Sign in to follow this  
walaalkis

AMISOM oo la sheegay in ay qabsanayso Afgooye

Recommended Posts

Addis Ababa
:(
Sh. M. Network) Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay qabsadanayaan magaalada Afgooye oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab halkaasi oo Ururka uu sheegay in ay ku wajahan yihiin goordhow.

 

 

 

Ku xigeenka taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa Audace Nduwumunsi oo wareysi siinayey wakaalada wararka ee AFP ayaaa waxa uu sheegay in ciidamda AMISOM ay qorshenayaan weerar ay ku qaadaan Magaalada Afgooye oo 30-KM galbeed ka xigta Magaalada Caasimada ah Muqdisho.

 

 

 

Mr Nduwumunsi ayaa sidoo kale xusay in weerarkaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaadi doonaan Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/ Hoose halkaasi oo la rumeysan yahay in ay hooy u tahay boqolaal dad barakacayaal ah oo ka carararay dirirtii ka dhaceysay Magaalada Muqdisho.

 

 

 

“Dagaalka Afgooye waxa uu ku bilaaban doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan, waan bilaabi doonaa dagaalka Afgooye sida ugu dhaqsiyaha badan laakiin waxa ay ku xirnaan doontaa hadba sida ay xaaladu tahay” sidaasi waxaa sheegay Ku xigeenka taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa Audace oo la hadlayay wakaalada wararka AFP.

 

 

 

Laakiin Audace ma uusan bixin waqti cayiman oo uu weerarkaasi dhacayo hase ahaatee waxa uu wareesigiisa ku daray in ay ka fogaan doonaan qasaaro soo gaara dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada ay doonayaan in ay hada dulaanka ku qaadaan.

 

 

 

Ku xigeenka taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ayaa dhanka kale sheegay in Burundi iyo Uganda ay diyaar u yihiin in ay ciidamo dheeraad ah usoo daabulaan Gudaha dalka Soomaaliya hadii loo ogolaado kordhinta ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

 

 

 

Audace ayaa waxa uu timaamay in ciidamada Midowga Africa ay sidoo kale bartimaameedsanayaan Magaalada Dkada leh ee Kismaayo taas oo ay hada gacanta ku hayaan Xakada Al Shabaab.

 

 

 

Afhayeenka Ciidamada Milatariga Kenya ayaa Sheegay in ciidamda Kenya ee soo galay Soomaliya bartamihii October ee Sanadkii hore ay daciifiyeen islamarkaana ay jaro badan meelihii uu dhaqaalaha ka soo gali jiray.

dad maskiin ah waxna sameyn lee ku dhimin dagaladaan. aan aragno wixii kasoo baxo meeshan

mogadisho maba kabixi karaan kuwaan isku sheegaayo nabada ilaaliyaasha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this