Sign in to follow this  
Jiiroow Bakaal

Buhoodle War Mr Farooles Connection

Recommended Posts

Dagaalkii Buuhoodle:Mu’aamarad Faroolan Ka Qeyb Qaatey (cadeyn), iyo Taliye Xigeenkii Ciidamadiisa oo Is Casiley

 

Garoowe 15 janaayo 2012

 

Wararka naga soo gaadhaya aaga Buhoodla ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii ***** la dhaafiyey magaalada Sooljoogto, Wararku waxey intaa ku darayaan in aaga buuhoodle gebi ahaantii isleekaadeen dhirta iyo raga dagaalyahanka ah ee soo gurmadtegey.

 

Dhinaca kale warar laga helayo magaalda Tukaraq ayaa sheegaya in dhamaan ciidamadii *********** ee ku sugnaa aaga Garoowe aydhamaan kasoo kicitimeen, iyadoo qaarna ay Gambadhe difaaca looga jiro ku biireen, intii kalena u gudbeen aaga dagaalku ka socde ee Buuhodle.

 

Waxaa kaloo jira isna in taliye xigeenkii ciidamada Puntland Col; Deyr Maxamed Cabdi IskaToos uu hada Gaadhey Aaga Buuhoodle, warar aanan weli kala xaqiijinin ayaa qaar sheegayaan Inuu xilkii uu u hayey Maamul beelaadkaa uu iska casiley halka wararka qaarna beeninayaan, laakiin waxaa naloo xaqiijiyey inuu dhanka Buuhoodle ugu talaabey laamiga.

 

Sidee wax uga dhaceen Buuhoodle:

 

Waxaa naloo xaqiijiyey in xaley goordambe ay si aan la fileyn uga baxeen ciidankii difaaci jirey, una kolanyeysteen dhinaca hawdka hoose, waxaa kaloo iyana ilaa hada aan la arag meel ay jaan iyo cidhib dhigeen ciidan kale oo saldhiga boliska deganaa oo u sudhnaanjirey calanka buntland kana mushahar qaadan jirey, waxaana saaka dadweynaha Buuhodle mar qudha ka warheleen ciidankii Isaaqa SNM-ta oo ku jira xeradii ciidamada Buuhoodle iyo istayshinkii boliska iyo dhamaan aagii xafiisyada dawladu ku yaaleen.

 

Arintaasu waxey fajeciso ku noqotey shacabkii reer Buuhoodle ooy dantu ku khsabtey iney iyagu difaacdaan caruurtooda iyo guryahooda allana dagaal dheer kadib ku guuleeyey iney orgobihii soo weerartegey isagoo duleysAan ka baacsadaan magaaladoodii, iyagoo gurmad balaadhan ka heley dhamaan magaalooyinkii u dhawaa Buuhoodle iyo reer guuraagiiba.

 

Ciidankii Lagu ogaa inuu Buuhoodle Difaaco meeyey:

 

Ciidankan oo ahaa ciidan aad u hubeysan tababar fiicana qabey ayaa dagaalkii kalshaale ka bacdi waxey odayadii buntland ku xidhnaa ku wareejiyeen in uu buntland mushar ka qaato, isagoo ilaa waagaa musharka ka qaadanjirey Faroole. warar leysla dhexmarayo magaalada Taleex ayaa sheegaya in xalay uu lacag uga direy magaalada Taleex ciidamadaa odey ka mida odayaashii hore Puntland ugu xidhay ciidankaa.

 

Waxaa isweydiinleh sidee ciidankaasu ku ogaanwaayey ciidanka SNM_TA ahaa ee tignikada faraha badan iyo taangiyada watey intuu soo guurayey ilaa xaley ee uu ku waabariistey magaaladey degenaayeen.

 

Waxaa kaloo ka daran guurida ay halmar guureen iyaga iyo kuwii saldhiga boliska u diidi jirey in ciidamada SSC.du la wareegaan ee kula dagaalami jirey oon iyana ilaa iyo hada nin magaalada looga arag.

 

Indheer garadka SSC ayaa waxaa si toosa ugu muuqda in SNM, Faroole iyo weli ashkhaas odoyo ah oo ku caanbaxaey ku xidhnaanshaha maamulada cadowka u ah beesha SSC ay isku xidh iyo wada shaqeyn ka sameeyeen weerarkaa waxashnimada ahaa ee lagu laayey dad muslima oon cidna waxba ka galabsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this