Sign in to follow this  
Kamaavi

Jijiga oo Baac Dhaaftey Qayrkeed, Xawlina ku Socota

Recommended Posts

Kamaavi   

Caasimadda Jijiga ee deegaanka Soomaalida ayaa sanadihii ugu danbeeyey waxey baac dhaafeysaa dhamaan magaalooyinka ku yaalla geeska Afrika gaar ahaan kuwa ay Soomaalidu dagaan marka la eego dhinacwalba. Haddaba qormadeena maanta waxaan kusoo qaadaneynaa hormarka xawliga kusocda ee caasimadda Deegaanka Soomaalida iyo waxyaabaha ay dheertahay magaalooyinka ku yeella geeska Afrika ee ay dadka Soomaaliga ku hadlaan ay dagaan. Meesha ay hadda mareyso oo ah meel aad uwanagsan waxaa dheer meesha ay kusocoto sanadaha soo aaddan Insha Allaah.

 

Dhismaha Xawliga ah

 

Caasimadda kaliya ee maanta ay Soomaali dagto ee ay suuro gal ka tahay in qofkii maalgashi wada uu helo dhul bilaash ah oo ay dawladdu ku gacansiineyso kuna yaalla meelaha ugu wanaagsan magaalada. Taasi waxey keentey in caasimadda Jijiga ay soo jiidato maalqabayaal badan oo Soomaali ah oo maalinwalba fiilooyin ugu jira wasaaradaha kala duwan ee deegaanka iyagoo raba iney helaan ogolonaasho sharci iyo in la siiyo dhulalka ay u baahanyihiin.

 

Xukuumadda DDS

 

Waa magaalada kaliya ee Soomaali daggan yahay ee ay daggan tahay xukuumad dhameystiran oo leh dhamaan waxyaabihii ay dawladi lahayd lehna awood ay ku hawlgalaan iyo karti ay ku fuliyaan. Waana midda keeneysa in caasimaddu ay yeelato nadaam dawladeed oo dhameystiran kuna hawlgalaan dhamaantood.

 

Jaamicadda Jijiga

 

Waa magaalo ay ku taalla Jaamicadda ugu xajmiga iyo qaadka weyn marka la barbardhigo jaamicadaha ku yaalla caasimadaha ay Soomaalidu daggan yihiin. Jaamicadda Jijiga ayaa waxaa dhigta ardey kor udhaafeysa 9000(Sagaal Kun) oo ardey taasoo keenta in intaas oo arday ay dagganyihiin isla magaalada Jijiga.

Jaamicadda Jijiga ayaa waxey tahay jaamicadda kaliya ee adduunka ee leh Kulliyad Afka Soomaaliga oo illaa heer Degree ah lagu dhigo taasoo ka dhigtey jaamicadda Hoyga Afka Soomaaliga.

 

Jidadka iyo Gaadiidka

 

Caasimadda Jijiga waa magaalada kaliya ee faceed iyo caasimado badan ku dhaaftey dhanka jidadka iyo gaadiidka iyadoo Jijiga uu dhexmarayo Laami aad mas mooddo madawgiisa, Nalalka Traafikada oo si wanaagsan u shaqeynaya iyadoo habeenkii Jjiga farasmagaaladeedu noqdey Dharaar cad oo irbadda la arki karo. Awoodda Korontada oo si xawli ah uga hirgashey Jijiga waxey keeneysaa in ganacsiga magaaladu uu cirka isku shareero taasaana qaybweyn ka qaadaneysa in baaxadda magaalada iyo dhaqdhaqaaqeedu cirka maro.

Magaalada Jijiga maalinwalba waxaa jidadkeeda ka hawlgala kumayaal dad ah oo hadda ku hawlan dhinacyada Jidka(Pavement) waxaana mararka qaar is qabta Boodhka shaqada kasocota darteed.

 

Miisaaniyadda iyo Maalka Yaalla

 

Jjiiga waxaa soo gala Miisaaniyad aad ubadan waxeyna abuurtaa dhaqaale iyo ganacsi badan. Miisaaniyadda dawladda oo aad badan iyo miisaaniyad kale oo kasoo gasha magaalada dhinacyo badan oo kala duwan sida kuwa aan dawliga ahayn. Arintani waxey Jijiga ka abuurtey shaqooyin badan iyo mashaariic aad ubadan oo dadku ku hawlanyihiin fulintooda.

 

Dhismaha Hoteelada

 

Bil walba waxaa farta laga qaadayaa Hoteelo aad ubadan kuwa kalena waa la bilaabayaa haddana waxaa jirta cidhiidhi dhanka Hoteelada ah. Dadka jooga iyo kuwa imaanaya oo marba marka ka danbeysa sii kordhaya dartood ayay Jijiga noqotey meel dalabkeedu sareeyo marwalba kuna socota xawli aad udheereynaya.

 

Amniga Magaalada

 

Jijiga muddo dhawr sano dhexdeeda wali ruux laguma dalin iyadoo baryaha qaar qaraxyo badan ay ka dhici jireen. Markaad barbardhigto magaalooyin badan waxaa muuqanaya sida ay nabada u tahay caasimadda. Illaahay Fadligiisa kasakoow, waxaa magaalada ka hawlgala habeen iyo maalina dhextaagan ciidamo kala duwan oo kala leh labisyo kala duwan oo maalmaha hore qofka aan aqoonin oo la yaabo. Ciidamada Booliska, Kuwa Taraafikada iyo kuwa Rabshadaha ka hortaga ayaa lagu arkaa jidadka magaalada habeen iyo maalinba iyadoo ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa Asluubta ay shaqadooda gaarka ah haystaan.

Hoolka Sayid Maxamed Cabdile Xasan

Magaalada kaliya ee ku taalla caalamka ee Hoolka ugu weyn dawladdu leedahay ugu magacdartey halyeeygii Sayid Maxamed Cabdille Xasan waana mid xasuus dheer ku leh shacabka Soomaaliyeed ee ku nool geeska Afrika gaar ahaan kuwa deegaanka Soomaalida.

 

Gabagabo

 

Caasimadda Jijiga waxey noqotey muraayadda geeska Afrika waxeyna baac dheeraatey magaalooyin badan sida ay hadda tahay. Illaahay idankiina sanadaha soo socda marka ay dhameystirmaan mashaariic badan oo laga wado ama laga bilaabi doono waxey noqondoontaa magaalo leh ahmiyad gooni ah oo ay nolosheedu noqoto mid aad uwanaagsan dhinacwalba. Illaahay ayaa mahaddaa iska leh waana guul usoo hoyatey shacabka Deegaanka Soomaalida waana muhiim in la garwaaqsado.

 

Source : Xaajo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Jaamicadda Jijiga ayaa waxey tahay jaamicadda kaliya ee adduunka ee leh Kulliyad Afka Soomaaliga oo illaa heer Degree ah lagu dhigo taasoo ka dhigtey jaamicadda Hoyga Afka Soomaaliga.

Arrinta aadka ii soo jiidatey ayaa ah in afkeena hooyo ilaa heer jamacadeed lagu baranayo.

 

Edit : Mahadsanid Zack. See la yahay adeerkiis?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Kamaavi;779332 wrote:

 

Xukuumadda DDS

 

Waa magaalada kaliya ee Soomaali daggan yahay ee ay daggan tahay xukuumad dhameystiran oo leh dhamaan waxyaabihii ay dawladi lahayd lehna awood ay ku hawlgalaan iyo karti ay ku fuliyaan. Waana midda keeneysa in caasimaddu ay yeelato nadaam dawladeed oo dhameystiran kuna hawlgalaan dhamaantood.

 

Jidadka iyo Gaadiidka

 

Caasimadda Jijiga waa magaalada kaliya ee faceed iyo caasimado badan ku dhaaftey dhanka jidadka iyo gaadiidka iyadoo Jijiga uu dhexmarayo Laami aad mas mooddo madawgiisa, Nalalka Traafikada oo si wanaagsan u shaqeynaya iyadoo habeenkii Jjiga farasmagaaladeedu noqdey Dharaar cad oo irbadda la arki karo. Awoodda Korontada oo si xawli ah uga hirgashey Jijiga waxey keeneysaa in ganacsiga magaaladu uu cirka isku shareero taasaana qaybweyn ka qaadaneysa in baaxadda magaalada iyo dhaqdhaqaaqeedu cirka maro.

Magaalada Jijiga maalinwalba waxaa jidadkeeda ka hawlgala kumayaal dad ah oo hadda ku hawlan dhinacyada Jidka(Pavement) waxaana mararka qaar is qabta Boodhka shaqada kasocota darteed.

Clapping.gif Excellent Clapping.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

development and peace is good. but freedom and justice are equally needed. Jigjiga is growing and I am glad about it. But the most developed region in Ethiopia is Oromia, but that hasn't stopped the Oromos from asking for political rights.

 

Kamaavi, ma qolyihii 'nabada' qaatay baad ku biirtay waadigan Xaajo.com ku xidhmaye? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Garaad A&T, maya ina adeer. Laakiin Iley waanu ka gam'i lanahay. Sagag iyo Dh.madow oon mudo arag ayuu ESTV naga tusay marka horumarka iyo dib u curashada xaajo kaga waranto caasimada gobolka ayaan oogu abaal gudayaa. Iska raali ahaada..:D

 

Qorahayonline, oo saaka fiiriyey, iyana waxa ku daabacnaa gabaygii Abwaan Dakhare oo midhihiisu ka mid ahaayeen..

 

 

Nin dadaala uun baa hela wuxuu doon is leeyahaye

Kuman dirira, kuman dooda iyo kuman daraawiish ah iyo

Kuman dabkoodii sitoo dowlad xoog badan ah iyo

Kuman dacwada faafiyoo dunida gaadhsiiyey iyo

Kuman waxay daba galaan dam ka siinaya iyo

Kuman diktoorina oo shacbiga wada daaweyneysa iyo

Kuman dhaqaalaha dabara dirirtu waa saase

Culumadan ducaynaysa ee Daa'im fahansiiyey

Dalkastoon joogneyba haddii la isku soo duubmay

Daacad baan hungoobine hadaan darajo weyn gaadhnay

Haddii uu dadaalkii ONLF doorkan hanaqaaday

Dambarkii xornimadeena waa wiigan dabadii

 

P:s. Somali galbeed way xoroobiye,.. guusha inuu Allah inoo soo dadajiyo amiin dhaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Kamaavi, soo noqod wacan inaadeer.

 

Intaad aragtay Ethiopia xoog baa looga helay. Markay xabadu dhamaatana way ka sii fiicnaan uun, iyadoo waliba xuquuqo dheeri ah oo xoriyadeedna la helay. Markaa qoriga yaan la eersan, intaa la helay lama heleen la'aantiiye. ONLF dadka ka soo reeba ayaa keentay in millions gobolka lagu invest gareeyo.

 

Unlike some ONLF guys, I actually think more development will only lead to people asking for more rights. Most of the young men who were sent abroad to do their Masters by the region, went back and worked for a while, but eventually decided that they cannot take the treatment they were getting from Tigres and their condoms like Iley. So, they went back to where they came from. Dadku markuu meelo xoriyad ka jirto soo arko waxa gobolkeena ka taagan lama qabsan karo ama ma ogaaln karo. So, I am happy when development comes to our region. I am doing some research and will hopefully say few things about this. There is a general feeling that horumar undermines the quest for freedom. This is wrong.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Garaad A&T, mahadsanid adeerkiis. Runtaa weeje, si fiican ayad u fahantay. Atoobiya asxaani nagama dhaxayso, adin iyo afba xaqeena iyo dhulkeenaba waan ooga dhacsanhaynaa. Jijiga bilicda ka muuqatana baryo laguma helin waana saad sheegtay ONLF ka xigsada ayey is lahaayeen.

 

Odayaal iyo wax garad badan ood ku jirto Idam Alle xornimo wax ka yar idinka ka degi mayso. Dadaalka laba jibaar adeerow. Maqaalo iyo research-ba kolba waxaad qorto halganka wakhtigaaga geli.

 

Nogob cadeey iney sida Dhagaxbuur iyo Jigjiga u horumarto iyana fataaxada u soo mar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kamaavi;779354 wrote:
Garaad A&T, maya ina adeer. Laakiin Iley waanu ka gam'i lanahay. Sagag iyo Dh.madow oon mudo arag ayuu ESTV naga tusay marka horumarka iyo dib u curashada xaajo kaga waranto caasimada gobolka ayaan oogu abaal gudayaa. Iska raali ahaada..
:D

 

Qorahayonline, oo saaka fiiriyey, iyana waxa ku daabacnaa gabaygii Abwaan Dakhare oo midhihiisu ka mid ahaayeen..

 

 

Nin dadaala uun baa hela wuxuu doon is leeyahaye

Kuman dirira, kuman dooda iyo kuman daraawiish ah iyo

Kuman dabkoodii sitoo dowlad xoog badan ah iyo

Kuman dacwada faafiyoo dunida gaadhsiiyey iyo

Kuman waxay daba galaan dam ka siinaya iyo

Kuman diktoorina oo shacbiga wada daaweyneysa iyo

Kuman dhaqaalaha dabara dirirtu waa saase

Culumadan ducaynaysa ee Daa'im fahansiiyey

Dalkastoon joogneyba haddii la isku soo duubmay

Daacad baan hungoobine hadaan darajo weyn gaadhnay

Haddii uu dadaalkii ONLF doorkan hanaqaaday

Dambarkii xornimadeena waa wiigan dabadii

 

P:s. Somali galbeed way xoroobiye,.. guusha inuu Allah inoo soo dadajiyo amiin dhaha.

Ameen.

 

Beautiful poem by Abwaan Dakhare. Jigjigaaaaaaa that's my city, i'm happy to see that they are progressing and getting more development.

 

We will get freedom one day. Long live the O region :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this