Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

WAR DEG DEG: Al shabaab oo laga saari guud ahaan caasimadda jamhuuriyada Soomaaliya

Recommended Posts

Maaddeey   

^ Qosol gariir miyaa?

 

Xog ku saabsan dhimashada saraakiisha oo naga soo gaartay Mujaahidintii weerarka fuliyay.

Written by Administrator on 20 January 2012.

Xog dheeraad ah ayaa naga soo gaareysa dhanka Mujaahidinta oo ku aadan gaari ay saarnaayeen saraakiil ka mid ah DKMG ah oo wadada loo galay waqti ay ku sii jeedeen dhismaha Jaamacadda Muqdisho, halkaasi oo dhamaan dadkii saarnaa lagu dilay.

 

Idaacadda rasmiga ah ee Al-andalus ayaa goor dhaweyd warkeedii duhurnimo waxey ku baahisay in saraakisha lagu dilay dhabo galkaasi uu ku jiray Siciid Cabdi Barre oo ka mid ahaa kuwa ugu sareeya saraakiisha dhanka sahaydka ee maleeshiyaadka la socda shisheeyaha.

 

Sarkaalkaasi iyo ilaaladiisii ayaa la xaqiijiyay in ay ku hoobteen weerarka, waxaana laga qaniimeystay hal qori oo PKM ah iyo bastoolado ay wateen, iyadoona gaarigoodii halkaasi uu ku basbeelay.

 

Mid ka mid ah saraakiishii hogaamineysay sariyada Mujaahidiinta ee weerarka fulisay ayaa sidan inoogu waramay " gaarigu wuxu ahaa Paraado, waxaa saarnaa 4 qof, wuxuu ku sii socday jidka Quburaha markaasi ayay Mujaahidiintu mar qura wadada kaga soo baxeen, si dhameystiran ayaa halkaasi mid mid loogu dilay, waan dul istaagnay baqtigoodii waxaana ka soo saarnay gaariga documents-yo iyo bastoolado, midkood wuxu watay qori PKM ah waana ka qaniimeysanay".

 

Sarkaalkaasi ayaa ku sii daray "goobta maadaama dagaal xoog leh uu ka socday nooma suuragalin in aan baqtiga soo jiidno laakin documentiyadi waxaan ku wareejinay dadkii ay quseysay, waxaa gaarigu uu u muuqday mid sahay siday, waxaana ka qaaday cabitaan badan iyo gasacyo malaay ku jiray".

 

Dhanka kale ilo wareed masuul ah ayaa xaqiijiyay in baabuurkaasi inta aanu kamiinka ku dhicin isla qeyb kale oo ka mid ah jidkaasi ay dhabo kale ku dhaceeb baabuur nuuca yaryarka ah iyo gaari Tikniko ah, kuwaasi oo si ba'an rasaasta culus loogu beegsaday, waxaana la xaqiijiyay iyana in khasaare xoog leh la gaarsiiyay.

 

DKMG ah ayaa qirtay jiritaanka dhimashada saraakiisha, laakin loogama baran in ay shaaciso, halka Ciidamada shisheeye iyaguba aan laga sugin wax aan aheyn been iyo borobagaan ku aadan waxyeelada ka soo gaarta dagaalada ay kaga jiraan Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Faah faahin kasoo baxday dagaalada ka socda magaalada Muqdisho

 

Updated:- 3 hours ago| 3 Commnets

 

Inta la ogyahay shan ruux ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 15 kalana dhaawacyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo isku dhinac ah iyo Al Shabab oo dhinac kale ah.

 

Dagaalka oo ah howlgal milatari oo ka dhan ah Al Shabab ayey ciidamada dowlada iyo AMISOM ku qabsadeen dhowr fariisin oo ay horay Al Shabab u heysteen oo ku yaala dhinaca waqooyi galbeed ee Muqdisho.

 

Dadka dhintay oo dhamaantood ah dhinacyadi dagaalamayey waxaa ku jira taliyihii zaadka ee dowlada Soomaaliya Sacid Daahir Xaashi sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw dhaw dowlada.

 

Dhanka kalana afhayeenka AMISOM, Major. Pary Ankunda oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in ay ku qabsadeen xarunta Jaamacadi Muqdisho, Qabuuraha Barakaat, iyo Warshada Caanaha.

 

“Ciidamadeena waxay saakay sameeyeen howlgalo, waxay awood u yeesheen in ay qabsadaan, Jaamacada Muqdisho, Jaamacada Barakaat iyo Warshada Caanaha, howlgaladaan way sii soconayaan waxaana ku xaqiijineynaa xaalada amaanka caasimada, nasiib daro waxaa ku dhaawacmay howlgalkaan laba ka mid ah ciidankeena,” ayuu yiri.

 

Sarkaal u hadlay Al Shabab ayaa sheegay in ay dib ugu soo laaban doonaan goobaha ay ka qabsadeen ciidamada dowlada.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey, soldiers, high in rank or not are in the battle fields to die. Dhinaca wiilashaba waa ka dhinteen. Meesha in la idinka saaray ayaa ah muhiimadda. Adiga ma diidanid soo maaha intaas?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^ Geelle T, weli dayniile & suuqa Xoolaha ayay joogaan Xaq u dirika. Haddii meeshaas laga saaro xataa, dagaalka dhuumaalaysiga sidii waagii Xabashida & Adeerkaa buu u jirayaa! :D

 

Nacnaciina, Saa u joogtay miyaad Cadawga Ugaandhayska & Amxaaro injirreyda Xamar & Beledweyne qabsadaan (respectively) ku farxaysaa? Ceeb calayk!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

FYI: Kilinka 5 ayey ka yimideen badankood, wax dhibaato ahna shacabka uma geysanin ilaa iyo hadda. Kuwa kale ee Xamar joogana, shaqo weyn ayey haayaan waana ku mahadsanyihiin iney AS ka xoreeyaan magaalada.

 

Sawiro Jaamacadii hore ee Muqdisho ayaan sugooyaa, si aad u fiir fiirsato ee iga war sug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

;D its finished wit Al Shabaab. Insjallah.

 

Then finally Somalia will be free of self exploding politics again. So we can talk and have a dialogue.

 

Aboow, Maddeey, you still can repent for your Shabaabi Niiko.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey, haddiiba aad mar carar ku jirtaan, in la idinka raayay miyaysan ahayn? Qabiiladdii aad gacanta ka heli jirteen markii aad "adeerkay" la dagaalamaysay, maanta waxa ku bursanaaya maaho? ;) Hadda xaggee galee? AS' days are numbered awoowe. You should embrace that and find a way to save the few hundred kids left to fight.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey, haddii aan hadalkaa oo kale ku iri bilo ka hor, meeshii aad bila ka hor joogteen miyaad maanta joogtaan. It's a fact that your lot (AS) are loosing ground to the TFG and Amisom. Bilo ka hor iska daaya, 2 saytamaan ka hor meeshaa haysateen maanta ma haysataan. Indhahaa isku haysataa sheikhunaa, mise is yel yeel e kaatahay ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Gheelle.T;699584 wrote:
^In W. Gaashandhiga la idinka qabsaday, in aad retreat sameyseen, iyo in "1000s" gurmad ah laga soo wado meelo kale, waa sign of defeat. Intaas ma qirsan tahay?

that was: 2011-03-04 21:19 (Nearly sanad baa ka soo wareegatay) welina Dhallintu dab bey qabadsiinayaan Cadawga, waxba kama duwanaaneyso waagii ina Yusuf & Amxaartu waddanka oo dhan qabsadeen. Insha Allah Cadawga waa laga adkaan doonaa, Waddankana dadka iska leh -oon qadaadiic yar ku iibsaneynin-baa u soo haraya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;777133 wrote:

 

 

 

Hermet...TFG is the ONLY government that we have right now whether you like it or not...Is there a need for a change? yes, balse yaan indhaha la is tirin...Dowlad kale oo Soomaaliyeed ma jirto...period!

]

Somalidiina reer KOONFUR runta isu sheega oo iska daaya khiyaaliga SOMALI looga taliyo MOGADISHU oo central government ah

wa dhamaatey wakhtigeeda and will never come back

 

TFG waxaa dhaama labada maamul ee Punt & SLand iyaga Amhaar haba u edeegeene AMhar iyo Bantu ma ilaaliso heshiisyo caalami ahna

iyagoo Villa Somalia u baahneyn bey galaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this