Sign in to follow this  
walaalkis

Iska horimaad ka dhacay Buuhoodle

Recommended Posts

Buuhoodle: (Sh. M. Network) Iska horimaad muddo socday ayaa la sheegay in uu dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Maamul la magacbaxay Somaliland iyo dadka deegaanka Buuhoodle ee gobolka Togdheer sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah. Inta la’ogyahay hal ruux ayaa geeriyooday sadax kalena way dhaawacmeen kuwaasi oo sida la sheegay ahaa dhinacyadii dagaalamay, waxaana Max’ed Xasan Max’ud oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Togdheer uu u sheegay Shabelle in weerarka ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland islamarkaana ay Madaafiic ku garaaceen dad shacab ah oo ku sugnaa degmada Buuhuudle ee gobolka Togdheer. Nabadoonka ayaa sheegay in dhinacoodu uusan qasaaro kasoo gaarin dagaalka, hase ahaatee waxa uu hoosta ka xariiqay in qasaaro badan ay gaarsiiyeen Ciidamada Maamulka Somaliland oo uu sheegay inay kusoo duuleen deegaankaasi. Maalmihii dambe ayaa xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamada Maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka ah waxa ay ka taagneyd deegaanada gobolada SSC, waxaana dagaalo marar badan halkaasi ka dhacay ay qasaaro badan gaarsiiyeen dadka shacab oo ku nool deegaanadaasi.

Looks like this will be long battle for both sides

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this