Sign in to follow this  
kingofkings

Xaflada casho lagu daahfurayo Dastuurka cusub ee Puntland oo goor dhawayd ka bilaabatay Garowe

Recommended Posts

Garowe(Pi) Xaflad casho ah oo lagu daahfurayo Dastuurka cusub ayaa iminka ka socota Garowe, Cashada ayaa waxaa kasoo qayb galaya Madaxda Dowlada Puntland iyo Marti sharaf lagu casumay, Wasiiru Dowlaha Dastiirka Puntland Cabdi Xasan Jimcaale ayaa la filayaa inuu soo bandhigo Dastuurka.

 

Waxaa hada goobta Xafladu ka dhacayso kusoo qulqulaya martida iyo madaxda Dowlada,.

Dhowaan ayaan idiin soo gudbinaynaa faahfaahinta warkaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dastuurka Puntland oo la ansixinayo 15, April 2012

10 Mar 10, 2012 - 10:47:21 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa Caawa 10, March 2012 ku dhawaaqey in 15-April u dhici doono shirweynaha lagu ansixinayo dastuurka Puntland oo wakiilo qaybaha kala duwan ee bulshada meel-marin doonaan.

 

Isaga oo qaybgalayay xaflad casho sharaf ah oo ka dhacdey xarunta Madaxtoyada Garowe caawa ayuu si rasmi ah u saxiixey digreetada uu xafiiskiisu soo saarey oo tilmaameysa 15-April 2012 inuu yahay maalinka la ansixinayo dastuurka Puntland.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo labada gudoomiye kuxigeen ee barlamanka Puntland ,gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Dr.Maxamed Xasan Barre iyo xubnaha guddiga ,wasiiro ka tirsan xukuumada oo sida Arrimaha guddaha ,waxbrashada, caafimaadka ,beeraha ,xanaanada xoolaha ,warfaafinta ,hawlaha guud,dekedaha ,maaliyada ,haweenka iyo agaasimayaasha madaxtoyada ayaa xaflada lagu dhawaaqayey xiliga dastuurka la ansixinayo.

 

Ugu horeyn waxa goobta ka hadlay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre oo sheegey in shaqada ugu horeysa ee gudigiisu tahay afti u qaadida dastuurka Puntland oo horey barlamanku go’aamiyen in ay u dhacdo habka kooban oo 480 ergo ahi qalinka ku duugayaan.

 

Waxa uu sheegey in guddiga doorashooyinka Puntland kadib kulan dheer ay ka yeesheen ansixinta dastuurka ayay soo gudbiyeen in 15-April uu noqdo maalinka la ansixinayo dastuurka oo madaxweynuhuna ku sadiqey islamarkaasina ka soo saarey wareegto ku saabsan.

 

Dr.Barre waxa uu sheegey in geedi socodka dimoqraayida Puntland furaheeda yahay ansixinta dastuurka si loo galo hawlaha kale sida dhisida axsaabta iyo qabashada doorashooyinka oo dastuurka la doonayo in laga dab-qaato.

 

Gudoomiyaha barlamanka Puntland ayaa isna erayo kooban ka soo jeediyey madasha caawa, waxana uu cabirey farxadiisa ku aadan wakhtiga doorashada oo uu shegey inuu ka jeclaan lahaa inay laga soo hormariyo xiliga lagu dhawaaqey caawa ,isagoona mahad u raaciyey guddiga doorashooyinka Puntland sida hagar li’ida ah ee u wataan hawshooda.

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa si rasmi ah u saxiixey intaasi kadib digreetada lagu dhawaaqey xiliga ansixinta dastuurka Puntland oo ah 15, April 2012 lanbarkeeduna ahaa xeer madaxweyne 20 kuna taariikheysneyd 10, March 2012.

 

Madaxweynuhu waxa uu guda galay khudbad aad u dheer oo taabaneysey dhinacyada siyaasada,amniga ,dhaqaalaha ,waxqabadka xukuumadiisa iyo weliba geedi socodka dimoqraadiyada Puntland.

 

Ugu horeyn waxa uu sheegey in uu socdo qorshaha fulinta balanqaadkii xukuumadiisu gashey xiligii doorashada 2009 oo ahaa dhisitaanka axsaabta badan iyo dastuurka dhamaystirkiisa.

 

Habka lagu ansixinayo dastuurka ee shirweynaha dad koobani ansixinayaan ayuu sheegey in ku cadyahay dastuurka Puntland qodobka 141-faqradiisa koowaad ,isagoona raaciyey in kan Somaliyana dhowaan lagu anisixin doono sidan oo kale tusaalena usoo qaatey dalal horumarey dunida sida Maraykanka iyo Hindia oo horey u sameyey sidan oo kale.

 

Muddada xukuumadiisa ayuu sheegey in ay tahay 5-sanno horeyna ay u ansixiyeen golaha wasiirada Puntland ,isagoona cadeeyey in loo bahaanyahay in qofna shaki ka galin arintaasi maadama ay jiraan haatan dad hadal haya doorasho Puntland ka dhaceysa.

 

Xukuumadiisa ayuu sheegey Dr.Farole in wax wayn ka qabatey maamulka dowaldda ,gaar ahaan dhinacyada amaanka oo Galgal iyo dagaalaka Al-shabaab uu soo hadal qabsadey.

 

Bixinta mushaharaadka ciidamada iyo shaqalaha dowladda ayuu tusaale u soo qaatey Dr.Farole maamul wanaaga xukuumada uu madaxa ka yahay ,sidoo kalene waxa uu soo hadal qaadey hoos u dhaca ku yimid sarifka Doolar oo sababo dhowr ah u sheegey islamarkaasina ugu baaqey cida shilinka Somaliga haysata inay keento bankiyada sii loo diwaangeliyo looguna badalo dhowaan marka ay timaado lacagta cusub.

 

Nidaamka axsaabta badan ayuu taabtey waxana uu sheegey in qabiil iyo eex kale aan cidna waxa ku helayn ee kalsoonida shacabka tahay waxa keliya ee lagu meel mari karo,islamarkaasina cida haatan doonaysa madaxtinimada looga baahanyahay axsaab inay furtaan oo tartan u galaan hanashada codka dadweynaha Puntland.

 

Somaliland iyo wadahadal ay DF Somalia dhowaan ku dhawaaqdey in lala galayo ayuu cadeyey Dr.Farole Madaxweynaha Puntland in wadahadal kasta oo Somaliland lala galayo oo Puntland aysan dhinac ka ahayn uusan noqoneyn mid wax ka jiraan maadama cida ay taabanayso arrimahaasi tahay Puntland oo degaano ka haystaa

 

Halkan ka dhageyso dhamaan codadki caawmadaxtoyada oo xiiso gaara leh

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Dastuurka_Puntland_oo_la_ansixinayo_15_Apr_2012.shtml

 

DSCN0306.JPG

DSCN0309.JPG

DSCN0314.JPG

DSCN0317.JPG

DSCN0324.JPG

DSCN0326.JPG

DSCN4748_1.JPG

DSCN4756.JPG

DSCN4773_1.JPG

DSCN4775_1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;801855 wrote:
Lol, this Hermet character has no idea what is about to happen.
:D

let me guess more hadal, constitution and qadoo hahaha....:D

 

You claim you gonna be rich in persuit of hegemony because of oil..we find out all you really have is one small well near bosaso... the other one is firmly near my brothers deegaan in las cand..so that was hadal...

 

Somaliland, has under writed anything you could write in any so called constitution by clearly leveling itself equal with that of Somalia in an international context.

 

tribal federalism will only lead Somalia into another decade of civil wars and this view will win over in the end, you cant effectively fight piracy even though Somaliland is pirate free. You are militarily weak as is the case in point you claim everywhere but control nothing except your sub sub sub clan degaans.

 

saxib....hadalka naga daya o iska qadaya hahaha...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

At least the rest of the secessionists have a bit of common sense and oppose it for a reason but you, you think Siad Barre is still around.

 

This has nothing to do with Siad Barre, Siad Barre is dead AUN, everything is "Neo-siadism" :D

 

The whole future of Somalia has been decided and all you do is talk about "back in the day".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;801855 wrote:
Lol, this Hermet character has no idea what is about to happen.
:D

take it easy on him. he's going through withdrawal syndrome on account his home boys refusing laluush for the day. :D bal yaa yiri bahashi cun. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;801859 wrote:
At least the rest of the secessionists have a bit of common sense and oppose it for a reason but you, you think Siad Barre is still around.

 

This has nothing to do with Siad Barre, Siad Barre is dead AUN, everything is "Neo-siadism"
:D

 

The whole future of Somalia has been decided and all you do is talk about "back in the day".

What part of what i wrote has anything to do with Siad barre or the past...im giving you facts on the ground TODAY..:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

No, you are obsessed with Siad Barre, I've read many of your posts, it's the one thing you repeat over and over again. Let it go, he's dead AUN.

 

You think Puntland has anything to do with him, he must have gotten in your nightmares.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;801866 wrote:
No, you are obsessed with Siad Barre, I've read many of your posts, it's the one thing you repeat over and over again. Let it go, he's dead AUN.

 

You think Puntland has anything to do with him, he must have gotten in your nightmares.

Somali proverb: "Falsehood stands on one leg" ... Im just telling the truth saxib nothing to do with Siad Barre it amazing how you dont even try to refute what i wrote instead you jump to Siad Barre and nightmares...haha...

 

Somaloow...this is Bax bax land....with people like Somalia im suprised they didnt find any GAS...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

You EDITED IT.

 

WOW. After I make my response you EDIT the post.. I don't even need a word to describe that, anyone reading these comments know what's up.

 

tumblr_lz1hs47W2r1qa0b5b.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

funny....:cool:

 

And thats the best you can come up with...woooooooooooow !!!

 

anywhoooooo swiftly mooooooving on....You guys are funny man. It all makes sense now...why keep losing at everything. :D

 

We just not on the same level... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

The Hermet;801843 wrote:
^^^^
:D

 

Dadkan "Wala Cashayay iyo constitution" an damanayn bay ku chirayn 10 years. haha...
:D
Garowena may dafin.

loool.....Waxaan UN-ka ayaa looga qadeeyaa, oo looga casheeyaa, oo looga quraacdaa sida Hargeysaba intaas u samayso oo weliba UN keliya ma ahane ee EU-da xitaa looga qayilo inta "Way Duushay, iyo Doorasho xaq ah baa dhacday la yiraa" ee maxaad arrintan ula yaabi?:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this