Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland security forces arrest cawar xareed in gabiley

Recommended Posts

War deg deg ah: Ciidanka Booliska Gabiley oo Goor dhawayd Gacanta ku dhigay Cawar Xareed oo ku Eedaysnaa Dilalkii Foosha Xumaa ee ka Dhacay Deegaanka Seemaal.

 

Ciidamo Tiro badan oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid......

 

Gabiley (GNS)-Hawl-gal Balaadhan oo ciidamada Booliska Gabiley ka Fuliyeen Gudaha Magaalada Gabiley ayaa goor dhawayd lagu soo Qabtay Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawar Xareed) oo ka mid ahaa Eedaysanayaashii Dilkii Seemaal ka dhacay dabayaaqadii sanadkii tagay.

 

Ciidamo Tiro badan oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid ayaa ku Qabtay Cawar Guri ku yaala Magaalada Gabiley oo uu ku dhuumanayay, ciidanka ayaa gaadh ka qabtay Gurigaasi iyaga oo aan wax dhaawac ah soo gaadhsiinin ayay gacanta ku soo dhigeen.

 

Cawar Xareed ayaa isla markiiba loo gudbiyay Magaalada Hargeisa, Cawar Xareed ayaa ka mid ahaa sagaal nin oo dhawaan wasiirka wasaradda arimaha guduhu magacyadooda ka sheegay warbaahinta isla-markaana sheegay inay ku cadahay inay ka dambeeyeen dilka saddex qof oo dabayaaqadii sanadkii hore lagu dilay deegaanka Seemaal.

 

Taliyaha ciidamadda Booliska ee Qaybta Gabilay ismaaciil rashiid oo warbaahinta u waramayay ayaa xaqiijiyay qabashadda Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawar Xareed), waxaanu intaasi ku daray in ay hadda u soo gudbiyeen ciidamadda C.I.D ee magaaladda Hargeysa halkaaas oo hadda lagu hayo

 

Waa Markii ugu horaysay ee Hawlgal noocan oo kale ah laga Fuliyo Gudaha Magaalada Gabiley kaasi oo lagu Baadi goobayo Eedaysanayaal Wasiirka Arimaha Guduhu Warbaahinta ka yeedhiyay Magacyadooda isla markaana lagu guulaystay Eedaysanahan oo uu Wasiir Duur sheegay inuu Ahaa Aabaha Eedaysanayaasha lagu tuhunsanyahay Dilkii Seemaal.

 

Cawar Xareed Waxa kale oo uu ka mid ahaa Eedaysanayaal tan iyo xukuumadii Daahir Rayaale kaahin Baadi goobkiisa lagu jiray isla markaana lagu tuhunsanaa dilalkii kala duwanaa ee ka dhacay Jidka Dilla iyo kala baydh iyo Dilkii Foosha Xumaa ee ka dhamaadkii sanadkii tagay ka dhacay Seemaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Booliska Gabiley oo ka hadlay Eedaysane Cawar Xareed oo ay gacanta ku dhigeen

 

February 25th, 2012

 

Gabiley (Somaliland.Org)- Ciidanka Booliska ee magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, ayaa galabta hawl-gal ay fuliyeen waxay gacanta ku soo dhigeen Cawar Xareed oo ka mid ah sagaalkii eedaysane ee xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa ee ka dhacay Tuuladda Seemaal ee u dhaxaysa Gabiley iyo Baki, sida uu shabakadda wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay Taliyaha qeybta Booliska Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo hawl-galkaasi hoggaaminayay.

 

Taliyaha qeybta Booliska Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo ka hadlayay hawl-galkaasi wuxuu yidhi “Waxaanu galabta abaaro salaadii casar gacanta ku dhignay eedaysane Cawar Xareed oo ku jiray Guri laba makhsin ah oo qabyo ah oo magaaladda gudaheedda ah, waxaana ILAAHAY mahaddii ay ciidanka Boolisku ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan iyadoo aanay wax khasaare ahi ka dhicin oo aanay qofna xabadi waxba yeelin.”

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in markii hore uu ciidanka Booliska ku soo riday rasaas, hase yeeshee aanay waxba cidi ku noqon.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay inaanay jirin cid kale oo la joogtay eedaysanahaasi gacanta lagu dhigay.

 

Ismaaciil Rashiid Maxamuud, waxa uu sheegay inay eedaysanahan isla galabta ku wareejiyeen Taliska guud ee Booliska oo lagu xidhay magaaladda Hargeysa, waxaanu ammaan u soo jeediyay ciidanka Booliska Gabiley ee hawl-galkaasi fuliyay. Eedaysanahan waxa lagu xidhay xarunta Ciidanka CID-da ee magaaladda Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this