Sign in to follow this  
walaalkis

umada ya qa qabto askarta dowladda KMG

Recommended Posts

Mudooyinkii dambe waxaa Magaalada Muqdosho ku soo badanayay is rasaaseyn u dhaxeysa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, taasi oo qasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka rayidka ah ee ay ku dhexdagaalamaan askarta dowladda KMG oo xiliga ay dagaalamayaan aan ku xisaabtamin halka ay ku wajahantahay rasaasta ay ridayaan.

 

 

 

Israsaaseynta maalmihii u dambeysay Xaafadaha Magaalada Muqdisho ku dhexmartay ciidamada dowladda ayaa waxbadan ka duwan israsaaseyntii horay u dhexmari jirtay ciidamada dowladda, waxaana askarta dowlada KMG haatan ay isu ugaarsadaan sida ciidan ka kala tirsa labo dowladood oo cadow ah, ama jabhad iyo ciidan dowladeed.

 

 

 

Waxyaabaha xiligaan salka u ah israsaaseynta dhexmarta ciidamada dowladda KMG ayaa waxaa ka mid ah in ay iska dishaan ama ay iskadhacaan hubka ay heystaan, waana mida sababtay in iska horimaadkii ugu horeeyay ee ciidamada dowladda uu ku dhexmaro fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho halkaasi oo 3 qof oo rayid ah ay ku geeriyootay 3 kalana ay ku dhaawantay iyada oo aan wax qasaare ah aysan is gaarsiin askartii dagaalantay.

 

 

 

Talaabada hubka ay isaga dhacayaan ciidamada dowladda ayaa kufaaftay xaafado kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo iska horimaad arintaasi salka ku hayay shalay uu ka dhacay Isgoyska KM4 ee Muqdisho halkaasi oo uu ku geeriyooday qof rayid ah haweeney kale oo goobta maqaaxi ku gadeysana ay ku dhaawacantay.

 

 

 

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa Shabelle u sheegay in qofka rayidka ah ee halkaasi ku dhintay markii rasaasta ay bilaabatay uu isku aadiyay ama uu isku duubay askari kale oo rasaasta loo waday taasina ay keentay in halkaasi uu ku nafbaxo qofkii rayidka ahaa iyadoo meydkiisu uu in mudo ah goobta yaalay mana jirto cid ilaa iyo hadda isweydiisay.

 

 

 

Wali xaajadu wey sii socotaa waxaana magaalada isku ugaarsanaya askarta dowladda oo xiligaan dagaalkoodu aad moodo in uu kusii faafayo xaafado kale oo magaalada Muqdisho kuyaala, iyadoo oo aan arintaasina wax talaabado ah aysan ka qaadin dowladda KMG.

 

 

 

Waxaa hubinti ah in isbitaalada Magaalada Muqdisho xiligaan ay jiifaan dad shacab ah oo ku dhaawacmay iska horimaadka magaalada Muqdisho kudhexmaray ciidamada dowladda kuwaasi oo ay ugu dambeeyeen kuwii ku dhaawacmay israsaaseyntii askarta dowladda ku dhexmartay degmada Hodon.

 

 

 

Israsaaseynta dhexmartay ciidamada dowladda KMG ayaa waxa ay saameyn kuyeelatay qoysaska danyarta ah ee kunool magaalada Muqdisho, iyadoo durba barakac ay bilaabeen qoysaskii ku noolaa guryaha cooshadaha ka sameysan ee kuyaala Fagaaraha Taratabuunka halkaasi oo ay ka taagantahay xiisada u dhaxeysa ciidamada dowladda.

 

 

 

 

 

 

 

Qasaaraha soo gaaraya dadka shacabka ah iyo israsaaseynta ciidamada dowladda ku dhexmarta Muqdisho, ayaa ah fariin soo noq noqotay oo dhiig xambaarsan oo kusocota Madaxda dowladda iyo qeybaha amaanka ee gobolka Banaadir, waxaana hadii aysan jawaab ka bixin ay keeni kartaa in Muqdisho looga cabsado loogana barakaco falalkaan ay isku dagaalayaan ciidamada dowladda KMG.

 

 

 

Ciidamada colaadu ay u dhaxeyso ee Muqdisho iska horimaadku uu ku dhexmaray ayaa waxaa ku jira ciidamo lagu soo tababaray wadamo dhowr ah oo dalka dibadiisa ah kuwaasi oo loo soo tababaray in ay ilaaliyaan amaanka dadka shacabka ah, balse xiligaan oo ay Muqdisho joogaan waxa ay ku dhexdagaalamayaan dadkii shacabka ahaa.

 

 

 

Waxaa jira dad su’aalo badan iska weydiinaya sababta qeybaha amaanka ee dowladda KMG ay wax uga qaban la’yihiin is ugaarsiga haatan ka soo dhex cusboonaaday askarta dowladda iyo dhiiga maalin kasta ay ka daadinayaan dadka shacabka ah ee loogu talagalay in ay amaankooda sugaan.

askar isku sheega ee ka socdo kmg waa ex moryaan la isku keeney walee. maxey nabad dhaliyaan ayagaba laga joogi la yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;774811 wrote:
not funny but loool

from ex moryaan to legal moryaans. This whole TFG is a joke. They give press conferences and none stop travelling while their dogs

leave the cage to attack innocent folks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

what's more pathetic is when you visit sites like http://radiomuqdisho.net/ , suppose to be knowledgeable news website but it's pro moryaans.

never have they said anything that weak goverment is doing wrong. They can talk about shabab slaughtering people when they are doing pretty much the same number of killing per week.

 

I guess this is what truly means a fail state...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ethiopia is waving wars on one side, Kenya is coming from one side. It's a too funny. All these African nations who came to our aid, are rising which one will be our leader. Who will rule over us.

 

The real deal is, Somali people are deep trouble. Ilaah u maqan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this