Sign in to follow this  
Dr_Osman

Maxamed Faroole oo Shirqool maleegay!

Recommended Posts

Dr_Osman   

Garowe: Mas’uuliyiin Ka Tirsan Bulshada Rayidka & Saxafi Caan ah oo Ka Badbaaday Shirqool Dil oo uu Maleegay Maxamed Faroole (Warbixin + Sawiro)

 

Nairobi (RBC) Xubno isugu jira masuuliyiinta ururada bulshada rayidka, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha DKMG Soomaaliya iyo wariye caan ah oo Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday inay ka badbaadeen isku day oo lagu khaarajin lahaa oo uu soo maleegay Maxamed C/raxmaan Faroole oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Puntland.

 

Maareeyaha Wakaalada Filimada Soomaaliya C/salaam Caato ahna saxafi caan ah iyo filimqaade, Cabdihaye Cismaan Garaad oo horay u ahaan jiray ku xigeenka hay’adda CRD, Najmo Axmed Cabdi oo hogaamisa urur dhalinyaro iyo Nuur Diinari oo horey u ahaan jiray ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee Villa Soomaaliya ayaa Cabdisalaam Caato u xaqiijiyey Shabakada Raxanreeb in toddobaadkii hore, xilli ay ka qeybgaleen shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Garowe ay ka badbaadeen shirqool iyaga lagu khaarajin lahaa oo, sida ay sheegeen uu soo maleegay Maxamed C/raxmaan Faroole oo ah wiilka madaxweyne Faroole ahna la taliyaha madaxweynaha ee dhanka saxaafadda.

 

Xubnaha oo Jimcihii [17-02-2012] ka baxay magaalada Garowe ayaa ka sheekeeyay qaabkii ay uga badbaadeen shirqool iyaga looga takhalusi lahaa oo ka dhacay bartamaha magaalada Garowe kaasoo sida qorshuhu ahaa ay fulin lahaayeen ciidamada madaxtooyada Garowe.

 

“Anaga waxaan ka mid ahayn ergadii ka qeybgaleysay shirkii wadatashiga ee lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe runtii aad ayaan ugu faraxsanaa tegideyda Puntland waayo waa hoy Soomaaliyeed oo nalaka marti geliyey saaxiibadeyna qaar waxay u ahayd markii ugu horreysayoo ay tagaan Garowe mudadan burburka, wax kasta waa siduu Illaahay ugu talagalay. Waxaana ka noolnahay xagga Alle.” Sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay Maareeyaha Wakaalada Filimada Soomaaliyeed C/salaam Caato.

 

C/salaam Caato oo ah saxafi caan ah, waxaa uu ahaa soo saarihii barnaamijka Wargelin (wargelin.com) iyo tifaftiraha shabakadda wararka ee Bartamaha.com. C/salaan ayaa shirka u tegey si uu u sameeyo filin dukumintari ah oo ay diyaarinaysay Wakaalada Filimada Soomaaliyeed oo dhowaan dib loo shaqo geliyey. [booqo facebook C/salaam facebook.com/wargelin].

 

C/salaan wuxuu sheegay in mudadii saddexda maalin ahayd ee uu socday shirkii Garowe uu dhowr jeer u yimid Maxamed Faroole uuna weydiiyey su’aalo la xiriira shaqadiisa, uuna u sheegay hase yeeshee mar walba uu dareemayey in wax aan caadi ahayn ay socdeen.

 

Maalintii khamiista oo bishu ahayd 16kii Febraayo ayaa Cabdisalam Caato waxaa shirka kasoo saray Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo ah ahayeenka dowladda Puntland wuxuuna u geeyay Maxamed C/raxmaan Faroole oo banaanka ku sugayey, waxayna weydiiyeen inuu Shabakadda Raxanreeb warbixinno u diray maalintaas iyo in kale, waayo maalintaas waxay ahayd maalintii Federaalka laga wada hadlayey oo doodo badani ay socdeen, Waana loo diiday in saxaafaddu ay timaado oo ay ka war bixiso.

 

Cabdisalaam Caato oo walaalkiis uu yahay Maamulaha Raxanreeb ayaa u cadeeyay inuusan shaqo ku lahayn oo wax war ahna uusan u gudbin, Maxamed Faroole oo ka xanaaqsan sababta Raxanreeb ay warka shirka u tebinayso iyo doodaha socda ayaa ku yiri Cabdisalaam Caato “Ma ogtahay walaalkaa wuxuu sameeyo inaan adiga kugu xiri karno ama kugu Waxyeelayn karno” waa sida uu noo xaqiijiyay Cabdisalaan Caato.

 

Habeenkii Jimcaha ee 17-ka Febraayo oo ahayd habeenkii shirka la soo xirayey, Abaarihii 11:00 fiidnimo ayaan ka soo dhaqaaqnay hoolka shirka waxaana ku soconay hotelka aan deganeyn, laakiin intii aan sii soconay ayaa meel dhexe waxaa nagu joojiyey niman hubeysan oo watay baabuur oo aan garaneyn” ayuu yiri C/salaam oo sheekadiisa sii wata.

 

C/salaan wuxuu sheegay in nimanka hubeysan ee joojiyey baabuurkooda ay ahaayeen ilaa lix, kuna lebisnaa dharka tuutaha.

 

“Markii nala istaajiyay waxay nimankii oo nagu yiraahdeen jidka weyn ka weecda oo midig u gala jid raf ah oo xaafad kale sii galaya………. Markaa aniga waxay indhahayga qabteen baabuur cad oo u eg Corolla ama Cresida ah oo ka imaanaya dhanka naloo wado, gaarigaas ayaa askarta la istaagay oo haddana dhaqaaqay wuxuuna fuulay laamiga dheer ee bartamaha magaalada Garowe dhexmara [waana dhanka anaga naloo diiday]…. markaan weydiinay jidku wuu furan yahay ee maxaa naloo weecinayaa ayay igu yiraahdeen adiga [C/salaan] soo deg, markuu u sheegay inuu martida shirka yahayna gaariga ayay kasoo jiideen intay qoryaha lasoo baxeen kadibna waxay ku amreen darawalkii baabuurkeena inuu dhaqaaqo.” ayuu sii sharaxay C/salaan.

 

C/salaam Caato wuxuu sheegay in markii ay sheekada halkaa mareyso baabuurkiina uu weli taagan yahay inuu uu soo degay Cabdihaye Cismaan Garaad oo ah la taliyaha wasiirka dastuurka dhinaca dib u heshiisiinta horayna u ahaa ku xigeenka hay’adda CRD oo markaasi baabuurka saarnaa ayna isla socdeen.

 

“Markii ay C/salaan baabuurka ka reebteen xilliguna ahaa waqti dambe ku dhowaad 12:00 habeenimo ayaan anigu [Cabdihaye] soo degtay si aan u weydiiyo sababta loola degay Caato. Waxaan u sheegnay nimankii hubeysnaa in anaga aan marti nahay oo shirka Garowe u nimid magaalada, waxaan ku iri way aaway masuulkiinii isla markiiba waxay nagu bilaabeen labadeenii in qoriga ay nagu garaacaan, laad iyo feerna leysugu keena daray”, Askarta ayaa u badnaa dhanka Cabdihaye oo markiiba waxaad moodaa in loo tilmaamay waxaan nahay oo cidna maysan warsan waxaan nahay hadalna nagama aysan yeelin sidaasi waxaa sheegay Cabdihaye Garaad oo weerarkaasi uu ka soo gaaray dhaawac gacanta bidix.

 

Sida ay noo sheegeen ilo aad loogu kalsoon yahay oo uu u waramay wasiir ka tirsan xukuumadda Faroole waxaa ay sheegeen in gaariga cad ee caato uu ka shakiyey uu saarnaa Maxamed faroole.

 

Cabdihaye wuxuu ka mid ahaa ergadii bulshada rayidka ee shirka ay ku martiqaaday hay’adda UNPOS. Cabdihaye Garaad sidoo kale hadda wuxuu la taliye u yahay wasiirka dastuurka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya, wuxuuna aad ugu jiray doodihii ku saabsanaa Federaalka, Baarlamaanka iyo Doorashooyinka, wuxuuna si aad ah uga doodayey arrimahaas. Xukuumadda faroole ayaa qol kasta ay u joogeen dad ay kusoo qorteen waxayna riixayeen qorshayaal iyaga u gaar ah taasna Cabdihaye aad ayuu uga dooyey dadka kalena uu u fahansiinayey maadaama uu yahay qof Soomaali ah yaqaanana sharciyada Doorashooyinka, wuxuuna xirfad dheer ku leeyahay dib u heshiisiinta taasoo uu muddo fara badan kasoo shaqeynayey.

 

Dhaawaca gaarey Cabdihaye ayaa ugu cuslaa meesha C/salaan caato, Nuur Diinaari iyo Najma iyagana dhaawacyo hoose ay soo gaareen laakiin waxaa noogu xun ayay dhaheen niyad xumida iyo sharaf ka dhaca ay nagu sameeyeen Maxamed Faroole iyo Askartiisu.

 

Inta weerarku uu ku socdo C/salaam Caato iyo Cabdihaye Garaad, waxaa baabuurka saaran Najmo Axmed Cabdi iyo Nuur Diinaari oo lagu amray inaysan baabuurkooda ka soo degin haddii kale la toogan doono hadey soo dhaqaaqaan, sida ay sheegeyso Najmo Axmed Cabdi oo iyaduna ka socotay urur dhalinyaro, Najmo ayaa raacisay hadalkeeda “weligey ismaanan oran Soomaali aad u martiday ayaa qori madaxa kaaga qabanaysa oo haddana walaalahaagii kula socday qori dabadiis la dhacaysa… tabar la’aan ayaan dareemay”

 

Najmo waa gabadhii Soomaaliyeed ee kaliye ee la kulantay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama [ Daawo Najmo oo suaal weydiineysa Obama ], wediiseyna suaal xasaasi ah. Najmo waxay u dadaashaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxay iyaduna shirka Garowe uga qeybgashay sidii ay meel ugu ogaan arrimaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, Nuur Diinaari oo mudo dheer madaxtooyada Villa Soomaaliya ka ahaa ku xigeenka madaxa shaqaalaha xafiiska madaxweyne Shariif oo ka mid ahaa xubnaha shirqoolkan ka badbaaday ayaa sheegay in qorshaha dilka qarsoodiga ah uu ahaa mid diyaarsanaa laakiin uu Alle ka badbaadiyey

 

Cabdihaye Garaad oo ah sarkaal ka socday Ururada Bulshada oo dhaawaca culus ka soo gaaray shirqoolkaan ayaa waxa uu ku raacay Nuur Diinaari in ay shirqool abaabulan uu ahaa waxa uuna ku saleeyey arimahaan hoos ku qoran.

 

- Goobta isbaarada ay kula kulmeen, waxay ahayd meel aad uga durugsan goobtii shirku ka socday ee Jaamacadda PSU, mana ahayn meel laga fili karay ciidan ilaalo haya.

 

- Ragga falka loogu talagalay waxay wateen dharka tuutaha, halka ciidamada magaalada dhexdeeda joogay ay ahaayeen dhamaantood boolis, wax ciidanka Daraawiishta ahna ma joogin gudaha magaalada marka laga reebo ciidanka madaxtooyada oo hawlo gaar ah fuliya.

 

- Isbaarada waxaa la diyaariyey ugu yaraan labo saac ka hor waayo fiidkii hore oo meesha baabuur ku marnay ma oolin wax kontorool ah iyo ciidan midna.

 

- Taliyihii masuulka ka ahaa amaanka shirka oo markii dambe dhacdada loo sheegay,wuxuu cadeeyey in habeenkaas wax ciidan ah ku ogeyn goobta la sheegay oo ahayd mee u dhow hotelka Global isaguna uusan masuul ka ahayn raggaasi meesha lagu arkay.

 

- Mid ka mid ah xubnaha wasiirada ee dawlada Puntland oo aan rabin in la magacaabo wuxuu xaqiijiyey in baabuurkii caddaa oo u ekaa Cresidada ee naga hor yimid, nimanka hubeysanna la hadlay uu saarnaa Maxamed C/raxmaan Faroole. taasoo cadeyneysa in qorshaha uu ahaa mid isku xiran.

 

Wasiirka amniga muxuu ka yiri dhacdadan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wasiirka amniga iyo DDR Col.Khaliif Ciise Mudan

 

Xubnahan ka badbaaday shirqoolka, waxay sheegeen in daqiiqado yara kadib markuu shilku dhacay ay arinta la socodsiiyeen wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan wuxuuna u yeeray taliyihii Ilaalada magaalada gudaheeda, wuxuuna taliyahaasi sheegay in ciidanka ay soo arkeen dhallintan uusan ahayn ciidankiisa, Wasiirka Amniguna wuxuu u ballan qaaday inuu baaritaan ku sameyn doono. Wasiirka Amniga oo ay weheliyeen wasiiro kale oo ka tirsan Puntland ayaa sheegay inay ka xun yihiin wixii dhacay iyagoo sheegay in raggii falka geystay la xiray ayna tusi doonaan dhibanayaasha, laakiin ma jirin wax ficil ah oo intaasi xigay, subaxiina lama tusin dadkii la yiri waa loo xiraq shirqoolkii dilka ahaa.

 

Sida dad badan ay qabaan inta badan ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo kuwa Garowe ma hoostagaan wasaarada amniga iyo saraakiisha ciidamada, taasi ayaana keenta in xitaa saraakiisha amaanka ee Garowe iyo kuwa gobolka Nugaal aysan ka war heyn falalka xeeladeysan ee Ina Faroole ku fulinayo magaca maamulka aabihiis.

 

Xafiiska Wararka

RBC News

Nairobi Kenya

 

Cabdi Xayi Garaad oo dhaawac ah (bidix) iyo C/salaam Caato.

caato_haye.jpg

 

 

Some of the other guys present at when this allegedly occurred

Nuur-Diinaari-Cabdi-Xayi-Garaad-Najmo-Ax

 

Suspect: Maxamed Farole

maxamed-faroole.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Bulshada Rayidka & Saxafi Caan ah oo Ka Badbaaday Shirqool Dil oo uu Maleegay Maxamed Faroole

 

http://www.raxanreeb.com/2012/02/garowe-saxafi-caan-ah-iyo-xubno-ka-tirsan-bulshada-rayidka-oo-ka-badbaaday-shirqool-dil-oo-uu-maleegay-maxamed-faroole-warbixin-sawiro/

 

Nuur-Diinaari-Cabdi-Xayi-Garaad-Najmo-Ax

From left: Nuur Diinaari, Cabdi Xayi Garaad, Najmo Axmed iyo Cabdisalaam Caato

 

Victims:

 

1. C/salaam Caato: waa saxafi caan ah, waa soo saaraha barnaamijka Wargelin (wargelin.com) iyo tifaftiraha shabakadda wararka ee Bartamaha.com.

 

2. Cabdihaye Cismaan Garaad: oo horay u ahaan jiray ku xigeenka hay’adda CRD, wuxuu ka mid ahaa ergadii bulshada rayidka ee shirka ay ku martiqaaday hay’adda UNPOS. sidoo kale hadda wuxuu la taliye u yahay wasiirka dastuurka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya.

 

3. Najmo Axmed Cabdi: waa gabadhii Soomaaliyeed ee kaliye ee la kulantay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

 

4. Nuur Diinari: oo horey u ahaan jiray ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee Villa Soomaaliya.

 

 

caato_haye.jpg

Cabdi Xayi Garaad oo dhaawac ah (bidix) iyo C/salaam Caato.

 

Offender

 

1. Maxamed Faroole (wiilka Madaxweynaha Puntland).

2. Axmed Cumar Xirsi Libaax Joore (Afhayeenka Puntland).

 

maxamed-faroole.jpg

 

boga_hore_libaax1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I am losing respect for raxanreeb, before I used to always believe anything they report because they are respected media that produces quality journalism based on facts. But as of late they have been hitting off the mark alot, for example the airport at galkayo being attacked has been denied by officials at the ground level. They also been reporting about poison activities taking place in Puntland, they first pinned the blame on the oil companies and now since that has been clearly disproven their pinning it on Saracen.

 

I don't know but raxanreeb dadku way is-dagaalan waana laga gudba, what the hell is wrong with them!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Carruur Booli iyo jirrinimo lagu koriyey maxaa kale oo ka filaysaa? They should take him to court elsewhere whatever it takes, inform the international community regarding this incident. I don't believe that they will get justice in where his pirate dad rules.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lets not jump to conclusions. The injured individuals are all educated, and hold western passports, if they have evidence should take it to court. Also its good to see that they are in good health, alhamdulilah..

 

As for ina Faroole, he seems to be a problem for everyone, even the locals complain about this person..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abwaan;792433 wrote:
Carruur Booli iyo jirrinimo lagu koriyey maxaa kale oo ka filaysaa? They should take him to court elsewhere whatever it takes, inform the international community regarding this incident. I don't believe that they will get justice in where his pirate dad rules.

What the hell does he have to gain from assassinating some journalists?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Somalia;792427 wrote:
Raxanreeb.com

 

Are they still hurt over the Garsoor incident? :rolleyes:

What is this got to do with Garsoor and Raxanreeb....Say something about this horrible incident amase iska aamus. Imagine if you were one of these young, respected and educated individuals who went back in order to help Somalia and some mo oryaan kidnapped and attacked you!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Somalia;792437 wrote:
What the hell does he have to gain from assassinating some journalists?

If you really want the truth you can find out yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abwaan;792440 wrote:
If you really want the truth you can find out yourself.

No no, use your mind. Rub 2 brain cells together, logically, what would he gain by doing this?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abwaan;792439 wrote:
What is this got to do with Garsoor and Raxanreeb....Say something about this horrible incident amase iska aamus. Imagine if you were one of these young, respected and educated individuals who went back in order to help Somalia and some mo oryaan kidnapped and attacked you!

What does this have to do with Faroole, I ask you then. Raxanreeb posts these sort of stories all the time. The one before this was the Galgala "attack" that never happened. You must have seen them, the secessionists on this site were promoting the story.

 

It has nothing to do with Faroole, he has nothing to gain and so much to lose. I wish people would just use simple logic these days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Che -Guevara;792442 wrote:
lot of speculations

Somalis and their conspiracy thoeries. Easy to blame someone, but very hard to prove a guilt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this