Sign in to follow this  
Gheelle.T

Caleema Saarka BAASHE Cabdullahi Maxamud Aw-Cusman

Recommended Posts

"Boqorku waa Jibraahiil, Anna Baashigaan ahay" Xaaji Cabdirahman Cali Mjten.

 

GAROWE ONLINE

 

Xarunta Jaamacada PSU ee magaalada Garowe ayaa maanta 12 Jan, 2011 waxa ka dhacdey munaasabad lagu caleema saarayey isinka beesha Reer Cumar Baashe Cabdilaahi Maxamud Ow-Cismaan ,waxana caleemasaarka ka qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ka tirsan xukumada ,mudanayasha Barlamanka qaar ,isimada Puntland, aqonyahano,abwaano iyo marti sharaf kale oo lagu casemey madasha oo bulshada rayidka ah ka socotey.

 

jh_1.jpg

 

Caleemasaarka Baashe Cabdilaahi Maxamuud Ow-Cismaan waxaa khudbado ka jeediayay masuulyiin kala duwan oo munaasabada ka qayb galay, waxaana khudbadaahaasi ka mid ahaa gabayo iyo buraanbur ay soo jeediyeen abwaano dhankooda ka qaybgalay caleemasaarka .

 

Wasiirka maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa madasha ka soo jeediyay taariikh nololeedka Baasha Cabdilaahi Maxamuud Ow-Cismaan , waxana uu ku darey Gaashaan in isimka muddo dhan 49 sanno ay saaxiib ahaayeen soona wada shaqeeyeen.

y.JPG

madx.JPG

 

More pics: http://horseedmedia.net/2012/01/13/baashiga-beesha-reer-cumar-oo-garoowe-lagu-caleema-saaray-codadsawiro/

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Munaasabad_ka_dhacdey_Garowe.shtml

 

Congrats to the new Baasha, Cabdullahi Maxamud Aw- Cusman and the rest of the family he will lead. He is a great man and yield greater influence in that mandaqad. Allow la garab gal xilka uu qabtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha ku xigeenka puntland oo maanta ka qayb galay caleemo saarka isim ay yeelanayaan *********.

 

jaamacada psu ee magaalada garowe caasumada puntland waxaa ka dhacday munaasabad caleema saarka isim ay yeeshaan beesha ***** baashe c/laahi maxamuud ow-Cismaan waxaana caleemasaarka ka qayb galay madaxweynaha dowlada puntland c/samad cali shire golaha xukuumada iyo golaha baarlamaanka ,ismimo puntland ,Aqoonyahano , abwaano iyo ururada bulshada .

 

Caleemasaarka isimka baashe c/laahi maxamuud ow cismaan waxaa khudmado ka jeediayay masuulyiin kala duwan oo munaasabada lka qayb galay waxaana khudbadaahaasi Ka mid ahaa gabayo iyo buraan bur ay soo jeediyeen abwaaniin ka qaybgalay caleemasaarka .

 

Wasiirka maamul wanaaga puntland max,ed faarax ciise gashaan ayaa madsaha ka soo jeediyay taariikh nololeedkii baasha c/laahi maxamuud ow cismaan waxana uu sheegay gaashaan in isimka xili hore ay saaxiib ahaayeen soona wada shaqeeyaan isagoo sheegay in uu bartay baashiga 49sano ka hor iskuna barteen dugsiga ganacsiga oo ku yaalay Xamar jajab waqtigii danaban waxaa aaday dalka talyaaniga halkaasi oo mudo wax ku baranyay max,ed faarax ciise gaashaan ayaa intaasi ku daray in baashiga markii wax Barshada dhameeyay uu kashaqeeyo shirkado ganacsi .

 

Gashaan ayaa sheegay inuu c/laahi maxmuud uu yahay nin fur furan xilka loo dooraty ee isimkana waxa bdan ka qaban karo waxaana uu rajeeyay unuu ilaah u fududeeyay xilka loo doortay .

 

Islaan ciise islaan max,ed oo ka socday dhanka isimada puntland oo khudbad ka soo jeediyay munaasabada ayaa u mahadceliyay isimka la caleema saaray waxaana uu sheegay in looga baahn yahay isimka inuu si dhex dhexdaad uga qayb qaato howlaha mar walbba hor imaan kara iyo ka shaqeynta wadad wanaagsan sidoo kale waxaa u mahadceliayy beeshii isimka soo dooratay baashe c/laahi maxmuud ow- cismaan oo ahaa isimkii ay doorteen beesha ****** ayaa isna hadal kooban uu ka jeediyay ayaa sheegay in inuu noqon doono isim dhex -Dhexad u ah dadka soomaliyeed mar kastana ka qayb qaafdanayo isu keenida walalaha soomaliyeed ee mar -mar qaarkood ka dhexdhacaan colaadaha isgaoo u duceeyay dhamaan dadkii ka qayb galay caleema saarkiisa .

 

Madaxweyne ku xigeenka dowlada puntland c/samad cali shire oo soo xiray caleemasaarka waxaa uu sheegay inuu baashigaani in aysan lahayn beesha reer cumar balse uu ka mid noqday isimada puntland c/samad cali shire ayaa intaasi ku daray in dowlada ahaan ay soo dhaweynayaan caleema saarka baashiga c/laahi maxamuud ow cismaan oo yeelan doonaan beesha ******* ilaahan waxaa ugu baryay inuu ku guuleysato holwasha balaaran ee horyaala isimka .

 

Si kastabn ahaatee dhawaan ayaa la filayaa inuu dhaco caano shubka isimka beesha reer cumar ee maanta la caleemo saary waxaana ay ka dhaceysaa duleedka magaalada garowe ee caasumada puntland .

 

Waayaha.net-Garowe

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

 

DSC01469.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maa'shallaah wish the Baashe all the best and hope that he joins the family of Issimo to serve his people to the best of his ability. May he become the one that unites his people in the Nugaal, Puntland, Somalia and beyond.

 

Boqorku waa Jabrahiil anna Baashigan ahay memorable words by Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-Khayre Xaaji Cali Mjten!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masha Allah. I am happy that one of the oldest titles of Somalia has been at last filled. I congratulate the Diaspora for the handwork and for uniting the community. Congratulations to the new Bashe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

LST, Xiin, and General Duke should I change my SOL handle in light of this coronation? :) War LST awoowe bal ka tali :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mid ka mid ah ardaayada Puntland oo Issim cusub ku caleemasaaray Garowe.

 

Fri, 13 Jan 2012

 

zBaasheCllahi.jpg

 

Garowe, Jan 13 - Mid ka mid ah ardaayada Puntland ayaa Issim cusub ku caleemasaaray caasimada Puntland ee Garowe.

 

Issimka cusub oo lagu magacaabo Baashe C/llahi Maxamuud Aw-Cismaan ayaa waxaa caleemsaaray beesha reer Cumar oo ka mid ah ardaayada Puntland.

 

Xaflada caleemasaarka ayaa waxaa ka qayb galay madaxda golayaasha dawlada Puntland, Issimo, nabadoono, urarada bulshada, iyo marti sharaf kale.

 

M/weyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire oo ka qayb galay xaflada caleemasaarka ayaa bogaadiyey caleemasaarka Baashe C/llahi oo uu sheegay in ay Puntland soo dhawaynayso, aqbashayna Baashiga cusub. Gen. Shire ayaa u rajeeyey Baashiga cusub in Eebe hawshiisa u fudueeyo, uuna ku guulaysto.

 

Afhayeenka baarlamaanka Puntland C/rashiid M. Xirsi oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo caleemasaarka Baashiga, uuna ku rajo weyn yahay in uu noqdo mid laga faa'iido, bulshaduna ka manaafacaado.

 

Baashe C/llahi Maxamuud Aw-Cismaan oo khudbad kooban ka jeediyey munaasabada caleemasaarka ayaa sheegay in uu guud ahaan yahay Issim Somaliyeed, gaar ahaan mid Puntland oo dhexdhexaad ah, kana duulaya aayadda qur'aanka ah ee faraysa in la isugu gargaaro xaqqa, la iskana ilaaliyo xaq darrida.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Baashi.

 

Baashi, awoowe I was privy to the historical singificance of your handle, hence my usual "Garaad Baashi" tease at your expense. :D :D :D

 

Well done to the people of Nugaal and Puntland as a whole. This was a well organized event. I am sure the new Baashe's leadership will have a positive impact on the state and its people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this