Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Presidential delegation meets with the Somaliland Community in the UK+PICS

Recommended Posts

Live: Munaasibad Balaadhan Oo Jaaliyadaha Uk London Ugu Sameeyeen Weftigii Somaliland Ee Ka Qayb-galay Shirkii London Oo Hadda Socota Iyo Nuxurka Kalmadaha Laga Yidhi

 

London (Ramaas) Feb 26,2012 – Caasimada dalka boqortooyadda Ingiriiska ee London ayaa waxa hadda ka socota Munaasibad balaadhan oo qurba joogta UK ay ku qaabileen weftigii Somaliland ee ka qayb-galay shirkii Soomalia ee London.

 

Munaasibadan oo hadda si toos ah u socota ayaa waxa kalmado ka soo jeediyay wasiiradda qorshaynta, gaashaandhiga, warfaafinta iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa ku sheegeen in go’aanada shirka ka soo baxay ay ahaayeen kuwo Somaliland dan u ah.

 

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in Soomaliya lala hadlo “Qadiyadii Somaliland meeshii ayuu yaalaa, inaguna waynu hagaajinayna (Soomaliya)” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe waxaanu intaa ku daray “Gabadh ayaa igu tidhi abooye miyeydaan naga naxayn, markaas ku idhi waanu idinka naxaynaa, markaas ayay tidhi ama aanu idiin nimaadno ama aanu idinku noo yimaada, markaa waala wada hadlayaa oo labada dawladood ayaa la samaynayaa”

 

Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay in maxkamadaha caalamka heshiisyo ay u kala qori doonaan Somaliland iyo Soomaliya “Maxkamadaha caalamka ayaynu isla tagaynaa oo waraaqo ayaynu kala qadaneynaa” ayuu yidhi

 

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB oo isna halkaa ka hadlaya ayaa sheegay in xisbiga UDUB ahaa xisbigii ugu horeeyay ee aqbala in laga qayb-galo shirka London”Ninkii xanuunanaya waa halkiisa laakiin UDUB iyadda ayaa ugu hor qaadatay in shirka London la tago” ayuu yidhi “Maadaama Somaliland wax badan ka soo gudubtay, waxa loo baahan yahay in mucaarad iyo muxaafidba loo halgamayo sidii xaqeena aynu u soo dhacsan lahayn”

 

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu ka hadlay “Maalinta ay doortaan cid matasha waala wada hadli doonaa, laakiin inta ay u kala baxsan yihiin fariiqooyin oo Al-shabaab” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “20-kaa sanadood waxa dib inoo dhigay waa quluubteenii oo kala jeeday”

 

Md Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu tilmaamay inaan calanka Somaliland aanu degayn “Calankani deggi maayo ILAAHAY amarkiisa ee aynu isku duubnaano” ayuu ydih.

 

La soco khudbada Madaxwaynaha goor dhow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Live: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibada London Ka Socota Kaga Hadlay Go’aanadii Ka Soo Baxay Shirkii Soomaliya Ee London, Colaada Bariga Iyo Arimo Kale

 

London (Ramaas) Feb 26,2012 – Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo caawa ka hadlayey munaasibad jaaliyadaha Uk London ugu sameeyeen ayaa soo dhaweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii London.

 

Md Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu ka hadlay colaadaha bariga ka taagan, waxaanu baaq u diray beesha gobolka Sool, waxaanu sheegay in xukuumadda iyo shacabka Somaliland diyaar u yihiin wax kasta oo ay raali ku noqonayaan.

 

Muuse Biixi oo ugu horeyn ka hadlaya ogolaanshihii natiijada doorashada Madaxtooyadda ee xisbiyadda Mucaaradka ah waxa uu yidhi “Waxaan uga mahad-naqayaa labada xisbi Mucaarad ee markii aanu doorashada ku guulaysanay haneeyay, waliba Faysal oo hore u hongoobay uu haneeyay, midhaheediina way muuqdaan oo waynagaa arkayna halka aynu maanta marayno.”

 

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu ka hadlay go’aanadii ka soo baxay shirkii Soomaliya loogu qabtay London “Shirkii London waxa ka soo baxay waxa uu noqday haloo garnaqo (Somaliland iyo Soomaliya), waana Ilaahay mahadii haddii adduunkii uu dhaafin waayay go’aankii aynu qaadanay 1991-kii” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo fariin u diraya shacabka Soomaliya “Walaalahayaga Koonfurta waxaan leeyahay waxaad nooga markhaati tihiin in Somaliland kow ka tahay wanaaga Somaliyeed, wax kastana Somlailand ayaa hormuud u ahayd haddii ay ahayd gumays diid iyo haddii kaleba, waxaan leeyahay labada dawladood ayaynu ahayn, dawladii aynu dhisnay lixdankii warab-baa galay, markaa waanu kala saaraynaa oo dib ayaanu u dhisaynaa oo waynu kala saaraynaa”

 

Muuse Biixi waxa kale oo uu soo qaaday “Dhibaatada barigu waa kaa dhimay oo kugu dhimay, dagaalna waanu ka daalnay mana rabno, nin dagaal soo marayna kuma deg-dego, walaalayayaga Sool waxaanu leenahay 21-kaa sanadood waanu idinin damranahay oo gacan nabadeed ayaanu idin fidinaynay, idiinma quudhno waxaydaan gayin, waxaanu doonaynaa inaanu isfahano, wax kasta oo aad nagu xukuntaana diyaar ayaanu idiinla nahay, waxaanuna nahay walaaladiin oo diyaar idin nahay anaga oo dadkiinii ah” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo toos ula hadlay Dr Galaydh “Cali Khaliif Galaydh waxaan leeyahay Burco iyo Laascaanood ayaad isku keeni kari la’dahay ee ma Laascaanood ayaad ku daraysaa ……….”

 

Filo khudbada Madaxwaynaha Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this