Sign in to follow this  
Abwaan

Garowe II Communique

Recommended Posts

Abwaan   

Samafal;791457 wrote:
Abwaan nin jiran baad tahay Allah ha ku daweeyo. Anigu aan kala faaiidasano oo wax is tusno bay iga ahayde hadba meelbaad u boodaysaan waxaad rabto iyo waxa aad ka soo horjeedo adiga xataa inaad taqaanid u malaynayo. Halkaa inagu ekeeh

 

Su,aasha aan Nassir waydiiyey waxaan kawado iyo meesha aad u leexinaysid isma laha qofkasta oo aqriyana oo maskax fiyoow waa ujeedaa inaanan lahayn maxay udhisteen. Waxaan kawadaa hadii idinkiiba aydan maalgashanayn meesha aad kasoo jeedaan sideebaa dawlad uga sugaysaan inay idiin maalgalin. Aniga dawlada Puntland baan ogahay magaalo aan cabanayn iyo tuulo waanala dayacay lahayn majirto.

Wixii jirran Ilaah ha caafiyo....Jirrada ayaananba isku si u aqoon...Name calling again? That will not derail me from the path ah inaan caddaaladda ka hadlo......sheekada maalayacniga haddii ay kuu socon weysey waad is xanaajineysaa miyaa? cid carruur loo koriyo meeshaan ma jirto, fikirkaaga khasab ma ahan in lagula qabo ama hal hees la wada qaado...ee haddii aad isbuufinayso Hakugu taagnaato...!

Share this post


Link to post
Share on other sites

NASSIR;791458 wrote:
Samafal, Boosaaso waxey kamid tahey degaanada reer Maakhir hadaad dhulka iyo dadka dega kala taqaan.

Tan labaad, su'aasha ah maxaad u dhisi weydeen Badhan iyo Dhahar, waxaan leeyahey labdaba hor'umar weyn baa ka muuqda. (Aqri Badhan report @ Wiki) dadkeedaana u horseeday ee maahan mid ka yimid meel kale.

 

Dhibaatada ugu weyn ee gobolka Sanaag waa kaabayaasha dhaqaale sida laamiyada, dekedaha iyo airportyada in kastoo dekedo yar oo wax lagala soo dego jiraan. Iyo productive land oo aanan heysan system wanaagsan. Lama dhiso karo kaabayaasha dhaqaale hadii laba maamul ku hardamayaan degaanka iyagoo strategy qaas ah isticmaalaya taasoo ah Qayaano, hanjabaad, dagaal, been abuurid, isku dirid beelaha wada dhashey iyo waxyaalo kale. Tusaale waxaa u ah mashruucii dekeda laasqoray. Lacag ay dowlada federaalka ugu deeqday mashruucaasi waxaa si toos ah u lunsadey madaxweynahii hore ee PL.

Marka xalku waxay ila muuqataa in wax laysu ogolaado oo aanan reer reerkale degaankiisa sheegan.

what you talking Nassir? Did you just say Bosaso is part of Makhir? Wow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

February 08, 2011

Faroole: "Maamulka Khaatumo Waan Kasoo Horjeedaa, Khaatumo Waa Qaswadayaal , Lakiin Itoobiya Waa Dal Saxiib Ah. Itoobiya Nabad Ayee La Rabtaa Somaliland Iyo Puntland. Waxaan Itoobiya u Soo Jeedinayaa Inay Dhexdhaxaadiso Somaliland iyo Puntland. Itoobiya Waaxaan u Sheegayaa Khaatumo Waa Qaswadayaal, Dhibtana Ayagaa Ka Danbeeya, Madaxda Khaatumo Cidna Ma Ma Talaan"

 

 

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Share

 

Madaxweyne Faroole

 

Garoowe[RBC Radio] Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole oo ka hadlay dagaalkii ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Ciidamada Khaatumo deegaanka ah hiirtii waarberi deegaanka Sool-joogto iyo Maygaagle, isagoona sheegay in ay si weyn u Canbaareynayaan kuna tilmaamay Maamulka Khaatumo Satate mid Qaswade ah.

 

Madaxweyne Faroole oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Xukuumada Somaliland ay weerar qaawan kusoo qaado magaalada Buuhoodle bishii January 15- keedii,waxaana uu ku tilmaamay in nasiib daro ay tahay in goobo ay ku sugan yihiin dad xoolo dhaqato ah ay weerarto.

 

….”Waxaa nasiib darro ah in Xukuumada Somaliland ay weerar qaawan kusoo qaado magaalada Buuhoodle bishii January 15- keedii,sida ay nagu soo gaarayaan Wararku saaka mar kale ayey soo weerartay deegaanka ,iyadoo Ciidamadeedu fadhiyeen goobihii miyiga ee xooluhu biyaha ka cabayeen…”ayuu yiri Faroole.

 

Maamulka Soomaliland ayuu ugu baaqay in si degdeg ah uu Ciidamadiisa ugala baxo deegaanka Buuhoodle iyo deegaanada kale ee ay ku sugan yihiin,wuxuuna xusay in hawsha dagaal ay wado deegaanka Buuhoodle Somaliland ay ka dhalan karto dagaal sokooye.

 

….”Dawladda Somaliland waa in ay ka baxdaan magaalada Laascaanood si degdeg ah oo aysan ka qeybgelin Shirka Landon Ciidamadeeda oo ku sugan Laascaanood….:ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

 

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Maamulka Khaatumo ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa xukun ku raadinaya masiirka Shacabkooda, kuwaas oo u horseedaya dhibaato hor leh,waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin qaswadaal siyaasadeed.

 

Beesha Caalamka ayuu Faroole u sheegay in aysan Shirka lagu qaban doono magaalada Landon ee cariga Ingiriika loogu yeerin ama laga qeybelin dad si weyn uga soo horjeeda nabada iyo wada noolaanshaha.

 

Sidoo kale Dawladda Itoobiya ayuu ka codsaday in ay runta u sheego Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa iyo kuwa uu ku sifeeyey in ay yihiin qaswadayaal.

 

Si kastaba hadalkan Madaxweyne Faroole ayaa imaanaya xili deegaanka Sool-joogto iyo Maygaagle ee deegaanka Buuhoodle uu Saaka hiirtii waaberi uu ka socdo dagaal aan caga fiican ku taagneyn kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimashi,dhaawac iyo kahaasre hantiyeed.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Boosaaso

 

 

_________________________________________________________________________________________

 

 

 

 

Maamulka Khaatumo State of Somalia oo Si Aad Kulul Ugu Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeedhay Faroole

 

 

Maamulka Khaatumo State of Somalia ee dhawaan ka soo baxay kulankii ka dhacay degmada Taleex ayaa si kulul jawaab uga bixiyey hadalo maalinimadii shaley ka soo yeeray madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo ku aadanaa dhismaha maamulkaasi.

 

 

Wasiir ku Xigeenka Arimahadda Dibadda Maamulka Khaatumo Farduus Faarax Mire oo saxaafada soo gaarsiisey qoraal ay ku sheegayso inay uga jawaabayso hadalkii Madaxweyne Faroole waxayna sheegtey in ugu horeyn uga mahadcelinayaan Faroole codka uu ku sheegay in ugu baaqayo Somaliland inay ka baxdo deegaanada SSC ka hor inta aan la tagin shirka London si bay tiri loo gaaro geedi socodka nabadda Soomaaliya loona soo celiyo qaranimadii Soomaaliyeed.

 

Laakiin Farduus waxay ku sheegtey hadaladii ka soo yeeray Faroole ee ku aadanaa dhismaha maamulka Khaatumo State in uu ahaa mid aanu ka fiirsan waa sida hadalka ay u dhigtaye, isla markaana aanu meel dayin ama ka fakarin saameynta hadalkaasi uu ku yeelan karo bulshada walaalaha ee Khaatumo State iyo Bulshada Puntland.

 

 

“Faroole wuxuu si isadaba joog ah u mucaaradayey maamulada iyo hogaanka SSC ee doonaya in deegaanadooda ka saaraan Somaliland, waxaan doonayaa in madaxweyne Faroole uu dhawro darisnimada, xiriirka bulsho ee labada maamul waana in uu joojiyaa faragalinta uu ku bilaabay madaxbanaanida deegaanka iyo maamulka Khaatumo State” ayay hadalkeeda sii raacisay Farduus Faarax Mire oo ah wasiir ku xigeenka arimaha dibada Khaatumo State.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

NASSIR;791458 wrote:
Samafal, Boosaaso waxey kamid tahey degaanada reer Maakhir hadaad dhulka iyo dadka dega kala taqaan.

Tan labaad, su'aasha ah maxaad u dhisi weydeen Badhan iyo Dhahar, waxaan leeyahey labdaba hor'umar weyn baa ka muuqda. (Aqri Badhan report @ Wiki) dadkeedaana u horseeday ee maahan mid ka yimid meel kale.

 

Dhibaatada ugu weyn ee gobolka Sanaag waa kaabayaasha dhaqaale sida laamiyada, dekedaha iyo airportyada in kastoo dekedo yar oo wax lagala soo dego jiraan. Iyo productive land oo aanan heysan system wanaagsan. Lama dhiso karo kaabayaasha dhaqaale hadii laba maamul ku hardamayaan degaanka iyagoo strategy qaas ah isticmaalaya taasoo ah Qayaano, hanjabaad, dagaal, been abuurid, isku dirid beelaha wada dhashey iyo waxyaalo kale. Tusaale waxaa u ah mashruucii dekeda laasqoray. Lacag ay dowlada federaalka ugu deeqday mashruucaasi waxaa si toos ah u lunsadey madaxweynahii hore ee PL.

Marka xalku waxay ila muuqataa in wax laysu ogolaado oo aanan reer reerkale degaankiisa sheegan.

Waad ku mahadsantahay sida wacan uu aad uga jawaabtay. Laakiin wax halkaa loogu talagalay baa la cunay waa hadal wayn, maxaa cadayna oo haysaa. Soomalidu waxuun baa la iska eedayaa waxa ku tiritayn ah iyo waxa run ah lama kala yaqaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Abwaan;791463 wrote:
Wixii jirran Ilaah ha caafiyo....Jirrada ayaananba isku si u aqoon...Name calling again? That will not derail me from the path ah inaan caddaaladda ka hadlo......sheekada maalayacniga haddii ay kuu socon weysey waad is xanaajineysaa miyaa? cid carruur loo koriyo meeshaan ma jirto, fikirkaaga khasab ma ahan in lagula qabo ama hal hees la wada qaado...ee haddii aad isbuufinayso Hakugu taagnaato...!

Cadlaad? cadaalad eey xaal qaado. xanaaq ma jiro laakiin si aan kuula doodo baan garan wayey. Ilaahay xaqa hanawada tus. Cafis iyo misaamax boowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Faroole yaan reer PL loo qaban. Samafal, bogaadin sare baan kuu soo dirayaa sida sharafta leh ee aad u taageertay Khaatumo. Wixii fashil ah ee ku yimaada anigu iyaga uun baan u eedaynayaa balse juqajuqaynta ha laga yareeyo. Midda ah wax baa la kala sed bursaday, mashaariic badan baan halkan ku soo tixi kara oo laga hirgeliyey magaalooyin gaar ah balse micno weyn ii samaynmayso waqtigan xaadirka ah maadaama aan PL maamul deris ah nahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Samafal;791469 wrote:
Cadlaad? cadaalad eey xaal qaado. xanaaq ma jiro laakiin si aan kuula doodo baan garan wayey. Ilaahay xaqa hanawada tus. Cafis iyo misaamax boowe.

Waxba kuuma qabo anigu, I did not call you names....just meel xun baan taabtay sidaan u arko :) like many aan la dooday over here b4....Let us to disagree!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Taleexi;791474 wrote:
Faroole yaan reer PL loo qaban.

I agree 100%, Faroole yaan reer PL loo qaban.

 

 

 

With A Friend Like Faroole Who Needs A Foe

 

http://wardheernews.com/Articles_12/Feb/Osman/12_With_a_friend_like_Faroole_who_needs_a_foe.html

 

"Despite the formation of their Khaatumo State, the people from the SSC regions will continue to maintain, and if anything strengthen, their unshakeable brotherly relations with the people of Puntland. Indeed, the SSC people are touched and grateful for the moral and material support they receive from them at this time of Siilaanyo's aggression against Buuhooldle when Faroole in contrast is only stabbing them in the back. Gaalkacyo above all had taken a special place in the hearts and minds of the SSC people. Winston Churchill was once asked what he thought of France. He replied that it would have been a great country if only without the French! Equally, Puntland would have been a splendid place without Faroole. Spare a thought for the great people of Puntland."

 

Osman Badawi, Chairperson

Foreign Relations Commission, Khaatumo State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Abwaan;791475 wrote:
Waxba kuuma qabo anigu, I did not call you names....just meel xun baan taabtay sidaan u arko
:)
like many aan la dooday over here b4....Let us to disagree!

Walaahai meel aad taabatid inaysin jirin. way ba fiicnaan lahayd wax aad aaminsantahy inaan ogaado. Laakiin doodaada meel ay usocota baan garan waayey, waxaa uun kaa muuqata inaadan aaminaad ku qabin reer buntlayn laakiin meesha aad ka imaanayso ilaa hada ma fahmin. Dhib ma leh, mar uun baan fahmi doona ee ha u bixin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Samafal;791480 wrote:
Walaahai meel aad taabatid inaysin jirin. way ba fiicnaan lahayd wax aad aaminsantahy inaan ogaado. Laakiin doodaada meel ay usocota baan garan waayey, waxaa uun kaa muuqata inaadan aaminaad ku qabin reer buntlayn laakiin meesha aad ka imaanayso ilaa hada ma fahmin. Dhib ma leh, mar uun baan fahmi doona ee ha u bixin

For the last time....I have nothing against cid gaar ah....balse I am telling you walow ciddayda, taada iyo mid kale in xaqdarro loogu cammiro ma ogoli....Adiga Soomaalinnimadii xaggee kaa martay aan kaftan hagar ku jirto kugu soo tuuree? Markii Soomaali wanaag gaarto ayaa ciduhuna guuleysan doonaane! Maxaa un keliya doodda naga tusay hal dhinac iyo yaan la dhibsan, arrintan federaalka dan baa ku jirta un baan maqlaa...."Sacabka iyo dheesha haddii aan wax ku jirin maxaa habeenkii lee loo tumaa"? Ma maqashay oraahdaas?

 

Aan ka baxee dooddaydu waa Caddahay sida: Soomaaliya dagaallo ayaa meelo ka socda, nabadgeliyo xumo ayaa jirta, dad badan ayaa ka barakacay goobihii ay degganaayeen, qabiillo ayaa hubaysan, kuwo ayaa ka hub-yar amase aanba hubaysnayn, degaanno ayaa la kala haystaa, hadda....Waddammo ayaa faragelin toos ah ku haya dalka, Al-qaaciida iyo Shabaab oo is biirsaday ayaa dhul badan haysta, Dowlad taag-daran baa ka jirta oo tayadeeduna aad u liidato, siyaasiyiin aan xishoon, dembilayaal qaar yihiin, aan qaar aqoon lahayn baa horboodaya, For all those reasons Federal hadda Soomaaliya kama shaqaynayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this