Sign in to follow this  
Liibaan

Ceebtii Ugu Fadeexadda Weynayd Oo Ka Qabsatay Warlord Siilaanyo

Recommended Posts

Liibaan   

Ceebtii Ugu Fadeexadda Weynayd Oo Ka Qabsatay Warlord Siilaanyo

 

 

London (Halbeegnews)– Ceebtii iyo fadeexadii ugu weynayd ee abid taariikhda Somaliland intay jirtay 21-kii sannadood ee ugu danbeeyey ayaa maanta waxay asiibtay Ergadii uu hogaaminaayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ee ka qayb gallay shirkii magaalada London ee maanta lagu soo gebo-gebeeyey magaalada London Guriga Lancester ee badhtamaha magaalada London.

 

Haddaba Weriyayaasha Halbeegnews oo ku sugna goobta shirku ka socday isla markaana ilaa maanta ilaa caawa la socday xaaladdu siday u dhacday ayaa waxaanu halkani idiinku soo koobayna miridhadii qaabka ay wax u dhaceen akhris wacan:

 

09:11 Daqiiqo ayaa waxaa madasha Lancester House soo gaadhay Ergadii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo hogaaminaayey oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade.

 

09:56 daqiiqo ayaa gudaha loo gallay goobta uu shirku ka dhacaayey oo ah Maxadda Galbeed ee dabaqa labaad ee Xarunta Lancester, waxaana ergooyinku si habaq ah u bilaabeen inay u fadhiistaan kuraasidood.

 

10:04 daqiiqo ayaa Madaxweyne Siilaanyo wuxuu si khalad ah u tagay goobta ay fadhiyeen Madaxda Soomaalida ee ay ka mid yahiin Madaxweynaha TFG-da Sheekh Shariif, Ra’isal wasaaraha Cabdiweli Gaas, Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo suna wal-jameeca, balse si deg deg ah ayuu Madaxweynaha loogu sheegay halka uu kursigiisu yahay wuxuuna si dhakhso ah u tagay kursiga loogu tallo gallay oo u dhexeeyey Ra’sal wasaaraha dalka Qatar iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Sweden

 

10:17 daqiiqo subaxnimo ayaa shirka la furay waxaana furitaanka bilaabay Ra’isal wasaaraha dalka ingiriiska, Ra’isal wasaare Cameron wuxuu sheegay in shirka loo qabtay dalka Soomaaliya oo ayuu yidhi ah dal collaado iyo masiibooyin ay la dageen, wuxuu sheegay in aan la eegin karin dalkaasi uu sidaasi ku jiro, wuxuu Ra’isal wasaare Cameroon taxay magacyada hadli doona, waxaana hadalka loo kala bixiyey sidani waxaa ku horayn doona Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon, Madaxweynaha TFG-da sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xoghayaha arrimaha dibadda dalka maraykanka Hillary Clinton, Madaxweynaha dalka Uganda Yuveri Musafeni, Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi, Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Faransiiska Allun Jupe, Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga, Wasiirka arrimaha dibadda dalka Talyaaniga, Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, iyo ugu danbayntii waxaa dib loogu soo celiyey Ra’isal wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Gaas.

 

12:08: daqiiqo ayaa waxaa madasha la wareegay Xoghayaha arrimaha dibadda dalka ingiriiska William Hague wuxuuna sheegay in la soo afjari doono ayuu yidhi qaybtii hore ee madasha oo ku koobnayd ayuu yidhi Hadalada dadka loogu tallo gallay inay shirka ka hadlaan, wuxuu sheegay in loo bixi doono qado, wuxuuna sheegay in marka la geli doono qaybta labaad oo ah ayuu yidhi.

 

12:15 Daqiiqo ayaa loo dareeray qadada, dabadeedna Madaxweyne Siilaanyo oo uu hortiisa yaallay qoraal uu soo diyaarsaday ayaa wuxuu u yeedhay Wasiirka arrimaha dibadda isagoo sida nagu soo gaadhay weydiiyey sababta keentay in fursad loo siin waayo, gebi ahaanba intii qadada lagu maqnaa oo dhanayd 45 daqiiqadood Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu la hadlaayey xoghaynta shirka laakiin waxaa loo sheegay in qorshaha shirku sidaasi ahaa marka hore isla markaana wakhtiga oo yar awgeed hadalkiisa uu ka jeedin karo qaybta labaad oo ah in ergooyinku ay is qaybiyaan.

 

15:00 ayaa Ra’isal wasaaraha TFG-du Cabdiweli Gaas wuxuu la soo hadlay Telefishanka Somali Channel isagoo wakhtigaasi ku jira gudaha shirka wuxuuna u sheegay in Madaxweynahii Somaliland uu ka cadhooday shirka kana baxay sababtuna ay tahay isagoo la siin waayey fursad ah inuu shirka ka hadlo.

 

16:00 Galabnimo ayaa la soo gebo-gebeeyey shirka iyadoo ergooyinkuna shirka ka dareereen.

 

18:00 fiidnimo ayaa shir jaraa’id oo wada jir ah waxaa qabtay Ra’isal wasaaraha Britain Cameroon iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Gaas oo uu wehelinaayey Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Banki-moon.

 

Su’aasha Ah Inuu Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu Ka Jawaabto

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu waxay kalsooni badan ku qabeen intaanay Hargeysa ka soo bixin ilaa iyo 24-kii saacadood ee ka horeeyey intaanu shirku dhicin inay yididiilo weyn ku qabaan inuu Madaxweynahu ka hadlo shirka oo uu ka sheego badheedhaha Somaliland, yaa u sheegay Madaxweynaha inuu hadlayo, miyaanay ahayn nusqaantii siyaasadeed tii ugu liidatay ee Somaliland soo marta 21-kii sannadood in Qaranimadii Somaliland lagu dhex ceebeeyey madal adduunyadu fadhido.

 

Shuruucdii iyo xeerarkii Somaliland u yaalay waxaa loo soo burburiyey oo loo tirtiray in shirkani laga qayb gallo ummadda reer Somaliland waxay madaxweynahii ay doorteen ka sugayaan inuu caddeeyo siday wax u dhaceen

 

Halkani ka daawo shirka Madaxda ka hadashay Oo Hadda Lagu Shaaciyey Bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda Britain Waa Hadaladii oo la soo koobay Daawasho Wacan:

 

 

 

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Madaxweyne Shariif Iyo Madaxda Caalamka oo Khudbada Ka Jeediyey Shirka London

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Freedom;794044 wrote:
Somaliland snydrome lool

What you doing in Somalia Online? SOMALIA Syndrome/ Khaatumo Syndrome ..loool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Freedom;794069 wrote:
Feel sad I hope they cure it lol

As I told you, go to a Mental Hospital, don't come to Somalia Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this