Sign in to follow this  
Liibaan

LaasCaanood: Eheladi Dadka SL Militia Xasuqday Kuwa ee Qafalatay OoShirJaraai'd Qabtay Video+Sawiro

Recommended Posts

Liibaan   

Odayaal, Dumar& Caruur Reer Khaatumo Ah oo Lagu XidhXidhay Magaalada Laas Caanood

 

 

 

 

4797612929_d4d9e32a54_b.jpg

Untitled3.jpg

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Odayashan Lagu Xidhay Laas Caanood oo Kamid ahaa Odayaasha Sida Aadka Ah Uga Soo Horjeeday Joogitanka Maleeshiyada Somaliland ee Gobolada SSC/Khaatumo State.

 

Daawo Video Kulan Ay Qabteen Odayaashu, Ka Hor Intii Aan La XidhXidhin

 

Odayaasha Laascaanood lagu Xidhay ayaa qaarkood yihiin kuwo si aad ah uga soo horjeeday Joogitaanka Ciidamadda Maamulka Somaliland,waxa ayna Sanadkii Hore kulan ku yeesheen Gudaha laascaanood,kulankaas oo ujeedkiisu ahaa in Odayaasha Dhaqanka ee Goboladda SSC aanay Raali ka ahayn Joogitaanka Ciidmada Somaliland ee Gudaha Goboladda SSC.

 

 

Odayaal Dhaqameed Reer Khaatumo Ah oo Lagu XidhXidhay Magaalada Laas Caanood

 

 

Laascaanood (RBC Radio) Ciidamada bilayska ee magaalada Laascaanood ayaa saaka jeelka u taxaabay illaa toddoba oday dhaqameed oo ka mid ah odayaasha Gobolka Sool.

 

Wararka ayaa sheegaya in saaka waaberigii ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood ay guryahooda ka qabteen odayaasha xilli aysan fileyn kadibna loo taxaabay saldhiga magaalada Laascaanood.

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arinta loo xidhxidhay odaal dhaqameed kani tahay in ay wax ka abaabuleen goosashadii gadiidka iyo hubka ka goostay maamulka Somaliland kuwaasoo maalintii shalay gaarey degmada Boocame, iyadoona si gaara loogu eeday nayo inuu ka dambeeyey xadhiga odayaashani taliyihii hogaaminbayey ciidamadii goostay oo la yiraahdo Mahad Cambaashe oo isagu deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka sool.

 

Magacyada Odaayasha La Xidhay:-

 

1. Axmed Maxamuud Sanbalooshe (Sanyare)

 

2. Maxamed Axmed Aw Cali (Garba Dheere)

 

3. Guray Faarax Jaamac (Xiir)

 

4. Dalab Shire Aw Cilmi

 

5. Maxamed Kaariye

 

6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere

 

7. Sheikh Cabdicasiis Indhacase

 

Dad ku sugan Laascaanood ayaa Raxanreeb u sheegay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in odaayashan la xidhay lagu siidaayo walow saraakiisha Somaliland aysan taasi xaqiijin.

 

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in odayaasha loo qaadi doonpoxabsig Mandheera eeu dhow Hargeysa halkaasoo lagu xiri doono.

 

 

 

 

 

 

 

C/raxmaan Wadani

RBC Radio, Gobolka Sool

 

 

 

sanayre.jpg

 

Odayaal Lagu Xidhay Magaalada Laas Caanood

 

lasanod Online. Saturday, March 17, 2012

 

 

 

 

Laascaanood,(lasanod Online)- Odayaal tiradoodu gaadhayso todoba oday ayaa saaka loo taxaabay xabsiga magaalada Laascaanood.

 

Xadhiga odayaashan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyey Horgale Mahad Canbaashe oo weli la muraala dilaacsan gaadiidkii Tiknikada ahayd ee shalay ka goosatay Maleeshiyadiisa.

 

Odayaashan waxaa lagu eedeeyey inay iyagu ka shaqeeyeen goosashada ciidamadaas shalay u galay maamulka Khaatumo, arrintan oo dhabar jab weyn ku noqotay maleeshiyada maamulka Somaliland iyo Horgaladooda.

 

Waxaa hadda socda dadaal loogu jiro sidii odayaashan xabsiga looga soo dayn lahaa.

 

Odayaasha saaka uu xidhay Mahad Canbaashe waxay magacayadoodu yihiin sidan:

 

1. Axmed Maxamuud Sanbalooshi (Sanyare)

 

2. Maxamed Axmed Awcali (Garbadheere)

 

3. Guray Faarax Jaamac Xiir

 

4.. Maxamed Kaariye

 

5. Dalab Shire Aw cilmi

 

6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere

 

7. Shiikh Cabdicasiis Indhocase

 

 

 

Kala socda Lasanod Online wixii war ee kasoo kordha xadhiga odayaasha..

 

Copyright © 2012 Lasanod.

 

 

 

Maleeshiyada Jabhada Somaliland oo Maanta Xabsiyada Ku Daabulay Odayaasha Magaalada Laascaanod!

 

Odayaal tiradoodu gaadhayso todoba oday ayaa saaka loo taxaabay xabsiga magaalada Laascaanood.

 

Xadhiga odayaashan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyey Horgale Mahad Canbaashe oo weli la muraala dilaacsan gaadiidkii Tiknikada ahayd ee shalay ka goosatay Maleeshiyadiisa.

 

Odayaashan waxaa lagu eedeeyey inay iyagu ka shaqeeyeen goosashada ciidamadaas shalay u galay maamulka Khaatumo, arrintan oo dhabar jab weyn ku noqotay maleeshiyada maamulka Somaliland iyo Horgaladooda.

 

Waxaa hadda socda dadaal loogu jiro sidii odayaashan xabsiga looga soo dayn lahaa.

 

Odayaasha saaka uu xidhay Hoosgale Mahad Canbaashe waxay magacayadoodu yihiin sidan:

 

1. Axmed Maxamuud Sanbalooshi (Sanyare)

 

2. Maxamed Axmed Awcali (Garbadheere)

 

3. Guray Faarax Jaamac Xiir

 

4.. Maxamed Kaariye

 

5. Dalab Shire Aw cilmi

 

6. Cabdirisaaq Yuusuf Dheere

 

7. Shiikh Cabdicasiis Indhocase

 

Horufadhi News Desk

 

 

Laas Caanood oo Lagu Xidh Xidhay Dumar Iyo Caruur

 

MidnimoSSC.com

 

Ciidamada Booliska ee Magaalada Laascaanood ayaa Maanta Xabsia Dhigay Qaar kamid ah Dumarka iyo Dhalinta ku dhaqan Laascaanood,kadib markii ay Shalay ku dhawaaqay Urur Loogu Magac Daray Ururka Horumarinta Dhalinyaradda Khaatumo.

 

Inta La Hubo Waxa jeelka la dhigay ku dhawaad 5 Kamid ah Dadki Ururkaas ku midoobay waalidiintood iyo Qaar kamid ah Dawaarlayaasha(HARQAANLE) Laascaanod kuwaasi oo lagu soo eedeyey inay Toleen Calanka Jamhuuriyadda Somalia,Kaasi oo Ay Waten Dhalintii Ku midowday Ururkanl, Daawo Xafladii Shalay.

 

 

Somaliland oo Ku Xidhay Raxan Dhalinyaro Ah Magaalada Laas Caanood

 

Waaheen.com [ Somaliland Website ]

 

Laascaanood (Waaheen) – Ciidamada booliska Magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa shalay xabsiga u taxaabay raxan dhalinyaro reer Laascaanood ah.Ciidamada booliska Laascaanood ayaa xidhay dhalinyaradan oo doraad halkaasi kaga dhawaaqay urur dhalinyaro oo ay sheegeen inay ku midaysan yihiin dhalinyarada reer Laascaanood ee taabacsan maamul ku sheega Khaatumo ee dhawaan lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolkaasi.Dhalinyaradan la xidhay oo tiro ahaan inta ay yihiin aanay sugnayn ayaa maalin ka hor xadhigooda waxay xaflad ku qabsadeen gudaha Laascaanood isla-markaana waxay kaga dhawaaqeen urur magaciisu yahay (Khaatumo Youth Volentry Organization), iyagga oo waliba la sheegay in markii ay ururka ku dhawaaqeen qaar ka mid ahi calanka Soomaliya la dhex mareen gudaha Magaaladdaasi.

 

Waalidiinta dhalinyaradan boolisku xidheen oo la sheegay in qaarkood saldhiga u tageen inay waan-waan ka galaan soo dayntooda ayaa la sheegay in ciidamada boolisku u diideen inay arkaan una sheegeen in dhalinyaradani ku kaceen fal dambiyeed qas ka abuuri kara Magaaladda lana siidaynayn

 

Dhanka kale, ciidamada booliska ayaa la sheegay inay xidh-xidheen qaar ka mid ah dawaarlayaasha Magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka shaqeystaan tolida calanka Soomaliya, kaasi oo dhalinyarada la xidhay iyo shakhsiyaadka doonaya inay rabshado halkaasi ka abuuraan ay ka toshaan calankaasi.

 

 

 

 

Suxufiyiinta Ka Hawlgala Magaalada Laascaanood oo Saaka Lagu Bilaabay Qabqabasho

 

Laascaanood(Afbakayle Online)Saaka Hiirtii Waaberi ayaa Maleeshiyaada SNM iyo horgaladoodu Bacsi ku Bilaabeen Suxufiyinta ku sugan Magaalada Lascaanood waxana gurigisa lagu weeraray Maxamuud Saleebaan Iidle oo Ah wariye kahawlgala Tvga Calamiga ah ee Somalisat uga hawlgala Magaalada Laascaanood.

 

Sidoo kalena Suxufiyiin kale oo iyagu kahawlgala laascaanood ayaa waxa dabagal ku haya Taliye ku xigeenka Booliska ee Maamulka SNM Axmed Cabdi Geele, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa Raacdaysiga ay Booliska SNM u jogta Magalada Laascaanod ku hayaan Suxufiyiinta ku hadhsan Magaalada Laascaanood.

 

Mudoyinkii u danbeeyey ayaa Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Laascaanood waxa Bartilmaameed ay u ahaayeen Maamulka SNM hay,adihiisa Amniga iyadoo ujeedaduna tahay in aan wax war ah laga Baahin Dhacdooyinka Mudaharaadyadu ka mid yihiin ee ka socda Magalaada Lascanood.

 

Dhanka kalena Maamulka Khaatumo ee dhowan lagu yagleelay Magaalada Taariikhiga ah ee Laascanood ayaanwaxba kala socon Xaaladaha Cakiran ee haysta Suxufiyiinta ka hawlgala Deegaanada SSC.

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha Raacdaysiga Maleeshiyadka SNM iyo Horgaladoodu ku hayaan Saxaafadda Xorta ah ee Deegaaada Khaatumo oo ku guulaystay inay Shaashadaha ka mauujiyaan Dhacdooyinka Naxdinta leh ee ka soca Magaalada Laascaanood Dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.

 

Laascaanood/Afbakayle Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its amazing how you just keep posting I thought this was a forum I'm interested to hear a viable solution to the problem based on what I wrote earlier. Its more headless chicken actions.. We need concrete solutions. Yet you can't even comment on what I wrote earlier.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

The Hermet;807347 wrote:
Its amazing how you just keep posting I thought this was a forum I'm interested to hear a viable solution to the problem based on what I wrote earlier. Its more headless chicken actions.. We need concrete solutions. Yet you can't even comment on what I wrote earlier.

You and I discussed this topic many times before in this forum. You still support Somaliland's war of aggression on Khaatumo People (Laas Caanood, Buhoodle, Yagoori, Widhwidh, etc).

You didn't change your position, What is new ? nothing, still there is an ongoing war in Khaatumo Region and we are in the middle of it.

 

 

We need peace and concrete solutions, but Somaliland is NOT ready for peace and concrete solutions. Warlord Siilaanyo Dhiigyacab believes he can force Khaatumo People and he can keep Laas Caanood and Khaatumo Region under occupation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

why are you guys even arguing with those scripts ..XX, hermit iyo wixi la halmaala..They are not here to reason with you or listen to anything. Rather they are like broken record and they repeat themselves day in and day out. dhagaha ka gufeesta.

 

Back to the topic. My heart goes out to eheladii dadki la xasuuqay iyo inti xabsi lo taxaabay. Waa laga bixi waqtigan adag inshallah. Dulmi ma waaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So even though your caqils and sultans Signed Somalilands indepedence and galayd was among them you find it hard to understand why the people of somaliland are trying to build a state of which all the signaturies lands are included. And you logically believe that even though you signed this and then broke the agreement which is illigal and unislamic that the solution lay in claiming sool, sanag and buhoodle even though everyone knows that we live together everywhere in all three of those areas....and instead of joining the country your clans signed to join in 1991 you instead claim tribal borders yet argue this will somehow create the somali unity you seek.... Am I missing something oR is this more headless chicken strategy from my brothers in buhoodle. Seriously guys...seriously. I think you been refugees for to long. Go to somaliland and see how your people are treated. Massacre you say??? I don't support children being imprisoned or the likes..and its possible mistakes may have happened but in all honousty this is not a tribal war, this is not a massacre or genoside...if somaliland wanted they could have wiped all of you out in 1991 but we agreed on statehood and let bygones be bygones. You guys are the only ones talking about clan....Sad walahi...seriously guys...fix up for the greater good of your people. If you focused and spent more time in building schools or hospitals your people would appreciate that more then khatumo because we all know saxibiyal khatumo dee wa iska khautmo..buhoodle ssc ba ku haysta...iska daba meel kele..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

hrights.jpg

 

 

Human Rights Group Criticize Somaliland On Children Imprisonment

Lasanod Online. Monday, March 12, 2012

 

 

 

Washington:- On 8th March 2012, more than 80 School Children were forcefully taken away by Somaliland administration to notorious jail of Mandhera, almost away 200km from Lasanod city.

 

According to eye witnesses and relatives of those children some of them were beaten and dragged into police vehicles while heading home from School. Somaliland accused children for participating local demonstration rally supporting Khatumo State of Somalia which recently established the Historical city of Taleex.

 

The report also says that mothers who gave birth recently were also taken by Somaliland forces to the Mandhera jail without proper justification.

 

It is deplorable and unacceptable that an administration claiming to be democratic to use such tactics to humiliate and make human suffering especially women and children and herby call upon all responsible people to immediately release those minors and other innocent people. Also those responsible for endless killing of civilians must be brought to justice otherwise leaders of Somaliland administration has to answer for these crimes committed on their orders or instructions.

 

Finally, Such inhumane actions will only serve more bloodshed and clashes among the people of Northern Somalia and should be stopped.

 

 

 

 

 

Eng. M Hersi

 

Chairman of Northen Somalia Human Rights Group.

 

 

Northern Somalia Human Rights Group (NSHRG)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Laascaanood.jpg

 

Somaliland oo Laga Codsaday Inay Sii Dayso 84 Carruur Ah oo ee Maleeshiyada Siilaanyo Ka Qafaalatay Magaalada Laas Caanood

 

 

 

Qaar ka mid ah waalidiinta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ka codsaday maamulka Somaliland in uu sii daayo 84 carruur ah oo ku xiran xabsiga Mandheera.

 

Kulan ka dhacay magaalada Laascaanood oo ay ka qeybgaleen in ka badan boqol waalidiin ah ayaa muujiyay cabasho la xiriirta carruurta ka xiran iyo xaaladda ay ku sugan yihiin.

 

Aamina Cali Xaaji Aadan oo ka mid ah hooyooyinka cabashada ka muujiyay carruurtaas ayaa sheegtay in wiilkeeda si gardarro ah lagu xiray, waxayna hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqday in xadgudubkaasi wax laga qabto.

 

Qaar ka mid ah waalidiintaas ayaa sidoo kale sheegay in carruurta uu xiray maamulka Somaliland aysan weli qaan gaarin, isla markaana qaarkood ay ku xannuunsan yihiin gudaha xabsiga Mandheera.

 

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa carruurtan ka qabqabtay magaalada Laascaanood 7-dii bishan March ee sanadkan, kaddib markii uu magaaladaasi ka dhacay bannaanbax rabshado watay oo ay dadweynuhu ku taageerayeen maamul dhowaan looga dhowaaqay degmada Taleex.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ali-issa1.jpg

Dr. Ali Esse Abdi, Former IMF Regional Director and International Banking & Finance Veteran with over 30 year experience in IMF

 

 

 

 

" Wax La Aqbali karo Ama Loo Adkeysan Karo Maaha in 80 Caruura oo 7- 14 Jir Ah Loo Dhaadhiciyo Xabsiga Mandgeera" Halyey Dr.Cali Isse

 

Lasanod Online. Thursday, March 22, 2012

 

 

 

 

Nairobi,(Lasanod Online)- Gudoomiyaha hay'adda HESPI, ahna xubin kamid ah gudida fulinta G10 ee maamulka Khaatumo, Dr.Cali Ciise Cabdi..

 

ayaa waraysigan kaga waramay arrimo badan oo khuseeya maamulka Khaatumo iyo guud ahaan Somalia.

 

Dr.Cali wuxuu ka hadlay wadahadalo ay la yeesheen dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo labaduba shacab iyo dawlad soo dhoweeyey maamulka Khaatumo. Hoos ka dhegayso Waraysiga oo dhan.

 

Halkan Ka Dhageyso:

 

 

http://lasanod.com/details.php?num=7157

Share this post


Link to post
Share on other sites
K.O.W   

the hermet;807414 wrote:
so even though your caqils and sultans signed somalilands indepedence

 

Bring the prove or stfu !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

b-boy;808354 wrote:
SMH @ Somaliland militias commit massacres. You forgot to add that those militias are natives of Sool!

Pirate boy, this topic doesn't concern you, worry about your piracy business

Share this post


Link to post
Share on other sites
b-boy   

^^

Then stop making it look like militias from Hargeisa or Burco are behind what's going on in Lasanod when it's native militias doing their duty's!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

b-boy;808363 wrote:
^^

Then stop making it look like militias from Hargeisa or Burco are behind what's going on in Lasanod when it's native militias doing their duty's!

Pirateboy, as I said this topic doesn't concern you, worry about your piracy business

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this