Sign in to follow this  
Nur

Dambiga Qiimihiisa ( Price of a Sin)

Recommended Posts

Nur   

Nurtel Summer Programs

 

oo idiin soo bandhigeysaa qoraal hore oo ku saabsan:

 

 

Qiimaha Danbiga

 

 

Walaalayaal

 

Dunuubta waaa labo qeybood oo waaweyn

 

1. Wax Allah ku faray ood la imaan weysay

2. Wax Allah kaa reebay ood sameysay

 

Allah wuxuu noo sheegay inuu qasadka uu ka lahaa abuurkeenna uu ahaa inaad u hoggaansanto asaga.

 

Sidaa darteed wixii qasadkaas weyn:

 

1. Cidhib tiraya, ama

2. Naaqusinaya, ama

3. ka hor imaanaya

 

Waa Dunuub loo baahan yahay in laga haro.

 

Salaadda waa hoggaansanaan la iska rabo, salaadda haddii si sax ah loo tukado ayadoo wadata waajibaadkeeda iyo sunankeeda wey ku filan tahay iney qofka sameeya ka reebto dunuubta.

 

Hadaba

 

Dunuubta waxaa loo diiddan yahay iney waxyeelleyneyso cibaadada oo ah qasadkii naloo uumay.

 

Cibaadada Allah se waxaa loo farad yeelay Allah dartiis, iyo inaan jeclaanno, kana jeclaanno wax walboo kale, maxaa yeelay waxaan jecelnahay oo dhan asaga ayaa na siiyey, hadduu doonana waa naga qadi karaa.

 

Marka si cibaadada ay u wanaagsanaato, waxaa la iska reebay dunuubta.

 

Dunuubtu wexey leedahay seddex asal

 

1. Jeceyl waxaan Allah aheyn

2. Carada

3. Shahwadda korka

 

Seeddexdaas waxaa ka dhasha:

 

1. Shirkiga

2. Dulmiga

3. Fawaaxishta

 

Run ahaantiina markii caqliga wax lagu eego, qofka waxaa u sahlan inuu ku sabro dhibka shahwadda ama carada intuu ku sabri lahaa ciqaabta adduun ama tan aakhiro ooy arrintaas keensan karto.

 

gabadh iyo wiil baa saaxiibey, wexeyna ku dheceen faaxisho, gabadhii wexey qaadday uur, inankiina waa diiday inuu guursado, inantii waa isdishey.

 

Markaad arrintaas u fiirsato waxaad aragtaa intaan aakhiro la gaadhin, in taklifada, ( COST) dambiga uu qaali yahay.

 

Nabi aadan hal jeer buu goostay geedkii jannada ku yaallay taasoo dhashiisii oo annaga ah, maanta na badday dhibka aan ku jirno. Dunuubta, kuma ekaato qofka, laakin wexey dhibkeeda gaadhsiisaa ubadkaaga, hadaba ha yareysanin.

 

Sheydaanna hal sujuud buu diiday taasoo uu uga baxay naxariista Allah, asagoon fileyn cafis, asgana ilaa iyo hadda waa ku maqan yahay dambigaas.

 

Hal xubin oo le'eg hal dhowr (inch) oo xaaraan ku xadgudbay meelaan loo ogoleyn ayaa keentay fadeexo ay gabaddha aan soo sheegnay iney isu dishay, tasooy ka hoorreysay, hal taabasho, hal qosol, hal hadal, hal eegmo, daymo, fiiro. Allah wuxuu na leyahay " kuwii Allah rumeeyayow, ha saan qaadina tallaboyinka sheydaanka"

 

Marka shahwadda in dhibkeeda loo adkeysto oo la is ilaaliyo ayaa ka sahlan in lagu sabro dhibaatada ka dhalan karta in nafta addoon looga dhigo shahwadda.

 

Bal aan isla fiiriinno qiimaha uu qofka caasiga ah bixiyo si uu u guto shahwaddiisa.

 

1. qoomammo, shallayti, calool xumo, walwal, murug, yaxyax......

 

2. Waqti lumis aad wax wanaagsan oo wax tar leh aad ku qabsan kari leheyd adduunkaaga ama aakhiradaada wax aad u hor marsato

 

3. Maal kaa khasaara ood naftaada wax ugu qaban leheyd ama ehelkaada

 

4. Sharafta aad ku leheyd qaraabadaada iyo asxaabtaada oo dhacda

 

5. Nicmad aad ku jirtay oo lagaaga qaado dambiga dartiis, ama cudur kugu dhaca

 

6. Qof aad isku xumeydeen ood u oggolaato inuu sharafkaaga meel kaga dhaco, kaana saremaro

 

7. Heybadaada oo dhacda

 

8. Cilmiga ood illowdo, xasuustaada oo xumaata markaad badsato macsida.

 

9. Ceeb aan weligaa kaa harin oo ku raacda.

 

10. Fursad cibaado ood ku baddalatay macsi

 

Intaas waa dhibka adduunka, waxaa kuu raacsan ciqaabta Allah oo aakhiro ku sugeysa.

 

 

hadda ood intaas fahamtay, waxaad iswarsaneysaa:

 

Meel laga soo noqdo ma jirtaa?

 

Haa walaal, ilaa ay nafta dhuunta gaarto waa kuu furan tahay inaad Allah usoo laabato.

 

Allah wuxuu yidhi " Kuwii Allah rumeeyayow, u soo laabta rabbigiinnan soo noqod wanaagsan"

 

" U soo laabta Allah muminiintiiyey, waa intaasood aflaxdaan"

 

" Allah waa jecel yahay kuwa soo laabta oo is daahiriya"

 

" Tolkeygiiyow dambi dhaaf warsada rabbigiina dabadeedna usoo laabta, wuxuu idiinka soo daadin cirka roob farabadan, wuxuuna idiinku kordhin xooggiinna xoog kale, hana ka jeesanina ( waanadaan) idinkoo dambiileyaal ah"

 

 

Qaybta Labaad ( Part Two)

 

 

Walaalayaal

 

Sidaan uga soo hadallay maalmihii tagay, dunuubtu, iska ma tagto. Faylka dambiga waa furan yahay ilaa:

 

1. Aad towbo keento, ood Allah u soo laabato

 

2. Ama ciqaab adduun lagaaga jaro waxaad galabsatay oo lagu daahiriyo, taasoo ah naxariista Allah u galo qof dambi galay, kana towbo keeni waayey.

 

3. Inaad dhimato, oo xisaabta Allah lagaa abaal mariyo, ama lagu cafiyo.

 

Marka waxaa xikmad leh in marka hore aadan naftaada u bandhigin dhibaato aadan u baahneyn.

 

Dambi markuu kaa dhaco, waxaa malaa'igta laguu xilsaaray oodan ka xishoonin ay qoraan waxaad qabatay, waxaana markhaati ay ka dhigtaan xubnaha korkaaga ku yaalla oo sameeyay dambigaas. Si ay maalinka qiyaamaha kaaga markhaati kacaan.

 

Haddii muddo gaaban aadan dambigaas kaga soo laaban, faylkaaga cirka ayaa loo qaadaa, ayadoo Allah ay gaadho, asagoon wax moogeyn waxaad faleyso. Maalinka Khamissta iyo maalinka Isniinta ayaa reportkaaga loo bandhiga Allah SWT asagoon marna wax moogeyn.

 

Marka ka soo qaad inaad dambi gashay, ha noqdo waxaad ku hadashay ama sameysay. Dambigaas waxaad leedahay ( Grace Period) ood kaga soo laabatid dhibaato la'aan.

 

Haddii ay dhammaato waqtigaas, faylkaagana kor loo qaado waxaa waajib noqonaya in lagaa gudo waxaad galabsatay. Allah wuxuu yidhi, "Ma aha waxey naftiinna jecleysato, idinka ama ahlul kitaabka, qofkii xumaan sameeya waa laga jaraa, (ama waa laga abaal mariyaa)"

 

Laakin waxaa naxariistta Allah oo ballaaran ah in dambigaas lagaa jarayo uu naxariis kuu yahaya, maxa yeelay, ciqaabta lagugu xukumay dambigaaga dartiis waa wax yar marka loo fiiriyo waxaad sameysay.

 

Allah SWT wuxuu leeyahay " Wixii idin gaadhaa oo dhibaato ah waa waxaad galabsateen, qaar badanna ( Dambiyaal) wuu idinka cafiyaa"

 

Marka dhibaatooyinka lagugu ciqaabo oon soo arki doonno wexey yihiin kuwo yar, wexey la mid tahay adigoo (Interstate Highway speeding) lagugu qabtay, oo lagugu xukumay 200 oo Dollar, laakin lagaa dhaafay 190, ood bixisay 10 dollar oo keliya.

 

Marka ciqaabta dambiga wexey leedahay dhowr nooc: (Types of Punishment)

 

1. Naftaada wax dhiba, sida in walbahaar iyo calooxumo badan lagugu ciqaabo, ama cudur lagugu rido.

 

2. Maalkaaga, inaad ku khasaarto tijaaro, ama lacag lagaa xado, ama barakada laga qaado hantidaada (assets) oo lacagta meeshey ka baxday aad garan weyso, ama iney lacagta kaa lunto.

 

3. Ubadkaaga, walaalahaa, qarabadaada, iyo reerkaaga oo dhibaato kaaga imaato raaxada kaa qaadda oo mushkilad joogta ah kugu noqota.

 

4. Kadeed iyo dhib aan dhamaan oodan garan meesha lagaa heysto.( Saa qof Allah heysto, qeyladiisa la ma maqlo)

 

Haddii marka dhibaatoyinkaas kugu dhacaan, ooy kaa nadiifiyaan ooy kaa meydhaan dunuubta waa sidii la rabay. Waana naxariis Allah SWT.

 

Haddey weli wax dunuub ah kugu haraan se, waxaa lagaaga jaraa sakaraatul mowdka, markaad dhimaneyso.

 

Haddii weli dunuub kugu harto waxaa lagaaga jaraa markii Muslimiinta kugu tukaneyso Janaazada ooy Allah kuu warsaneyso cafis iyo masaabax, sidaa darteed raacidda janaazadda iyo in lagu tukado muslimiinta waa ajar weyn, maxaa yelay wixii ku haray oo dunuub ah o qofkaaas la dhintay ayaad Allah u warsaneysaa cafis, waxaana ajar leh in deynka laga bixiyo, maxaa yeelay hadaan laga bixin, xasaanaadkiisa ayaa lagu bixiyaa, kuwaasoo uu u baahan yahay si uu uga nabad galo ciqaabta qabriga.

 

Haddii weli wax kugu haraan, waxaa lagaaga jaraa danbiga Qabriga oo cadaabtiisa ay sahlaneyn.

 

Haddii weli wax dunuub ah kugu haraan, waxaa lagaaga jaraa siraadka marka la marayo, ood gaabiso dadkii kheyrka lahaana sida biriqda ay u duulayaan. Maxaa yeelay dambigaaga ayaa kula harey. Waxaa laga soo wariyey suubbanihii SCWS inuu yidhi " Qofkii u la gaabiyo camalkiisa, ma dadajiyo nasabkiisa"

 

Haddii weli wax dunuub ah kugu hadhaan, waxaa lagaaga jaraa ama laguu cafiyaa xisaabtaas maalinka qiyaamaha.

 

" Dhaalika yawmun majmuucun lahun naasu, wa dhaalika yawmun mash-huud"

 

" Maalinkaas waa maalin dadka loo soo kulmiyey, waana maalin la wada daawanayo" oo dadku Rabbigooda uu xisaabinayo.

 

 

Walaal, How much apetite do you have now for a Danbi?

 

Marka walaal, Allah u soo laabo laabasho wanaagsan, wuuna ku karaameeyay, ee dulli ha isaga dhigin hana ku adkeysan dunuub aadan ka soo laaban, nmaxaa yeelay waxaad qaadanayesaa deyn aad gudi doonto adoon jecleyn.

 

 

Nur

 

 

Nurtel Softwaano Series

Paradise is Possible Summer Campaign

For Nomads who are NOT MAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Salaams Nomads

 

I guess most of you Nomad readers have difficulty reading Af Somali. Well, since I do not have that much time in my hands these days, I suggest you print a copy of the article in Somali and ask your Ayeeyo Muraayad, Murriyo, or Isniino, to decipher this article for you, help get her reading glasses, a pot of tea and sit by her gambar and let her tackle the (Shaqal Dheer) and (shaqal gaaban). When she is done reading the article, you have just helped her understand atopic in Islam, and she's helped you become a better Muslimah, so next time you run into one of my Af Somali article, do not dismiss it sayin " One of those Nur Af Somali difficult topics"

 

 

Nur

--------------------------------------------------

Allahumma Salli Calaa Muxammad, wa calaa aali Muxammad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MD   

help get her reading glasses, a pot of tea and sit by her gambar and let her tackle the (Shaqal Dheer) and (shaqal gaaban).

LOL Jazka'allah for the article quite long, still not done reading it, i'll have to come back couple more times to finish it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nomads who have not seen the Somali Habitat

 

If yo have trouble reading my Somali posts please let me know, I may translate the same article to English, specially this topic.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maasha'Allah brother that is really good article, I also have a question about Markeey dadka danbi galaan, marbaa jirta aad wax danbi ah aad iska sheegesid oo aadan ogeen inuu waxaas danbi ahaay.. So what Iam saying hadaadan ogeen waxaad sheegtay inuu danbiyahay iyo hadii kale still danbiga malaguu qoraa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Filssan

 

Waxaad i warsatay su'aal jawaabteedu ay nafci badan ku jirto.

 

 

Su'aal:

 

Dambi miyaa la nalooo qoraa haddaan ku dhaqaaqno ama ku hadalno wax qaldan sharciga?

 

 

Jawaab:

 

Arrintan wexey salka ku heysaa mowduuc ku saabsan mawaanicda ( legitimate excuses) oo nalaga aqbalo haddii danbi naga dhaco.

 

Danbiga aan sameyno wuxuu noqon karaa dhowr nooc.

 

a. Mid aan Allah ka galnay ( oo ah mid nafteenna aan ka galnay)

b. Mid aan ka galnay dadka

 

Labadaas waxaa ku xiga

 

c. Mid aan jahli dartii u galnay

d, Mid aan ogaan u galnay

d. Mid nalagu qasbay

e. mid waalli ama caqli yari aan u galnay

 

 

Qofka ku Marmarsiyda jaahlnimada waxaa la fiiriyaa:

 

a. Meeshuu joogo markuu jaahlnimo ku marmarsiyoodo

c. Wuxuu sheegtay inuu moogyahay markuu danbiga ku dhacay.

 

Marka, haddaan danbi galno annagoo aan ogeyn in xanta ay xaaraan tahay, waxaa la fiirinayaa meeshaan joogno, haddaan joogno waddan Muslim ah ama meel diinta waxyaabaha daruuriga ah la ogaan karo, danbigaas waa mid laguu dhigayo

 

Wixii ku saabsan shirkiga, waxaa la fiirinayaa:

a. Danbiga ma mid shirkiga ka dhashay baa, ooy sabab u tahay jaahlnimo asaaska Islaamka ku dhisan yahay uuson qofna moogeyn, mise waa furuucda aan la ogaan karin illaa in la barto mooyaanee?

 

Waxaa Allah na batray inaan ku duceysanno:

 

" Rabbigeennow, ha noo qabsan haddaan illowno ama aan gafno"

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ramadaan Karim

 

Reer Guuraga Af Somaliga akhriya

 

Waxaa la gaadhay goortii Allah laga baryi lahaa dambi dhaaf, la wadaag qoraalkan intaad jeceshahay, anigana ii soo duceeya.

 

Walaalkiiin

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Muhammad Walaal

 

When i wrote this piece, I also thought of it as a must read, however, Nomads on this site are mostly modern Nomads who drive Camaros not Camels, and speak English not Somali, and because when I write, I randomely select the language mode, so if an idea sparks in my mind, my default language is Somali unless I switch to the English mode, I end up with a great topic in Somali most Nomads can not enjoy its richness such as ' Geeridii Rasuulka, Macaanka iimaanka IWM.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Asalamu Alaykum,

 

Although language barrier might very well be one of the reasons why such excellent topics are neglegted, I believe the greatest reason is due to the lack of real consciousness of Allah swt that seems to be so rampant nowadays in our society. Subhannalah, introduce topics like gender issues, politics, fictitious love stories iyo waxaan loo joogin and, lo and behold, you have no space to breathe; you start lecturing about the deen and the very reason for which we exist, all of sudden ppl start to disappear or show minimal interest if any at all. This section of SOL has been the least popular ( :( ) section for as long I can remember, that sure is a sad reflection of our level of consciousness. You know, kolka hore waa qofka qalbiigisu inuu u hogaansanyahay Ilaahey, deedna wuxuu doontaa wixii kheyrku ugu jiro ee uu ilaahey uga farxin lahaa, yacni, then will the action follow. Marka, Ilaahey walaal ha na soo hanuuniyo gidigeenba.

 

Hadaan ku soo noqdo qoraalkan qiimaha leh walal, siduu personally ii taabtey kuuma faahfaahin karo waayo waa xasuusin aad kuu xanuujineysa oo dib markaad ficiladada aad ugu noqoto aad dareymeyso, subhannalah, am I doing anything right at all?. Si kastaba u dadaal hadana banu adam umbaad tahay, daciif ah oo nafsadiisa hooseysa ka taag weyntahey badanaa, maxaan marka sheeganeynaa. Mararka qaarkood markaan khalad aan u jeedo aan galo amaba aan dhibyareysto because of some shaytanic justification ayaan idhaa, bal hadda qof weyn uu ilaahey caqli iyo wax garashoba siiyey ayaad tahayee sideed naftaada uga adkaan weydey. Yacni, it takes just a small amount of hawaa for this dunya to enter that qalb you might've been working to purify and protect, and God knows how much of a tremendous impact it leaves. And then I start feeling quite upset and disappointed in myself, but I guess that in itself is a gift that I have Allah to thank for.

 

Islam is just truly beautiful! This is the part that makes me very emotional: We wrong ourselves constantly, we commit sins day in day out, we fall off the path that our exalted creator had prescribed for us continuously, and yet His mercy is countless. Though He needs nothing from us at all, He gives us ample opportunities to rectify our positions, He loves us for returning to him and repenting from our mistakes and He rewards us for being mindful of what is in essence our own best interest. Yet, we rarely give Him His due gratitude. Subxanallah.

 

Ya sheikh Nur, I pray that Allah swt rewards you for your amazing da'wa and forgives your own sins and that of your loved ones. I will definitely read this piece for my mother Insha'Allah, I know she'd love it.

 

Rabanaa dhalamnaa anfusanaa wa in lam taghfirlanaa wa tarxamnaa lanakuunana minal khaasiriin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Xaniifah sis

 

Baarkalallah feeki for your positive feelings, I pray that Allah places them on your account for a rewarding happiness forever amen.

 

Walaalo, its true that most Nomads are not visiting the Islam pages these days as we are experiencing breaking news and events that have all to do with ISLAM some way or another, Islam is the topic of the hour in all boards everywhere.

 

As for this topic, and similar ones wich I consider to be eNuri soul enhancement topics, I feel that they are the bedrock topics that we all need to get on with our lives as Satan lurks in our path no matter what we choose to do.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this