Sign in to follow this  
Abwaan

Garowe II Communique

Recommended Posts

Abwaan   

Samafal, you want me to state the obvious....Degaannada hadda Khaatumo laga dhisay, Awdal, Maakhir and many more degaanno ma waxaad leedahay hallagu jujuubo labadaas degaan? Haddii xitaa 90skii marxalad nabadgeliyo xumo oo Koofurta ka jirtey ay dadkaas ku khasabtay inay degaannadaas ka mid noqdaan oo qaar ka mid ahi maamulka ka mid noqdeen, haddii ay hadda saluugeen oo u arkaan inay ku dulman yihiin ma waxaad leedahay yaan la dhegeysan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Koofurta dadka deggan horta nabad ha helaan markaas ka dib hallaga fekero hadda way adag tahay inaan ku dhaho sidaan halla dhaho. Ogow dadka Koofurta laftoodu wax waa isku afgaran karaan one day Insha Allah, mise waxaad rabtaa inaysan Federaal aysan noqon oo lala dhuuqo nacfigooda gobollo kalena ay federaal yeeshaan "Kaaga kula lihi, kaygana keligeey lihi camal" ? Waa su'aal!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Abwaan hadalkiisa waa run and I agree. Hadaanan loo dhameyn in reer walba deegaankiisa maamulo dee nabad warkeeda daa. Dhibaatada ka jirta PL iyo SL waxa weeye reer baa waxwalba isku fuuqsadey kadibna ogoleyn in cid kale xor u noqoto degaankeeda iyo aayahooda weliba been laga faafinayo iyo isku *** dhexdooda ah.

 

Ama aan wada cabno caanaha Maandeeq taasoo ah hor'umarinta kaabaha dhaqaale ee deegaan walba iyo maamul hoosaad loo wada dhan yahey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Abwaan;791390 wrote:
Degaannada hadda Khaatumo laga dhisay, Awdal, Maakhir and many more degaanno ma waxaad leedahay hallagu jujuubo labadaas degaan? Haddii xitaa 90skii marxalad nabadgeliyo xumo oo Koofurta ka jirtey ay dadkaas ku khasabtay inay degaannadaas ka mid noqdaan oo qaar ka mid ahi maamulka ka mid noqdeen, haddii ay hadda saluugeen oo u arkaan inay ku dulman yihiin ma waxaad leedahay yaan la dhegeysan?

 

Well Said Abwaan, The Northern Somali Unionist States of Khaatumo, Maakhir & Awdal also deserve to have their own Federal Autonomous Regional States. We all want freedom, independence, justice, fairness, etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

NASSIR..... waas saas sheekadu dad baan kuu ogolayn inaad caruurtaada iskuulka geysato sidaad rabtona u tarbiyadaysato, doonaya inay magaalooyinkaaga kugu maamulaan qarnigan 21-aad, haddaad ku dhahdo waa is maamulayaa waxay ku odhanayaa/oranayaan waxaase waa ceebe isku xishood annagaa Illaahay ka sokow ku leh. Dadkii ka yeela uun baa ka liita. Khaatumo high price bay bixinaysaa ka dib markay iska daba wareegaysay sida dibiga sisinta shiida muddo 20 sano dhan One would hope Maakhir follows suit.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Taleexi, That's why I am delighted by the declaration of Khatumo and its accomplishments thus far. Rome wasn't built on one day so we have to be patient.

 

Abwaan made a good point. Waa run waxaan uga mid noqoney maamulada waqooyiga dagaalada ka jira Koonfur iyo Xamar iyo

dowlad la'aanta ka jirtey. Hada maadaama dowlad federaal oo aduunku aqoonsan yahey aadna loo taageeriyo, waa in aan xor unoqonaa ismaamul hoosaad aka bottom-up/vertical approach to nation-building.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Abwaan nin yahoow horta waxaa fiican in qofku meesha xanuunaysa abaaro inaad hadba qori is mariso ma fiicna. Dagaamada Awdal, Sanaag iyo Sool kama aanan hadlayn. Waxaan ka hadlayo waxaad tiri dadbaa sad bursday, iyo dadbaan xaq ku taagnayn, marka ilaa iyo hada iimaadan sheegin waxa ay ku sadbursadeen marka laga hadlayo Somaliweyn.

 

Arintaan SSC, Sanaag waa local grievance, local grievansina mar walbuu wuu jirayaa. soomalidu waxay rabaan inay madaxwayne wada noqdaan, mana wada noqon karaan.

 

Arinta Southka anigu ma lihi yaysan federaal noqon, adigaa waxaa tiri, federalism dagaal 20 sano oo kale ha lis dagaalo weee. waxaan u fahmay inaad leedahay dadku kuma heshiinayaa federalism. Dadkale oo koonfurta kasoo jeedaa lehna waan arkay: Puntland iyo Somaliland waa hal qabiil oo meel wada daga, marka way u fududahay inay hal maamul wadayeeshaan, halka koonfurta aysan u fududayn. marka walaalow halkaas baan ka imaanayaaye dooda ha inaka dhabqin. Haduu wax lakala yeesho, waxna lawada yeesho ma ahan inaay tahay waxaaga kula lihi, waxaygana kaalihi. Maxaaa yeelay, Khayraadka si siman baa loo qaybasan qofkasta oo muwaadinana dalka meesha uu rabo buu kadagi karaa, oo cid juujuubaysa ma jirto.

 

 

 

 

Nassir

Suaal: Adiga waxaad ka timid Sanaag. oo kay meesha ugu wayn magaalooyinka ugu wayn waa Dahar iyo Badhan, maxaad idinka udhisan waydeen? reerkiinu wuxuu dhistaa oo daaro dhaadheer ka taagay Bosaaso? maxaa magaalooyinkaas loo dhiswaayey inta aan dawlad la is gaarin? Waxaan tagay tuulo hada degmo laga dhigay oo ku taal Mudug layiraa Bursalax. School hoose dhexe, Schoole sare, Boolis station, suuqyo Wadada ku xirta Galkacyo, intaas oo dhan waxaa dhisay dadka dagaanka iyo dibada? iyaga dawlad wax uma qaban iyagaa dhistay soow umqalmaan inay dawlad gobeleed ku dhawaaqaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Samafal;791428 wrote:
Arintaan Puntland iyo Fedrealka waa local grievance, local grievansina mar walbuu wuu jirayaa. soomalidu waxay rabaan inay madaxwayne wada noqdaan, mana wada noqon karaan.

.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

NASSIR;791399 wrote:
Abwaan hadalkiisa waa run and I agree. Hadaanan loo dhameyn in reer walba deegaankiisa maamulo dee nabad warkeeda daa. Dhibaatada ka jirta PL iyo SL waxa weeye reer baa waxwalba isku fuuqsadey kadibna ogoleyn in cid kale xor u noqoto degaankeeda iyo aayahooda weliba been laga faafinayo iyo isku *** dhexdooda ah.

 

Ama aan wada cabno caanaha Maandeeq taasoo ah hor'umarinta kaabaha dhaqaale ee deegaan walba iyo maamul hoosaad loo wada dhan yahey.

Maxaa la isku fuuqsaday, bal ii sheeg aan ku dhagaystee, xagee dawlad laamiyo dhaadheer ka dhistay, xageebayso dayacday. Anigu waxaan taageersanahay in Sool iyo Sanaag ay dawlad gobeleed noqotaan, ilaa iyo hada wax hadal haye reer Makhir iyo SSC ha is ku darsadaan ma arko? maxaa dhacay?

 

Tan kale cidaan iyo gobol aan kala qaysami karin ma jiro. hadhoow waxaa dhici doonta in Dahar iyo Badhan kala goostaan. Waana caqliga meesha yaal.

Jiiroow, rag baa meesha ku sheekaysanyee nacsnimda kala tag

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Samafal: Dhanna PL buu u xaglinayaa, dhanna mubaadin danta Soomaalidu isugu mid u tahay buu iska dhigayaa. Saaxiib, horta wixii khayraad ah ee wadanka ku jira gobolkuu doono ha ahaadee Soomaali baa iska leh ka fikir ahaan. Waxa sed bursi ah ee ka dhacaya Xamar ha ahaato deeqaha waxbarasho iyo waxa la midka ah dad aan damiir lahayn baa sameeyey haddiise dad xil kas ah bahasha gacanta loo gelin lahaa sheekadu si xariir ah bay ku dhamaan lahayd. Midda kale, hadduu reer Sanaag dhisto Bossaso lagama xigo oo waa wadankoodii. Ma waxaad naga dhaadhicinaysaa reer Maakhir wixii magacooda lagu guranayey 20-kii sano ee ugu danbeeyey lagama hagran. Reer Khaatumo waa ka tashadeen aayahooda, waxayna walaalahooda Soomaaliyeed ee reer PL ka rajeynayaan inay si deris wanaag kula noolaadaan, nabadgelyada iyo wixii horumar ahna iska kaashadaan. Ta kale waa in madaxda PL ka waantowdaa sheegashada Khaatumo sababta oo ah game-kii waa laysku fahmay - you can fool some people sometimes but you can't fool all the people all the time .

 

Ugu danbayn Abwaan has a point, let every region comes to the table representing its constituents alone. Iga gunid once Khaatumo institutions are built and it becomes a viable admin which is both responsible and accountable then merging with Maakhir will be an option. A good option I may say.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Samafal;791428 wrote:
Abwaan nin yahoow horta waxaa fiican in qofku meesha xanuunaysa abaaro inaad hadba qori is mariso ma fiicna. Dagaamada Awdal, Sanaag iyo Sool kama aanan hadlayn. Waxaan ka hadlayo waxaad tiri dadbaa sad bursday, iyo dadbaan xaq ku taagnayn, marka ilaa iyo hada iimaadan sheegin waxa ay ku sadbursadeen marka laga hadlayo Somaliweyn.

 

Arintaan SSC, Sanaag waa local grievance, local grievansina mar walbuu wuu jirayaa. soomalidu waxay rabaan inay madaxwayne wada noqdaan, mana wada noqon karaan.

 

Arinta Southka anigu ma lihi yaysan federaal noqon, adigaa waxaa tiri, federalism dagaal 20 sano oo kale ha lis dagaalo weee. waxaan u fahmay inaad leedahay dadku kuma heshiinayaa federalism. Dadkale oo koonfurta kasoo jeedaa lehna waan arkay: Puntland iyo Somaliland waa hal qabiil oo meel wada daga, marka way u fududahay inay hal maamul wadayeeshaan, halka koonfurta aysan u fududayn. marka walaalow halkaas baan ka imaanayaaye dooda ha inaka dhabqin. Haduu wax lakala yeesho, waxna lawada yeesho ma ahan inaay tahay waxaaga kula lihi, waxaygana kaalihi. Maxaaa yeelay, Khayraadka si siman baa loo qaybasan qofkasta oo muwaadinana dalka meesha uu rabo buu kadagi karaa, oo cid juujuubaysa ma jirto.

 

 

 

 

Nassir

Suaal: Adiga waxaad ka timid Sanaag. oo kay meesha ugu wayn magaalooyinka ugu wayn waa Dahar iyo Badhan, maxaad idinka udhisan waydeen? reerkiinu wuxuu dhistaa oo daaro dhaadheer ka taagay Bosaaso? maxaa magaalooyinkaas loo dhiswaayey inta aan dawlad la is gaarin? Waxaan tagay tuulo hada degmo laga dhigay oo ku taal Mudug layiraa Bursalax. School hoose dhexe, Schoole sare, Boolis station, suuqyo Wadada ku xirta Galkacyo, intaas oo dhan waxaa dhisay dadka dagaanka iyo dibada? iyaga dawlad wax uma qaban iyagaa dhistay soow umqalmaan inay dawlad gobeleed ku dhawaaqaan?

It looks like in waxaad adigu jeceshahay ee aad isku qancisay oo aad rabtid inaad maqashid ee jawaab waafi ah maba aadan rabin...Khasab ma ahan in. Anigu waan kuu sheegay, Unlike some of you here dareen Soomaalinnimo ayaa igu jira waana aaminsanahay in xil iga saaran yahay inaan ka hadlo haddii aan goobjoog ka ahay meel Soomaali dhibaatadeed ka sii hurayso. Haddii intaas aad igu nacaysid, waa ayaandarro...wax aan ka dhihi karo ma leh aan ka ahayn, runta Ilaah ha ku tuso.

 

Dad baad ku eedeyneysaa tuulo heblo maxaad u wada degi weyseen? Do you think it will be fair to say Reer Mudug iyo Garoowe maxay ka soo dooneen Canada, Dubai, US iyo UK ee maxay wax Alla waxa ay hayaan xagga lee ula tegi waayeen. People have choice. Boosaaso waa magaalo Soomaaliyeed haddii ay horumar ku tallaabsatay there is nothing wrong in la maalgashto...Waan ku ammaani lahaa haddaan adiga ahay ee kumaan caayeen dadka sidaas sameeyey, haddii kale you sound like waxaad tahay ma leh ee aniga magaalooyinkayga ii dhis...:) Dad baad leedahay meel baa ku xanuunaysa bal muraayadda isku fiiri!

Beleive me weligey ma tegin, and si Soomaalinnimo ah I contributed to Bur-Saalax schools, like I did to some other places around Somalia and I am not regretting that..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Abwaan nin jiran baad tahay Allah ha ku daweeyo. Anigu aan kala faaiidasano oo wax is tusno bay iga ahayde hadba meelbaad u boodaysaan waxaad rabto iyo waxa aad ka soo horjeedo adiga xataa inaad taqaanid u malaynayo. Halkaa inagu ekeeh

 

Su,aasha aan Nassir waydiiyey waxaan kawado iyo meesha aad u leexinaysid isma laha qofkasta oo aqriyana oo maskax fiyoow waa ujeedaa inaanan lahayn maxay udhisteen. Waxaan kawadaa hadii idinkiiba aydan maalgashanayn meesha aad kasoo jeedaan sideebaa dawlad uga sugaysaan inay idiin maalgalin. Aniga dawlada Puntland baan ogahay magaalo aan cabanayn iyo tuulo waanala dayacay lahayn majirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Samafal, Boosaaso waxey kamid tahey degaanada reer Maakhir hadaad dhulka iyo dadka dega kala taqaan.

Tan labaad, su'aasha ah maxaad u dhisi weydeen Badhan iyo Dhahar, waxaan leeyahey labdaba hor'umar weyn baa ka muuqda. (Aqri Badhan report @ Wiki) dadkeedaana u horseeday ee maahan mid ka yimid meel kale.

 

Dhibaatada ugu weyn ee gobolka Sanaag waa kaabayaasha dhaqaale sida laamiyada, dekedaha iyo airportyada in kastoo dekedo yar oo wax lagala soo dego jiraan. Iyo productive land oo aanan heysan system wanaagsan. Lama dhiso karo kaabayaasha dhaqaale hadii laba maamul ku hardamayaan degaanka iyagoo strategy qaas ah isticmaalaya taasoo ah Qayaano, hanjabaad, dagaal, been abuurid, isku dirid beelaha wada dhashey iyo waxyaalo kale. Tusaale waxaa u ah mashruucii dekeda laasqoray. Lacag ay dowlada federaalka ugu deeqday mashruucaasi waxaa si toos ah u lunsadey madaxweynahii hore ee PL.

Marka xalku waxay ila muuqataa in wax laysu ogolaado oo aanan reer reerkale degaankiisa sheegan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Taleexi;791441 wrote:
Samafal: Dhanna PL buu u xaglinayaa, dhanna mubaadin danta Soomaalidu isugu mid u tahay buu iska dhigayaa. Saaxiib, horta wixii khayraad ah ee wadanka ku jira gobolkuu doono ha ahaadee Soomaali baa iska leh ka fikir ahaan. Waxa sed bursi ah ee ka dhacaya Xamar ha ahaato deeqaha waxbarasho iyo waxa la midka ah dad aan damiir lahayn baa sameeyey haddiise dad xil kas ah bahasha gacanta loo gelin lahaa sheekadu si xariir ah bay ku dhamaan lahayd. Midda kale, hadduu reer Sanaag dhisto Bossaso lagama xigo oo waa wadankoodii. Ma waxaad naga dhaadhicinaysaa reer Maakhir wixii magacooda lagu guranayey 20-kii sano ee ugu danbeeyey lagama hagran. Reer Khaatumo waa ka tashadeen aayahooda, waxayna walaalahooda Soomaaliyeed ee reer PL ka rajeynayaan inay si deris wanaag kula noolaadaan, nabadgelyada iyo wixii horumar ahna iska kaashadaan. Ta kale waa in madaxda PL ka waantowdaa sheegashada Khaatumo sababta oo ah game-kii waa laysku fahmay -
you can fool some people sometimes but you can't fool all the people all the time
.

 

Ugu danbayn Abwaan has a point, let every region comes to the table representing its constituents alone. Iga gunid once Khaatumo institutions are built and it becomes a viable admin which is both responsible and accountable then merging with Maakhir will be an option. A good option I may say.

war anigu meeshaan rabo aan u xagliyee, adigu ii sheeg lacagta lagaa u canay meesha lagu maalgashtay? Khatumana cid tafta haysata majirta inshallah. hortiin nabad gadashiin nabad. Hadalkale uun yaan maqal oo waa la is khilaafay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this