Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Port Development Enters Second Phase. PICS

Recommended Posts

Bosaso, Mar 30 -Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda Puntland ayaa shaacisay inay waddo qorhseyaal lagu horumarinayo dekedda wayn ee magaalada Boosaaso oo ka mid ah ilaha dhaqaalle ee xiligaan ugu waawayn dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng.Saciid Maxamed Raage oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa tilmaamay dekedda in lasoo gaarsiiyay qalab casri oo ka qaybqaadan doona balaarinta iyo adkaynta amniga dekedda.

 

“Dhinaca security-ga (Amniga) waxaan hadda aan keenay CCTV oo sahlaysa sidii loo ogaan lahaa wixii dekedda dhexdeeda maraya iyo waxa soo galaya”ayuu yiri wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Eng.Saciid Maxamed Raage.

 

Waxaa uu sidoo kale uu intaasi ku daray mashruucan inay maalgelinayso dowladda Japan oo dowladda Puntland usoo marisay hay’adda WFP, wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay dekedda inay wax badan ka qabteen dhinaca bilicda kadib markii mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka wadeen qoditaan, si ciidda loo soo saaro qayb ka mid ah dhismaha dekedda.

 

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng Saciid Maxamed Raage ayaa gabagabadii tilmaamay inay xiligaan wadaan qorshe ay dekeddu ugu samaynayaan qayb cusub oo loo adeegsan doono dhoofinta xoolaha.

 

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaqdhaqaaq ganacsi oo siweyn looga dareemayo dekedda magaalada Boosaaso

 

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa maalmahan waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan, waxaa dekedda xiligaan kusoo xirtay maraakiib iyo doonyo tirro badan oo ay ku raranyihiin bagaash,raashiin iyo shidaal.

 

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee laga daraameyo xilligaan dekedda ayaa la rumaysanyahay inuu yahay kii ugu xoogga badnaa ee in muddo ah laga dareemo gudaha dekedda.

 

Wasiir kuxigeenka dekedaha,gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Puntland Abshir Saciid Saalax ayaa warbaahinta ugu sheegay xafiiskiisa Boosaaso mashquulka xiligaan ugu wayn ee ka jira dekedda Boosaaso inuu ugu wacanyahay gaadiid badeed kusii jeeday dekedda magaalada Muqdisho oo kusoo xirtay marsadda Boosaaso, kadib markii ay xirantay badda Indiya.

 

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay inay socoto qorshe lagu baneenayo dhismayaasha iyo goobaha kale ee ku dhow dekedda magaalada Boosaaso,iyadoona dekedda markii ugu horaysay laga hirgaliyay qalab lagu baaro aaladaha ay dadku wataan taasi oo qayb ka ah sugidda amaanka marsadda Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa laba cisha ka hor si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay mashruuc qaatay mudo sanad ah, Mashruucan oo lagu balaarinayay Dekadda magaalada Bosaaso. Munaasabad lagu soo afjarayay mashruucaas ayaa maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Dekaddaha,gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad badeeda,waxaana kasoo qaybgalay masuuliyinta Wasaaradda,Ganacsato iyo Naaqudayaasha Doonyaha iyo maraakiibta xilligaas joogay dekadda. Wasiirka Dekaddaha Eng. Siciid Maxamed Raage oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in maanta ay tahay guul balaaran oo usoo hoyotay Umadda reer Puntland isagoo xusay in mudo 22-sano kadib ay Dekadda Bosaaso kusoo xiran karaan maraakiib iyo doonyo waaweyn.

 

‘’Runtii maanta waa maalin weyn oo guul usoo hoyotay umadda reer Puntland,dekadda Bosaaso oo aan wax dayactir helin intii burburka ayaa hadda inoo surtagashay in aan balaarino oo maraakiib iyo doonyo kusoo xiran karin ay kusoo xiran karaan’’,ayuu sheegay. Wuxuu intaas ku daray mashruuca in uu socday mudo hal sano lana bilaabay Bishii May ee sanadkii hore,wuxuuna u mahadceliyay Dowladda wadanka Japan oo bixisay dhamaan lacagtii lagu qodayay dekadda iyadoo soo marsiisay Hay’ada WFP.Wasiirka ayaa kula dardaarmay dhamaan Naaqudayaasha iyo Shaqaalaha Doonyaha iyo maraakiibta in ay ilaaliyaan nadaafadda dekadda oo aysan ku tuurin wax qashin ah haddii kale ay talaabo ka qaadi doonaan.Captain Michael Dennis oo isagu ahaa masuulka howshaan hogaaminayay ayaa sheegay in sanad kadib ay ku guuleysteen howsha ay bilaabeen isla markaana dekadda iminka ku xiran karaan doonyaha waaweyn iyo maraakiibta.

 

‘’Maraakiibta kusoo xiran kara dekadda iminka mitirkooda wuxuu u dhexeeya 8.5-m ilaa 9-m,doonyaha iyaguna waxay u dhaxeeyaan 6.5-m ilaa 7.5-m’’,ayuu sheegay mar uu ka hadlayay dheerarka gaadiid Badeeda kusoo xiran kara dekadda.Labo doonyood oo waaweyn kuwaas oo waday shixnado kala duwan ayaa maanta kusoo xirtay goobtii laga qodayay,waxaana la bilaabay in laga dejiyo rarkii ay wadeen.Ganacsato iyo Naaqudayaal ka hadlay munaasabada ayaa soo dhoweeyay howsha balaaran iyagoo sheegay in wax badan soo kordhin doonto islamarkaana maraakiib iyo doonyo u suuragelin in ay kusoo xirtaan dekadda ay iminka imaan doonaan. Mashruucaan lagu balaarinayay Dekadda ayaa si rasmi ah xariga looga jaray Bishii March ee sanadkii hore,waxaana gacanta ku haysay Shirkad laga leeyahay dalka Kenya oo la yiraahdo KMC.Dekadda Boosaaso ayaa la aas aasay sanadkii 1988-dii xilligaas oo dalka ka talinaysay Dowladdi kacaanka,waxaana la dhameystiray dhismaheeda xilliga burburka ee 1990-kii.Mudadii lagu jirey burburka ayaysan helin wax dayactir ah ayna soo martay marxalado kala duwan iyadoo inta badan ahayd meel halbowle ah oo alaabta laga dejiyo la geyn jirey dhamaan gobolada dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay mashruuci qaadatay mudada halka sano ee lagu balaarinayay Dekadda magaalada Bosaaso iyadoo gaba gabadii ay ku beegnayd shalay oo khamiis ah.

 

Munaasabad kooban lagu soo afjarayay mashruucaas ayaa maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Dekaddaha,gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad badeeda,waxaana kasoo qaybgalay masuuliyinta Wasaaradda,Ganacsato iyo Naaqudayaasha Doonyaha iyo maraakiibta xilligaas joogay dekadda.

 

Wasiirka Dekaddaha Eng.Siciid Maxamed Raage oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in maanta ay tahay guul balaaran oo usoo hoyotay Umadda reer Puntland isagoo xusay in mudo 22-sano kadib ay Dekadda Bosaaso kusoo xiran karaan maraakiib iyo doonyo waaweyn.

 

‘’Runtii maanta waa maalin weyn oo guul usoo hoyotay umadda reer Puntland,dekadda Bosaaso oo aan wax dayactir helin intii burburka ayaa hadda inoo surtagashay in aan balaarino oo maraakiib iyo doonyo kusoo xiran karin ay kusoo xiran karaan’’,ayuu sheegay.

 

Wuxuu intaas ku daray mashruuca in uu socday mudo hal sano lana bilaabay Bishii May ee sanadkii hore,wuxuuna u mahadceliyay Dowladda wadanka Japan oo bixisay dhamaan lacagtii lagu qodayay dekadda iyadoo soo marsiisay Hay’ada WFP.

 

Wasiirka ayaa kula dardaarmay dhamaan Naaqudayaasha iyo Shaqaalaha Doonyaha iyo maraakiibta in ay ilaaliyaan nadaafadda dekadda oo aysan ku tuurin wax qashin ah haddii kale ay talaabo ka qaadi doonaan.

 

Captain Michael Dennis oo isagu ahaa Sarkaalka howshaan hogaaminayay ayaa sheegay in sanad kadib ay ku guuleysteen howsha ay bilaabeen isla markaana dekadda iminka ku xiran karaan doonyaha waaweyn iyo maraakiibta.

 

‘’Maraakiibta kusoo xiran kara dekadda iminka mitirkooda wuxuu u dhexeeya 8.5-m ilaa 9-m,doonyaha iyaguna waxay u dhaxeeyaan 6.5-m ilaa 7.5-m’’,ayuu sheegay mar uu ka hadlayay dheerarka gaadiid Badeeda kusoo xiran kara dekadda.

 

Labo doonyood oo waaweyn kuwaas oo waday shixnado kala duwan ayaa maanta kusoo xirtay goobtii laga qodayay,waxaana la bilaabay in laga dejiyo rarkii ay wadeen.

 

Ganacsato iyo Naaqudayaal ka hadlay munaasabada ayaa soo dhoweeyay howsha balaaran iyagoo sheegay in wax badan soo kordhin doonto isla markaana maraakiib iyo doonyo u suuragelin in ay kusoo xirtaan dekadda ay iminka imaan doonaan.

 

Mashruucaan lagu balaarinayay Dekadda ayaa si rasmi ah xariga looga jaray Bishii March ee sanadkii hore,waxaana gacanta ku haysay Shirkad laga leeyahay dalka Kenya oo la yiraahdo KMC.

 

Dekadda Bosaaso ayaa la aas aasay sanadkii 1988-dii xilligaas oo dalka ka talinaysay Dowladdi kacaanka,waxaana la dhameystiray dhismaheeda xilliga burburka ee 1990-kii.

 

Mudadii lagu jirey burburka ayaysan helin wax dayactir ah ayna soo martay marxalado kala duwan iyadoo inta badan ahayd meel halbowle ah oo alaabta laga dejiyo la geyn jirey dhamaan gobolada dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this