Sign in to follow this  
Sakata

Kenya oo in ka badan 4,500 oo askari ku biirsanaysa AMISOM

Recommended Posts

Sakata   

Nairobi : Dowladda Kenya ayaa shaacisay tirada ciidamada u dhashay dalkaasi ee lagu biirinayo howlgalka midowga Afrika ee AMISOM haatan ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo Kenyana ay sheegtay in inkabadan 4500 oo askari ay howlgalkaasi qeyb ka noqon doonaan.

 

General Julius Karangi oo ah taliyaha ciidamada dalka Kenya ayaa sheegaya in dowaldiisu ay 4,660-Askari ay ku biirin doonto howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ee hada ka soconaya dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada dalka Kenya ayaa xusay in ciidamadaan ay hadda u soo dirayaan Howlgalka AMISOM ay yihiin ciidamo tababar heer sare ah soo dhameeystay kuwaas oo uu tilmaamay in ay waxbadan ku soo kor dhin karaa howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee Midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya.

 

Julius Karangi ayaa tilmaamay in Kenya mowqifka ay Soomaaliya u soo gashay uu wali sidiisa ahaandoono islamar ahaantaana ay sii wadi doonta dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab oo xiriir la leh Al Qaacida.

“Ujeedkeena Soomaaliya waa xoojinta Nabadda. Sidaa darteed mowqifkii Soomaaliya aan ka heeysanayay markii aan soo galeeynay sanadkii hore wali waa sidiisii” sidaasi waxaa gudiga difaaca Barlamanka Kenya ka hor sheegay General Julius Karangi oo ah taliyaha ciidamada dalkaasi.

 

General Julius Karangi ayaa dhanka kale sheegay in hogaanka ciidamada midowga Africa ee AMISOM loobahanyahay in ay ku xigeenadiisa ku jiraan saraakiil ka socoda ciidamada Kenya.

 

Business daily Africa ayaa warbixin uu qoray waxa uu ku sheegay in ciidamada Kenya ee qaybta ka noqondoona howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ay bishii Mushaar ahaan u qaadan doonaan 84,296, oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ($1,028)

Qayb ka noqoshada ciidamada Kenya ee howgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa yimid kolkii ay Golaha Amaanka Q.M ay meel mariyeen Qaraar lagu kordhinayo tirada ciidamadaasi.

 

 

source somaale.com

 

 

Suashu waxay tahay*($1,028)* Kenyan 100 Askariga Somaliga ah...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this