Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands chief of cabinet Mr Xirsi in a huge quarrel with Ethiopian Ambassador to hargeysa

Recommended Posts

Khilaaf Xoogan oo Soo dhex Galay Wasiirka Madaxtooyada iyo Safiirka itoobiya u Qaabilsan Somaliland oo gaadhay Heerkii ugu sareeyay.

Xirsi.jpg

Safiirka Itoobiya mr Berhe Tesfaye ayaa ka Cadhooday kana Amakaagay Qaabka diblomaasiyada ka Baxsan ee uu Wasiir Xirsi ula dhaqmay, .....

 

Paris (GNS)-Khilaaf xoogan oo dhawaan soo dhex galay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan iyo Safiirka itoobiya u fadhiya Somaliland General Berhe Tesfay ayaa la sheegay in dhawaan loo gudbiyay Dawlada dhexe ee itoobiya taasi oo aan illaa hadda ka soo saarin wax war ah arimaasi soo kala dhex galay Masuuliyiinta labada Dal.

 

Warbixin uu dhawaan Baahiyay mid ka mid Wargeysyada Caanka ah ee ka soo baxa Dalka Faransiiska ee ka Faallooda Arimaha Africa ayaa daaha ka qaaday Khilaaf hor leh oo ka dhex qarxay Wasiirka madaxtooyada iyo Safaarada itoobiya ay ku leedahay somaliland kuwaasi oo dacwadooda gaadhay Xukuumada dhexe ee Dawlada Federal-ka itoobiya.

 

Warbixinta wargeyskani daabacay laguma sheegin in Arintaasi Wasiirka Madaxtooyada uu la Qabo Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) balse waxaa dhawaanahan soo kordhaya wararka sheegay Hoos u dhac ku yimi Xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya .

 

Warbixintan oo ku qornayd Afka ingiriisiga ayaa nuxurkeedu ahaa sidan hoos ku qoran:

 

“19-kii November, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan ayaa kulan la yeeshay Safiirka itoobiya u fadhiya Somaliland General Berhe Tesfay, kulankaasi oo Wasiir Xirsi ku Canaantay Safiirka Itoobiya Ciidamada itoobiyaanka ah ee sida joogtada ah usoo galaya Somaliland iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan xukuumada somaliland, waxaanu ka codsaday inuu si degdeg ah ugu war galiyo safiirku dawlada itoobiya oo ay arinkaasi wax ka qabtaan.

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan Waxa kale oo uu Cabasho xoogle ka Muujiyay waxa uu ugu yeedhay (Dhaqan Xumada itoobiya ee ku Fidaysa Somaliland), Wasiir Xirsi oo lagu Sheego Nin Diinta islaamka ku Wanaagsan ayaa Cabasho ka muujiyay Dhaqan Xumada itoobiyaanka Makhaayadaha ka furtay hargeisa, kuwaasi oo qaarkood lagu Cabo Khamriga laguna fuliyo falal Anshax xumo ah oo ka soo horjeeda Diinta islaamka.

 

Safiirka Itoobiya mr Berhe Tesfaye ayaa ka Cadhooday kana Amakaagay Qaabka diblomaasiyada ka Baxsan ee uu Wasiir Xirsi ula dhaqmay, arintaasi oo Safiirka ku noqotay mid ka daadagi wayday, Safiirka oo aan wax jawaab ah siinin Wasiir xirsi ayaa u ambabxay Dalka itoobiya taariikhdu markay ahayd 21 november dhamaadkii sanadkii tagay, kaasi oo Sheegay inuu ku War galin doono Dawlada itoobiya Waxyaabihii uu Wasiir Xirsi kala hadlay”.

 

Maaha markii ugu horaysay ee Wargeyskani Daabacay Warbixin ka hadlaysa Fara galinta itoobiya ku hayso Somaliland balse arintan ayaa haddii ay jirto noqon doonto mid madmadaw galin karta xidhiidhkii soo jireenka ahaa dawlada itoobiya la lahayd Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this