Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland:the launching of somaliland water infrastructure $28million programme for four cities

Recommended Posts

Saalax   

di-HM9H.jpg

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- M adaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) ayaa maanta furay mashruuc balaadhan oo la xidhiidha biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Wajaalle, Burco iyo Ceerigaabo oo ay maal-gelinayso midowga yurub kaasi oo ay ku baxayso 28 Malyan oo Dollar.

 

Waxa xaflad balaadhan oo Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa loo sameeyay furitaanka mashruucan, waxa kale oo ka soo qeyb galay Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida iyo saraakiil kale oo ka socday xafiiska Midowga Yurub ee Kenya, Wasiirro, Duqa Caasimadda Hargeysa, Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maareeyeyaal,Agaasimaha guud ee qorshaynta, Gudoomiyaha degmada Wajaalle, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale.

 

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin inay maal-gelin u helaan biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale.

 

Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu si weyn ugu mahad naqay Midowga Yurub waxaanu yidhi “Waxaan maanta farxad weyn ii ah in mashruucan qiimaha weyn leh oo wax ka taraya nolasha bini’aadam faro badan oo reer Somaliland ah oo runtii aniga iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah raggii loo doortay qarankan sanad iyo badh ka hor, waxa farxad aad ah noo ah inaanu maal-gelin u helay biyo balaadhintii caasimadda Somaliland iyo sadex magaalo oo kale oo aan runtii odhan karo farxaddaasi iyo mahadaasi ILAAHAY kasakow waxa leh midowga Yurub ee ku deeqay mashruucan, si nolasha dad badan oo runtii nolasha ugu adag biyo ku caba inay biyo nadiif ah helaan ayuu mashruucani ku saabsan yahay.”

<

“Waxa mashruucani faa’iidaynayaa in Magaaladda Hargeysa oo ay ku nool yihiin dad hal malyan ku dhowi inay biyo nadiif ah helaan iyo sadexdaasi magaalo ee kale oo iyagana ay ku nool yihiin dad aan aad u yarayni, waxaanu leenahay midowga Yurub aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.

 

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay mashruucan ay ku baxayso dhaqaalaha badani uu ka turjumayo sida Somaliland uga gudubtay xiligii heerka gar-gaarka bini’aadminimo una gudubtay heerka horumarinta.

“Mashruucani wuxuu cadaynayaa inay Somaliland ka gudubtay heerkii gar-gaarka oo ay u gudubtay heerkii horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, biyaha iyo wixii la mid ah,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

 

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu ku baaqay in hirgelinta mashruucan ay si wada jir ah hareeraha uga wada joogaan Somaliland iyo midowga Yurub-ba.

 

Md. C/Raxmaan Saylici oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anagana waxa noo yaala xukuumad ahaan oo aanu ka shaqeynaynaa shuruucdii maal-gelinta intaasi leegi siday u jiri lahayd oo ay u shaqayn lahayd, taasna diyaar ayaanu u nahay. Haddii maalgelintii la helay oo aan la lexjeclaysan wixii sidiisii ayuu ku noqonayaa. Waxaan rajaynaynaa inuu noqdo mashruucani mid aynu kaga baxno baryo dambe.waxaanu u balan qaadaynaa in nidaamka biyaha afartaasi magaalo la hagaajiyo markuu hirgalo mashruucani.”

“Mashruucani waa mashruucii ugu balaadhnaa ee ka hirgala dalka waayo wuxuu taabanayaa nolasha bini’aadamka waxaanu wax ka bedelayaa Kumanaan qof oo reer Somaliland ah. Waxaan leeyahay midowga Yurub walaalayaal noo hirgaliya waxa la yidhaahdaa oo Soomaalidu ku maah-maahdaa dhicisku inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtiyaaye. 60% ayaan qabnaa inaanay biyo ku filan helin magaalooyinkan. Waxaan idinku dardaarayaa waad na siiseen hantidii ee waa inay hawshu hore u qabsoonto,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

 

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo ka hadlay xafladaasi ayaa hadlay dhibaatooyinka ka taan biyo yaraanta caasimadda Hargeysa waxa uu yidhi “Nidaamka Biyaha ee aynu xiligan ka cabto biyaha Hargeysa oo Todobaatameeyadii ay dawladii Shiinuhu ku caawisay dawladii markaa ka jirtay Somalia waxa xiligaasi dadkii loogu tallo galay waxay ahaayeen ugu badnaan 160 kun oo qof inay ka cabaan, maanta waad qiyaasi karaysaan tiradda dadka ku nool Hargeysi intay leeg yihiin. Waxaanu xil weyn iska saarnaa oo hadh iyo habeen aanu ka shaqaynaa intaas imika jirta oo aanu ognahay inay aad u yar tahay marka loo eego baahida biyaha ee adduunka, intaasi si fiican ayaanu u daryeelaa una ilaalinaa, laakiin wax kasta oo aanu samayno imika biyo umaanaan kordhin karayn magaaladda. Ceel aad dayac-tirto ama mid cusub oo la qodaa waxba kordhin maayo. Waayo magaaladda waxa biyaha u keena laba beeb oo yar yar oo 12inj ah 23 saacadood ayaanu biyaha soo daynaa haddana baahida Hargeysa waanu *****li kari weynay.”

Maareeyuhu wuxuu si weyn ugu mahad celiyay Wasiirka macdanta iyo biyaha oo uu ku tilmaamay masuul xil weyn iska saaray sidii mashruuc biyo balaadhin ah loogu heli lahaa caasimadda Hargeysa.

 

Ibraahim Siyaad waxa kale oo uu mahad celiyay midowga Yurub oo uu xusay inay noqdeen qaadhaan bixiyeyaasha qudha ee ku dhiiraday inay maal-geliyaan biyo balaadhinta Hargeysa iyo sadex magaalo ee kale.

“Qorshuhu siduu yahay haddii ILAAHAY inagu guuleeyo mashruucan loo fadhiyo waxaynu rajaynaynaa in biyaha caasimadda Hargeysa xiligan yimaada in leegi inay ku korodho.xiligan biyaha Hargeysa yimaadaa waa 10 kun oo mitir kuyuub, haddii si kale loo dhigana waa konton kun oo foosto. Waxaan filaynaa inay intaasi in leegi timaado oo dadka aanay biyuhu gaadhini ay heli doonaan inshaalaahu,”ayuu yidhi Maareeyaha wakaalada Biyuhu.

 

Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay uguna bogaadiyay midowga Yurub maal-gelinta biyo balaadhinta afarta magaalo waxaanu tilmaamay inay Somaliland abaal weyn ugu hayso EU-da mashruucan.

Wasiirku waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qaabka loo fulin doono mashruucan oo uu xusay inuu yarayn doono xadiga biyo la’aaneed ee ka taagan magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood.

“Mashruucan biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco Ceerigaabo iyo Wajaale waa kii u weynaa ee abid laga sameeyo Somaliland, waxaanan abaal ugu haynaa midowga yurub mashruucan qiimaha leh,” ayuu yidhi Md. Xuseen Guray.

 

Wasiirka macdanta oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego markii aanu sanad ka hor Nairobi kula shiray qaadhaan-bixiyeyaasha sida Maraykanka, Midowga Yurub, wadamada Asia iyo wadamadda carabta ee aanu u soo bandhignay kana dalbanay biyo balaadhinta Hargeysa, waxa kale oo ka jawaabay dalabkayagii midowga Yurub waxaanan taasi ugu haynaa xushmad aad u weyn.”

Wasiirku wuxuu balan qaaday inay xukuumad ahaan ka shaqayn doonaan sidii nidaam hufan loogu fulin lahaa mashruucan maal-gashi oo uu ku sifeeyay mid waxtar weyn leh.

Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadashay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida, waxaanay ka warantay marxaladihii uu soo maray mashruucaasi.

 

Mrs. Isbel Faria De Almeida waxay xustay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa,Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale.

Waxa kale oo ay sheegay in midowg Yurub uu sii wadayo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan ee uu la yeehay Somaliland,waxaanay carabka ku dhufatay in EU-du ay gacan ka geysato horumarinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.

 

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Agaasimaha guud ee wasaaradd qorshaynta qaranka kuwaasi oo Midowga Yurub ku bogaadiyay hirgelinta mashruucan oo ay tilmaameen inuu wax weyn ka tarayo baahidii biyood ee magaalooyinka laga fulin doono.

Waxa kale oo ay labadaasi masuul si weyn u ammaaneen Wasiirka macdanta iyo biyaha oo ay sheegeen inuu isku hawlay sidii uu maal-gelin ugu heli lahaa biyo yaraanta ka taagan magaaladda Hargeysa iyo kuwa kaleba.

 

Mashruucan oo uu ku baxayo adduun dhan 28 Malyan oo Dollar, waxa ugu weyn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo loogu tallo galay in lagu fuliyo wajiga koowaad. Waxana lagu qaban doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo, kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha dhibaataddu ka haysato oo la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad waaweyn la sameeyo magaaladda Hargeysa.

 

Geesta kale 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, waxa loogu tallo galay wakalada biyaha Burco, waxaana ugu jira in sare loo qaado oo dhuumaha biyaha qaada laga bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal biyood loo qodo. Halka Magaaladda Ceerigaabo biyo balaadhinteeda loo asteeyay 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta.

 

Waxa kale oo 2 Malyan oo Dollar loo qoondeeyay magaalada wajaale oo dhibaato aad iyo aad u weyn oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xukuumada Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Furtay Mashruuc Biyaha Loogu Balaadhinayo Afar Magaalo Oo Ay Ku Baxayso 28 Malyan Oo Dollar.

(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 06, 2012

(HWN):-Wefti Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida iyo saraakiil kale ayaa maanta

 

Hargeysa(HWN):-Wefti Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida iyo saraakiil kale ayaa maanta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isla markaana waxay ka qeybgaleen munaasibad oo la xidhiidha biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Wajaalle, Burco iyo Ceerigaabo oo ay maal-gelinayso midowga yurub kaasi oo ay ku baxayso 28 Malyan oo Dollar.

 

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey furitaanka mshruucan lagu qabtey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,waxaana ka soo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida iyo saraakiil kale oo ka socday xafiiska Midowga Yurub ee Kenya, Wasiirro, Duqa Caasimadda Hargeysa, Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maareeyeyaal,Agaasimaha guud ee qorshaynta, Gudoomiyaha degmada Wajaalle, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale.

 

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin inay maal-gelin u helaan biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale, waxaanu yidhiWaxaan maanta farxad weyn ii ah in mashruucan qiimaha weyn leh oo wax ka taraya nolasha biniaadam faro badan oo reer Somaliland ah oo runtii aniga iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah raggii loo doortay qarankan sanad iyo badh ka hor, waxa farxad aad ah noo ah inaanu maal-gelin u helay biyo balaadhintii caasimadda Somaliland iyo sadex magaalo oo kale oo aan runtii odhan karo farxaddaasi iyo mahadaasi ILAAHAY kasakow waxa leh midowga Yurub ee ku deeqay mashruucan, si nolasha dad badan oo runtii nolasha ugu adag biyo ku caba inay biyo nadiif ah helaan ayuu mashruucani ku saabsan yahay.Waxa mashruucani faaiidaynayaa in Magaaladda Hargeysa oo ay ku nool yihiin dad hal malyan ku dhowi inay biyo nadiif ah helaan iyo sadexdaasi magaalo ee kale oo iyagana ay ku nool yihiin dad aan aad u yarayni, waxaanu leenahay midowga Yurub aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin,

 

Cabdiraxmaan Saylici waxa uu ku dooday in mashruucan ay ku baxayso dhaqaalaha badani uu ka turjumayo sida Somaliland uga gudubtay xiligii heerka gar-gaarka biniaadminimo una gudubtay heerka horumarinta, waxaanu yidhi Mashruucani wuxuu cadaynayaa inay Somaliland ka gudubtay heerkii gar-gaarka oo ay u gudubtay heerkii horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, biyaha iyo wixii la mid ah.Anagana waxa noo yaala xukuumad ahaan oo aanu ka shaqeynaynaa shuruucdii maal-gelinta intaasi leegi siday u jiri lahayd oo ay u shaqayn lahayd, taasna diyaar ayaanu u nahay. Haddii maalgelintii la helay oo aan la lexjeclaysan wixii sidiisii ayuu ku noqonayaa. Waxaan rajaynaynaa inuu noqdo mashruucani mid aynu kaga baxno baryo dambe.waxaanu u balan qaadaynaa in nidaamka biyaha afartaasi magaalo la hagaajiyo markuu hirgalo mashruucani.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiMashruucani waa mashruucii ugu balaadhnaa ee ka hirgala dalka waayo wuxuu taabanayaa nolasha biniaadamka waxaanu wax ka bedelayaa Kumanaan qof oo reer Somaliland ah. Waxaan leeyahay midowga Yurub walaalayaal noo hirgaliya waxa la yidhaahdaa oo Soomaalidu ku maah-maahdaa dhicisku inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtiyaaye. 60% ayaan qabnaa inaanay biyo ku filan helin magaalooyinkan. Waxaan idinku dardaarayaa waad na siiseen hantidii ee waa inay hawshu hore u qabsoonto,

 

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo ka hadlay xafladaasi ayaa hadlay dhibaatooyinka ka taan biyo yaraanta caasimadda Hargeysa waxa uu yidhi Nidaamka Biyaha ee aynu xiligan ka cabto biyaha Hargeysa oo Todobaatameeyadii ay dawladii Shiinuhu ku caawisay dawladii markaa ka jirtay Somalia waxa xiligaasi dadkii loogu tallo galay waxay ahaayeen ugu badnaan 160 kun oo qof inay ka cabaan, maanta waad qiyaasi karaysaan tiradda dadka ku nool Hargeysi intay leeg yihiin. Waxaanu xil weyn iska saarnaa oo hadh iyo habeen aanu ka shaqaynaa intaas imika jirta oo aanu ognahay inay aad u yar tahay marka loo eego baahida biyaha ee adduunka, intaasi si fiican ayaanu u daryeelaa una ilaalinaa, laakiin wax kasta oo aanu samayno imika biyo umaanaan kordhin karayn magaaladda. Ceel aad dayac-tirto ama mid cusub oo la qodaa waxba kordhin maayo. Waayo magaaladda waxa biyaha u keena laba beeb oo yar yar oo 12inj ah 23 saacadood ayaanu biyaha soo daynaa haddana baahida Hargeysa waanu *****li kari weynay.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiQorshuhu siduu yahay haddii ILAAHAY inagu guuleeyo mashruucan loo fadhiyo waxaynu rajaynaynaa in biyaha caasimadda Hargeysa xiligan yimaada in leegi inay ku korodho.xiligan biyaha Hargeysa yimaadaa waa 10 kun oo mitir kuyuub, haddii si kale loo dhigana waa konton kun oo foosto. Waxaan filaynaa inay intaasi in leegi timaado oo dadka aanay biyuhu gaadhini ay heli doonaan inshaalaahu,ayuu yidhi Maareeyaha wakaalada Biyuhu.

 

Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay uguna bogaadiyay midowga Yurub maal-gelinta biyo balaadhinta afarta magaalo waxaanu tilmaamay inay Somaliland abaal weyn ugu hayso EU-da mashruucan.

 

Wasiirku waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qaabka loo fulin doono mashruucan oo uu xusay inuu yarayn doono xadiga biyo laaaneed ee ka taagan magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood,waxaanu yidhiMashruucan biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco Ceerigaabo iyo Wajaale waa kii u weynaa ee abid laga sameeyo Somaliland, waxaanan abaal ugu haynaa midowga yurub mashruucan qiimaha leh, Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego markii aanu sanad ka hor Nairobi kula shiray qaadhaan-bixiyeyaasha sida Maraykanka, Midowga Yurub, wadamada Asia iyo wadamadda carabta ee aanu u soo bandhignay kana dalbanay biyo balaadhinta Hargeysa, waxa kale oo ka jawaabay dalabkayagii midowga Yurub waxaanan taasi ugu haynaa xushmad aad u weyn.

 

Wasiirku wuxuu balan qaaday inay xukuumad ahaan ka shaqayn doonaan sidii nidaam hufan loogu fulin lahaa mashruucan maal-gashi oo uu ku sifeeyay mid waxtar weyn leh.

 

Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadashay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida, waxaanay ka warantay marxaladihii uu soo maray mashruucaasi.

 

 

 

Waxa isna halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Agaasimaha guud ee wasaaradd qorshaynta qaranka kuwaas oo dhamaantood Midowga Yurub ku ku hambalyey hirgelinta mashruucan oo ay sheegeen inay wax weyn ka tarayso baahidii biyood ee magaalooyinka laga fulin doono.

 

Si kastaba ha ahaate, Mashruucan oo uu ku baxayo lacag dhan 28 Malyan oo Dollar, waxa ugu weyn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo loogu tallo galay in lagu fuliyo wajiga koowaad. Waxana lagu qaban doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo, kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha dhibaataddu ka haysato oo la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad waaweyn la sameeyo magaaladda Hargeysa.

 

Dhinaca kale 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, waxa loogu tallo galay wakalada biyaha Burco, waxaana ugu jira in sare loo qaado oo dhuumaha biyaha qaada laga bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal biyood loo qodo. Halka Magaaladda Ceerigaabo biyo balaadhinteeda loo asteeyay 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta.

 

Sidoo kale 2 Malyan oo Dollar loo qoondeeyay magaalada wajaale oo dhibaato aad iyo aad u weyn oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan.

 

Talaabadani waxay wax weyn ka tari doonta biyo yaraanti ay ka caban jireen magaalooyinkaasi, isla markaana waa talaabo horumar leh.

 

Mustafe-Jannaale

 

Hadhwanaagnews.com/Office

 

Hargeysa/Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Sage   

Excellent news. Investing in infrastructure development In Somaliland especially in Sanaag will have a major multiplier effect on the social and economic well being of the country

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

The Sage;799769 wrote:
Excellent news. Investing in infrastructure development In Somaliland especially in Sanaag will have a major multiplier effect on the social and economic well being of the country

Indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this