Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOs:Huge Pro-Khaatumo Rallies/Celebrations Held Across Khaatumo State, Somalia Around the World

Recommended Posts

Liibaan   

Taleexi;782673 wrote:
Liibaan bal halkan ku soo dheji Minnesota xaflad. Thanks for the effort.

Taleexi, you welcome Inaadeer,

 

 

Shir Lagu Taageerayay Maamulka Khaatumo State oo ka Dhacay Gobalka Minnesoto ee Dalka Mareykanka

 

sniin, Jannaayo 30, 2012 (HOL) − Munaasabad lagu maamuusayay soo dhaweynta maamulka Khaatumo State iyo shirkii Taleex ayaa ka dhacday gobalka Minnesoto ee dalka Mareykanka, waxaana munaasabadda ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday qaybaha kala gaddisan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba xubno kale oo ka socotay uruurada bulshada rayidka.

 

Munnaasabada ayaa waxaa lagu furay aayadaha Qur'aanka Kariimka oo uu halkaasi ka aqriyaay Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar.

 

Mas'uliyiinta munasabadaaas ka hadlay waxay dhammaantood soo dhaweeyeen maamulka cusub ee Khaatumo State iyo shirkii dhawaan lagu soo gabgabeeyay magaalada Taleex ee gobalka Sool, shirkaasoo ku saabsanaa wada-tashiga dadka ku nool deggannada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo ugu dambeyn lagu aasaasay (Khaatumo State Of Somalia).

 

Dhanka kale, waxaa munaasabadii xalay khudbooyin dhaadheer kasoo jeediyay madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: Saciid Faahiye oo ah madaxa jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesoto, Karen Clarka, caqilka gobalka Minnesoto iyo Cali Axmed Geelle, madaxa jaaliyadda Khaatumo State ee gobalka Minnesoto, wasiir-u-dowle Xaamud Maansheeye iyo hay'ddaha bulshada rayidhka aqoon-yahanno culumaa'uddiin iyo waliba qaar ka mid ah dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda.

 

Kulanka waxaa ka hadlay kana warbixiyaay socdaal uu ku tagay dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada, Sool, Sanaag iyo Ceyn, C/rashiid Macalin Faarax, isagoo sheegay in shirkii Taleex ay kasoo baxeen natiijooyin wax ku ool ah, wuxuuna xusay in dhidibbada loogu taagay maamul u adeegaya dadka ku nool deeganadaas iyo weliba bulsho-weynta Soomaaliyeed.

 

"Aniga intii aan joogay degaannadaas waxay indhahaygu qabanayeen bulsho u baahan maamul iyo kala dambeyn," ayuu C/rashiid Macallin ka sheegay munaasadda lagu taageerayay maamulka Khaatumo State.

 

Mudane Xaamud oo ah wasiir-u-dowle ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay munaasabadda lagu xusayay Khaatumo State ee ka dhacday gobalka Minnesoto isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta uu kala qayb-galo munaasabadda dadka kasoo jeeda gobollada laga dhisay Khaatumo State.

 

"Waxaan cambaareynayaa dagaalkii ka dhacay Buuhoodle, waxaana ayaan-darro ah in dad u badan haween iyo caruur lagu laayo dagaaladii dhawaan ka dhacay degmadaas. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay nabadda iyo horumarka ka shaqeeyaan," ayuu yiri Mudane Xaamud.

 

Sidoo kale, waxaa baaq nabadeed looga dalbanayo inay dagaallada joojiso loo jeediyay maamulka Soomaaliland oo xafladda laga sheegay inay dhowr jeer weerar ku qaadeen deegaannnada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

 

Xubnaha baaqan jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa:

 

Caabi Farax Canshuur

Xassan Xaaji Cilmi

Ugaas Maxamuud Canshuur

Xuseen Faarax Coon-gaab

Axmed Sheekh Aadan

Nuur Ibraahim Warsame

Xaaji Bashiir Cabdullahi

Axmed Cali Shuuriye

Xaaji Cabdi Cali

Suldaan Warsame Suldaan Caliyoow Ibroow

Cabdikariim Xaaji Cabdulaahi

Sheekh Maxamed Macallin Cumar

Xaaji Maxamuud

 

Ugu dambeyn, waxaa munaasabada laga qaaday hees ay wada-qadayeen fanaaniin reer Minnesoto ah, iyadoo heestan lagu taageerayayl maamulka cusub ee Khaatumo State.

 

 

 

Shir lagu taageerayay maamulka Khaatumo State oo ka dhacay Gobalka Minnesoto ee dalka Mareykanka

 

 

Isniin, Jannaayo 30, 2012 (HOL) − Munaasabad lagu maamuusayay soo dhaweynta maamulka Khaatumo State iyo shirkii Taleex ayaa ka dhacday gobalka Minnesoto ee dalka Mareykanka, waxaana munaasabadda ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday qaybaha kala gaddisan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba xubno kale oo ka socotay uruurada bulshada rayidka.

 

Munnaasabada ayaa waxaa lagu furay aayadaha Qur'aanka Kariimka oo uu halkaasi ka aqriyaay Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar.

 

Mas'uliyiinta munasabadaaas ka hadlay waxay dhammaantood soo dhaweeyeen maamulka cusub ee Khaatumo State iyo shirkii dhawaan lagu soo gabgabeeyay magaalada Taleex ee gobalka Sool, shirkaasoo ku saabsanaa wada-tashiga dadka ku nool deggannada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo ugu dambeyn lagu aasaasay (Khaatumo State Of Somalia).

 

Dhanka kale, waxaa munaasabadii xalay khudbooyin dhaadheer kasoo jeediyay madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: Saciid Faahiye oo ah madaxa jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesoto, Karen Clarka, caqilka gobalka Minnesoto iyo Cali Axmed Geelle, madaxa jaaliyadda Khaatumo State ee gobalka Minnesoto, wasiir-u-dowle Xaamud Maansheeye iyo hay'ddaha bulshada rayidhka aqoon-yahanno culumaa'uddiin iyo waliba qaar ka mid ah dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda.

 

 

Kulanka waxaa ka hadlay kana warbixiyaay socdaal uu ku tagay dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada, Sool, Sanaag iyo Ceyn, C/rashiid Macalin Faarax, isagoo sheegay in shirkii Taleex ay kasoo baxeen natiijooyin wax ku ool ah, wuxuuna xusay in dhidibbada loogu taagay maamul u adeegaya dadka ku nool deeganadaas iyo weliba bulsho-weynta Soomaaliyeed.

 

"Aniga intii aan joogay degaannadaas waxay indhahaygu qabanayeen bulsho u baahan maamul iyo kala dambeyn," ayuu C/rashiid Macallin ka sheegay munaasadda lagu taageerayay maamulka Khaatumo State.

 

Mudane Xaamud oo ah wasiir-u-dowle ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay munaasabadda lagu xusayay Khaatumo State ee ka dhacday gobalka Minnesoto isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta uu kala qayb-galo munaasabadda dadka kasoo jeeda gobollada laga dhisay Khaatumo State.

 

 

"Waxaan cambaareynayaa dagaalkii ka dhacay Buuhoodle, waxaana ayaan-darro ah in dad u badan haween iyo caruur lagu laayo dagaaladii dhawaan ka dhacay degmadaas. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay nabadda iyo horumarka ka shaqeeyaan," ayuu yiri Mudane Xaamud.

 

Sidoo kale, waxaa baaq nabadeed looga dalbanayo inay dagaallada joojiso loo jeediyay maamulka Soomaaliland oo xafladda laga sheegay inay dhowr jeer weerar ku qaadeen deegaannnada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

 

Xubnaha baaqan jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa:

 

Caabi Farax Canshuur

Xassan Xaaji Cilmi

Ugaas Maxamuud Canshuur

Xuseen Faarax Coon-gaab

Axmed Sheekh Aadan

Nuur Ibraahim Warsame

Xaaji Bashiir Cabdullahi

Axmed Cali Shuuriye

Xaaji Cabdi Cali

Suldaan Warsame Suldaan Caliyoow Ibroow

Cabdikariim Xaaji Cabdulaahi

Sheekh Maxamed Macallin Cumar

Xaaji Maxamuud

 

Ugu dambeyn, waxaa munaasabada laga qaaday hees ay wada-qadayeen fanaaniin reer Minnesoto ah, iyadoo heestan lagu taageerayayl maamulka cusub ee Khaatumo State.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdiraxman D. Nuur, Hiiraan Online

Nuure1000@hotmail.com

Minnesoto, Minneapolis

 

 

khaatumo14.jpg

khaatumo.jpg

khaatumo5.jpg

khaatumo6.jpg

 

khaatumo9.jpg

khaatumo16.jpg

khaatumo15.jpg

khaatumo12.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xafladdii Khaato State ee Ottawa

Xaflad lagu soo dhaweeynayo maamul goboleedka cusub ee Khaatumo State

 

 

Hiiraan Online

 

IMG_0756.JPG

IMG_0658.JPG

IMG_0659.JPG

IMG_0682.JPG

 

IMG_0676.JPG

IMG_0706.JPG

IMG_0711.JPG

IMG_0714.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

 

XAFLADII KHAATUMO STATE EE MINNESOTA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this