Sign in to follow this  
Maaddeey

Allahu Akbar!, Mujaahidiinta oo dagaal ku galay Beledwene.

Recommended Posts

Maaddeey   

Dagaal Culus oo Xalay Beled Weyne ka dhacay.

 

Written by Administrator on 17 January 2012.

 

Dagaalkii ugu horeeyay ayaa ku bilaawday ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee duulaanka kusoo galay magaalada Beled Weyne ee xarunta wilaayadaasi Hiiraan.

 

Ciidamada Mujaahiidiinta wilaayada Islaamiga Gedo ayaa xalay saqdii dhexe weeraro culus ku qaaday fariisin ay ciidanka Itoobiya ka sameysteen Buundo Liiq Liiqato ee bartamaha magaalada Beled Weyne.

 

Hugunka rasaasta iyo madaafiicda garbaha laga gemo oo ay mujaahidiintu labartilmaameedsanayeen cadawga Itoobiya ayaa xalay laga maqlayay magaalada Beled Weyne.

 

Qof goob jooge ah oo B/weyne ku sugan ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus lahadlay wuxuuna sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid culus oo gilgilay qoraxsinka magaalada iyo Bariga Beled weyne oo ay ciidanka Itoobiya ku suganyihiin.

 

Ciidamada Itoobiya oo khasaara xoogan kasoo gaaray dagaalkii xalay ayaa saaka bilaabay in ay baaraan guryaha shacabka, saraakiil katirsan wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa lagasoo xigtay in ciidankoodu Howlgal qorshaysan ka fuliyeen Beled weyne kadibna ay dib ugasoo bexeen magaalada.

 

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa difaacyo ka qotay bartamaha magaalada Beled weyne waxayna qaraxyo iyo weeraro kala kulmayaan ciidamada mujaahidiinta iyo shacabka Muslimka Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Ciidamada mujaahidiinta oo xalay dagaal ku galay B/weyne.

 

Tuesday, 17 January 2012 06:17 Editor Hits: 93

 

Ciidamada Mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa xalay saqdii dhexe weeraro culus ku qaaday fariisimo ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin gudaha magaalada B/weyne ee Hiiraan.

 

Wararka ka imaanaya Hiiraan waxay xaqiijinayaan in dagaal culus oo xalay oo idil ka socday difaacyo ay ciidanka Itoobiya ka sameysteen Buunda Liiq Liiqato iyo Buundo weyn, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas iyo madaafiic ay mujaahidiintu ku garaaceen cadawga.

 

Ciidamada Mujaahidiinta ee weerarka qaaday ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday xarunta Booliska iyo Jaamacadda B/weyne oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidanka cadawga Itoobiya.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa madaafiicda BM-ka ku garaacay duleedka magaalada B/weyne mana jirto cid dhibaato kasoo gaartay madaafiicdaasi lagu garaacay duleedka magaaladaasi.

 

Maalmihii lasoo dhaafay B/weyne waxaa ka dhacayay qaraxyo lala bartilmaameedsanayay ciidanka Itoobiya, waa markii ugu horeysay oo ay mujaahidiintu dagaal toos ah ka galaan magaalada B/weyne tan iyo markii ay ciidanka Itoobiya soo galeen magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

wafdiun3.jpg

 

wafdiun5.jpg

 

Wax dagaal ay AS soo qaadey majiro. Wixii AS laga qoro oo xun waa been, wararka been abuurka ayaa AS soo gudbiyaan waa run.

 

Tuug la qabtey tallo maleh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Raamsade;775944 wrote:
Maadeey, what does Islam say about lying? Alshabaab are no where near Beledweyne to engage in fights. War Ilaahey ka baq.

loool...hadduu jawaabana hadduu ku leeyahay Jihaadka ayaa noo banneeyey ee maxaa kale oo aad ka sugeysaa!

 

Somalina;775919 wrote:
LOL!

 

Wafdi ka socda UN ka oo Beledweyne gaarey sannado kadib

lol...Walaalkeen Maaddeey waxay ka maraysaa afkii baa juuqda gabay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Abwaan, Sow arin la yaab le ma aha in nin aad ku leedahay "Walaalkeen" despite your differences, in uu isaga ku gaaleeyo, because of the same differences!.

 

Maanka hanoo taliyo, Maskaxdana ha shaqeyso wamal xayaatu Dunyaa Illaa mataac al ghruur. Maki Xaaji Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dagaal ka dhacay galbeedka Baladweyne

 

Baladweyne: (Sh. M. Network)Dagaal qasaaro gaystay oo Maamulka Dooxadda Shabelle iyo AL Shabaab ku dhexmaray galbeedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

 

 

 

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu magaaladaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Dooxada Shabelle iyo Xarakada Al Shabaab.

 

 

 

Dad deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Dooxadda Shabelle ay ku leeyihiin galbeedka Baladweyne kuwaasi oo intaasi ku daray in dagaalka ay ku geeriyoodeen 5 ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay.

 

 

 

C/wali Xasan Jimcaale oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Dooxadda Shabelle oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu dhankooda kaga geeriyooday hal askari 2 kalana ay kaga dhaawcmeen halka Al Shabaab uu sheegay in ay ka dileen afar dagaalayaan.

 

 

 

Sidoo kale Sarkaalkaasi u hadlay Dooxadda Shabelle waxa uu sheegay in loo baahan yahay in amaanka magaalada Baladweyne ay si wada jir ah isaga kaashadaan shacabka iyo Maamulka, waxaana uu tilmaamay in Shabaab ay inta badan qaraxyo ka fuliyaan magaalada xiliyada haweenka, isagoo sheegay in ay wax ka qabanayaan amaanka magaalada.

 

 

 

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab iyo sidoo kale ila ka madaxbanaan dhinaca kale oo xaqiijinaya guulaha ay sheeganayaan,

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Shabelle Media Network © 2012

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this