Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President siilaanyo Somaliland and Somalia will talk to live side by side as two nations

Recommended Posts

Xornimada Iyo Gooni Isu-taaga Somaliland Waa Mida Shacabkeenu Isku Raacsanyahay Hadii Aanu Wadahadalo La Yeelano Soomaliyana Waxaa Naga Go’aana Madaxbanaanida Dalkayga.

 

March 02,2012(Cadceed)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in marka la gaadho wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay ku qancin doonaan Soomaaliya madax-banaanida Somaliland iyo sidii u noqon lahaayeen laba wadan oo walaalo ah oo jaar ah.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da wuxuu ka hadlay aragtidiisa wada hadalka labada dal, waxaanu yidhi “Wadahadal dabcan anigu waxaanu u aragnaa oo sida aanu u turjumaynayno, waxaanu ka wadahalaynaa waxa naga dhexeeya. Waxa waxaanu nahay dad walaalo ah oo wax badan oo masaalaxi ahi naga dhaxeyn karaan. Hase-ahaatee waxaanu ka wadahadali karnaa tahay madaxbanaanidayda aanu ku qancinayno walaalahayaga oo aanu jecel nahay inay nala fahmaan oo ay tahay madaxbanaanidayda oo aanu sidii aanu kuwada shaqayn lahayn oo mandaqadda iyo maslaxadeeda iyo wanaageeda iyo sidii qolo waliba wixii qoloda kale dhaanto ee khibrad ah ee waayo-aragnimo ah la isku biiriyo ayaanu u aragnaa inay tahay inay maslaxadu ku jirto”

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey xilliga uu bilaabmayo wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu yidhi “Taa waqti aan anigu qabanayaa ma jirto, laakiin waqti waqtiga la isla garto insha alle watacaa ayay noqon.”

Md. Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayay inay kulmeen Madaxweynaha Soomaliya iyo in kale ayuu yidhi “Madaxweyne Shariif waxaanu isugu nimidnay shirkii London. shirkan wax sidaa badan ismaanaan odhan aan ahayn kaftan aanu kaftanay. Laakiin insha alla watacaala sida aanu sheegnay waanu ka wadahadali doonaa wixii danaha masaalaxa Somaliland ah ee waqtiga munaasibka ah.”

Waxa kale oo madaxweynaha wax laga waydiiyey waxyaabihii ay masuuliyiinta Ingiriiska ka wadahadaleen inay rajo uga muuqato inay Soomaaliya mar kale cagaheeda dib ugu istaagto oo ay fowdada ka baxdo? Waxaanu yidhi “ ILAAHAY waxaanu uga rajaynaa oo ay dunida oo dhammi ay isugu timid oo ay dunida oo dhami u rejaynaysaa oo aanu aniguna aad u rajaynaysaa oo ay dunida oo dhami jeceshahay inay Soomaaliya fowdada ka baxdo oo ay Soomaaliya noqoto dal xasiloon oo dunida iyo mandaqadda ay ku nooshahay wax ku tara oo ay nabadgelyo iyo xasilooni ku soo noqota, inta la rabay ee shirka loo qabtay intaas weeye.”

Gebagabadii Madaxweynaha mar wax laga weydiiyey inay Soomaliya sidii hore noqoto oo aad idinkuna danihiina meesha ka sheegatan sidee ayay idin la muuqata waxa uu yidhi “Maya ee anaga nooma muuqato ee anaga waxa noo muuqata sidii looga wadahadali lahaa sidii walaalnimo iyo wanaag ku jiro oo loo kala bixi lahaa oo iyada oo laba wadan oo walaalaha oo jaara oo fiican u wada shaqayn lahayn oo sidii wax loo wada qaban lahaa ee loo wada shaqayn lahaa oo danaha iyo maslaxadda mandaqada looga shaqayn lahaa ayaa anaga noo muuqata oo waata ta aanu ku shaqaynaynno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

shirkan wax sidaa badan ismaanaan odhan aan ahayn kaftan aanu kaftanay.

Haye, kaftankaas muxuu ahaa taloow? Boos hala ii sii diyaariyo, hala ii baneeyo?

 

Teeda kale laba koox hadleyso oo hal dal ka tirsan waaye. It said so in that warmurtiyeed aad mar walba soo xigsaneysid. Sida Barbaarta koox u yihiin, dowladda kumeelgaarkana waa koox, so is kuwa ka taliyo Waqooyi Galbeed. Haddee Barbaarta iyo dowladda kumeelgaarka beri wadahal galaan, it doesn't mean laba dal wada hadleyso. No. Marka waa saas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this