Sign in to follow this  
Maaddeey

Al Shabab are still fighting in Mogadishu!

Recommended Posts

Maaddeey   

^^ Alaska yaa ka hadlooyo sxb, stick with the thread, yaa cambuulo!.

 

 

Dagaal degmada Kaaraan ku dhexmaray xalay Ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab

 

Axad, Feberaayo 19, 2012 (HOL) − Ugu yaraan shan qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen shacab ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay degmada Kaaraan ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garabsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.

 

Dagaalka ayaa qarxay markii dagaalyahannada Al-shabaab ay weerarro gaadmo ah ku qaadeen fariisimo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kaga sugnaayeen xaafado ku yaalla degmada Kaaraan.

 

"Xaafadda Jamhuuriya waxaa kusoo dhacay madaafiic fara badan, hal qof ayaa ku dhintay, afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri Cali Colaad oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan oo ka mid ah xaafadihii uu dagaalku saameynta ku yeeshay.

 

Sidoo kale, xaafado ka tirsan degmada Kaaraan oo ay dagaalku saameeyay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba qof oo shacab ah, halka labada qof ee kalena ay ahaayeen dhinacaydii uu dagaalku u dhexeeyay.

 

Ciidamada AMISOM ayaa waxay u adeegsadeen dagaalkii xalay madaafiic badan oo ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir oo ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab.

 

Dhinacaydii uu dagaalku u dhexeeyay kama aysan hadlin dagaalkii xalay ku dhex-maray degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, sidoo kalena si dhab ah looma oga inta uu le'eg yahay khasaaraha soo kala gaaray.

 

Xoogagga Al-shabaab oo inta badan Muqdisho laga qabsaday ayaa waxay weli ku sugan yihiin qaybo ka tirsan gobolka Banaadir, waxayna ku hanjabeen inay weerarro la beegsan doonaan fariisimaha ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo AMISOM.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Asaga miyaan kuula ekaaday? :)

 

Qarax Xoogan oo khasaare Geystay oo ka dhacay Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho.

29,Rabiicul Awal 1433, 20 ,02,2012

 

Wararka ay helayso Idaacada Islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in Askar katirsan kuwa DKMG oo howl galo ka waday Degmada Dharkeenley,iyadoona tafaasiil dheyraada ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay Qaraxaani.

 

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aasoayaa mar qura laga maqlay Maqribnimadii Caawa aga-gaarka Xarunta Bad-baado,halkaaso oo ay ku kala war qaadanayeen Ciidamo ka tirsan DKMG,inta la ogyahana waxaa ku geeryooday ku dhawaad 5 Askari,halka tiro aan la shaacinna ay ka soo gaartay waxyeelo xoogan.

 

Saraakiil katirsan Maamulka Degmada Dherkeenley ayaa uxaqiijiyay Idaacada Islaamiga ah ee Al-Furqaan,dhicitaanka qaraxaani,iyo khasaaraha uu geystay intuba,waxaana dhaawacyada loo daabulay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

 

Goobta ay wax ka dhacayn ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirasna kuwa DKMG,iyagoona halkaasi baaritaano aan sidaa usii buurnayn ka smeeyay,waxaana Caawa laga dareemayaa halka ay wax ka dhacayn jawi qas iyo Cabsi ah.

 

Qaraxyada iyo weerarada ,iyo dilalka qorsheysan oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay Caasimada Soomaaliya ayaa noqday kuwo qalqal ku beeray Mas’uuliyiinta DKMG ,iyo Ciidamada shisheeye,kuwaasi oo utaag la’ wax ka qabashada Amaanka Muqdisho,xili kal hore ay sheegtayn Shisheeyaha in amaanka Caasimada uu yahay mid la isku haleyn karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^As long as you admit at last that you are part of Al Qaeda and its network. Alhamdulilah Somali's every where know what you people are, a bunch of criminal killers led by foreigners who ran away from their own countries and causing havoc in Somalia...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Howlgal Ciidamada DKMG Somalia ay ka fuliyeen Dharkeenleey Oo lagu soo qabtay caruur is-qarxin rabtay

 

February, 21, 2012 - QOL - Taliyaha Ciidammada Guutada labaad ee Madaxtooyada Gaashaanle Sarre C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgalkaasi ay kusoo qabteen dhalinyaro yar yar ah oo ay kasoo qabteen Degmada Dharkeenleey gaar ahaan Masaajidka dabaqaynka halkaasi oo Taliyaha sida uu sheegay lagu barayay Sida loo sameeyo Waxyaabaha Qarxa.

 

Gaashaanle Sarre C/llaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ay sidoo kale ka sameeyeen Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayna gacanta kusoo dhigeen rag la la xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

 

"Howlgalkii dhanka madiino laga sameeyey waxaa lagu soo qab qabtay dhallinyaro yar yar ah oo la barayey ashyaada Qaraxda oo tababar uga socday Masaajidka Dabaqeynka, dhanka Kaaraanna waxaa la soo qabtay dad badan oo loo xaglinayey xagga Al-Shabaab, marka baaris ayaa ku socota waxaana hay’adaha ku shuqul leh ee Nabad sugidda iyo Booliska ayaa baaris ku haya waana la kala saari doonaa" ayuu yiri Taliye Caanood

 

Taliyaha Ciidamada Guutada labadaad ee Madaxtooyada Gaashaanle Sare C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dhawaan sida uu sheegay meelaha yar ay joogaan Shabaabka ayna dhameys tiri doonaan, isaga oo sheegay in awoodii Shabaab ee markii hore ay sida tooska ah ugu soo weerari jireen Ciidanka Dowladda hada aysan lahayn.

 

"Dhawaan inshaa Allaahu waxaan dhameys tiri Doonaa baraha yar yarka ah ee nooga haray Magaalada Muqdisho oo dhamaantood waan dhameys tiri doonaa, Al-Shabaabna awoodii Ciidanka in ka fool ka fool in ay ugu yimaadaan Ciidamada Dowladda wey awoodi waayeen waxaana u saari doonaa inta hartay Ciidan gaar u taba baran oo qaabka gorilaha ula dagaalama" ayuu hadalkiisa raaciyey Taliyaha guutada labaad ee Madaxtooyada Cali Caanood.

 

Cabdullaahi Cali Caanood Taliyaha Ciidammada Guutada Madaxtooyada ayaa ugu dambayn Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in ay mardhaw soo noqonayso Dowladnimidii Dalka Soomaaliya Islamarkaana looga baahan yahay Shacabka in ay dul qaataan inta Ciidanka Dowladda KMG Soomaaliya ay wadaan howlagalka nabadda lagu xaqiijinayo.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha Degmada dharkeenleey Macalin Cabdule Cali hiLowle ayaa dhankiisa sheegay in howlagalka Degmadiisa laga fuliyay ay aheyd mid lagu xaqiijinayo ammaanka Degmada ayna halkaasi ka fuliyeen saraakiil ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya sida uu sheegay guddoomiyaha Degmada dharkeenleey Macallin Cabdulle Cali Hilowle.

 

Maalintii Shalay ayeey ahayd markii howlgal dad lagu soo qab qabtay Ciidanka Dowladda KMG Soomaaliya ay ka sameeyeen qaar ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho taasi oo saraakiisha Ciidanka Dowladda ay ku micneeyay mid lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Speaking of Dherkeenleey, I think you'll enjoy this! ;)

 

Dagaallo Qaraar Oo Caawa Muqdisho Ka dhacay.

 

Written by Administrator on 13 March 2012.

 

somalimemo.netDagaallo culus ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Ciidamada Muslimiinta Soomaaliya iyo kuwa shisheeye ee xoogga ku jooga dalka.

 

 

 

Caawa Fiidkii ayay mar qura rasaastu isqabsatay xaafadaha degmada Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidanka shisheeye.

 

 

Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay xaafadda Burka Diikow ee degmada Kaaraan waxaa halkaasi lagu weeraray ciidamo Yugaandheys ah waxaana larumeysanyahay in khasaara soo gaaray cadawga.

 

 

 

Dagaal kale ayaa isna ka socdo xaafado katirsan degmada Hodon gaar ahaan agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga iyo kuliyadda Jaalle siyaad, waa habeenkii 4-aad oo ay si xiriir ah dagaallo uga socdaan Muqdisho.

 

 

 

SomaliMeMo

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Who you? don't speak for me Maaddeey.

 

You are a desperate man, I always wonder why you are busy vacationing in gaalo country taking snap shots of churches when your comrades need you in the battlefield.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Lol, u r angry? ;)

 

Calm down, dear!.

 

I really like to apologize to you!, you know when I replied to your 'dherkeenleey' comment, i gave you a Kaaraan & Yaaqshiid one, this was what I was after, sorry!, here:

 

Ciidamada DKG iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Dharkeynley

Updated:- 1 day ago| 0 Commnets

 

Dagaal xooggan ayaa xalay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada DKG ah ee Soomaaliya iyo kuwa ururka Al-shabaab.

 

Dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana ay duqeyn culusi barbar socotey ayaa sababay dhimashada 5-qof iyo dhaawaca 9-kale.

 

Goobta lagu dagaalamay oo ah xaafadda Xoosh ayaa lagu soo waramayaa in iska hor imaadku uu ka bilowday kadib markii ciidamada Shabaabku ay soo weerareen fariisin ciidan oo ay kuwa DKG ahi halkaas ku leeyihiin.

 

Inkastoo aysan ilaa iyo hadda jirin faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha dagaalkaasi geystey oo kasoo baxday dhinacyadii uu dhex maray ayaa waxaa hadana jira guulo ay labada dhinac kala sheegteen.

 

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa DKG ah ee Soomaaliya, waxaana dhinaca kale Taliska ciidamada dowladda ee aggaas ku sugani ay sheegeen in khasaare badani uusan soo gaarin balse hal askari laga dhaawacay.

 

Weerarka xalay lagu soo qaaday ciidamada DKG ee ku sugan xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynley ayaa imaanaya xilli dhowaan DKG ahi ay shaacisay in 99% magaalada Muqdisho ay gacanta ku hayso.

 

 

 

Horseed Media

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this