Sign in to follow this  
Dr_Osman

Oil exploration in Puntland, Somalia

Recommended Posts

Dr_Osman   

dharoor.jpg

 

DHAROOR : Xaflad heersare ah oo daaha looga qaadayo shidaal baarista oo ka dhacaysa Dharoor

 

January 15, 2012 1:02 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Print

 

Dharoor:-Waxaa iminka socota qaban-qaabada xaflad heersare ah oo la doonayo in lagu daah-furo shidaal qodista Puntland halkaas ka bilaabmaysa, waxaana xafladan ka soo qayb-galaya madaxda sare ee Puntland ee uu ka mid yahay M-wayne Cabdiraxmaan Faroole, masuuliyiin kale, Issimo, Waxgarad, Aqoonyahan iyo shirkadaha Shidaal baarista Puntland.

 

Xafladan, ayaa waxay ka dhacaysaa deegaanka dooxada Dharoor oo ah halka lagu sheegay in shidaal laga qodayo, waxaana la filayaa in halkaas si rasmi ah bari uga bilaabmato shidaal qodista oo horay loo shaaciyay.

 

Dooxada Dharoor ee gobolka Bari, ayaa la aaminsan yahay in shidaal kujiro, hase ahaatee, sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkadaha shisheeye iyo madaxda Puntland waxay arintu kala cadaan doontaa muddo 3 bilood gudahood ah, kadib marka Riiga wayn ee iminka halkaas ku sugan uu bilaabo qodista ceelka.

 

Dadwaynaha Puntland, ayaa aad u xiisaynaya in ay arkaan Puntland oo shidaal laga soo saaray, balse, dad badan ayaa waxay aaminsan yihiin Shirkadaha iminka hawsha wada ay yihiin kuwo nafac raadis ah oo mustaqbalka Dawladaha waawayn ay kula gorgortamaan dhaqaalaha ka gala ee aysan awood farsamo iyo mid dhaqaalaaba u lahayn Shidaal soo saaris rasmi ah.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wonder what will people be saying after a successful ceremony tom.? I know for one thing, all the anti-Puntland people will remain silent not out of lost words, but because of shock and disappointment. Guul and Gobonimo to all the reer Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxweynaha Puntland Oo Saaka U Amabaxay Dooxada Dharoor iyo (Warbixin)

 

Riig ay lee dahay shirkada african-oil oo maanta ka bilaabaya shidaal qodis dooxada dharoor

 

Boosaaaso (RBC) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa saaka umabaxay deeganka Dharoor oo u dhow magaalalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

 

Madaxweynaha oo ay la socdaan xubno ka tirsan golaha wasiirada dowladiisa ayaa maanta oo isiin ah xarig ka jari doona ceelal shidaal oo laga qodaayo dooxda dharoor.

 

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay bishan gudaheeda in ay bilaabanayso qodista ceelashii ugu horeeyay ee shidaal laga baaro Soomaaliya,isagoo tilmaamay in ay wax ka tari doontaa dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

 

Maamulka Puntland ayaa waday muddo labo sano ka badan siddii shidaal looga qodi lahaa dooxda dharoor iyagoona heshiis la galay Shirkadaha Africa Oil iyo Range Resources kuwaas wadajir uga baaraya shidaal goobihii horay loo sahmiyay ee lagu tuhunsanaa inuu shidaal ku jiro.

 

Madaxweyne Faroole ayaa rajo fiican ka muujiyay in shidaal laga helo Dooxda Daroor oo u dhow magaala ganacsiga Puntland ee Boosaaso, taas oo wax tar weyn u noqon doona ayuu yiri dhaqaalaha Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.

 

Madaxweynahu wuxuu sheegay in tallaabo horrumar leh oo uu maamulkiisa qaaday ay tahay qodista ceel shidaaladii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya in si rasmi ah maanta loo hirgaliyo.

 

Madaxweynaha Puntland wuxu kaloo sheegay shidalkaasi hadii la soo saaro in maamulkiisa ay wax weyn kaga qaban doonto horrumarka dhaqaale ee deegada Puntland sida Garoomada diyaaradaha iyo la sameeyo wadooyin cusub oo caalami ah.

 

Dooxada Dharoor waxa ay noqotay meeshii ugu horreysay ee laga baarayo shidaal dalka Soomaaliya.

 

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay dooxada daroor, oo ay booqanaayn masuuliyiin iyo hey’addo caalami ah, waxana tan iyo shaley ku qulqulaayay ciidamo badan.

 

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Range Resources ee laga leeyahay Australia ayaa heshiis lagashay Afrika Oil kuwaas oo hadda ku howlaan qodida ceel shidaalyo laga dhisaayo Dooxada Nugaal iyo Dharoor.

 

Sahaminta shidaalka deeganada Puntland waxa ay bilowdeen 2005, waxa si rasmi loo hirgaliyay oo heshiis lagalay shirkadaha hadda ka wada Puntland maamulkii ka horreeyay Faroole ee uu madaxweynaha ka ahaa Cadde Muuse, laakin waa u yaraa heshiiskaas wax ka hirgala.

 

Gobalada Nugaal iyo Barri waxa ay ka mid yihiin meelaha lagu tiriyo in shidaal ay ku jiraan dalka Soomaaliya.

 

RBC Radio

—————–

Xafiiska Wararka Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo xariga ka jaray ceelka shidaalka ee dooxada Dharoor

 

Mon, 16 Jan 2012 06:55:49 -0500 am -05:00 -18000

 

Dharoor,16 Jan -Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta xariga ka jaray ceelkii ugu horeeyay ee laga soo saarayo shidaalka Puntland (Shabeelle 1) ee dooxada Dharoor.

 

Munaasbad balaaran oo lagu qabtay Dooxada Dharoor ayaa waxaa ka qaybgalay wafdi uu hogaaminayo madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole ayna qayb ka yihiin wasiiro katirsan dowladda Puntland iyo madax katirsan shirkadda shidaalka Puntland baaraysa ee African Oil.

 

Madaxwaynaha Puntland oo hadal ka jeediyay xarig jarka ceelkii ugu horeeyay ee laga soo saarayo shidaalka Puntland Shabeelle 1 ee Dooxada Dharoor ayaa waxaa uu sheegay,shidaalka laga soo saarayo deegaanada Puntland inuu muhiimad gaar ahaaneed uu u xambaarsanyahay shacabka Puntland iyo guud ahaanba Soomaliya.

 

Madaxwaynaha waxaa uu sheegay dowladda Puntland hadii ay doonayso shidaalka inuu ku koobnaado ay markii hore ku dhawaaqi lahayd inay ka go'day Sooaamliya,balse waxaa uu yiri "dooni mayno inaan Soomaliya ka go'no, shidaalkana waxaa wax ku yeelan doono guud ahaanbaa dadka Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka xukuumadda Puntland Axmed Cumar Xirsi "LibaaxJoore" oo isagoo ku sugan Dooxada Dharoor waraysi siiyay Radio Daljir ayaa ku tilmaamay tilaabadan dhanka soo saarista shidaalka ee la qaaday,inay ahmiyad gaar ahaaneed u noqon doonto guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed.

 

Madax katirsan shirkadda African Oil ee la filayo inay soo saarto shidaalka,ayaa sheegay inay kusoo saari doonaan shidaalka mudo 3 bilood ama 90 cisho gudahood.

 

Munaasbaada xariga looga jarayay ceelka shidaalka Puntland ee Shabeelle 1 ee Dooxada Dharoor ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi.

 

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dharoor: Ceelkii ugu hereeyey ee Shidaal laga baarayo oo maanta xariga laga jaray

Updated:- 56 mins ago| 2 Commnets

 

Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayey ceelkii ugu horeeyey ee intii uu maamulka Puntland jirey shidaal laga baaro ayaa maanta ka dhacday dooxada Dharoor daanteeda soo xigta dhinaca gobolka Bari.

 

Munaasabadaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin dowlada Puntland ka tirsan oo uu horkacayey madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

 

Ceelkan oo loo bixiyey magaca ah (Shabelle-1) ayaa waxaa sidoo kale munaasabadii xariga looga jarayey kasoo qayb galay madax ka socotey shirkadda howlaha shidaal baarista Puntland ka wada ee African Oil.

 

Madaxweynaha Puntland oo isagu ceelkaas si rasmi ah xariga uga jaray ayaa sidoo kale intii ay munaasabadii furitaanku socotey sheegay in howlaha shidaal baaristu ay yihiin kuwo Puntland keliya aanay dani ugu jirin haseyeeshee hadii Puntland shidaal laga soo saaro ay taasi horumar iyo guul u tahay guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

 

Dr. Faroole ayaa sidoo kale sheegay in Puntland aysan si gaar ah isugu koobi doonin dhaqaalaha kasoo baxa hadiiba dhulkeeda shidaal laga soo saaro, isagoo intaas raaciyey in Puntland hadii ay dooneyso in dhaqaalaha shidaalku uu iyada ku koobnaado ay mar hore Soomaaliya inteeda kale ka go’i lahayd.

 

Baaritaanka shidaalka ee laga samaynayo ceelka (Shabeelle-1) ayaa qaadan doona mud 90-beri ku dhow sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda African Oil oo iyaguna munaasabadii uu madaxweynuhu ku furayey ka hadlay.

 

Goobta ceelka maanta qodaalkiisa la bilaabay uu ku yaalo waa halka lagu magacaabo (Quruurux-duble) oo qiyaastii dhowr iyo toban KM dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kob-dhexaad oo iyadu masaafo aan badnayn u jirta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Si kastaba ha ahaatee dadaalada shidaal baarista ee Puntland oo soo bilowday xiligii uu madaxweyne Maxamuud Muuse (Cadde) xilka hayey ayaa u muuqda kuwo dar dar xoogan ku socda, waxaana hadii ay Puntland shidaal yeelato ay taasi horseedeysaa inay ku talaabsato horumar dhan walba ah iyo koboc dhaqaale oo xoogan.

 

Codadka iyo Sawirada naga filo Saacadaha soo fool leh

 

 

 

Horseed Media

 

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this