Sign in to follow this  
walaalkis

Xarakada Al-Shabaab oo qabsaday degmada Dhuusa mareeb ee xaruunta gobolka Galgaduud *

Recommended Posts

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) - Wararka ka immaanaya degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegay in xoogagga Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen magaalada Dhuusamareed oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Ahlu Suna wal jamaaca.

 

Wararku waxay intaa ku darayaan in dagaalku uu bilaawday abaarihii 4:30 AM (habeenimo), waqtiga salaadda subaxna ay Shabaab si buuxda ula wareegeen Al-shabaab magaalada Dhuusamareeb dagaal culus ka dib.

 

Illaa iyo toddobo (7)*qofood oo labadii dhinac ee dagaalamayay ka mid ah ayaa la xaqiijieyey inay dagaalkan ku dhinteen. Ciidamada Ahlu Suna Waljamaaca ayaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin*meel 10-km u jirta magaalada, waxayna dhaqdhaqaaq ciidan kawadaan dhammaan degmooyinka ay gacanta ku hayaan.

 

Saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca kama aysan hadlin qabsashada degmada Dhuusomareeb, halka ay ka sheegteen saraakiisha Al-shabaab inay xoogaggoodu si buuxda gacanta ugu hayaan ayna ku furteen dagaalka hubka iyo gaadiid dagaal.

 

Waa markii labaad oo ay*Xarakada Al-Shabaab qabsadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud tan iyo markii uu billowday sannadkan 2012.

 

 

These Sufis can't fight

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Whats with your love of Suufiyada?, ma shirkiga?.

 

 

Faahfaahin ku saabsan Khasaarihii ka dhashay Dagaallo Dhuusomareeb ku dhexmaray Al-shabaab iyo Ahlusunna

Talaado, Maarso 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintya dagaallo saacado qaaday oo Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray xalay iyo maanta degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud, sidoo kale 30-ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalladaas.

 

Dagaalladan ayaa qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay xalay 4:30 habeenimo ku qaadeen weerar ay ku qabsadeen degmada Dhuusomareeb oo ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan Ahlusunna waljamaaca, iyagoo isaga baxay baqonimadii maanta.

 

"Mujaahidiintu waxaa u suurogashay dagaal kooban kaddib inay gacanta ku dhigaan degmada Dhuusomareeb, waxayna halkaas ku qabsadeen lix gaari oo saddex ka mid ah ay yihiin kuwa rayidka halka saddexda kalena ay yihiin kuwa dagaalka, waxaana sidoo kale ay mujaahidiintu ku weerareen Ahlusunna inta u dhexeysa Dhuusomareeb iyo Guriceel khasaare ayayna ku gaarsiiyeen," ayuu afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab u sheegay saxaafadda Muqdisho.

 

Sidoo kale, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab wuxuu sheegay inay arkeen maydadka 15 ka mid ah dagaalyahannadii Ahlusunna oo lagu dilay dagaalladii ay la galeen Ahlusunna, balse ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaartay.

 

Afhayeenka Ahlusunna ee gobollada dhexe, Axmed C/llaahi Samatar oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in abbaare xalay 4:00 habeenimo ay Al-shabaab galeen degmada Dhuusomareeb, balse ay dagaal kaga saareen oo ay hadda gacantooda ku jirto.

 

"Khasaare ma sheegi karo hadda, waayo dagaalku weli wuxuu ka socdaa meel 10-km u jirta degmada Dhuusomareeb, markii lasoo afjaro ayaana soo sheegi doonnaa," ayuu yiri Axmed C/llaahi oo u hadlay Ahlusunna.

 

Marka laga soo tago dagaallada Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray degmada Dhuusomareeb ayaa xoogagga ka tirsan Al-shabaab waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidammo ka tirsan Ahlusunna oo gurmad ahaan ugu socday degmada Dhuusomareeb, iyagoo ku dilay weerarkaas lix dagaalyahan iyagoo ku dhaawacay 16-kale, kuwaasoo dhaawacyadooda la gaarsiiyay isbitaal ku yaalla degmada Guriceel.

 

Goobjoogayaal ku sugan degmada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in Al-shabaab ay ka wateen degmadaas waxgarad ku noolaa, inkastoo labada dhinac aysan ku sheegin arrintan warar ay siiyeen saxaafadda.

 

Dhanka kale, mas'uuliyiin ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay inay weerareen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd agagaarka garoonka diyaaradaha ee Dhuusomareeb ayna dib ugu qabsadeen gaadiid dagaal oo saakay laga qabsaday.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^ It is not important holding the city and impossible one too.

 

Dadkaan waxba galabsan Alle ha u dhib dhaabo, lakin kilaabta ahlu sunta ha la tirtiro, dhibka dadka iyo dalka iyagaa ka masuul ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Maaddeey;807090 wrote:
^^ It is not important holding the city and impossible one too.

 

Dadkaan waxba galabsan Alle ha u dhib dhaabo, lakin kilaabta ahlu sunta ha la tirtiro, dhibka dadka iyo dalka iyagaa ka masuul ah.

Cadowga 1aad ee ummadda Soomaaliyeed waa Al-Shabaab, Soomaalida oo dhammi meel ayey uga soo wada jeesteen Al-Shabaab. Insha'allah mar dhow Al-shabaab iyo figradooda xun Soomaaliya oo dhan waa laga tirtiri doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

shabab trying to breath again but is forgone conclusion they gone forever..desperate to stay in headlines.If they smart ,Let thm spare the innocent people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Showqi;807129 wrote:
Cadowga 1aad ee ummadda Soomaaliyeed waa Al-Shabaab, Soomaalida oo dhammi meel ayey uga soo wada jeesteen Al-Shabaab. Insha'allah mar dhow Al-shabaab iyo figradooda xun Soomaaliya oo dhan waa laga tirtiri doonaa.

Yaa sidaa yiri?. Waxaa hubaal ah -Showqi'yoow- in Soomaali cadawgeeda Gaalada Adduunka tahay oo dawladdii horena burburisay, kadibna hogaamiye kooxeedyo ciiddaas la eg nagu fund-gareysay, markii ugu dambeyntii diinta loo laabtay oo la ogaaday Soomaali in Sharciga Alle wax aan ahayn xal u ahayn, meel walba isaga soo habarwacday si ay u demiyaan nuurkaas Alle noo bidhaamiyey!.

 

Shabaab yaa cadaw u ah: Gaalo & Gaalo-raac, period!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Naxar Nugaaleed;806900 wrote:
the question is not about capturing, its about holding and we will get a new thread in a few hours on how they lost it, long live ahlu sunna!!!

loool..Warbaahinta Soomaalida iyo dadka qora waxa ka wareersan bay ka mid tahay...Weeraray baa hadda waxay noqotay qabsatay...The word ambush maba ku jirto dictionary-gooda miyaaba? Yaab badanaa...And they left the city within hours....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maaddeey;807090 wrote:
^^ It is not important holding the city and impossible one too.

 

Dadkaan waxba galabsan Alle ha u dhib dhaabo, lakin kilaabta ahlu sunta ha la tirtiro, dhibka dadka iyo dalka iyagaa ka masuul ah.

Intaad Guriceel tagtid saas maka dhihi kartaa?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this