and see khatumo as a way in...our brothers should know alshabab will not benefit our collective people we don't need suicide bombings and insecurity. Its better to work with each other..we all Somalilanders. If godane had balls he would show his face and I really don't know what islam these shabab believe in they clearly fail to understand the basic logic of islam which is submission and in submission God says the life of a muslim is worth the kabaa itself so if he knew anyThing about islam he wouldn't be going around murdering people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

God says the life of a muslim is worth the kabaa itself

Where, which verse, educate us please!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

If this is true, Godane is a crafty tribalist. He wants to kill the whole Khaatumo thing with this endrosement. Aduunkuu ku dirayaa. He could not have supported his clan lineage in Somaliland better. :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Abtigiis;808039 wrote:
If this is true, Godane is a crafty tribalist. He wants to kill the whole Khaatumo thing with this endrosement. Aduunkuu ku dirayaa. He could not have supported his clan lineage in Somaliland better.
:D
:D

Now you have people like xaaji xunjuf getting excited.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Xaaji Xunjuf;808063 wrote:
^^ Why me Abdul i have nothing against khaatuumo khaatumo is my home allow khaatuumo no daa

No need for SARCASM warya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

after SL funded their uncle im assuming they requested him to endorse khaatumo as they say desperate moments call for drastic measures..too funny! ...Khaatumo is a recognized state in Somalia. What your uncle Godane says makes no difference to say the least. Way dhaaftay waqtigi aad umada isku dayi jirteen inaad SSC ku sheegtaan argagixiso. Shekadas idinka bay nigu so laabatay ee ha niga saarto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The source is taleex.net a website that supports khatumo. This story isn't even in the somaliland press. No one has hate for khatumo seriously were all one and the same...Godane is monster its just strange how or why he should support khatumo that's all, but inshallah this monster won't come between us...we need peace for all the people...and shabab and khatumo just bring war our people need development and better lives not tribalism and Alqeada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this