Sign in to follow this  
Somalia

Puntland Officials and NATO discuss piracy (Pictures)

Recommended Posts

Somalia   

desismileys_3191.gif

 

(Sawirro) Wafdi Puntland ah oo Kulan la qaatay Saraakiisha NATO ee la dagaalanka Burcad badeeda.

 

Posted by Pi G 2 on March 3rd, 2012

 

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Dekadaha, gaadiidka bada iyo la dagaalanka Burcad badeeda Saciid Maxamed Raage islamarkaana ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Cali yuusuf Cali Xoosh, Agaasimaha wasaarada Bada iyo ladagaalanka Burcad badeeda C/risaaq Maxamed Dirir, guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey), guddoomiyaha degmada Jariiban C/kariim Sheikh Maxamuud (keytoon), guddoomiyaha beesha Garacad, xubno ka socday qurba joogta, Isimo iyo odayaal uu ka mid yahay Garaaad Cali Ciid ayaa xeebta garacad kulan kula qaatay Saraakiil ka socotay Ciidamada NATO ee Hawgalka ladaagalanka Burcad badeeda Soomaalida ah, waxayna ka wada hadleen arrimao farabadan oo ay ugu muhimsan tahay arrinta Burcad badeeda.

 

Kulankan oo ka dhacay Markab ay leeyihiin Ciidamada NATO dushiisa ayaa masuuliyiinta Dawlada Puntland waxay NATO siiyeen warbixin la xiriirta deegaankan iyo sida Kooxaha Burcad badeeda looga ciribtiray, waxayna sidoo kale Saraakiisha NATO ka dhagaysteen warbixino la xiriira xog ururin ay arrimaha Burcad badeeda xeebtan ka sameeyeen.

 

warbixintan oo dhamaystiran qaybaha dambe ayaanu idinkugu soo gudbin doonaa.

 

Daawo Sawirada:

 

94.jpg

95.jpg

96.jpg

97.jpg

98.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Man stop crying and being jealous, learn from JB, Xaaji or the other seniors, you just exist the thread instead of commenting otherwise you look pathetic.

 

Clearly we can see now that the Mudug Governor has cleared Mudug of any so-called pirates. Garacad is now cleared. Now the hotspot of piracy is alone Galmudug's coastline, especially Harardheere and towards the Ximan and Xeeb people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Not really, we can continue to be honest, you are doing me a big favour but you don't get it, not that I expect you to :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jariban,Mar, 3 -Wefti uu hogaaminayo wasiirka dekedaha gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Puntland Eng Saciid Maxamed Raage ayaa gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

 

Wasiirka dekedaha Puntland oo ku sugan degmada Jariiban ayaa u sheegay Radio Daljir socdaalkooda inuu ahaa iskaashi shacabka deegaanka Garacad, Puntland iyo Nato ay ka yeesheen la dagaalanka burcadbadeeda iyo Al-Shabaab.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay,inuu la kulmay degmada Jariiban, saraakiil katirsan Nato, maamulka degmada Jariiban iyo shacabka deegaanka Garacad,waxaana uu intaasi raaciyay inay isku afgarteen inay si wadajir ah isaga kaashadaan howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha burcadbadeeda.

 

Weftiga wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland ayaa waxaa ka mid ah saraakiil katirsan wasaaradda arimaha gudaha ee Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this