Sign in to follow this  
Dr_Osman

Djibouti Praises Puntland

Recommended Posts

Dr_Osman   

Garoowe:”Reer Puntland Waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee Walaalntimo noo muujiyey, Waligayana ma ilaawi doono Taageeridii ay nasiiyeen markii aanu Dagaalka ku jirnay, Waxaana Waajib ah inaanu Abaalkaas gudno”Wasiir katirsan dawlada Jabuuti.

18. february 2012

 

Garoowe:(Allpuntland)-Wasiirka Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyada Jabuuti Dr.Xaamud Cabdi Suldaan oo Maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada garoowe ee caasimada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Xiriirka Qotoda dheer ee u dhexeeya shacabka reer Puntland iyo kan Jabuuti isagoona sheegey inuu Puntland u yimid arimo muhiim ah oo kasokow inuu u yimid inuu ka qaybgalo shirka wadatashiga qaranka Soomaaliya uu sidoo kalena u yimid inuu Reer Puntland soo gaarsiiyo fariin amaan ah iyo mahadcelin uu u waday shacabka reer Puntland uuna uga soo qaaday shacabka Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Isagoo xalay ka hadlay gabagabada shirka wadatashiga Tastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya qaybtiisii Labaad ayaa uu Wasiirka Arimaha diinta ee Jabuuti Ayaa Sheegey inuu ka mahadcelinayo Taageeradii ay reer Puntland dhowrsano ka hor siiyeen ciidamada difaaca ee Jabuuti markii ay dagaalka kula jireen dalka Eretria oo weerar ku qaaday dalka Jabuuti, Wuxuuna sheegey in reer Puntland ay ahayaeen dadkii ugu horeeyey ee taageera Jabuuti Waqtigaas taasoo uu sheegey in imika la gaaray Waqtigii ay Jabuuti ka abaal gudi lahayd Taageeradii loo galay.

 

“Reer Puntland Waxay weligood caan ku ahaayeen inay hormuudyihiin… Waxaan xasuustaa markii ay nagu soo gardarootay dawlada aanu deriska nahay (Eretria) in Dawlada Puntland iyo Shacabkooduba ay nasoo gaarsiiyeen taageeradii ugu horaysay Taasoo ahayd inay Xoolo nool gaarsiiyeen ciidamada difaaca kujira… Bal adiguba qiyaas inta uu farxi karo Askariga dagaalka kujira ee la siiyey Hilib uu cuno, Qiyaas farxada ay waridkiis iyo shacabka uu difaaca ugu jirana farxi karaan!, Oday hadii uu safar dheer galo oo uu reerkiisa kusoo laabto Labada wiil ee uu dhalay Haduu midna u bireeyo Ri’ dhaylo ah oo uu cano Midna uu degdeg ugu keeno Ciir uu Dhamo (Cabo) marka uu Ciirtaas cabana uu seexdo wuxuu yiraahdaa DUCADII CIIRLAA QAATAY, Hada reer Puntland ayaa qaatay Ducadayadii Waqtigaas mana ilaawi doono… Sidaas darteed halkaan (Puntland) Waxyaabaha aan ugu imid marka lagu daro Dadaalada dheeriga ah Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo shacabka reer Puntland oo aan ogahay inay yihiin Kuwo caan ku ah inay tashtaan sidii horay uga dhacday Mararkii la’isku khilaafay madaxtinimada Puntland oo Aabayaasha reer Puntland ay go’aamo gaareen si fududna loo fuliyey, Waxaan amaanayaa waxyaabaha laga qiroon karo oo Puntland ka socda, Waxaan cadaynayaa in Jabuuti ay ku waajibtay inay ka abaalgudo taageeradii reer Puntland ay siiyeen hadana diyaar baanu u nahay”Ayuu yiri Wasiirka Arimaha diinta ee Jabuuti oo markii uu hadlayey Boqolaal ruux oo shirka joogay Ay u sacabo tumayeen isagoona ku celceliyey inay ku faraxsanyiyiin Dadaalka ay reer Puntland ugu jiraan Hormarkooda iyo inay Soomaali isku keenaan taasoo uu ku tilmaamay mid aysan jirin cid lamid ah oo geeska Afrika Joogta.

 

Cabdiqani Xayir

Cqxayir@hotmail.com

Allpuntland Team

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this