Sign in to follow this  
Kamaavi

Wafdigii uu hogaaminayay Cali Khaliif Galaydh oo Jigjiga loo soo gudbiyay

Recommended Posts

Kamaavi   

galaydh.jpg

 

 

 

Ciidamada gaarka ah ee Dowlada Deegaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ayaa si nabad ah ku soo gudbiyay waftigii qaban qaabada ee shirkii Taleex ee hogaaminayay Prof. Cali Khaliif Galaydh.

 

Maamulka Somaliland ayaa aad isugu dhabar jabiyay in xubnahan ay gacanta ku dhigaan waxayna maalmihii u dambeeyay dagaalo ka dhacayeen aaga Buuhoodle oo uu wafdigan ku sugnaa.

 

Wararka saaka naga soo gaadhay magaalada Jigjiga ayaa noo xaqiijiyay in wafdiga ay soo gudbiyeen ciidamada Liyuu Booliska iyagoo badqabana la keenay magaalada Jigjiga oo la dajiyay Hoteel.

 

Wafdigan ayaa loogu magac daray G6 waana gudigii iska lahaa fikira iyo dadaalkii lagu dhisay maamulka Khaatumo State of Somalia ee dhowaan lagaga dhawaaqay magaalada Taleex.

 

Wixii kasoo kordha arintan kala soco Dhanaan.com

 

Source: Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Beside Galaydh being safe, likes of Jacaylbaro will think twice before they accuse Shabaab & ONLF for their lose. Jigjiga can be home for Khatumo till its soft power such as military, diplomacy and trade are in growth phase. Let it spread the noble unionist ideals and unite it's Somali people,... at least SSC communities.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dr. Cali Khaliif Galaydh, iyo Wafti Balaadhan uu Hogaaminayo oo Si Heer Qaran ah Loogu Soo Dhaweeyay Magalada Jigjiga

 

http://danwaanews.com/?p=2684

 

 

Wararka naga soo gaadhahaya caasimada Dowalad Deegaanka Soomalida Ethiopia ee Jigjiga ayaa sheegahaya in ay soo gaadheen maglaada jigjiga wafti baladhan oo uu horkacahayo siyaasiga caanka ah ee ALI Khaliiif Galayd kaas oo dhawanaha kusugnaa gobalada ay qalaasuhu katagan yihiin ee sool iyo snaag iyo cayn ee marka magacooda lasoo gaabiyo SSC laydidhaahdo.

 

Waftiga ayaa waxaa soogalbiyay ciidanka Dowlada deeganka soomalida guutada diifaaca xududuudaha ee sida gaarka ah utabaran ee liyu-Police ka ciidanka oo ayaa waftiga kasoo qaaday deegaano kudhow magalada buuhoodle halakaasi oo dhawanadan kadhacahayeen dagaalo faraha looga gubtay kuwaas oo ay soo qadahayeen maleeshiyada SNM ee kucaanbaxaday xasuuqa maatida.

 

Waftigan ayaa si hoor qaran ah loog soo dhaweeyay magalada jigjiga waxaana ladhowrahayaa in ay sii joogi doonaan magaladas in muddaha wali saxafada caalamku kama aysan hadlin marka laga reebo qaarka kamid ah wakaladaha deegaanka oo qoraal gaaban kaqoran socadalkani.

 

tan iyo intii lagu dhawaqay maamul gobaleedka Khaatumo state of soomaalia ayaa waxay iskudayday maamulka ay taarikhdiisu sii dhacayso ee SNM in ay boqno gooyaan maamul gobaleedka khaatumo waxayna kusoo qaadeen weraro qaawaan hasse yeeshe bulshada deegaanka buuhoodle ayaa indha ushiday maleeshiyaadkii kasoo duulay maamulka soomali diidka ah ee SNM.

 

Socdaalkan waftiga khaatumo ay kuyimaadeen caasimada jigjiga ayaa waxay dhabar wareen kunoqotay riyadii wareerka ahayd ee ay kujireen Maamuulka SNM kaas oo ahayd in ay xasuuqaan shacabka reer SSC ay bulshada caalamkuna indhaha kaduubato taas oo aad moodo in ay maanta indhaha SNM ay ku arkaan.

 

Waarar hoose ayaa sheegahaya in ay ciidamada Liyu-police ku Kabarbar dagalameen bulshada deeganka buuhoodle kadib markii ay kadalbadeen in ay kaalmo walaalnimo lasoo gaadhan taas oo dhaxal siisy maleeshiyaadkii SNM in laga dhigo hal dhumay iyo haldhaan raacay.

 

saxafaada ku hadasha afka SNM qaar kamid ah ayaa maalmahan kahadalahay dhabar jabaka kuyimid Maamulka SNM kaas oo kaga yimaaday dhanka dowlada ethopia.

 

waxii war ah ee kasoo kordha kalasoco danwaanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

January 29, 2012

Madaxda Khaatumo iyo Gudiga Sare ee G9 Khaatumo State oo Jig-jiga Tegay iyo Weji Gabaxa Wasiiradda Somaliland ee Addis Ababa.

 

http://harowo.com

 

Wafdi uu horkacayay Garaad Jamac Garaad Cali Garaad Jamac oo ay wehliyaan xubnaha G9 ee Khaatuma State of Somalia ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Jigjiga ee Kililka Ismaamulka Somalida Ethiopia.

 

Wafdiga Khaatuma State oo Magaaladda Buhodle ay ka galbiyeen Ciidamadda Liyuu Booliska Kililka 5-aad waxay safar dhinaca lugta ku mareen dhul rafa oo dhan 265 KM ,taas oo ah Masaafadda ay isu jiraan Jig Jiga iyo Buhodle.

 

Wafdiga Khaatuma State of Somalia waxay kulan albaabadda u xiran la leeyihiin Madaxweynaha Kililka 5-aad Mohamud Cumar Ileey sida ay ii xaqiijiyeen ila wareedyo jooga Jiga Jiga.

 

Socdaalka Gudigga G9 iyo Garaadada beesha SSC ayaa ku beegan xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo kan Arrimaha Gudaha ee maamul goboleedka Somaliland weji gabax siyaasadeed kala kulmeen Xukumadda Federalka Ethiopia oo ay uga dacwoodeen Madaxda Maamulka Kililka 5aad ee Ethiopia.

 

Labada Wasiir oo Xukumadda Addis Ababa u gudbiyay in Madaxweynaha Kililka 5-aad oo u dhashay beesha Soomaali Galbeed inuu beesha SSC siinayo hub iyo saanad Melleteri ayaan garaawshiyo ka helin Xukumadda Ethiopia.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Federalka Ethiopia ayaa telefishinka dalkiisa ka sheegay inay wafdiga Somaliland uga cudur daarteen qorshahii safarkooda maadama uu ahaa mid ay haboon tahay inay kala hadlaan Maamulka kililka 5-aad.

 

 

“Sida uu hore u sheegay Ra’isulwasarre Melles Zenawi wuxuu maamulka kililka 5-aad leeyahay awood madaxbanaan,wixii ku saabsan arrimaha Somalidana isaga ayaa uga masuula Xukumadda Federalka Ethiopia”ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

 

Somaliland waxay ka walaacsan tahay in Ethiopia ka dambeyso Maamul goboleedyadda Khaatuma State iyo Awdal State of Somalia.

 

Walaaca Xukumadda Siilaanyo wuxuu cirka iska shareeray markii ay xaqiiqsadeen in Cali Khaliif Galeydh iyo Garaad Jaamac oo wata Baabuur laga leeyahay Buhodle ay ku dhex safreen Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Twenty and plus years of pipe-dream might have ended on there,.. for next coming days eyes are on London's conference...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji, I think Jigjiga would be an ideal place to negoitiate with Khaatumo. And jigjigans would be a ideal facilitating third party. What you think?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Could be before khaatumo conference siilaanyo and ali khalif and ali ise abdi met in Ethiopia the g6 are good lads ali khalif even said he is willing to talk to somaliland even before the conference xaabsade visited saax dheer and had a nice meal with garaad jamac garaad cali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

That's power play right there?? The Somali Regional Administration shows flexibility and independence of policy formulation and execution than either PL and SL wills or does, ma istiraahdeen. Or is this a new game by the Tigre regime?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Let's also recall how the UN Monitoring Group of Somalia at one time made the link between Sheikh Atam, an arms dealer and ONLF, Buhodle district being the conduit through which arms and ammunitions were smuggled inside Ethiopia. So is this the creation of a new buffer state? If so, the formation of Khaatumo State has a good chance of the war effort to liberate its lands from the secessionists. The fact still remains that Somalis are divided along clan and sub-clannish lines and thus Ethiopia can't rely on one clan, say the secessionists, for its border security and internal stability.

 

My 2 cents.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

NASSIR;782103 wrote:
That's power play right there?? The Somali Regional Administration shows flexibility and independence of policy formulation and execution than either PL and SL wills or does, ma istiraahdeen. Or is this a new game by the Tigre regime?

Nassir, Jigjiga is ruled by young ouf of the box thinking new political generation not comparable with the fossils from Hargeysa and Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this