Sign in to follow this  
Saalax

QISO MURUGO LEH: Fu’aad Shongole soo si qasab ah ku guursaday naag xaas ah oo caruur leh, DAAWO SAWI

Recommended Posts

Saalax   

QISO MURUGO LEH: Fu’aad Shongole soo si qasab ah ku guursaday naag xaas ah oo caruur leh, DAAWO SAWIRADA QOYSKA

 

Written by Mohamed Abdulle "Siidi"

Saturday, 18 February 2012 22:06

 

DAAAWO SAWIRO KALA DUWAN EE QOYSKA: QISO MURUGO LEH: Maalinkasta aduunka wax kaa yaabiya ayaad maqlaysaa, waxaan idiin haynaa qiso naxdin iyo uurkutaalo leh oo aan ka wareeysanay seeyga qaba naagta sida qasabka u guursaday Fu’aad Shongole oo ah hogaamiyaha qeyb ka mid ah Ururka Al-shabaab Al Qaacida oo haatan kusugan Ceelasha Biyaha.

 

Fu’aad Shongole waxaa uu haatan degan yahay guri nin Islaam ah leeyahay wuxuu guursaday xaas nin qabo, wuxuu maamulaa caruur uusan isaga dhalin, wuxuuna si gardaro cad ugu xadgudbay Xuseen Maxamed Abtidoon ”Xuseen Fareey” oo jooga Dalka Talyaaniga.

 

Hadaba si aan u xaqiijino arrimahaani oo dhan waxaa isuuragashay inaan qadka Teloofoonka ku wareeysto Xuseen Maxamed Abtidoon oo loo yaqaan Xuseen Fareey kaasoo haatan ku sugan dalka Talyaaniga magaalo ka mid ah.

 

Xuseen Fareey waa seeyga qaba Xaliimo Xersi Shuuke oo da’deedu uu ku sheegay 47 –jir u leh shan caruur ah, haatanse si qasab ah uu ku guursaday Fu’aad Maxamed Shongole oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Ururka Al-shabaab Al-Qaacida.

 

 

Sawirkaan waa sawir hore oo xusuus ahaan u heystay Xuseen Fareey:

 

Xuseen waxaan ka wareeystay sida wax u dhaceen wuxuuna iiga sheekeyey qiso murugo iyo ciil wadata oo mararka qaar uu hadalka ku xirmayay, waxayna u dhacday sidan:

 

Waxaan si diinta Islaamka qabto ku guursaday xaaskayga Xaliimo Xersi Shuuke oo markaasi ahayd garoob laba ciyaal ah leh, ka dib aniga waxay ii dhashay shan ciyaal ah oo gabadha ugu weyni ay jirto 17 – sanno halka wiilka kusoo xiga uu jiro 15 – sanno iyadoo kan ugu yarna ay da’diisu ahay 7 –jir.

 

Xuseen Fareey

 

Xuseen wuxuu ii sheegay inuu ku shaqeyn jiray farsamo yaqaan gadiidka (Makaanik), waxaa aad u adkaatay inuu biilka ka helo magaalada Muqdisho, wuxuu doorbiday inuu isaga soo tahriibo si uu biil ugu raadiyo caruurtiisa iyo xaaskiisa, waxaana uu arrintaasi kala hadlay xaaskiisa, waxayna isku raaceen inuu naftiisa kusoo biimeeyo Badda.

 

Wuxuu marxalado kala duwan soo maraba wuxuu ugu danbeyntii cagaha soo dhigay dalka Talyaaniga oo aan garanayno inaysan nolol rasmi ah ka jirin, tiiyoo ay jirto ayaa Xuseen waxaa uu shaqooyin ka raadsaday magaalooyinka dalka Talyaaniga waxaana uu bil waliba diri jira biilka ciyaalkiisa.

 

Waxaa uu haatan kasoo maqan yahay laba sanno iyo bilooyin, xiriirka isaga iyo xaaska iyo caruurta kala go’o malahayn wuxuuna guri ugu gaday halka loo qaxay ee Ceelasha biyaha.

 

Waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah in Xaliimo oo ah xaaska Farey inaay soo wacday odaygeeda kuna tiri waxaan doonayaa inaad iska keey furto, taasoo fajaciso ku noqotay Fareey, wuxuu la xiriiray waalidkeed waxayna ku wargeliyeen in arrinta aan waxba laga qaban karin maadaama meesha la joogo ay ka taliso Al-shabaab.

 

Arrinkaasi marka ay dhacayso waxay ahayd 01 – 12 – 2011 –ka, bishii Janaayadii laga soo gudbay 17 –keeda sannada aan ku jirno ee 2012 –ka ayuu Fu’aad Shongole si aan qarsoodi lahayd usoo degay guriga Xuseen Fareey oo ku yaala agagaarka Al-Xayaat.

 

Xuseen waxa uu la xiriiri jiray gabadhiisa iyo Wiilkiisa oo Mobilo gaar ah ay haysan jireen balse taasi waa ay istaagtay markii la ogaaday in ay xiriir leeyihiin aabahood oo waa laga qaaday Mobilkii, shalay ayuu markale la xiriiray dad magacyadooda uu qariyey xagga amaanka dartood waxayna u sheegeen in xitaa loo diiday inaay Caruurta ka qaxaan deegaanada Ceelasha Biyaha si ay ugu nabad galaan dagaalada kusoo fool leh.

Xuseen Maxamed Abti – doon, haatan arrinkiisa waa wax aan la qiyaasi karin waxaana uu aad ugu murugoonayaa isagoo waayey Xaaskiisa misana loogu sii daray in caruurtiisa loo diiday inaay ka qaxaan deegaanadaasi.

 

Fu’aad Shongole oo shalay shir jaraa’id qabtayna wuxuu sheegay in deegaanada laga qaxayo ee loo noqonayo guryihii asal laga yimi ay tahay mid lagu gaaloobayo, waxaana arrin qatarteeda leh ah in naag xaas ah oo waliba 47 –jir ah uu si qasab ah ku guursado isagoo heli kara gabar 15 –jir ah waliba guur doon ah.

 

Waxaa wareeystay Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

soomaalidamaanta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin tahriibay naagtu way ka furantahay ayay qabaan waa wax laga naxo in kasta oo qoraalkani uu dhan qudha wax ka sheegayo oo aanu waxba ka qurayn dhinaca naagta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Faarah, Shangole is from puntland i believe. If this is true, what a sick, monstrous, and perverted excuse for a human being he is. When will Somalis unite and get rid of these guys once and for all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadani;791103 wrote:
Faarah, Shangole is i believe. If this is true, what a sick, monstrous, and perverted excuse for a human being he is. When will Somalis unite and get rid of these guys once and for all.

sick troll

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

"Abkeey doolli diloow dad nool maas u daahaa?" baan maqli jirey! Nin carruur, culumo iyo haween laynaya inuu nin xaaskiis xoogo muu u daahaa?!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

Oh i just read where u listed as ur location, so no need to answer, i can see y i touched a nerve. But facts r facts homie. The leader of AS is from my tribe, u think i give a shit.? He doesnt represent me or my clan. U should feel the same about this Shangole character.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this