Sign in to follow this  
Liibaan

Odayaal, Dumar Caruur Reer Khaatumo Ah oo Lagu XidhXidhay Magaalada Laas Caanood

Recommended Posts

Liibaan   

Somaliland oo Ku Xidhay Raxan Dhalinyaro Ah Magaalada Laas Caanood

 

Waaheen.com [ Somaliland Website ]

 

Laascaanood (Waaheen) – Ciidamada booliska Magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa shalay xabsiga u taxaabay raxan dhalinyaro reer Laascaanood ah.Ciidamada booliska Laascaanood ayaa xidhay dhalinyaradan oo doraad halkaasi kaga dhawaaqay urur dhalinyaro oo ay sheegeen inay ku midaysan yihiin dhalinyarada reer Laascaanood ee taabacsan maamul ku sheega Khaatumo ee dhawaan lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolkaasi.Dhalinyaradan la xidhay oo tiro ahaan inta ay yihiin aanay sugnayn ayaa maalin ka hor xadhigooda waxay xaflad ku qabsadeen gudaha Laascaanood isla-markaana waxay kaga dhawaaqeen urur magaciisu yahay (Khaatumo Youth Volentry Organization), iyagga oo waliba la sheegay in markii ay ururka ku dhawaaqeen qaar ka mid ahi calanka Soomaliya la dhex mareen gudaha Magaaladdaasi.

 

Waalidiinta dhalinyaradan boolisku xidheen oo la sheegay in qaarkood saldhiga u tageen inay waan-waan ka galaan soo dayntooda ayaa la sheegay in ciidamada boolisku u diideen inay arkaan una sheegeen in dhalinyaradani ku kaceen fal dambiyeed qas ka abuuri kara Magaaladda lana siidaynayn

 

Dhanka kale, ciidamada booliska ayaa la sheegay inay xidh-xidheen qaar ka mid ah dawaarlayaasha Magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka shaqeystaan tolida calanka Soomaliya, kaasi oo dhalinyarada la xidhay iyo shakhsiyaadka doonaya inay rabshado halkaasi ka abuuraan ay ka toshaan calankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
xiimaaya   

Horta reer khatummo why dont they buy out reer laascaanod ? clearly these people are getting paid very well if they are willing to trade their dignity for money...

 

My advice out bid somaliland..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Suxufiyiinta Ka Hawlgala Magaalada Laascaanood oo Saaka Lagu Bilaabay Qabqabasho

 

Laascaanood(Afbakayle Online)Saaka Hiirtii Waaberi ayaa Maleeshiyaada SNM iyo horgaladoodu Bacsi ku Bilaabeen Suxufiyinta ku sugan Magaalada Lascaanood waxana gurigisa lagu weeraray Maxamuud Saleebaan Iidle oo Ah wariye kahawlgala Tvga Calamiga ah ee Somalisat uga hawlgala Magaalada Laascaanood.

 

Sidoo kalena Suxufiyiin kale oo iyagu kahawlgala laascaanood ayaa waxa dabagal ku haya Taliye ku xigeenka Booliska ee Maamulka SNM Axmed Cabdi Geele, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa Raacdaysiga ay Booliska SNM u jogta Magalada Laascaanod ku hayaan Suxufiyiinta ku hadhsan Magaalada Laascaanood.

 

Mudoyinkii u danbeeyey ayaa Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Laascaanood waxa Bartilmaameed ay u ahaayeen Maamulka SNM hay,adihiisa Amniga iyadoo ujeedaduna tahay in aan wax war ah laga Baahin Dhacdooyinka Mudaharaadyadu ka mid yihiin ee ka socda Magalaada Lascanood.

 

Dhanka kalena Maamulka Khaatumo ee dhowan lagu yagleelay Magaalada Taariikhiga ah ee Laascanood ayaanwaxba kala socon Xaaladaha Cakiran ee haysta Suxufiyiinta ka hawlgala Deegaanada SSC.

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha Raacdaysiga Maleeshiyadka SNM iyo Horgaladoodu ku hayaan Saxaafadda Xorta ah ee Deegaaada Khaatumo oo ku guulaystay inay Shaashadaha ka mauujiyaan Dhacdooyinka Naxdinta leh ee ka soca Magaalada Laascaanood Dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.

 

Laascaanood/Afbakayle Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Karaash.jpg

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Dowlad Goboleedka Khaatumo State oo Ka Hadlay Tacadiyadda Shacabka Magaaladda Laas Caanood

 

MAAMUL GOBOLEEDKA KHAATUMO STATE OF SOMALIA.

 

 

Ujeedo War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Maamul Goboleedka Khaatumo

 

Dawlada federaalka Soomaaliya Waa astaatnta Midnimada Soomaaliya ma jiri karo maamul Goboleed awood u leh inuu Dawladda Federaalka wax u yeedhiyo.

 

Maamul goboleedka khaatumo State of somalia waxa uu ku Dhashay baahi ay dareemeen Shacbaka Degan Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn, ma jirto cid aan wax ka waydiin karnaa talada deegaankayaga amaba soo fara gashan karata Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo.

 

Waxaani si buuxda u taageersanahay kana mid nahay Maamulka Dawlada Federaalka Soomaaliya.

 

waxaanu canbaaraynanaa dhamaan falalaka Tacdiyaadka iyo gabood falkaba isugu jira ee maamulka Hargeysa uu ku hayoShacabka degan Magaalada Laascaanood, waxaanuna ugu baaqaynaa Maamulka Hargeysa inay sida ugu Dhakhsaha badan uga baxaan Deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.

 

Dhamaan Gobolada ay ka kooban tahay Maamul Goboleedka Khaatumo ma jirto cid aan Maamulka Khaatumo ahayn oo ka hadli kartaa ama wada xaajood ka geli kartaa.

 

Waxaanu Maamulk Faroole ugu baaqaynaa inuu faraha kala baxo Arrimaha Maamulka Khaatumo State, hadii uu faraha kala bixi waayana waxan u sheegaynaa inaan dib loogu dul qaadan doonin.

 

Waxaanu faroole uga Digaynaa hadalafa macno darada ah ee uu garoowe la joogo , wax saameyn ah oo Maamulka Puntalnad nagu leeyahayna ma jirto oo aan ka ahayn Xidhiidha Walaaltinmo ee Shucuubta Khaatumo iyo Puntland.

 

WA BILAAHI TAWFIIQ

 

Waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Khaatumo

 

AXMED CILMI CISMAAN (KARAASH).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this